Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale Arrives in Burao

Recommended Posts

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa qaddar daqiiqado ah ka hor si heer sare ah loogu soo dhoweeyey caasimadda gobolka Togdheer ee Burco.

 

Weftida madaxweynaha oo booqasho rasmi ahi uga bilaabatay gobolka Togdheer maanta,ayaa shacabka reer Burco si hagar la,aan ah oon loo kala hadhin caleemo qoyan ugu soo dhoweeyeen madaxweynehooda iyo weftigiisa. Weftiga ayaa hadda loo gudbiyey aqalka nasashada ee gobolka, dadweynaha reer Burco oo aan u kala hadhin soo dhawaynta madaxweynaha ayaa loo soo dhaweeyay soo dhawaynytii ugu qaalisanayd ee madaxweynaha loogu soo dhaweeyo gobol ama magaalo ka mid ah magaalooyinka Somaliland

 

Waftida oo saacadaha soo socda howshoodii si rasmi ah u gudo geli doona, waxa ay isla ,maantaba la kulmi doonaa laamaha dawlada iyo hay'adaha ka hawl gala magaalada iyo gobolka iyada oo dadweynaha u ay tubnaayeen ilaa duleedka magaalada Burco iyo gaar ahaan wadada uu madaxweynahu uu ka soo galaayay ayaa ilaa hada waxa ay dadweynaha reer Burco ku xoonsanyihiin iyaga oo koox koox u socda badhtamaha magaalada iyaga oo aad ugu faraxsan imaatinka uu u yimid madaxweynahoodu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2009-06-03 (Hadhwanaagnews) Burco(HWN) Madaxweynaha Somaliland daahir Rayaale Kaahin iyo waftigii uu hogaaminaayay ayaa Maanta si diiran loogu soo dhaweyey Magalaada Burco ee xarunta gobolkan Togdheer

 

Waftiga Madaxeynaha ayaa waxa ay magalaada soo gaadheen abaaro 10; 00 subaxnimo ee saaaka iyadoo dadweynaha galbinaayay ay kaga hortageen duleedka waqooyi ee Magalaada Burco kumaankun qof oo ruxaayay calanka Jamhuuriyada Somailand sawirka Madaxweynaha ayaa dariiqyada saaka tubnaa kuwaas oo sacab iyo mushxarad isla ogsaday Markii uu soo gaadhay Madaxweynahu .

 

Waftiga Madaxweynaha ayaa la dajiyay guriga Martida ee Magaalada iyadoo la filaayo in uu Madaxeynahu safar ku maro gobolada dalka .

 

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Cadaani Mooge ayaa shabakada Hadhwanaag u sheegay in qorshaha kulamada iyo xiliga uu Madaxweynaha hadli doonaba ay qorshaynayaa Maamulka gobolku .

 

isku soo wada duuduboo safarka Madaxweynaha ayaa ah kii ugu horeeyay uu ku yimaado Burco tan iyo intii loo doortay Madaxweynaha somailand 2003

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Don't believe a word of it until corroborated by a trusted Burcaawi.

 

ps magaalada *** badan baa ka baxday :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Jacaylbaro:

didn't know she was that attractive to you ,,,, ehem ,,,,
:D

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Is this to do with the election campaign or did his Excellency finally decide to go after hearing of great men recently visiting the area? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this