Sign in to follow this  
QabiilDiid

World Food Program distributes food in Mogadishu

Recommended Posts

Bankiga horumarinta Islaamka oo ansixiyay lacago la gaarsiiyo isbitaalada Muqdisho.

 

Jeddah, Isniin, April 30, 2007 Simba Radio

 

Bankiga Horumarinta Islaamka, ayaa ansixiyay lacag gaareysa shan boqol iyo soddon lix kun oo lagu iibinayo dawooyin si loogu caawimo Isbitaalada magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

 

Lacagtaasi ayaa waxaa sidoo kale cunooyin loogu iibin doona dhibanayaasha iminka ku jira Isbitaalada Muqdisho.

 

Bankiga ayaa maalmaha soo socda waxa uu guddi gaaar ah u diri doonaa magaalada Muqdisho si ay u eegeen habka dawooyinka Caafimaad loogu gudbin doono dadka loogu tala galay.

 

Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Islaamka Dr. Axmed Maxamed Cali ayaa ka codsaday hay'adaha gar gaarka ee Gobolka iyo kuwa caalamiga ahba ay caawimaad siiyaan daka barakacay qaarkoodna ay musiibo bani aadannimo gaartay ee Dalka Somalia .

 

Dr. Axmed ayaa ka digay guul darro oo ku timaada in caawimaad iyo gar gaar deg deg ah la bixiyo uu la macno yahay, ayada dadka da'da ah, haweenka iyo caruurta ay noqon doonaan dhibanayaasha musiibo uu sheegay inay soo wajahan tahay.

 

Dr. Axmed ayaa sheegay inuu Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Somalia Cali Maxamed Geedi kula kulmay magaalada Jidddeh ee dalka Sacuudiga intii lagu guda jiray kullankii dhawaan Jaamacadda Carabta ay halkaasi ku yeelatay.

 

Bankiga Horumarinta Islaamka ayaa sidoo kale sheegay in mixnado waxbarasho ugu deeqay 107 arday oo Soomaali ah kuwaasi oo heli doona waxbarasho ah kulliyadaha Caafimaadka, Injineerinka, Beeraha iyo Culuumta Kumbiyuutarka.

 

Axmed Cali Sheekh

alaxmed@hotmail.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this