Sign in to follow this  
Emperor

Allsanaag.com reporting Puntland army capturing the base-station of SL militia

Recommended Posts

Emperor   

Somaliland Officials fled ...

 

 

Abaarihii Sadexdii galabnimo waxaa ka qarxay aaga deegaanka dhahar Dagaal qaraar oo u dhexeeya Ciidamada Daraawiishta P/l iyo Jamhada ay hogaaminayaa Colooshooda u shaqaystayaal u dhashay Deegaanka warar dheeraad oo faahfaahsan lagama hayo sababtoo ah in meel miyi ah lagu dagaalamayo laakiin waxay ay sheegeen Saaraakiisha Ciidanka P/l in ay ka weerareen ilaa sadex aag oo kala duwan wixii war ah oo ka soo baxa waan idin la socodsiin doonaa.

 

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta ayaa noo sheegey in ay 3 aag ka weerareen meeshii ay fadhiyeen oo ah meel u jirta 10 Kilomitter magaalada dhahar hadana waxaa gacanta saldhigii ku dhigay Ciidamada Daraawiishta waxaana laga qabsaday Gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah.

 

 

Warar ayaa sheegaya in Mahamud Siciid iyo kuwii la socday ay ka carareen magaalada markii ay maqleen in la soo weeraray Jabhadii ka dibna lama garanayo meeshii ay aadeen lakiin dad ayaa sheegaya in la qabtay.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

WARBIXINTA DHABTA AH EE :-dagaalada Magaalada Dhahar

 

Dhahar:- Wararkii ugu danbeeyey ee ka socday magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa wali ka socda magaalada Galbeedkeeda waxaana dagaalka la xaqiijiyey inuu yahay mid culus oo hubka noocayadiisa kala duwan la isu adeegsadey iyadoo aan waxba la isula kala harin.

 

Wararka oo aanu dib u hubsanay ayaa waxay yihiin in ciidamada Somaliland la isugu geeyey Galbeedka Magaalada, dagaalkuna waxa uu markii hore ka bilowday bariga iyo galbeedka magaalada.

 

Ciidanka Somaliland ayaa dhinaca Bariga magaalada looga itaal roonaadey waxaana markii danbe dib loogu soo riixey Galbeedka Magaalada.

 

Warka dhabta ah ayaa waxa weeye in Dhinaca Somaliland ilaa iyo hada inta la ogyahay dhaawacoodu yihiin 3 askari oo dhaawac lagu qabtey, inta ka dhimatey aan la garaneyn.

 

Wararka sheegaya in 7 gaari laga gubey ama laga qabtey ayaa noqdey kuwo aan wax ka jirin oo aan la garaneyn khasaaraha dhabta ah ee ka jira dhinaca Somaliland hase ahaatee waxaa jira in baabuur wax laga gaarsiiyey.

 

Dhinaca Puntland ayaa waxaa noo suura gashey inaanu hubsano sidaa awgeed wax dhimasho iyo dhaawac ilaa iyo hada ma jiraan, waxayse saraakiisha ciidanka si hoose noogu sheegeen iney jirto in hal gaari wax laga yeelay.

 

DAGAALKU SIDA UU KU BILOWDAY.

 

Dagaalka ayaa waxa uu markii hore ka bilowday dhinaca Galbeed ee Magaalada iyadoo ay dhinacaasi kasoo weerareen ciidamda Daraawiishta oo isugu jira kuwa deegaanka iyo kawa ka yimi Magaalada Gaalkacayo.

 

Markii ay dhinacaas ka bilaabatey ayaa waxaa isla markiiba ay dhinaca Bari ay iyaduna rasaas xoogan ka bilaabatey, waxayna markii danbe laga adkaadey ciidankii joogey dhinaca Bari ee Magaalada oo lasoo baacsadey.

 

Kadib waxaa dhacday in magaalada Masuuliyiintii Somaliland ee joogey ay ka bexeen oo isaga carareen, lamana garanayo goobta ay hada ku sugan yihiin.

 

Goor aanu la xiriirney Magaalada Xingalool ayaa waxaa naloo sheegey in baabuur badan oo carar ahi ay dhaafeen magaalada, inkastoo warkaas aan la xaqiijin karin.

 

UGU DANBEYN.

 

Ciidamada Somaliland oo kasoo duuley deegaano aad uga fog ayaa cabsi weyn ka qaba in jidku ka xirmo iyadoo al arkayey dibu ugurasho joogto ah, mana jiraan wax madax banaan oo noo xaqiijin kara warkaas.

 

Waxaa hubaal ah in dadka deegaanku aysan raali ka ahayn in magaalada Dhahar dagaal noocan oo kale uu ka dhoco.

 

Hada waxaa wararkuu ugu danbeeyey ee dhabta ah waxay noo sheegeen in dagaalkii uu yara qaboobey, habeena ay noqotey, waxayna warar aanu ka helnay dhinaca Puntland ay noo sheegeen in ay dagaalka sii wadayaan ilaa inta laga gaarayo Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.

 

LaasqorayNET. Dhahar

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

mana jiraan wax madax banaan oo noo xaqiijin kara warkaas.

Cajjiib, why write a report, and then say that, ma dadkey ugu tala galeen iney wareeriyaan ooy maskaxda ka cunaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Wardegdega: Dagaalo ka dhacay Dhinaca Bari ee Dhahar iyo wararkii u dambeeyey

 

 

Waxaa maanta gaadhay magaalad Dhahar ee Bariga Gobolka Sanaag wefti ballaadhan oo ka socda xukuumada Somaliland, weftigaas oo ahaa kii ugu heerka sarreyeey ee abid taga bariga Sanaag aya waxaa weftigaa ka mid ahaa, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Arimaha Debedda, Wasiirka Ciyaaraha iyo wasiiro kale oo badan.

 

Weftigan wasiirada somaliland waxaa lagaga horyimi duleedka magaalada Dhahar iyada oo waayeel iyo dhalinyaroba si diirran loo soo dhoweeyey.

 

Dhinaca kale waxaa isla galabnimadii maanta ay maleeshiyaadka Puntland laba dhinac weerar kaga soo qaadeen ciidanka Somaliland ee ku sugan dhinaca Bari ee magaalada Dhahar, sida uu noo xaqiijiyey Guddoomiyaha Degmada Ceerigaabo Mudane Ismail Xaaji Nuur oo aannu goor dhowayd ka waraysannay arrintaa.

 

Sida uu noo xaqiijiyey guddomiyuhu waa la eryaday maleeshiyadii, iyada oo aan illaa iminka la ogayn goob ay ku sugan yihiin, wararka qaarna waxay sheegayaan inay kala firdheen oo midba dhinac u caray.

 

Mar aannu guddoomiyaha Degmada Ceerigabo weydiinnay wararka sheegaya in Dhahar lagu dhex dagaalamay ayaa wuxuu noo sheegay inaanay waxba ka jirin meesha lagu dagaalamayna ay tahay meel aan u dhoweyn magaalada Dhahar oo bari ka sii xigta iyada oo ciidanka Somaliland halkaa ku sugan yahay, "magaaladana waxaa iminka Gacanta ku haya Maamulka Somaliland, wax khasaare ah oo illaa iminka la ogyahay oo dhinaca Somaliland soo gaadhay ma jiro" Sidaana waxa yidhi Maayarka Ceerigaabo maruu u waramayey Sanaagweb.com

 

wixii wara kala soco Sanaagweb.com

 

 

Author: Sanaagweb.com

Email: (ismailhm@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Wasiiradii iyo ciidamadii Somaliland ee ku sugnaa dhahar oo inay isdhiibaan qarka u saaran kadib markii la hareereeyay.

 

Degmada Dhahar oo ay ku sugnaayeen wasiiradii ugu tiro badnaa ee abid soo gala Gobolka sanaag iyo ciidamo lixaadle oo ka socday Somaliland ayaa galabta weerar balaaran oo sadexgeesood ah waxaa ku soo qaaday ciidamada Puntland oo iyagu ilaa 3 jiho oo kala gadisan ka soo weeraray Degmada Dhahar.

 

Dagaalka ayaa markii sii hore siwayn laysugu garaacay qoryaha agtileriga ah iyadoo markii uu socday mudo saacad ku dhaw laysla soo galay gudaha magaaalada Kadib markii la soo jiiray ciidamadii somaliland ee ku sugnaa daafaha hore.

 

Warku wuxu intaas ku daryaa in Ciidamada Puntland ay Sadex aag ka soo galeen Degmada Dhahar,Ciidanka yimi Ceelbuh, Aaga bari waxaa iyana weerar ka soo qaaday ciidamo deegaanka ah, Koonfurta waxaa ka soo galay ciidamo ka yimid baraagaha qol, waxaa iyana dagaalka soo galay markii uu socday hal saac Ciidamo ka yimi Badhan.

 

Hada mar aanu la xidhiidhay Dad jooga Degmada dhahar waxaa ay noo xaqiijiyeen in lagu hareeraysan yahay Cidamada Somalinad iyo wasiiradii la socday oo uu kamid yahay wasiirka gaashaandhiga oo aanay jirin Meel ay u baxaan iyagoo qarka usaaran inay isdhiibaan maadaama.

 

Wixii soo kordha haka dheeraan Shabakada Allmudug.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: Puntland oo guulo kasoo hoyisay dagaal galabta ka dhacay Dhahar.

14. april 2007

 

Boosaaso(AllPuntland)- Maamul goboleedka Puntland ayaa caawa ka hadlay dagaallo galabta ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag , halkaasi oo ciidamo ka tirsan Somaliland ay kusoo duuleen fariisimada ciidanka daraawiishta Puntland.

 

Wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in dagaalka guulo ay Puntland kasoo hoyisay.

 

Awaare oo caawa waraysi siinayay Radio Daljir ayaa sheegay in shan gaari oo kuwa dagaalka ah lagala wareegay maamulka la baxay Somaliland.

 

Wasiirka dawladaha hoose wuxuu sheegay in ciidamada maamulka la baxay Somaliland duullaankii ay galabta soo qaadeen in dib looga qabsaday deegaannadii ay labadii maalmood ee ugu danbeeyay joogeen.

 

Cali Cabdi Awaare wuxuu xusay in Puntland ay muujisay dhabar adayg iyo is difaac, asagoo xusay inuu rajaynayo in Puntland mar walba guulaysato maadaama aysan ayadu weerar ahayn oo ay dhulkeeda joogto.

 

Mar wax laga waydiiyay Cali Cabdi Awaare khasaaraha dagaalka wuxuu sheegay inuusan wax intaasi dhaafsiisan ka haynin labada dhinac.

 

Awaare wuxuu sheegay inay saxaafadda si dhaqso ah ugu soo gudbin doonaan wararkii ugu danbeeyay ee Dhahar.

 

Dagaalkan ayaa galabta bilowday ayadoo la sheegay in ciidamda maamulka la baxay oo maalmo ka hor haystay Dhahar ay isku dayeen inay maamulkooda sii fidiyaan.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Puntland oo war ka soo saartey Dagaal Galabta ka dhacey Degmada Dhahar

 

bangax_warfaafin_baaq.jpg

 

Boosaaso:-Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta ee Maamul Goboleedka Puntland

ayaa waxaa lagu sheegey in Maanta oo ay tahay 14’ April weerar gardaro ah ay ku soo qaadeen Ciidamada Maamulka isku magacaabey Somaliland deegaanka Dhahar ee Gobolka Sanaag.

 

Warsaxafadeedka ayaa waxaa lagu sheegey in weerarkaan oo ahaa mid gar Darro ah ay ku soo qaadeen Fariisimaha Ciidamada Dawlad Goboleedka Puntland ee Gobolka Sanaag Ciidamo ka socda Deeganada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.

 

C/raxmaan Maxamed Bangax wasiirka Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Puntland ayaa Saxaafada u sheegey In ciidamada Dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo ka shaanaya shacabka Deegaanka ee Gobolka Sanaag ay ka saareen Ciidamadii Somaliland oo weerar ku soo qaadey shacabka iyo dadka Gobolka Sanaag.

 

Warsaxaafadeedkan oo uu saxaafada u akhiriyey wasiirka waxaa kale oo uu ku sheegey in Ciidamada Dawlad Goboleeka Puntland ay haatan Gacanta ku hayaan Deegaanada Gobolka Sanaag oo ay ku soo Duuleen Ciidamada Somaliland.

 

C/raxmaan maxamed Bangax waxaa uu sheegey in Ciidamada Puntland ay ka Gubeen Sadex Gaari oo tikniko ah ciidamada Somaliland, waxaa kale oo uu sheegey wasiirku in Shan Gaari oo Tikniko ah ay ku qabsadeen Dagaalkii Galabta dhacay ciidamada Puntland, wasiirku ma uusan xusin wax khasaaro ah oo soo gaarey dhinaca Ciidamada DG Puntland.

 

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegey in Ciidamad Dawlad Goboleedka Puntland ay haatan sii raacdeynaynayaan Xoogagii Maanta weerarka ku soo qaadey Deegaanka Dhahar ee Gobolka sanaag.

 

War saxafadedkan ka soo baxay wasaarada Warfaafinta ee Punland ayaa waxaa uu Yimid ka gadaal markii Ciidamada Somaliland ay weerar ku soo qaadeen Deegaanka Dhahar ee Gobolka sanaag, ilaa iyo Haatana lama garanayo sababta Rasmiga ah ee ka danbeysey weerarkaas inkasta oo baryihii ugu danbeysey ay Imaanayeen wara sheegaya in Deegaanka Dhahar ee Gobolka Sanaag ay Damacsanyihiin Ciidamada Somaliland in ay weerar ku soo qaadaan.

 

Ilaa haatan ma jiraan Ilo dhex dhexaad ah oo ka warbixiyey khasaaraha dhabta ah ee uu dhaliyey weerarkii Galabta ka dhacay deegaanka Dhahar ee Gobolka Sanaag.

 

Qaar ka mid ah Isimada Dawlad Goboleedka Puntland aya galabta Bayaan ka soo saarey Magaalada Boosaaso Bayaankaas ayaa waxaa uu ku saabsanaa colaada ka soo Cusboonaatey Gobolka Sanaag Gaar ahaan Deegaanka Dhahar.

 

 

Mohamed ALi (Dalmar)

mohamedali11@gmail.com

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

LOOOOOOOOOOOOOOOL

 

if propaganda would only materialise into facts its becoming quite clear that the fighting was far east of the actuall dhahar town and that the village never winessed any fighting... also that over 20 ministers are in that town as we speak including the foreign minister, the defence minister, the interior minister, genenral of SL armed forces, and several other ministers.

 

infact when SL ministers reached dhaher this morning A unit was sent past dhahar and was station in town called Sherbi whench is close to the actuall border between puntland and somaliland its this town of sherbi that most of the fighting took place.

 

and there is no question that somaliland ministers are there this moment.. as it will become apparant in the comming hours...

Share this post


Link to post
Share on other sites

PL oo sheegtey in ay dib u qabsatey Dhahar

14 Apr 14, 2007 - 11:25:21 AM

 

Dagaal aad u kharaar oo u dhexeya Ciidamadda Darawiishta Puntland iyo Kuwa Maamulka la magacbaxay Jamuuriyada Somaliland ayaa galabta ka dhacay deegaanka Dhahar ee Gobolka Sanaag.

 

Dagaalkaas oo ahaa mid aad u xoog badan kana socday sadex aag oo isla deegaankaasi ah ayaa markii ugu horaysay waxaa ka hadlay wasiirka dowlahada Hoose iyo horumarinta reer Miyiga Cali Cabdi Awaare oo sheegay in guulo ay ka soo hooyeen Ciidamadda DGPL dagaalkii galabta ka dhacay deegaanka Dhahar.

 

Ilaa iyo hadda lama sheegin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkii galabta balse wasiirka dowladaha hoose wuxuu sheegay in Ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen ugu yaraan shan gaari oo kuwa dagaalka ah.

 

Dhanka kale, wararka aan ka helayno deegaanka Dhahar ayaa sheegaya in wasiiradii Somaliland ay ka baxeen magaalada iyagoo ku sii jeeda dhinaca Hawdka.

 

Deegaanka Dhahar oo ay labadii maalmood ee ugu dambeeysay waxa gacanta ku hayeen Ciidamo ka soo jeeda deegaanka Dhahar oo taabacsan maamulka la magacbaxay Jamuuriyada Somaliland.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka Dhahar ay sheegaya in ay gacanta ku hayaan ciidamadda maamulka Puntland kadib Markii ay ka baxeen wasiiradii iyo ciidamadii ka soo jeeday dhanka Somaliland.

 

Dhinaca kale wasiirka warfafinta Somaliland ayaa sheegey mar wareysi siinayay BBC-da in ciidamadii Puntland oo weerarka soo qaadey la jabiyay dibna loo celiyay.

 

Ma jiraan warar xaqiijinaya sheegashada labada dhinac madaama khadka Isgaarsiinta magaalada Dhahar uu go'an yahay.

 

 

Wixii faah faahin ah ee dagaalka ku saabsan kala soco garoweonline.com Inshaa allaah.

 

Axmad Maxamad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Lake   

Originally posted by General Duke:

Qudac, again you have lost as you will in every engagement.

I can tell you dislike them. You really want them to be your countrymen? Why not have divorce once and for all. Somaliwayne is dead.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naxar, you clear dont know landers if you think the fight is going to end that way. We will never give up especially with an inferior opponent like puntland.

 

you better keeping dreaming boy cause soon your hopes will be dashed and you'll be looking for consolance here

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

A.J. Timacadeh, the inferiority of Somaliland was shown the day Riyaale was chased out of Lascaanod and did absolutely nothing in defense. The inhabitants of these area's will never fight to the death for you, they'll only collect a pay check and scram.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this