Sign in to follow this  
Cowke

Odweyne Diaspora Give Their Full Support To Rayale

Recommended Posts

Cowke   

udub1.JPG

 

udub2.JPG

 

udub4.JPG

 

udub5.JPG

 

udub7.JPG

 

udub9.JPG

 

udub10.JPG

Qurba jooga 18'ka Ardaa Ee deleted Oo Taageeray Xukumada Madaxweyne Rayaale Iyo Xisbiga UDUB

 

Wednesday, 07 October 2009

 

Doha (Somalilandnation)-Anagoo ah dhamaan Odayaasha iyo Aqoonyahanada beesha deleted ee ku dhaqan dalka Qatar kana kooban 18 ardaa ee reerka waxaanu ugu horayn idiin soo qadimaynaa taageeradayada ku wajahan heshiiskii 6 qodob ee ahaa mid shaafiya oo qanciya dhinacyadii is khilaafsanaa,Sidaasna ay ku damtay xiisadii oognayd dhamaadkii bishii aynu soo dhaafnay.

 

Waxa intaas noo raaca nuxur ka soo baxay shir aanu yeelanay kuna gorfaynay xaalada reerka. Beeshu waxay ku abtirsataa xisbiga UDUB xisbigaasoo aanu qiimaynay faa’iidada uu u leeyahay masiirka beesha iyo Qarankaba. Markii aanu lafa gurney arimo badan waxaanu talo usoo jeedinaynaa walaalahayaga aanu haybta wadaagno in ay xoojiyaan xisbiga aynu isku raacnay oo ay taageero Af iyo Adin ba ah siiyaan xisbiga UDUB kaas oo ah xisbi dan weyni ugu jirto beesha oo dhan iyo Xukumada Daahir Rayaale Kaahin oo ah xukumad tayo leh.

 

Waxa iyana jirta in ay dhawr jeer beenawday kutidhi kuteen odhanaya khilaaf baa soo kala dhex galay Wasiir Cawil iyo Rayaale si aanu u xaqiijino arintan oo shalayna lasoo qoray ayaanu su’aal ka waydiinay Gudoomiyaa UDUB ee Qatar Sanwaa cumar Yare oo nooga faradhuudhuuban xogta dawlada iyo xisbigaba waxanuu noogu jawaabay hadalkan “ADEER WAA DACAAYADA SIYAASIYIINTA DAALAA DHACAYAA KU HADAAQAANE WAXBA KAMA JIRAAN OO WUU BEENIYAY WASIIR CAWIL”.

 

Hadaba waxa naga dardaarana waar wax aan jirin yaan la sheegin oon layska been abuurin nabadana halaga wada shaqeeyo. Magacyada Odayaasha iyo Aqoonyahanka Deleted ee soo qoray maqaalkan:

1. SHEEKHAL SOMAL: SHEEKH MOOGE.

2. MAXAMED AXMED (HAMASHARI).

3. MAXAMED CALI DIIRIYE (GEEL MA GAADH).

4. YUUSUF XAASHI.

5. BIIXI MAXAMED SHABEEL.

6. MAXAMED JAAMAC.

7. CLAAHI XASAN FURE.

8. MUBAARIK MAXAMED SICIID.

9. MAXAMED CABDI YUUSUF.

10. FAARAX FADUUL.

11. MAXAMED MUUSE CAYNAANSHE (BAROON).

12. YUUSUF XASAN NUUR.

13. AXMED BARE.

14. CABDI CALI.

15. JAAMAC MAXAMUUD (JAAMAC YARE).

16. XUSEEN NUUX.

17. MAXAMED NUUX.

18. CISMAAN MAXAMED NUUX (HEERYO).

19. CABDI YUUSUF AXMED (CABDI CAATO).

20. FAARAX IBRAAHIN XIRSI.

21. DEEQ CABAASE.

22. AXMED IBRAAHIN.

23. C/RAXMAAN XASAN CLAAHI (DHAKA FAAR).

24. MAXAMED AXMED YUUSUF.

25. CALI MAXAMED AYAX.

26. CABDI X XASAN (CUTAYBI).

 

WASALAAMU CALYKUM WA RAXMATU LAAHI WA BARAKAATU

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   
Mr. Oodweyne, I feel sorry for you that these folks made the press release without your consent. Shit happens, just learn some ways to live with it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this