Sign in to follow this  
Fiqikhayre

AyrowHassan Turki accidently land in Kenya with heavy military hardware!

Recommended Posts

Juje   

Originally posted by HornAfrique:

but they wanted to take him to Mogadishu today so they could use his military knowledge to fight for them in Bur-Hakabo.

You dont seriously believe he has a military knowledge , do you sxb?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu 05, Nov.06 ( Sh.M.Network) Mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa loo ka xeeystay dhinaca wadanka Kenya, ka dib markii diyaarad ay ka soo raaceen magaalada Kismaayo oo ku soo jeeday Muqdisho loo weeciyay dhinaca magaalada Nairobi.

 

Xubnaha diyaaradaan saarnaa ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha maamulka islaamiga ee gobolada Jubbooyinka Axmed Sheekh Max’ed Islaam iyo afhayeenka maxkamadaha islaamka ee gobolada Jubbooyinka Sheekh Ibraahim shukri sida uu ku soo waramayo wariyaha Shabelle ee magaalada Dhoobleey Qorane Ibraahim ismaciil.

 

Mas'uuliyiintaan ayaa waxaa la sheegay in shalay diyaaradda ay u soo raaceen dhinaca Magaalada Muqdisho iyagoo ka soo raacay garoonka magaalada Kismaayo, waxaana Pilotii waday diyaaradda uu u weeciyay dhinaca wadanka Kenya ka dib markii sida la sheegay dad Kenya jooga ay ku qasbeen duuliyaha in diyaaradda uu ka soo dajiyo Kenya.

 

Mas'uuliyiintaan ayaa waxaa la tilmaamay in diyaaradii ay ka dajisay garoonka Joma Kenyati ee magaalada Nairobi, iyadoo loo sii gudbiyay dhinaca Wilson Airport.

 

lama yaqaan ilaa iyo hadda wax lagu tilmaami karo falkaan lagu weecsaday diyaaraddii ay saarnaayeen dhinaca nairobi , lama soo sheegin rag hubeysan oo saarnaa diyaaradda.

 

Waxaa soconaya dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo mas'uuliyiintaan, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Kenya oo ka hadlaya arimahaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indhacadde, excuse me I mean Al-Fadiilatu Sheikh Al-Xaakimul Wadani Yusuf Siyaad Indhacadde tells the people of his beloved country of the islamic courts union of Somalia, that the sacred brothers of the Mujahidin and the exalted leader of the union of Islamic courts, the branch of the lower and middle Jubba, together with his bodyguards, have been indeed released now.

 

This is a blessing, so this shows you the might of the Union of Islamic Courts, because after the Grand mufti and responsible mind for the state security the Grand Sheikh Yusuf As-Siyaad Al-Manuurul-Cain, send a communique, to release them immidiately or else ...........! Let's not go into that!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Yuusuf Indhacadde oo Shaaca ka qaaday in Wada hadal kadib xuriyadooda loosoo celiyay Maamulka Islaamiga ah ee Gobolada Jubbooyinka oo Garoonka Diyaaradaha Wilson lagu xayiray.

 

Muqdisho, 05-November-06 ( Qaadisiya.com)

 

Madaxa amniga iyo difaaca golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa goor dhaweyd u xaqiijiyay shabakada islaamiga ee Qaadisiya sii deynta wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo guddoomiyaha maamulka islaamiga ee gobollada Jubooyinka, kaasoo ku xanibmay Wilson Airport.

 

Diyaarad gaar ah oo wafdigan uu ka soo raacay gelinkii danbe ee shalay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa xalay ku dejisay garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi kadib markii duuliyihii diyaaradaasi uu ku andacooday in diyaarada uu ku dejiyay garoonka Wilson sababo la xiriira leyr xumo ka jirta garoonada ku yaalla dalka Soomaaliya.

 

Sheekh Yuusuf Indhacade ayaa sheegay in wafdigaasi uu dhowaan kaso duulayo garoonka Wilsan waxayna soo gaari doonaan Xilliyada Soo socda magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed iyo dawladda Kenya ay iska afgarteen sababihii diyaaradaasi ay ugu degatay garoonka Wilson.

 

Wafdigan ballaaran oo uu hogaaminayo Sheekh Axmed Maxamed Islaam ayaa la filayaa in ay ka soo degtaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyagoo iminka buuxiyay foomkii loogu talagalay Airporada Caalamiga ah in ay buuxiyaan duuliyeyaashu marka ay diyaaraduhu Safarka galayaan.

 

If they did not do that, this could have been a declaration of war and they know that Somalia needs war whether duke likes it or not

Share this post


Link to post
Share on other sites

NAIROBI: Xubno ka tirsan Maxkamadaha oo diyaaradi ay si lama filaan ah uga dajisay Nairobi, booliiskuna ay su'aalo weydiinayaan

Posted to the Web Nov 05, 14:04

 

 

Nairobi (PP) - Waxaa xalay ka dagtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Nairobi diyaarad kuwa yaryar ah oo sidday madaxa Maxkamadaha ay u magacaabeen Magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Islaan iyo ciidammo isaga la socda oo ilaaladiisa ah watana hubka fudfudud.

 

Diyaaradda oo ahayd nooca jaadka keena ayaa waxay si lama filaan ah uga dagtay Garoonka diyaaradaha ee Wilson Airport iyadoo sida guddoomiyahaan iyo xubno ka tirsan maamulka Maxkamadaha ee Gobollada Jubbooyinka, waxaana la sheegay in haatan su'aalo ay weydiinayaan Booliiska Kenya.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta dhabta ah ee keentay in diyaaraddaas ay ka dagto Nairobi iyadoo wada xubnahaan oo ka tirsan Maxkamadaha xilli ay jiraan xasaasiyado aad u xun oo u dhexeysa Maxkamadaha iyo Dowladda Kenya.

 

Sida wararka qaarkood ay sheegayaan in Dowladda Kenya ay amarka keenista xubnahaas ay iyadu lahayd, waxaana la sheegay inay maleynayeen inuu diyaaradda oo ku socotay Muqdisho uu saaran yahay Sheekh Xasan Turkey oo isagu madax ka ahaa abaabulkii dagaalladii lagu qaaday Jubbooyinka.

 

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in diyaaradda ay cillad ku timid darteed u tagtay Magaalada Nairobi, waxaase wararka ay sheegayaan in su'aalo la weydiinayo Madaxda Maxkamadaha u qaabilsan Degmada Kismaayo, balse ma jiraan warar cad-cad oo sheegaya waxa ka soo baxay su'aalaha la weydiinayo.

 

Arrintaan ayaa waxay ku keenay Maxkamadaha Cabsi weyn lamana garanayo waxa ay ka dhihi doonaan, waxaase jira walaac xooggan oo ka taagan Madaxda Maxkamadaha dhexdooda taasoo ay kaga hadlayaan arrintaan soo booddada ah.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa shabkada somaliwide.net u suurta gashay in ay la xiriirto gudoomiyaha Jubada Hoose Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Madoobe) isaga oo ku sugan magaalada Nayroobi caawa fiidkii Labada saac ee fiidnimo xilliga Afrikada bari, isaga oo kusugnaa Hetelka uu daganaa.

 

Wuxuuna gudoomiyuhu noo sheegay in aysan jirin wax dhib ah, ayna badqabaan, beritana ay dib ugu soo laaban doonaan dalka Soomaaliya hadii Eebbe idmo.

 

Gudoomiyaha ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo wax faahfaahin oo ku saabsan sida rasmiga ah ee wax u jiro, iyadoo la dhihi karo waxaa ugu wacnaa dad badan oo marti ah oo ku sugnaa hotelka uu daganyahay oo isaga iyo waftigiisa soo booqday, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen saraakiil sar sare oo Somalida Kenya ah iyo shacab fara badan intaba.

 

Dhanka kale, wararka ka soo baxayaa dhinaca masuuliyiinta Kenya ayaa sheegaya in sidoo kale aysan jirin wax shida ah iyo cid cid wax u haysta toona ee kaliya ay jirtay xaalad la fahmi karo oo diyaaradi waday wafdigan la soo gudboonaatay sidaas darteedna ay nayroobi ugu soo dageen.

 

Si kastaba ha ahatee, arinta wafdigan ayey isku dayeen kooxo ka aga dhow dowlada KMG ah inay waji kale u yeelaan, waxaase si weyn uga hortagay gaashaankana ku dhuftay Safiirka Kenya u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Afey, oo xaqiiqdii arinta gacanta si buuxda ugu qabtay, una diiday in ay soo faragashadaan dad lagu sheegay fidmo wadayaal aan fahamsananyn wax ay iyagu yihiin.

 

Masuul Kenyan ah oo magiciisa in la shaaciyo ka gaabsaday ayaa sheegay in ay jiraan dad qaxooti ku ah Nayroobi oo la yaqaan, oo isku dayey in ay dhib aan jirin abuuraan, balse ay dowlada Kenya ka hortagtay, wuxuuna tilmaamay in ay kuwaasi yihiin kuwa dhibaatada Soomaaliya sii huriya.

 

Isku soo duuboo, arintan ayaa ah cashar yar oo dhinacyada ay khusayso ay wax ka baran karaan, keeni doontana taxadar iyo feejignaan dheeraad ah.

====================================

 

 

05/11/2006: Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose Axmed Sheekh Maxamed (Islaam) Oo Ka DagaY Nayroobi Halkii Muqdisho Laga Filayey... Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Kismaayo, Muqdisho iyo Nayroobi ayaa xaqiijinaya in gudoomiyaha Jubada Hoose Axmed Sh. Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdigii la socday ay ka dageen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

 

Arintan ayaa sida la sheegayo ka danbaysay ka dib markay cillad xaga farsamada ah ay ku timid diyaaradii ay la socdeen.

 

 

Wixii faah faahina kala soco somaliwide.net

 

Publish Date: 11/4/2006

Last Updated: 11/5/2006

Source: Somaliwide +

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this