Sign in to follow this  
Saalax

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub Soo Oo Gaadhey Ceerigaabo Daawo.

Recommended Posts

Saalax   

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub Soo Oo Gaadhey Ceerigaabo Daawo.

 

 

 

zlahhg.jpg

 

Ceerigaabo(Qarannews) Xoghayaha guud ee Udub Jaamac Yaasiin Faaax ayaa gelinkii hore ee shalayto(Jimcihii) gaadhey magaalada Ceerigaabo.

 

2dkmlv.jpg

 

Xoghayaha guud ee Udub ayaa isagoo habeennimadii hore seexday magaalada Yufle oo qiyaastii 30-km jahada galbeed ka xigta Ceerigaabo oo ka hor intii aanu soo gaadhin ay ugu sii diyaar garoobeen soodhowayntiisa xubno ay ka mid yihiin guddoomiyaha Udub ee gobolka sanaag Cali Ismaaciiil Barre iyo madax-dhaqameedyo isugu jira Boqor, Suldaan , Cuqaal iyo guurti, waxa subaxnimadii Jimcaha xarunta Udub ee magaalada Yufle horteeda xoghayahaasi kala hadlay dadweynaha ku dhaqan halkaas, isagoo uga mahad celiyey soo dhowaynta iyo marti gelinta halkaas (Yufle) loogu sameeyey muddada ay joogeen

 

Isla subaxnimadii Jimcaha maanta ayaa magaalada Yufle waxa soo gaadhey gaadiidka yar yar oo tiro badan oo kazoo kicitimay dhinaca Ceerigaabo, kuwaas oo uu hoggaaminayey maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, iyadoo xoghayaha laga soo hoggaamiyey halkaas, idaasnna uu ku soo gaadhey gudaha Ceerigaabo

 

 

jakpdl.jpg

 

 

Xoghayaha Udub ayaa kahor intii aanu tegin guriga uu degganaan doono mudda kooban ee uu Ceerigaabo ku sugan yahay wuxu dadweynaha soo dhoweeyey iyagoo tiro badnaa awgeed kala hadlay Xarunta Udub gobolka Sanaag ee Ceerigaabo horteeda, waxana hadalladiisii ka mid ahaa

 

"Aad ayaad ugu mahadsan tihiin soo dhowaynta wanaagsan aad magaaladan quruxda badan ee Ceerigaabo noogu samayseen, waana caaasimadda ugu horraysa ee gobollada bari ee socdaalka aan ku marayo ugu horraysa, annaguna xilligan uma soconno ololayn (campaign) doorasho waayo taas waqtigeediiba lama gaadhin oo weli komishanka qaranka ayaa laga sugayaa in ay cayimaan, haseyeeshee socdaalkayagu waa mid ku salaysan kormeerka iyo dhismayaasha arrimaha xisbiga iyo hawliihiisa kala duwan, taas ayaan leeyahay yaan si kale loo qaadan".

 

Waxa iyaguna halkaas hadallo kooban oo soo dhowaynta xoghayaha Udub ku saabsan ka jeediyey Maayorka Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur iyo guddoomiyaha Udub ee gobolka Sanaag Cali Ismaaciil Barre.

 

Cabdullaahi Xuseen Darwiish

 

 

Ceerigaabo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sikaawe   

Originally posted by FIDHIN:

Viva UDUB>>>>>>>>>>>>>> ALL THE WAY.

Udub all the way to Bossaso like Lascanod before, that is our ambition insha Allah. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by Sikaawe:

quote:Originally posted by FIDHIN:

Viva UDUB>>>>>>>>>>>>>> ALL THE WAY.

Udub all the way to Bossaso like Lascanod before, that is our ambition insha Allah. :cool:
Viva Somali Weyn>>>>>>>>>>>>>> ALL THE WAY, to Laas Caanood, Boosaado, Mogadishu, Kismaayo, Hargeisa, Burco, Borame, Gaarisa, Jijiga and Dhagah Bur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this