Sign in to follow this  
Cowke

Egypt Laughs At Somaliland Secessionism

Recommended Posts

Cowke   

Safiirka Masar ee Soomaaliya oo Hargeysa ka sheegay in Somaliland tahay gobol ka mid ah Soomaaliya

 

December 6th, 2009 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Safiirka dawladda Masar u fadhiya Soomaaliya Mr. Siciid Maxamed Al-misri, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Masaaridu ay ku dhegen tahay midnimadda Somaliya oo aanay shacabka Somaliya u kala saarayn waxa uu ugu yeedhay Koonfur iyo Waqooyi, isaga oo si kulul uga gubtay su’aalo suxufiyiintu waydiiyeen oo la xidhiidhay qadiyadda madaxbannaanida Somaliland.

 

Safiirka oo booqasho ku jooga Somaliland oo xalay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa ugu waramay suxufiyiin ka socday wargeysyadda Jamhuuriya, Haatuf iyo Geeska Afrika, waxaa uu si badheedh ah kibir badani ka muuqdo u qirtay in dawladda Masar ay ku shaqaynayso midnimadda Somaliya, islamarakana uu haatan booqasho ku joogo dhul ka mid ah dalka Somaliya.

 

Safiirka oo ugu horayn ka warbixiyey ujeedadda socdaalkiisa uu ku yimi Somaliland, waxa uu yidhi; “Safarkaygani wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyey ee safiir Masri ahi uu ku soo booqdo Somaliland, fursadana waxaan uga faa’iideysanayaa inaan ku tilmaamo farxadeyda inaan soo booqdo halkan anigoo ah safiirka Masar u qaabilsan Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaan booqday Muqdisho, Baydhabo iyo Puntland, waxaanay ila noqotay inaan imaado halkan oo aanan hore u iman, hadafkayga koowaad ee aan halkan u imidna waxa ugu muhiimsan inaan Somaliland oo aanan hore u iman booqasho ku imaado, jaaliyadda reer Masar ee halkan joogta iyo inaan la kulmo masuuliyiinta Somaliland.

 

Waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo ina macallimiinta reer Masar ee Somaliland wax ka dhigtaa aanay ahayn kuwo soo dirtay Jaamacadda Carabtu ee ay yihiin deeq ka timi Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Masar.”

 

Intaa ka dib waxay weriyaayaashu ku weydiiyeen su’aalo la xidhiidha qadiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo siyaasadda cadawtinimada leh ee dawladda Masar ku la dhaqanto, su’aalahaasi oo safiirku xoog uga cadhooday, islamarkaana uu badankooda aanu uga jawaabin si haboon.

 

Su’aal: Somaliland ma waxaad u timi adoo u haysta inay Gobol Soomaaliya ka mid ah, mise wax kale?

 

Jawaab: Masar waxay shacabka Soomaaliyeed ula dhaqmaan sidii shacab keliya, umana kala saaraan Soomaalida waqooyi iyo Soomaaliyada koonfureed, taasina waa dhab.

 

Waxa laga yaabaa hadalkaygaas inaannu ahayn hadal aragti ah, magacyada lala baxayna marka laga joogsado dhinaca walaaltinimada maaha aasaaska iyo seeska, waxaan ku odhan lahaa anigu waxaan ahay safiirkii Masar ee Soomaaliya, waxaanan la kulmayaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya kay doonaan ha ahaadaan koonfur amma waqooyi.

 

S: Shacabka Somaliland wuxuu khaati ka joogaa siyaasadda Masar ee hortaagan goonni-isu-taaggooda maxaad ka leedahay arrintaas?

 

J: Maaha inaynu ku noqnoqono su’aalo aan muhiim ahayn, waxaan mar labaad kuugu celinayaa inaan anigu ahay safiirka Soomaalida oo dhan, iyaga oo aan la kala qaadin koonfur iyo waqooyi. Xidhiidhka Soomaalida iyo Masarna waxay lahaayeen xidhiidh dheer, Somaliland iyo Puntland waxay u yaqaanaan dhulkii udugga

 

Waxaan intaa kuugu darayaa anigu ma ahi safiir dawladda ajnebi ah ee waxaan ahay safiir dawlad aad walaalo tihiin, su’aashaa aad i weydiisay waxay ku qurux badnayd in la waydiiyo dawlad shisheeye ah.

 

S: su’aasha aasaasiga ah ee aanu kaa doonaynaa waa inaad caddayso mawqifka Masar ee ku waajahan Somaliland?

 

J: anigu umaan iman inaan caddeeyo mawqifka dawladda Masar ee Somaliland, waxaanse u imi inaan caddeeyo xidhiidhka iskaashi, sheeko kale ayaad ila gasheen, waxaad I weydiisay su’aal aan muhiim ahayn, su’aasha aad iwaydiisayna ma waafasana xeerarka saxaafadda. (inta uu safiirku cadhooday ayuu miiska ka kacay, balse wada hadal ka dib, waxay suxufiyiintu ku qanciyeen inuu fadhiisto oo uu waraysiga dhamaystiro.)

 

S: Tan iyo 2001-dii Masar ma siiso deeq waxbarasho Somaliland, waxaanay shardi uga dhigtaa in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya aqbasho, ma jirtaa arrintaas?

 

J: Deeqaha waxbarasho ee aannu Soomaalida siino oo aan anigu masuul ka ahay, waxaannu u qaybinaa dhammaan Soomaalida, koonfurta iyo Puntland, cidna gaar uma laha, Ibraahim Cadow [Wasiirkii Tacliinta Sare ee Soomaaliyda ee ku geeriyooday qaraxii Muqdisho] ka hor intaanu dhiman laba toddobaad wuxuu i weydiiyey deeqihii waxbarasho ee Somaliland loogu talogalay, markaa sidaan su’aashaas u fahmay waxba kama jiraan.

 

S: Yaad kala soo xidhiidhaan deeq waxbarasho ee aad Somaliland ugu talogasheen?

 

J: Kama hadlayo Wasaarado Waxbarasho ee deeqaha waxbarashada waa loo siman yahay, ciddii u soo horumartana way helaysaa, ilaa iminka laakiin ma jiraan tiro go’an oo Soomaalida loogu talogalay.

 

S: Maxay tahay ahmiyadda ay Masar ka leedahay mandaqada Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya?

 

J: Dawladda Masar tan iyo markii dhibaatadu ka bilaabtay Soomaalida doorka Masar maaha mid meesha ka maqan, iminkana muddo bilo ah gudahoodna Masar waxay goostatay inay ka shaqayso, dib-u-hehiisiinta Soomaalida ilaa iminkana yididilo ayaanu ka qabnaa, annaga oo la shaqayneyna dawladaha caalamka ee daneya arrimaha Somaliya, gaar ahaan kooxda la yidhaahdo ‘Contact Group’, kana daali mayno ilaa aannu ka biyo keenayno.

 

S: ka waran Cadaawada ay dawladda Masar u hayso Somaliland?

 

J: … Maya, maya cadaawadi ma jirto, ereygaasina kuma habboona meesha ee waxaan u imi oo keliya inaannu horumarino xidhiidhka walaalahayo reer Somaliland ee umaan iman su’aasha aad i waydiineyso.

 

S: Sida uu qoray aqoonyahan reer Masar ahi Carabtu waxay dhegaha ka fureysatay Somaliland iyaga oo ku adkeysanaya midowgii Soomaaliya, Somaliland-na waa fursad ay lumiyeen, arrintaa maxaad ka leedahay?

 

J: Horta ninkaa aad sheegayso ma garanayo, aniguna masuul kama ahi dawladaha kale ee Carabta oo waa wax iyaga u gaar ah.

 

Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

Jacaylbaro, anigaa walaalkaa ah oo Soomali kula ah oo aqoonsi u ogal la-la land-ka aad dhaba cararaysid, ee maxaad ku faleysaa carab xuna oo basal iyo casiir kasoo dhargay oo wuxuu ka hadlayo aan lagaraneyn? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Oodweyne will say that behind close doors Egypt recognizes us, just like every other country in the world. They just say a different think in public :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Thank You Mr. Ambassador, We appreicate Egypt's commitment and unwavering support for the unity, territorial integrity and independence of Somalia. In addition we welcome your country's total rejection of the secessionist faction and the balkinization of Somalia. we know Egypt was always a true friend of Somalia and Somali people, our friendship is a result of our deep and strong bilateral relations between our two brotherly countries (Somalia & Egypt) that have existed since time immemorial.

 

The Muslim & Arab ummah will never allow the partition of one single muslim & Arab country.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

Waaryaadhaheen, waxaan la yaabay safiirkan Masaarida ah ee indho adaygiisa isaga oo Somaliland jooga la soo taagan figradii gaboobayd ee Somaliweynta, yaa u sheega in qadiyadda Lantan uu yaraysanayo lagu waraabiyey dhiiga kumanaan halyey, caawimadiisana mooyaane dalka nooga bax yaa yidhaa!!!!

 

 

Weger; adeer; ninkan dhiiranaantiisa markaad eegto siyaasiyiinteena ayuu ishooda arkay oo hadii maantaba bustahaaga qaado lagu yidhaah rag badan bay cibro ugu filaan lahayde iga daa warkiisoo, waxaad ka warantaa taliyahan sirdoonka ee Laascaanood ku xidhani ma lagayaabaa inuu rag badan oo shaadh dawladeed gashan oo shulo hoose ku jira fashiliyo; Alloow sahal amuuraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

The A.U is based on lion states and minor states in africa. The lion states of each region are.

 

1.East Africa(Ethiopia)

2.North Africa(Egypt)

3.West Africa (Nigeria)

4.Southern Africa (South Africa)

 

Egypt is a power-player within A.U organization and their voice means alot to A.U policies. If Egypt denies sland seccession. That alone secures A.U policies towards sland. Not to mention Ethiopia who denies sland seccession also adds to the weight on what A.U policies on sland is.

 

Another major blow for the seccesionists!!!! Just like the past 17 years.

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

Egypt is time tested friend of the Somalia starting form their support of Somali's struggle for independence to present time, Egypt was always there for us.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Oodweyne:

So, what is knew, for that is egypt and her unwavering position, all along.

 

In other words, it really
not
here nor there what egypt says about Somaliland; so long as we know she will do, whatever the powers-that-be (i.e., US and EU) may come to decide about Somaliland.

 

For, "our game" is with those powers-that-be; and what that "little Pharoah" in the form of Mr. Mubarak of Egypt may say about our case, of course, self-servingly, since, he is gaming Somalis to be his foot-soldiers against Ethiopia over the nile issue, is not really something to which to write home about it, indeed!...

 

Now, got that, ninnies; or shall I start all over again, for your reduced political comprehension in this sort of issue?...
:D

 

Regards,

Oodweyne.

^^

 

Sayaasad waxaad kataaqaanid majirto, Oodweyne--ilaa iyo hada mudo 20 sano ah ayaad dhawaaqayseen oo aduunka hadba dhinac u ordeyseen. Ilaa iyo hada, dawlad aad aqoonsi kahesheenah lama hayo. Marka siyaasada aad sheeganaysid, maad ku meel martid, oo US-ta iyo EU-da wax aqoonsi ah uga heshid??

 

Hadaad ogtahay taarikhda Mareeykanka, waa asagii South iyo North ahaan u dirirrey oo qaarna ey rabeen inay go'aan, kabacdinah, kuwii rabay Union-ka ey ku guuleysteen dagaalkii... ilaa iyo maanta aanu taaganahay ey yihiin dawlad mid ah oo aan mabda'eeda kujirin in dawlad jirta oo UN-ta ka mid ah, ineysan u qeybsamin dawlado jabjab-ah, sida aad adigu ku andacoonaysid ama riyadaadu ey tahay. :D

 

Europe-tana, waa taad aragtayoo iyagoo dawlado kala duwan ahaa, iney maanta noqdeyn dawlad hal baasaboor, hal siyaasad, hal dhaqaale, iyo hal hormarleh-- iney noqdeen...

 

Marka taas waxay kutusinaysaa, hadaadan runta iska idha tireyn, ineynan usoo jeedin han-qal taaga Marfashland. :D

 

p.s

Bad grammar is unprofessional, Oodweyne.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this