Sign in to follow this  
General Duke

Deep confusion 1: Zakaria of Asmara attacks Sharifs for meeting Ethiopians

Recommended Posts

Zakariye oo weeraray Sheekh Shariif

6 Jun 6, 2008 - 9:00:57 AM

 

Guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga Asmara Zakariye Xaaji Maxamuud oo khadka taleefoonka wareysi ku siiyay TV-ga Al-Arabiyah ee xaruntiisu tahay Imaaraadka ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu si sir ah kula kulmay safiirka Ethiopia u fadhiya Jabuuti.

 

Mas'uulkaan oo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa daboolka ka rogay in Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan ay labaduba shirkaas ka qaybgaleen.

 

"Waxan helnay warar sir ah oo arrintan xaqiijinaya, balse ma hayno qodobabdii ay shirkoodas kaga hadlen, waxase cad in labadodu ay khiyameyen shacabka Somaliyed iyo Isbahaysiga Asmara" ayuu yiri Zakariye oo intaas ku daray in waxa kasoo baxay kualnkaas ay saxaafadda dhawaan u soo gudbin doonaan.

 

Sidoo kale Zakariye, wuxuu sheegay in labada mas'uul ay horay shir qarsoodi ah ula qaateen safiir Mareykan ah, kaasoo gundhig u ahaa burburinta Isbahaysiga Asmara iyo xagal-daaciyaan howlaha muqaawamada ah ee ka socota gudaha Somalia.

 

"Labadoodu [shariifyada] waxay ka baxeen Isbahaysiga, waxayna laga bilaabo xilligaan la haystayaal u yihiin Dowladda Ethiopia iyo reer galbeedka" ayuu si caro leh ugu sheegay Zakariye TV-ga Al-Arabiyah.

 

Guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga Asmara wuxuu daboolka ka rogay in Sheekh Shariif iyo xulufadiisu ay horay shirar kala duwan ula qaateen saraakiil Ethiopian ah, iyagoo damacsan inay kala furfuraan Isbahaysiga mucaaradka ah ee fadhigiisu yahay Eritrea.

 

Zakariye oo kamid ahaa xildhibaano Barlamanka xilka laga qaadey ayaa ah siyaasiyiinta ku jira isbaheysiga oo aan garab hubeysan ku lahyen kooxaha dagaalka kala soo horjeeda DF.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zakariye Xaaji Maxamuud oo ah Kuxigeenka Sheekh Shariif ee Isbaheysiga Dib u Xorenta ayaa ku eedeeyay Garabka Isbaheysiga ee ku sugan Jabuuti ay heshiis la galeen Safiirka Ethiopia u fadhiya Jabuuti.

 

Mas'uulkan ayaa ku eedeeyay Madaxda isbaheysiga ee fadhigoodu yahay Jabuuti ay galeen qayaano qaran oo ka dhan ah buu yiri jiritaanka Isbaheysigooda iyo Mabaa'diida lagu aas aasay.

 

Isagoo wareysi siinayay TV-ga Al-Carabiya waxaa uu tilmaamay in ay jiraan wada hadalo qarsoodi ah oo ay jabuuti ku saxiixdeen Labada Shariif iyo Safiirka Ethiopia, isagoona arrintan ku tilmaamay meel ka dhac Dastuurka Isbaheysigooda

 

Waxaa wax lala yaabo ku tilmaamay ka bixitaanka Shirka Jabuuti ay isaga baxeen Madax ka tirsan isbaheysiga ka dib markii halkaasi lagu arkay Safiirka dowlada Ethiopia u fadhiya dalka Jabuuti oo Shirka ka qeyb galaya,waxaana Zakariye uu sheegay intaasi Suurta gal aheyn iyaga oo wada hadalo qarsoodi mar walba la yeesha Safiirka Ethiopia u fadiya dalka Jabuuti in hadani dartii uga baxan Shirkaasi.

 

Wuxuu ku eedeeyay Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan in ay ka weecdeen Siyaasada Isbaheysiga, isla markaana yihiin kuwo ka baxsaday nidaamkii uu ku socday isbaheysiga, isagoona sheegay inuu sii heynayo Xilka Gudoomiyenimada Isbaheysiga inta laga soo dooranyo Gudoomiye Cusub oo bedela Sheekh Shariif.

 

Hadalka Gudoomiye Kuxigeenka Isbaheysiga Dib u Xoreynta Zakariye Xaaji Maxamuud ayaa ku soo aadaya xilli Wada hadalo aan ilaa iyo hada saldhigan ay ku leeyihiin Jabuuti Garabka Labada Shariif hogaamiyaan iyo Dowladda Federaalka.

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

Jowhar.com & Jowharnews.com

Jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

This Unknown Zakariye dude is trying to make a name for himself by picking up with the Shariif every other minute.... He knows that Shariifka's position as the leader will be vacant soon if they decide to depose him, I have a good reason to believe that he's brushing up himself for that post.... Silly man, get a life

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Labadoodu [shariifyada] waxay ka baxeen Isbahaysiga, waxayna laga bilaabo xilligaan la haystayaal u yihiin Dowladda Ethiopia iyo reer galbeedka" ayuu si caro leh ugu sheegay Zakariye TV-ga Al-Arabiyah

 

Talk of lahaystayaal from someone holed up in Asmara is like the kettle calling the pot black. It is no wonder the group remaining in Asmara do not want to displease their patron, the little dictator Afewerki in his quest to keep fighting Ethiopia to the last Somali.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

I can understand the anger of Zakariye; but I think his language is too strong. But those sheepish Shariif's are not doing any good. They advertised their difference when they actually had no basic difference with the team in Asmara. They only wanted to talk because they felt not talking would have been a disrespect to their host-President Ismail Omar Gelle. That was not a mistake, but they shouldn't have attacked (one of them) Eritrea. I know that is the only country that can offer them protection markuu xaalku adkaado.

 

Anyway, I am not sure if my moratorium till negotations end should still be valid; but out of respect to XIIN, I am not ready to apply these lines to either of them.

 

Shariif yahow

Shar yahow

Shoolad yahay baasi

Shaydaan la moodyahow

Jinn yahow Shaadhka loo galiyay

 

But someone I asked how one of the Shariif is doing in Djibouti sent this message from Djibouti:

 

Shariifkii dar loo liilyay yuu dacalka haystaaye

Danna kama laheyin ruux kalooy daranyo haysaayee

Dibin daabyaddaa iyo ka weyn daartii Xoogsada'e

Dibna uguma laabmeyn dalkii doog haduu baxana

 

P.S. Both of these short poems are not mine. The man who composed it for an enitrely different matter is called SURWAAL (trouser). He is from my hometown.

Share this post


Link to post
Share on other sites
CapeTown   

Abtigis Tolka

 

 

SOmali people are not goin to suffer for One Tribe interest . If it was not for sheiq sharif Maxkamadah would only exist in Ifka xalan let alon the entire south somalia .

 

If shieq sharif was ciyaal suuq like indha caade he would have replied to their non sense allegations and threats .

 

Who is this Zakeriya dude anyway was he not part of the TFG -

 

Someone tell this guy Shaiq shariff is in Djibouti to safe his people from starving and never ending war ... sheiq shariff is puting his people interest before the so called Isbahaysiga Asmara .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this