Sign in to follow this  
Jumatatu

Yeey Disarm or else face consequences..

Recommended Posts

Jumatatu   

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Hoggaamiye Kooxeedyada iyo Ganacsatada hubeysan ay dan ugu jirto in ay hubka iska dhigaan

 

 

abdullahi_yusuf.jpg Isniin, August 22, 2005(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo halka uu ka degan yahay magaalada Nairobi ugu waramayay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa shaaca ka qaaday in aaney u qorsheysneyn Dowladda Federaalka Soomaaliyeed in ay awood u adeegsato hub ka dhigista maleeshiyooyinka Soomaalida ee ku kala firirsan guud ahaan Dalka, isagoo qabqablayaasha dagaalka iyo ganacsatadana ugu baaqay in ay hubka ka dhigaan maleeshiyooyinka ay u taliyaan.

 

Madaxweyne Yuusuf oo wareysigiisan uu ahaa midkii ugu qaboobaa ee uu bixiyo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in maamulka uu madaxweynaha ka yahay uu maalin uun saldhigan doono caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, inkastoo uu weli ku adkeysanayo in Muqdisho ay tahay meel qatar ah.

 

“Wadanka oo dhan ayaan dooneynaa in aan nabadeyno innaga oo u mareyna dib u heshiisiinta qabaa'illadii horay colaadaha u dhaxmareen intii dagaallada sokeyee ay socdeen, mana suurtowdo in aan xoog ku nabadeyno Soomaaliyaâ€ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo socdaalka uu Kenya ku joogo kadib la filayo in uu booqasho ku tago Dalka Sacuudiga.

 

Madaxweyne Yuusuf oo 70 jir ah, horayna u soo ahaa Sarkaal dhinaca Ciidamada ah ayay sanadkii hore 189 Mudane oo ka mid ah 275 Xildhibaan ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed u doorteen Madaxweyne KMG ah oo muddo shan sano ah hoggaamin doono Dowlad Federaal ah oo ay ku jiraan hogaamiye kooxeedyadii hubeysnaa oo 14-kii sano ee aynu ka soo gudubnay ku hardamayay hoggaanka Dalka.

 

Soomaalida ayuu ugu baaqay madaxweynaha in ay iska iloobaan wixii horay u dhexmaray, isla markaana ay is-cafiyaan, si buuxdana ay u taageeraan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, “markaasi kadib Soomaaliya sida ugu dhaqsiyada badan ayaan loo nabadeyn doonaa†ayuuna ku sii daray.

 

Madaxweyne Yuusuf oo la sheego in uu xiriir wanaagsan la leeyahay Dowladda Itoobiya waxaa uu caddeeyay in uu doonayo in wax walba wada hadal ku dhameeyo intii uu awood u adeegsan lahaa dadka ka soo horjeeda siyaasadihiisa oo ay ku jiraan Hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho ee Dowladda kula jira iyo Ganacsato awood leh.

 

“Ragga Ganacsatada ah nabad ayay u baahan yihiin, haddii ay doonayaan nabad iyo ganacsi sharci ahna waa in ay hubka iska dhigaan, markaasi kadib waa rag annaga oo kale ah, weyna garanayaan waxa dantooda dhabta ah ay tahay†ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo isha ku haya arrimaha sii jiitmaya ee dowladda Soomaaliya ayaa ka digay in kooxdii qaada tallaabo Militeri aan laga aqbali doonin tallaabadaas, cidii ka mas'uul noqota dagaallo ka dhaca Soomaliyana lala xisaabtami doono.

 

“Iyaga ayay dantooda ku jirtaa in ay hubka iska dhigaan, laakin annagu hub ka dhigis kuma sameyneyno, kaliya waxaan ka dhaadhicineynaa in ay hubka isaga dhigaan danta dalka†ayuu mar kale yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in aaney dowalddiisu heysan dhaqaale ay ku sameysato Ciidamo Mileteri ah oo awood leh.

 

Madaxweynaha oo sheegay in Deeq bixiyaasha Caalamka ay ka gaabinayaan taageero ay u fidiyaan Dowladdiisa oo dib dalkeeda ugu noqotay ayaa dhinaca kale wuxuu ka hadlay waxa uu u qabo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay is-khilaafsan yihiin “Aniga nafsad ahaan isuma arko in aan ahay cadawga Guddoomiyaha Baarlamaanka, hayeeshee wey jirtaa in aan kala fikir duwannahay, wax ayuu si u arkaa, anigana isla waxaas ayaan si kale u arkaa, waxaana qabaa in aan kala fikir duwanaan karno annaga oo aan cadaw isku ahaynâ€ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo wariye William Maclean oo Reuters ka tirsan ugu waramayay halka uu ka degan yahay magaalada Nairobi.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

 

 

note the highlighted text where the president admits lack of financial aid....I thought couple of weeks ago the PM said he received 40 million Euros from the EU...was that a bluf or has it found its way somewhere else. On the question of disarmament the president is kind of attached with, someone should remind him that he and his cohorts should disarm too. There is no way where some will disarm for the security of Yeey and at sametime make themselves vulnerable to the biggest dictator ever. And unless he understands this Yeey will forever joggle around

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jumatatu you are contradicting yourself.The man is saying that he will not use force but rather convince them of the logic of disarmament.Dont you read what you publish?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shirwac   

"Madaxweynaha oo sheegay in Deeq bixiyaasha Caalamka ay ka gaabinayaan taageero ay u fidiyaan Dowladdiisa oo dib dalkeeda ugu noqotay"[/b ']note the highlighted text where the president admits lack of financial aid.... '"

 

He is saying they'll lower/reduce(Gaabis) support when teh TGF government settles down, which is what we all expected the donor countries to do, since the government never wished to get support forever it has to be stop sometime, and so far it hasn't and he didn't admit LACK of anything.

 

I read the whole article twice, didn't see any one from TGF saying "...else face consequences".

 

If I had my way, I would make Mogadishu no man's land and let it be as it is and work on rebuilding the rest of the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirwac its only Juma trying to spin something. As for the President he has said what he has been saying all along. The country needs stability and security and that benefits everyone. The situation today must not continue.

 

Xoogsade there you go comparing H.E to Duke and Sky, who are they???? Exactly..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this