Sign in to follow this  
MoonLight1

SH.Yusuf AlQardaawi calls for end of WAR.

Recommended Posts

Hay'adda Culumada oo dowladda iyo kooxaha kahorjeeda ugu baaqday inay dagaalaka joojiyaan oo ay wada hadlaan.

 

 

Guddoomiyaha hay'adda Culumada Islaamka Sh. Yuusuf Al-Qardaawi ayaa ugu baaqay dowladda Somalia iyo xoogagga dagaalka kula jira inay dagaalka joojiyaan.

 

Al-Qardaawi ayaa sheegay inaan loo baahneyn dagaal u dhexeeya dad muslimiin ah islamarkaana dagaalka hadda Muqdisho ka soconaya uu yahay mid aan banaaneyn.

 

Wuxuu sheegay inay dhexdhexaadinayaan dowladda iyo kooxaha dagaalka kula jira, isgaoona shaaca ka qaaday inay dadaal badan ku bixin doonaan arrintaas.

 

"Si dagaalka loo joojiyo waa inay wada hadlaan labada dhinac, dowladda iyo kooxaha ka horjeeda" ayuu yiri Sh. Yuusuf Al-Qardaawi.

 

Wuxuu shiikhu sheegay in dadka Soomaalida ah ay dhamaantood yihiin dad islaam ah oo heysta mad habta Shaaficiyada.

 

Hadalka Guddoomiyaha hay'adda Culumada Islaamka ayaa imaanaya xilli ay dagaallo qaraar oo u dhexeeya dowladda iyo kooxaha kahorjeeda ka soconayaan magaalada Muqdisho.

 

 

http://boondheere.co m/index.php?news=132 8

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabelle.net

 

Sheekh Yuusuf Al Qardaawi Gudoomiyaha midowga Culumada Islaamka ayaa ugu baaqay dhinacyada Soomaalida ee isku heeysta siyaasadda Soomaaliya in ay joojiyaan dhiiga daadanaya islamarkaana ay wadahadlaan.

 

 

 

Gudoomiyaha midowga Culumada Islaamka Sheekh Yuusuf Al Qardaawi ayaa ugu baaqay dhinacyada Soomaalida in ay wadahadlaan oo miiska wadaxaajoodka ay wada fadhiistaan,isagoo farta ku fiiqay in ka shaqsi ahaan uu diyaar u yahay in dhex dhexaadin uu ka galo arinta Soomaaliya.

 

 

 

Waxaa uu sidoo kale sheegay in midowga Caalamiga ee culimada islaamka ay diyaar u yihiin in la wado Musaalixada iyo dib u heshiisiinta kooxda isku haya Soomaaliya,waxaana uu tilmaamay in dhamaan dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad muslimiin ah dhamaantoodna heysta mad habta shaaficiyada.

 

 

 

Dr Yuusuf Al Qardaawi waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya uu galay mixnad marka laga hadlayo dhinaca dhibaatada dunida Afaraad oo xitaa dhaafsiiyay dunida sedaxaad.

 

 

 

“Waxaa ay Soomaalidu dhibaato ba’an ku qabeen waxyaabihii ay ka dhaxleen madaxdii kalikiis taliska aha oo markii ay iyagu tageen ay wadankii uga tageen kuwo dhiiga ka ganacsatada kuwaasoo iyana hardan ay hogaaminayeen dad shisheeye ay gudaha Soomaaliya mudo dheer uga jireen”ayuu yiri Al Qardaawi.

 

 

 

Sheekh Yuusuf Al Qardaawi waxaa uu sheegay in markii la doortay xukuumadda cusub iyo madaxweynaheeda cusub iyagu ay ku farxaeen,soona dhaweeyeen islamarkaana ay yiraahdeen Al Xamdulilaahi, maadaama maxkamadaihii islaamiga uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed markii loo dhiibay xilkaasi iyaguna ay si weyn u soo dhaweeyeen uguna baaqeen in gacmo furan lagu soo dhaweeyo oo la wada xaajoodo.

 

 

 

Waxaa uu shaaca ka qaday buu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed in uu dhaqan galinayo Shareecada Islaama laakiinse walaalo kale ayaa waxa ay wali ku adkaysanayaan sii wadadi dagaalada kuwaasi oo uu sheegay in dadka nolashooda iyo hantidooda ay galaafanayso.

 

 

 

Waxaa u ugu yeeray dhinaca Xisbul Islaam iyo Al Shabaab in ay yimaadaan wadaxaajoodka isagoo dhanka kalena dowladda ugu Baaqay in iyana ay la hadasho dhinacyada ka soo horjeeda.

 

 

 

Waxaa uu soo qaatay Axaadiis iyo Aayado Qur’aan oo dhamaantood ka hadlaya xaaraanimada in dad muslimiin ah dhexdooda ay ka dagaalamaan.

 

 

 

Sheekh Yuusuf Al Qardaawi ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed uu ugu baaqayo in ay wadahadlaan oo ay joojiyaan dhiiga dhexdooda ah oo ay iska daadinayaan taasoo uu sheegay in qur’aanka iyo Nabi Muxamed (NNKH) dhamaantoodba ay ka digeen in la kala qoqobnaado oo muslimiintu ay isdilaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this