Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: Parliment to hold no confidance vote on Nur Cade: it matters

Recommended Posts

Baydhabo: Baarlamaanka Soomaaliya oo yeeshay Fadhi xasaasi ah.

25. august 2008

 

Baydhabo(AllPuntland)- Baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya oo manta fadhi xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Baydhabo ayaa soo xiray Fadhigoodii goor dhaw ,ayagoo kaga dooday Mooshin ka dhan ah Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & La Xisaabtamka Xukuumada.

 

Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo fadhigan shir gudoominayay ayaa fadhiga soo xiray ,markii ay 98 Mudane oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya soo gudbiyeen Kalsooni kala noqosho ku aadan Xukuumada Soomaaliya.

 

Xildhibaan Cosoble ayaa fadhigan ka aqriyey Qoraalka Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ,wuxuuna ku eedeeyey Nuur Cadde in uu ku tuntey Axdiga dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Xildhibaanada baarlamaanka qeybtooda keenay Mooshinka ayaa ku dhawaaqay in aysan manta laga bilaabo Raysalwasaare uaqoonsan doonin Nuur Cadde ,waxa ayna sidoo kale ku eedeeyeen in uu ka dambeeyo gobalo badan oo laga qabsaday dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Fadhigan ay manta yeesheen baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ka duwanaa fadhiyo hore ,waxa ayna baarlamaanka Soomaaliya sidoo kale wadeen la xisaabtamka Xukuumada uu hogaamiyo Nuur Cadde.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mustaqbalka xukuumada Nuur cadde oo mugdi kusii uruuraya, inta badan xildhibaanada qaranka oo muujiyay in aanay shaqadiisa la dhacsanayn (Faalo)

 

Inta badan dadka Soomaaliyeed waxaa ay aamisan yihiin in ra'isul wasaaraha jamhuuriyada Nuur cadde uu yahay ni dagan shaqsi ahaana wanaagsan,laakin dalka oo laga saaro waqtigan adag iyo kala daadsanaantiisa maamul ayan ahayn laba is keeni kara.

 

 

Inta badan dadka Soomaaliyeed waxaa ay aamisan yihiin in ra'isul wasaaraha jamhuuriyada Nuur cadde uu yahay ni dagan shaqsi ahaana wanaagsan,laakin dalka oo laga saaro waqtigan adag iyo kala daadsanaantiisa maamul ayan ahayn laba is keeni kara.

 

hada mustaqbalka xukuumada uu hogaamiyo ra'isulwasare Nuur cade waxaa uu yahay mid mugdi kusii ururaya waxaana aad loogu badinayaa in Nuur cadde uu yahay xidig sii dhacaya marka loo eego sida mudanayaasha baarlamanka ee awooda u leh in ay ridaan ay hadalkodoa u badinayaan uguna diyaarka yihiin in uu meesha ka box,taas ayaana daliil cad u noqoneysa in Nuur cade xukuumadiisu ayan sii joogi doonin.

 

"Nuur cadde waa nin aad u macaan badan,laakin waqtigan iyo isagu ma ahan laba wada socon kara"sidaas waaxa hada ka hor laga hayaa xildhibaan Cali cabdulaahi cosoble oo hada ka mida raga sida weyn ugu ololeeya in Nuur Cade uu meesha ka boxo.

 

Waxaa dhanka kale Nuur Cade lagu eedeynayaa in wixii ka dambeeyay maalintii uu talada dalka la wareegay ay kooxaha dowladda kasoo hor jeeda is balaarin sameeyeen qabsadeena gobalo badan,isagoo diiday in talaabo adag laga qaado xiligan oo ay dowladda soomaaliya leedahay ciidan badan oo ku filan lehna tayo iyo qalab dagaal oo ku filan.

 

Waxaa kaloo uu Nuur cade ku dhaqaaqay in uu xaniinyaha ka siibo masuul kasta oo loo arkayay in uu adkeysan karo gacan ku heynta maamul ee deegaanka uu ka taliyo waxaana tusaale usoo qaadan karnaa guddoomiyihii gobalka Hiiraan Yuusuf daba Geed oo markii xilka laga qaaday ay gobalka kusoo yaaceen maliishiyooyin islaamiyiin ah oo aad moodo in ay horay ugu sii diyaarsanaayeen in ay la wareegaan booska uu baneeyay daba Geed.

 

Hiiraan oo keliya ma ahan meelaha ay kooxaha dowladda kasoo hor jeeda isku balaariyeen walina dhibaatooyinka ka wadaan ee waxaa ka mida suuqa bakaaraha oo markii Nuur cade talada la wareegayay ku jiray gacanta dowladda federalka soomaaliya,kadibna uu Nuur cade sameeyay wax lagu sheegay Ilaalada suuqa laakin dhab ahaantii ah maliishiyada islaamiyiinta oo dhar uun loosoo xidhay.

 

Waxyaabahaas oo dhan oo is biirsday ayaa muujinaya sida uu Nuur cadde isugu qasay wax kasta dowlada soomaaliyana waaxaa la oran karaa waxaa uu u horseeday in ay dib u dhacdo dhowr sanadood wixii ay soo qabaneysay.

 

arintu sidey doontaba ha ahaatee wax kasta waxaa ay isugusoo biyo shubanayaan cinwaanka faalada oo ah {Mustaqbalka xukuumada Nuur cadde oo mugdi kusii uruuraya inta badan xildhibaanada qaranka oo muujiyay in aanay shaqadiisa la dhacsanayn}.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya oo maanta loo qeybiyay mooshin ka dhan ah xukuumada Nuur cadde.

 

Mudanayaaasha baarlamanka federalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda shirarka ADC ee magaalad baydhabo ayaa kulankaa loogu qeybiyay mooshin ka dhan ah xukuumada uu hogaamiyo ra'isul wasaare Nuur Xasan xuseen.

 

Fadhigii maanta ayaa waxaa iskusoo horfaristay dhamaanba xilidhibaanada ku sugan magaalada Baydhabo oo dhawaanahanba siyaabo kala gooni gooni ah kulamo ugu qaadanayay magaalada Baydhabo.

 

Mudanayaasaha kasoo hor jeeda Nuur Cade ayaa xukuumada ku eedeynaya in ay ku guuleysan weysay arimo dhowr ah oo loo baahnaa si deg deg ah in wax looga qabto sida in la dhiso bangi dhexe.

 

Xildhibaan Cali cabdulaahi Cosoble oo ka mida hogaanka xilidhibaanada kasoo hor jeeda Nuur Cade ayaa maanta baarlamanka ka hor aqriyay qoraal dheer oo faafaahinaya waxyaabaha ay ugu qiil sameynayaan kasoo hor jeeditaankooda nuur Cadde.

 

Mudanayaasha baarlamanka ayaa si weyn usoo dhaweeyay mooshinka laga hor aqriyay maanta barlamanka kaas oo laga doodi doono dhawaan,laakinse ay mudanayaashu sii aqrisan doonaan ka hor inta aan fadhiga kama dambeynta ah la isugu imaanin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooshin ka dhan ah Nuur Cade iyo Xukuumadiisa oo Manta lasoobandhigay

 

 

Si quman ayay mudane yaasha baarlamanka uga dhageysteen mooshin kalsooni kalanoqosho Ra’iisul wasaare Nuur Xasan xuseen Nuur Cade oo ay baarlamaanka u soo gudbiyeen in ka badan 90Xildhibaan oo baarlamanka Ka Tirsan .

 

Jawiga Xarunta Shirka ka Socda ayaa Isbedelay markii shir gudoonka uu ku dhawaaqay in xildhibaanada loo qeybinayo islamarkaana loo Aqrinayo mooshinka ka Dhanka ah Xukuumada ayadoo daqiiqado gudahood mudaneyaal 40 gaarayay ay kulanka gadaal uga soo biiren .

 

Qoraalka mooshinkani oo si qurxoon loo soo diyaariyay waxaa mudane yaasha Hortooda ka aqriyay xildhibaan Cali C/laahi Cosoble oo si faah faahsan uga Sheekeeyay waxyaabaha Xildhibaanada DFKMG ah ay weydiistaan in kalsoonida lagala Noqdo Nuur Cade iyo Xukuumadiisa .

 

Amaanka Dalka oo Faraha ka Baxay gobolo iyo Degmooyin dalka ka Mid ah ayna xilalkooda ay iska Casilaan Masuuliyiin farabadan oo dowlada ka mid ahaan jiray dhaqaalihii dowlada ka soo galay wadamada Dibada iyo Canshuurihii Dadka laga aruuriyay siqaldan loo isticmaalay qodobo ka mid ah xeer hoosaadka Dowlada Gaar ahaan kuwa qeexaya xureynta sharciga ay ra’iisul wasaare Nuurcade iyo Xukuumadiisa ay ku tunteen .

 

Kagaabin howlihii qaranka iyo qimeyn la’aan Xaga Baarlamanka ayay Xildhibaanada Mooshinadan soo gudbiyay ka Dhigteen waxyaabaha ugu waaweyn ee ku kaliftay in ay sheegaan islamarkaana baarlamanka ay ka Codsadeen in kalsoonidii lagala Noqdo Xukuumada .

 

Shir kudoomiyihii fashigii baarlamanka Ee Maanta gudoomiye ku xigeenka Koowaad Ee Baarlamanka Dr Max’ed Cumar Dalxa ayaa Sheegay in qoraalkani mooshinka oo ay markii hore ku saxiixnaayeen xildhibaano ay tiradoodu gaareysay 98 Xildhibaan shan xil dhiban oo ka tirsan Xil dhibaanadaasi ay u soo gudbiyeen in ay ka Noqden oo halkaa oo kuwo kale oo shantaasi kamid ah ay sheegeen in lagu been aburtay ayna Maxkamad ku dacweyndoonaan dadkii been abuuray .

 

Sikastaba ha ahaatee kulanka baarlamanka ayaa Goor dhoweyn Soo dhamaaday waxaana shir gudoomiyaha uu ku dhawaaqay in mudane yaaasha baarlamanka ay u fasaxan yihin in 24saac gudahooda ku soo aqristaan qoraalkani mooshinka ah damadeedna mudaneyaasha ay ku kulmidoonaan xarunta ADCda markale iyadoo la filayo in doodii caadiga aheyd Ee mudaneyaasha Baarlamanka ay u fariistaan .

 

C/fitaax Amiin Max’ed

SBCInternational- Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Somali government and institutions matter and have proven to be able to overocme many an obsticle.

 

the Balcad group, the warlords alliance, the clan courts, the Asmara hotel group, the JVA.

 

All tried to destroy the governemnt and failed.

 

Now this split and the Nur Cade group will be no more than the rest.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   
Originally posted by General Duke:

The Somali government and institutions matter and have proven to be able to overocme many an obsticle.

 

the Balcad group, the warlords alliance, the clan courts, the Asmara hotel group, the JVA.

 

All tried to destroy the governemnt and failed.

 

Now this split and the Nur Cade group will be no more than the rest. [/QUOT

 

Wagar, kolba waxaad maqli. War nimankaas haddii ayba go,aan loo sheegin qadankaran dhibka dadka ma haystene, saaxiib wax maangal ah sheeg.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer in politics every card must be played to get your objectives. Nur Cade is feling the heat adeer , and whats wrongw ith that.

 

The parliment have made their move, if he survives then so be it, if he does not then we move forward.

 

The agreement in Addis, and this move is aimed to clip his wings.

 

But you do not undertsand as usual..

 

To the other brother, adeer the parliment is weak but lets not blame it for the troubles

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   

Then , if that is politics for you then there is a critical gap. Nevetheless, I think this is individulised plotics, but if we talk about a real politics , then surely we will cross all lines of TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this