Sign in to follow this  
Suldaanka

Awdal: A hero's welcome for MP Ikran

Recommended Posts

Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Boorama

 

Report from Lughaya.com

 

Xubin Ka Tirsan Golaha Wakiilada Ee Dalka Ayaa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Boorama

 

Boorama-(Lug)-Waxaa maanta magaalada Boorama si diiran loogu soo dhaweeyey xildhibaan Ikraan X. Daud Warsame oo ka tirsan golaha wakiilada ee Somaliland kadib markii ay ka soo laabatay socdaal ay ugu maqnayd dalka Maraykanka iyada oo soo booqatay gobolada Chicago, Ohio, Washington iyo Minneapolis waxaanay mudadii ay halkaa joogtay kulamo iyo shirar kala duwan la yeelatay madax ka tirsan waxaanay uga warantay xaalada iyo waayaha uu ku jiro dalkani.

23sawir.JPG

 

Dadwaynahii Ikraan soo dhaweeyey oo watay calamaan iyo caleemo qoyan iyo baabuur aad u tiro badan waxay kaga hortageen meel koonfur ka xigta magaalada Boorama 10 kiiloo miter iyagoo waliba ku dhawaaqayay erayo muujinaya kusoo dhawaw gobolkaagii iyo magaaladaadii.

 

Soo dhawayntii ka dib waxa ay dadwaynihii soo dhawaynayay isugu tageen Hotel Rays iyagoo dadwaynahaasi soo dhawaynayay ay isugu jireen haween, culumaa’udiin dhalinyaro rag iyo dumarba leh iyo odayaal ka tirsan deegaanka Boorama, waxaa halkaa laga soo jeediyay khudbado iyo gabayo kala duwan oo ka turjumayay wadaniyadu waxay tahay waxaana halkaasi ugu horayntii ka hadlay Ibraahim Magan Nuur oo ka mid ah odayaasha reer Boorama isla markaasna ka mid ahaa maayaradii soo maray Boorama wxuuna sheegay in Ikraan ay tahay qof muwaadin ah oo waxwayn kasoo qabtay dhinaca wax u qabashada bulshadeeda had iyo jeerna danteeda ka hor Marisa danta guud isagoo ugu baaqay dadwaynaha reer Boorama inay Ikraan ay garab ku siiyaan hawl kasta oo ay doonayso inaan wax kala qabano.

 

23sawira.JPG

 

Waxaa iyadna halkaa ka hadashay Ikraan X. Daud Warsame waxaanay dadwaynahii soo dhawaynayay ay uga warantay meelihii ay soo martay iyo qaabkii loosoo dhaweeyey iyo iyadoo ku dadaalaysay in dad badan oo aan garanaynin Somaliland ay isku dayaysay siday uga dhaadhicin lahayd iyadoo khudbadeeda ku xustay inay martiqaad u fidisay qaar ka mida xildhibaanadiii dalalka kale ka yimid ee ay ku kulmeen Maraykanka, Ikraan oo sii hadlaysaa waxay tidhi “ waxaan aad uga xumahay fariimo badan ayaan u siday maamulka gobolka iyo degmadaba balse waxaan ka xumahay inaay ii muuqanin ama aanan ka dhex arkaynba maayarkii iyo badhasaabkii oo ay fiicnayd inay goobta joogaan oo aan fariinta gaadhsiiyo bulshadii oo joogta iyadoo farta dhexda ka qaniinsan waxay ku calaacashay waxaan fariimaha aan sido imikaba aan ku wareejinayaa dadwaynaha maadaama ay wada joogaan iyadoo aad ugu dheeraatay in waxbadan kasoo hadashay isla markaana ka soo dhaadhicisay dadkii Maraykanka ahaa ee ay ka timid sidii aqoonsi loo siin lahaa dalkan jamhuuriyada Somaliland.

 

 

Abubakar Hassan Afi

Borama LughayaNews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Report from Awdalnews.com

 

Soo dhaweyn fiican oo dumarka Boorama u sameeyeen Xildhibaanad Ikraan X. Daauud

 

Hashim Goth ANN=

 

BOORAMA, 3 April 2006--Haween weynaha ku nool Magaalada Boorama ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyay Maanta Subaxnimadii, Xildhibaanad Ikraan X.Daauud Warsame.

 

Ururka Haweenka ee Midnimo ayaa xaflad ugu qabtay Xildhibaan Ikraan iyo Waxgaradka kale ee reer Awdal oo ay ku jiraan ururada kale ee Haweenka G/Awdal.

 

Waxa ugu horrayn ka hadlay xafladaas Ibraahim Magan Nuur oo hore u ahaan jiray Maayarka Degmada Boorama, wuxu u mahadnaqay ugu horrayn cidda soo abaabushay xafladda, waxa kale oo uu ammaanay safarka Ikraan ugu baxday Maraykan, safarkaas oo ah buu yidhi mid magac u soo jiiday Soomaaliland gaar ahaan Awdal oo ah meeshii laga doortay Ikraan Xaaji, waxaanan u bixiyay ayuu yidhi gabadhaas “Magac-keenâ€.

 

Magan wuxuu intaas ku daray in soo bixitaanka Ikraan u soo baxday Baarlamaanka ay tusaale u tahay Xadaaradii iyo ilbaxnimadii uu lahaa dadka reer Awdal, xadaaradaas oo ah buu yidhi mid soo jireen ahayd, imikana looga sheekeeyo sidii Giriigii ilbaxnimadiisii.

 

Isaga oo amaanaya Haweenka reer Awdal wuxu yidhi Magan, haddaad tihiin haweenkii Awdal waxaad iska dhaafteen oo aad ka korteen XANTII taas ayaana keentay in aad soo saartaan Xildhibaan Ikraan, Raguse wali wuu is xamanayaa ma hebel oo reer hebela ayaan dooranaynaa iyo wax la mid ah ayay ku habsaameen, ee waa in aad dadaalka halkaas ka sii wadaan tartanada dambe waad ka badan doontaane.

 

Xidhibaanad Ikraan ayaa ka dib jeedisay warbixin dheer oo ay kaga waramaysay safarkeedii ay ku tegtay Maraykan iyo wixii ay kala soo kulantay, waxay sheegtay in safarkeedu aanu ahayn mid shaqsi isla markaana aanu ahayn mid xisbi balse uu ahaa mid Qaran, oo lagu casuumay magaca Soomaaliland iyo ka Baarlamaanka ee ay ka tahay xubinta .

 

Waxay intaas ku dartay in ay u soo warantay shirgudoonkii, madaxweynahana ay la kulmi doonto marka uu soo noqdo, waxaanan u wadaa ayay tidhi Fariimo ay iigu soo dhiibeen madaxdii aan la kulmay, waxa ay sheegtay in ay soo casuuntay 6 xubnood oo ay ku kulmeen shirkii lagu casuumay 8mars oo ka socday lix dal oo Afrika ah, qolyaas oo aan ka dhaadhiciyay ayay tidhi qadiyada Soomaaliland.

 

Haweenka madasha fadhiyay waxay ugu bishaaraysay in ay u wado Balamo wax qabad iyo xidhiidho caalami ah oo ay la yeelan doonaan, haweenka kale ee Dunida Horumaray, kuwaas oo inaga caawin doona dhinacyo badan ayay tidhi Ikraan, waxay intaas raacisay in guud ahaan haweenka Soomalland ay gaadhayso wixii wax qabad ahi, balse aanay Gobol iyo ururo gaar ah wax u qabanayn.

 

Gobolada Dalka Soomaaliland waan wada mari doonaa ayay tidhi Ikraan wixii aan la soo kulmayna waan u wada bandhigi doonaa insha alaah. Waxay aad uga mahad celisay Jaaliyadaha ku dhaqan Magaalooyinka Maraykanka intii ay martay oo dhan iyo intii ay fursad u wayday, waxa la ii soo dhaweeyay ayay tidhi Ikraan si Wadaninimo leh,oo aan ahayn Qolo, Xisbi iyo dangaara, mana ilaabi doono Bulshadeenii aan halkaas kula kulmay iyo kuwii aan khadka Telefoonka kula hadlayba .

 

Waxaan ka soo balan qaaday in aan xidhiidhka Jaaliyadeena iyo gudahaba isku xidhnaano, oo ah gobol walba reer Awdal wixii ay idiinla diyaar yihiin waa in aad sidii aad uga faaiidaysan lahaydeen aad falawgeed qabataan ayay tidhi Ikraan, gobolada kalana waa sidoo kale.

 

Waxa isna ka hadlay Ibraahim Aaden Qaalib oo ah Xildhibaan Suge xisbiga Kulmiye ah, isla markaana ah Aqoon yahan isku taxalujiya dhismaha Bulshada Rayidka ah.

 

Qaalib wuxuu aad uga hadlay sida loogu baahan yahay in kor loo qaado wacyiga siyaasadeed ee Bulshada rayidka ah, taas oo ah buu yidhi dadka wax doorta, iyaga ayaana ka muhiimsan dadka la doorto, qofka wax doortay maaha in uu ka hadho cidii uu doortay ee waa in uu daba joogaa, mee imika Xildhibaanadii deegaanka ee aan dooranay ? yaa la xisaabtamaya ? Saw maaha in la helo cid la xisaabtanta oo ina matsha? dee markaa waa in aan samaysanaa Ururo Bulsho oo Rayid ah, sida ururada Baabuurleyda, Beeralayda, Xooladhaqatada.

 

Bulshada Haweenkana waa in loo ogolaadaa ayuu yidhi Mr,Qaalib kaalinta Siyaasadeed ee Dalka, Dastuurka Soomaaliland uu qorayaa, ilaa 1960 kii dumarkeenu doorashada way gali jireen, laakiin Ikraan waa haweenaydii u horaysay ee cod ku soo baxda .

 

Dadaalka badiya haweenaw kaalintiinana buuxiya, Islaamnimada iyo Dhaqankeenii Soomaaliyeedna ha ka tegina ee dhawra ayaan idin odhanayaa ayuu ku soo ajaray hadalkiisii Ibrahim Aaden.

 

Gudoomiyaha Shirkada SHABA Maxamed Nuur Faahiye ayaa isna ereyo soo dhaweyn iyo mahadnaq iskugu jira ka jeediyay wuxuna yidhi Ragu wuxuu ku maahmaahaa" Dumar Beena ku soo xero geli Runa ku dhaq " ana waxaan leehay Ikraaneey wixii hore dhamaa ee Waxqabadka gobolkii ku doortay iyo Soomalilandba ogow.

 

Intaas ka dib waxa gabayo ka tiriyay madasha Abwaan Maxamed Dheere, waxa iyadna Buraanbur iyo duco ka jeedisay Sacaada Cadamiyo oo ka mid ah dumarka aad looga yaqaan Soomaaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

very nice walle. I think young girls before they reach puberty age should be encouraged to wear traditional Somali outfits like this young girl. It is just so refreshing and shows we have "hide iyo dhaqan" fiican.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ what kind of hido iyo daqan, that so-called tradinational only covers half their body .. the tradinational hijaab is what we need. ur modesty before ur tradition, ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

^sick !, and what wakes one´s animalia intrest in that child´s bare shoulders?

 

she is not an Arab you know.

 

Praise the mother that dressed that young girl,

she makes me and millions of Somalis proud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

JB: why even twist the whole thing. if u call that dress somali Culture then should grown women also wear tpo preserve the culture, i seen them wear it in so-called Somali Cultural awaraness gatherings.

 

Islam says we should encrouge young gals to start dressing modestly at a young age. and remmeber what you encrouge at a young age will be fostered as the norm at an older age ... why bring Arabs into it .. did i mention anything about Arabs or is that simply ur 1st defence.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

^Sorry YU, you sounded as if u were against the lil girl beeing dressed as such.

U know we´ve to sift the Arabic culture/traditions from the faith( religion) and preserve our cultural/traditional identity. you sounded as if u wiped that Somali identity in the name of "modesty" .

 

 

HA, the reason that good Somali name is rotting is becouse it comprises indivituals of your clibre that swarm over it. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khalaf   

^Sorry YU, you sounded as if u were against the lil girl beeing dressed as such.

U know we´ve to sift the Arabic culture/traditions from the faith( religion) and preserve our cultural/traditional identity. you sounded as if u wiped that Somali identity in the name of "modesty" .

 

Brother, what good is our identity as somali without Islam? If our "traditions" as somalis contradict Islam then they most be abandoned end of story. Peace

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Islam says we should encrouge young gals to start dressing modestly at a young age. and remmeber what you encrouge at a young age will be fostered as the norm at an older age ... why bring Arabs into it .. did i mention anything about Arabs or is that simply ur 1st defence"

 

Correct me if I am wrong, but young Somali girls of today wear the same cloths as their western gaalo counterparts - perhaps a little bit more modest. So, if that is the case, I don't know why you think that "hide iyo dhaqan" would help create a culture of not being modest later on in their lives.

 

Besides sxb, our "hide iyo dhaqan" comes with a set of strong "modesty codes" attached to it. Being "modest" and "shy" is the central pillar of our culture as far as girls is concerned.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this