Sign in to follow this  
General Duke

New troops arrive in Afgooyee disarm bandits

Recommended Posts

Afgooye: Ciidamadii lagu soo tababaray dalka Itoobiya oo afka u soo saaran iney soo galaan Muqdisho

22. Juli 2008

 

Afgooye(AllPuntland)-Waxaa xalay degmada Warmaxan oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ee tababarka ku soo qaatay dalka Itoobiya kuwaasi oo ay wehliyaan ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Ciidamadan oo ku hubeysan gawaarida dagaalka isla markaana ka duwan kuwii horay loogu soo tababaray dalka Itoobiya, iyadoo ciidamadan ay maalinimadii doraat dagaal xoogan ay la galeen kooxaha kazoo horjeeda dowladda xili ay soo marayeen deegaanka Leego oo ka tirsan Sh/Hoose, kuwaasi oo iska difaacay weerarkii lagu soo qaaday.

 

Warar aan ka helnay xubno ka tirsan Dowladda KMG ayaa xaqiijiyay in ciidamadan ay wax badan ka qaban doonaan xaaladaha amaan xumo ee ka taagan magaalada Muqdisho iyadoo howlgalada ugu badan ay ka fulin doonaan goobaha mar walba ay ka dhacaan weerarada iyo deegaano lagu tuhmayo iney ku xoogan yihiin kuwa ka soo horjeeda Dowladda KMG.

 

Ciidamadan ayaa qaar ka tirsan waxay soo abaareen dhinaca degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo xuduud la leh gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

C.M.Cali

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afgooye: Dagaal dhex maray ciidamo lagu soo tababaray dalka Itoobiya iyo kuwo Boolis oo ku sugnaa Afgooye

22. Juli 2008

 

Afgooye(AllPuntland)-Dagaal mudo gaaban socday ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose, kaasoo dhex maray ciidamada Dowladda KMG ee lagu soo tababaray dalka Itoobiya iyo ciidamo ka tirsan Booliska degmada Afgooye kuwaasi oo kala shaki soo kala dhexgalay.

 

Labo askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Degmada Afgooye ayaa halkaasi ku geeriyooday halka dhinaca kale ee ciidamada tababarka ku soo qaatay Itoobiya uu ka geeriyooday hal askari, waxaana iska hor imaadkaasi ku dhaawacmay afar ruux oo rayid ah.

 

Ciidamadan cusub ee ka yimid dhinaca magaalada Baydhabo ayaa wararku sheegayaan in ay isku dayeen hub ka dhigis ay ku sameeyaan ciidamo ka tirsanaa degmada Afgooye , kuwaasi oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan, iyadoo ciidamadaasi lagu soo waramayo ineysan qaarkood xerneyn dareeska ciidamada, sidaasina uu dagaalka ku bilowday, waxayna ciidamada cusub ay qaateen hub ay heysteen kuwii ku sugnaa Afgooye.

 

Xaaladda magaalada Afgooye ayaa haatan ah mid degan iyadoo dadka deegaanka ay cabsi iyo wel wel ay ka muujiyeen ciidamadan ka tirsan Dowladda ee soo galay Degmada Afgooye, kuwaasi oo la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho.

 

C.M.Cali

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka tirsan dowlada oo haatan ku soo jeeda Muqdisho.

 

(Muqdisho,Talaado,22,Julaay,2008,(Hornafrik Media) Ciidamada xukuumada ku meel gaarka ee Somalia qaarkood oo ka soo dhaqaaqay magaalada Baydhabo ee gobolkaasi Baay oo badankoodu yihiin kuwo dhawaantani howlo tababaro ciidan ah ku soo qaatay wadankaasi Itoobiya ayaa soo gaaray duleedka galbeed degmada Afgooye ee gobolkaasi Sh/hoose, iyadoo wararka la helayana ay sheegayaan in ay ku soo fool lee yihiin Muqdisho.

 

Ciidamadaasi ayaa habeenkii xalayto ahaa ku hoyday bar ay ku gabal dhacsadeen oo u dhaxeysa degmooyinka W/weyn iyo Afgooye ee gobolkaasi.

 

Wararka qaarkood ayaa tibaaxaya in ciidamada cusub ee dowlada federaalka oo haatan masaafo gaaban u soo jira Afgooye ay soo ruqaan sadeen kuna soo jeedaan caasimada Somalia ee magaaladatani Muqdisho si ay u sii xoog jiyaan ciidamada kale ee dowlada kaga sugan magaalada.

 

Dadka deegaanka ayaa muujinaya cabsiyo xoogan oo ay ka qabaan suura galnimada dagaalo horle oo halkaasi ka dhaca.

 

Dhawaan ayey ahayd markii iska horimaad qarxay ka dagaal markii xoogaga kacdoonka wada ay weerar jid gal ahaa ku qaadeen kolanyo ciidamo isku dhafan oo ahaa Itoobiyaan iyo kuwo dowlada KMG ay dagaalo qabsadeen xili ay ku soo jeedeen Muqdisho, dhinacyada dagaalamay lama soo sheegin wax tafaasiil ah oo ay ka soo saareen dagaalka dhexmaray inta rasmiyan uu khasaarihiisu gaar siisan yahay balse afhayeeno u kala hadlay dhaq dhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab iyo xukuumada Somalia waxa ay ku andacoodeen in midba mid kale uu uga gacan sareeyay dagaalkaasi.

 

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo kordhayay cabsi iyo weeraro sii joogtoobaya oo ay qabatintay wadada dheer ee u dhaxeysa Muqdisho iyo magaaladaasi Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo afar ruux ku dilay Degmada Afgooye

 

Talaado, July 22, 2008 (HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ka tirsan Ciidamadii dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya ayaa maanta waxay gudaha Degmada Afgooye ku dileen afar ruux.

 

Ciidamadan oo maanta soo gaaray Degmada Afgooye ayaa waxay Suuqa Qaadka Degmada Afgooye ku toogteen afar ruux oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Degmada Afgooye, kadibna ay ka qaateen Qori gacmeedyo ay wateen.

 

Ilaa iyo hataan lama oga sababta keentay in ay Ciidamada Dowladda toogtaan raggaas ka tirsanaa Ciidamada maamulka Degmada Afgooye oo qudhiisa hoos-taga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Markii uu dhacay falkaas toogashada ah ayaa waxay Degmada Afgooye noqotay mid ay dadka ku kala cararaan, inkastoo wararkii ugu dambeeyay ee Degmadaas naga soo gaaray ay sheegayaan in xaaladda ay haatan sideedii ku soo noqoneyso.

 

Ciidamadan lagu soo tababaray gudaha Itoobiya ayaa la sheegay in ay ku sii jeedaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, halkaasi oo ay ka dhacaan dagaallo joogto ah oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Duke is estatic other the moryaan militias and rapists that were trained in Ethiopia on how prepare meat without cooking it and eat canjeero with 55kg of Basbas. He thinks they will "resurrect" the Somali state.

 

 

P.S These troops are calle COPY. I think they should call them falsified Xabashi Clones :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, these were former Indacade militias they were chased out and their weapons taken.

Just like the killed the bandits in Bardaale, Leego and no one could stop their advance.

 

Expect more targeted moves now. There is no place to hide.

 

Geel Jiire, the fact is after all this time, the TFG has more troops coming and what do you have?

 

A split leadership, two chairmans at odds and two foreign capitals as your base.

 

No clan liberation lad, more troops = more security for Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
unknown1   

Somalia's child soldiers who are trained by Ethiopians have killed at least eight people as they arrived in Afgoye town in Somalia.

 

Over 3000 child soldiers arrived in Afgoye town, 30 km away from Mogadishu, on Tuesday and started to attack civilians and loot shops, Press TV correspondent reported.

 

The soldiers are estimated to be less than 15 years old and they came to the town on foot after 9 days.

 

Four child soldiers have also been killed in exchanging fire, our correspondent said.

 

Many African countries have used child soldiers like Ethiopia which is condemned by the United Nations.

 

to disarm bandits you say.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this