Sign in to follow this  
General Duke

Aydeed Jr, no longer an MP, further isolation

Recommended Posts

Caydiid oo laga eryay Barlamanka

4 Aug 4, 2007 - 9:26:52 AM

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Somaliya Sh. Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe) ayaa maanta ka sheegay kalfadhigii Baarlamaanka in Xuseen Maxamed Caydiid laga qaaday xubintii Xildhibanimo kadib markii uu Gudoomiyuhu shegay in uu gudan waayay waajibaadkiisii isla markaana uusan mudo 8 bilood ah ka soo xaadirin fadhiyada Baarlamaanka.

 

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo ka codsaday beesha uu ka dhashay Xuseen Caydiid in ay keensadaan xubintii u badali laheyd oo uu ku eedeeyay in uu la baxay ama ku biiray xubnaha Baarlamaanka Xorta ah ee fadhiga ka dhigtay Asma.

 

Eedeynta loo soo jeediyay Xuseen Caydiid ayaa ka danbeysay kadib markii uu ku biiray xubnaha ka soo horjeeda fikirka dowladda ee fariisinka ka dhigtay magaalada Asmara kuwaasoo isugu jira xubno hore oo Baarlamaanka ka tirsanaa iyo mas’uuliyiintii midowgii Maxkamaddaha ee laga awooda roonaaday, isagoo dhawaan ku eedeeyay dowladda iney ka leexatay dariiqii loo soo dhisay oo ay dalka gelisay waxa uu ugu yeeray gumeysi cusub isla markaana uu isagu gartay inuu isaga baxo uuna amaankiisa u baqay.

 

Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuseen Caydiid oo laga saaray Baarlamaanka Soomaaliya

Written by Osman Dhayib User Rating: / 0

 

Saturday, 04 August 2007

 

Xuseen Maxamed Caydiid oo horay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay uga qaaday Xilkii Ra’iisal Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa maanta waxaa mar kale laga qaaday Xilkii u haray ee Xildhibaannimo.

 

Guddiga Dishibiliinta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xuseen Caydiid ku eedeeyay in uu fadhiyada Baarlamaanka uga maqnaa sabab la’aan, iyadoo sidoo kalena lagu eedeeyay in uu ku xad-gudbay Axdiga iyo Xeer Hoosaadka u degsan Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo shir guddoominayay kulan ay maanta Xildhibaannada Baarlamaanka ku yeesheen Magaalada Baydhabo ayaa ku dhawaaqay in Xuseen Caydiid laga saaray Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in uu si sharci darro ah uga maqnaa fadhiyada Baarlamaanka muddo ka badan labo bilood.

 

"Xildhibaankaas isaga ayaa gudan waayay xilkii uu u dhaartay marka waxaan ka codsaneynaa Beesha uu ka soo jeedo in ay soo gudbiso qofkii u geli lahaa Baarlamaanka Soomaaliya"ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Xildhibaano tiradooda kor u dhaafeyso 30 Mudane ayaa horay looga saaray Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo haatan qaarkood ay ku sugan yihiin Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, inkastoo Xubnahan ay la baxeen Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ayaa dhawaan mar uu ka hadlayay Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka wuxuu sheegay in Xildhibaankii fasax iyo sabab la’aan maqnaada muddo 60 cisho ah laga saarayo Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xuseen Maxamed Caydiid oo dhawaan u waramayay Wargeyska Al-Quds Al-Arabi ayaa wuxuu madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay waajibkooda gudan waayeen, isla markaana ay dalka Soomaaliya keeneen Ciidamo Itoobiyaan ah oo xasuuq ku haya dadka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ahna Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu eedeeyay in uu ballaarsaday Awoodda uu sharciga u ogolyahay, isla markaana uu sameynayo waxyaabo uusan sharciga u ogoleyn.

 

Last Updated ( Saturday, 04 August 2007 )

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wigad   

I dont think this guy left the government for a sincere reason or anything i think he left because of clan afiliated or money afiliated thing that him and the government disagreed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Salahu diin:

I dont think this guy left the government for a sincere reason or anything i think he left because of clan afiliated or money afiliated thing that him and the government disagreed

The latter is my bet.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wigad   

^^ what makes you think he joined the courts maybe he joined anti TFG but his not one of the members of the courts.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wigad   

What did he say exact words would be nice if this is true then i am very disapointed with the islamic courts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^He seemed kind of confused, his words were along the lines "both groups made a mistake, I was part of the TFG but now I am part of the courts"

 

He is flip flopping and I doubt the courts would have him, there are more capable men even from his sub-clan to bring on board.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

^^^He seemed kind of confused, his words were along the lines "both groups made a mistake, I was part of the TFG but now I am part of the courts"

Prove sxb, even whether you read it in Chinese.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this