Sign in to follow this  
General Duke

UAE delegation arrive in Puntland..

Recommended Posts

Wafdi heer sare ah kana socda Imaraadka Carabta oo Boosaaso ku sugan

 

 

Wafdi ballaaran oo ka socda waddanka Isugtagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, wafdigaas oo ah kii ugu heerka sarreeyey ee ka socda Imaraadka ee soo gaara Puntland.

 

Weftigan ayaa waxa uu ka kooban yahay shan xubnood oo kala ah:

 

1. Mr.Mehezi Maxamed, Agaasimaha Guud ee Furdooyinka iyo Dekedaha

2. Dr.Axmed A-Tejani Maxamed, wuxuu ka socdaa Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Beeraha ee dalka Emaaraadka.

3. Mr AlMehrezi Rashid

4. Gazi Yahya hay’adaha Caafimaadka Adduunka ee WHO

5. Mr Abdulhakim Mush Jeeli, Xiriiriye.

 

Waftigan ka socda Imaaradda Raasa Alkhayma ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ku soo dhoweeyey wasiirka maaliyadda Puntland, Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, wasiirka ganacsiga iyo wershedaha, Cabdirisaaq Cabdulle Shaahdoon, wasiirka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka Siciid Jaamac Qoosheel iyo guddoomiyaha gobolka Bari, Muuse Geelle Yuusuf.

 

Ujeedada wafdigan ayaa ah arrimaha ganacsiga iyo xoojinta wax is dhaafsiga Puntland iyo Imaraadka Carabta.

 

Madaxweynaha Puntland Md. Maxamuud Muse Xirsi ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Boosaaso weftigaasi, wuxuuna uga mahadnaqay imaanshaha ay yimaadeen Puntland una aqbaleen casuumadii uu u diray.

 

Maxamuud Faarax Bile

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdigii ka yimid Emaaraadka oo la kulmay Madaxweynaha Puntland (Daawo Sawirada)

Last Updated::2007-03-17 17:39:49

 

Boosaaso:- Waxaa maanta soo gaaray Magaalada Boosaaso wefti ka socda Imaaraatka Raskhayma ee dalka UAE.

 

Weftigan ayaa waxa uu ka kooban yahay shan xubnood oo kala ah

 

1.Mr.Mehezi Maxamed ,Agaasimaha Guud ee Furdooyinka iyo Dekedaha

2. Dr.Axmed A-Tejani Maxamed, wuxuu ka socdaa Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Beeraha ee dalka Emaaraadka.

3.Mr AlMehrezi Rashid

4. Gazi Yahya hay’adaha Caafimaadka Adduunka ee WHO

5.Mr Abdulhakim Mush Jeeli, Xiriiriye

 

 

Weftigan ka socda Raasa,alkhayma ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Banderqasim International Airport ee Boosaaso, ku soo dhoweeyey Wasiirada Wasaaradaha, Maaliyada, Kalluumaysiga, Ganacsiga, Xannaanada Xoolaha, Guddoomiyaha gobolka Bari, waxaana loo soo gudbiyey dhinaca Madaxtooyada si ay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ula kulmaan.

 

Madaxweynaha Puntland Md.Maxamuud Muse Xirsi ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Boosaaso weftigaasi, wuxuuna uga mahadnaqay imaanshaha ay yimaadeen Puntland una aqbaleen casuumadii uu u diray.

 

Intaasi ka dib ayaa waxa hadalkii qaatay Madaxa weftiga Mr.Mehezi Maxamed oo si aada ugu mahadnaqay madaxda Puntland sida diiran ee ay u soo dhoweysay waxaana aad ugu faraxsanahay imaashaha Puntland.

 

Weftigan ayaa waxa ay dowladda ka wada hadlayaan iskaashiga dhinaca Ganacsiga gaar ahaana dhinaca horumarinta xoolaha, maalgashi iyo mashariic wadaag ah.

 

Waxaa la saxeexi doonaa heshiis wax wada qabsi oo labada dhinac ayadoo maalinta beri ah bilaaban doonaan wadahadala rasmiga ah ee laba dhinac.

 

Dhanka puntland waxaa wada hadalka uga qayb galaya:

 

1. Siciid Maxamed Raage Wasiirka kalluumaysiga, Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

2. Maxamed Cali Yusuuf Wasiirka Maaliyada

3. C/risaaq Siciid Cali Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha

4. Sciid Jaamac Cali Wasiirka xannaanada xoolaha ,beeraha iyo degaanka.

5. Idiris Shire Xuseen Agaasimaha Arrimaha Federaalka

6. Faarax X. Mire la taliye.

 

Weftigan ayaa Puntland joogi doona muddo 3 maalmood ah waxaana casuumay Madaxweynaha Puntland

 

Faisa Cabdi Dhalac

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka socda dalka Imaaraadka carabta oo maanta soo gaaray magaalada Boosaaso kulamana la qaatay madaxweyne Cadde iyo masuuliyiin kale

 

Wararka inagasoo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ee maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi maanta uu soo gaaray wafdi ka socda dalka Isutagga imaaraadk Carabta.

 

Wararka inagasoo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ee maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi maanta uu soo gaaray wafdi ka socda dalka Isutagga imaaraadk Carabta.

Wafdigan oo ka kooban 5 xubnood ayaa ka socday Imaaratul rasiiqilya,waxaana dhabaha diyaardaha ee magaalda Boosaaso kusoo dhweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ay ka mid yihiinwasiirro iyo masuuliyiinta maamulka gobalka Bari

Wafdiga ayaa loo soo kexeeyay durbadiiba dhanka madaxtooyada magalada Boosaaso halkaasoo ay kulan muddo kooban socday kula yeesheen madaxweynaha maamulka Puntland General Cadde iyo qaarka tirsan wasiiradiisa

Guddoomiyaha gobalka Bari Muuse Geelle Yuusuf ayaa saxaaaafadda u sheegay in ujeedada socdaalka masuuliyiintani ay la xiriirto xoojinta xiririka u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta iyo iskaashi ballaaran oo labada dhinac ay ka yeelanayaan dhinacyada ganacsiga iyo dekedaha.

Masuuliyiinta dalka Imaaraadka ka socda ayaa maalmaha ina soo aadan sii joogi doona Puntland iyadoo ay kulamo dheeraada la yeelan doonaan madaxda maamulka oo ay heshiisyana kala sxixan doonaan.

 

Xafiisk warqabdka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

Contact:info@carmoyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

More Photos inshallah of the arrivial of the UAE delegation, who were invited by the President of Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi (better known as General Adde).

 

The delegation will speak with the government of Puntland on how to cooperate in regards to business especially the advancement of the cattle business and how they could invest in Puntland and conduct shared and bilateral tasks of development in both of their respected countries.

 

They will sign an comprehensible pact and deal on a bilateral cooperation in terms of development and shared economical ties. The talks will officially start tommorrow inshallah.

 

On the side of Puntland State of Somalia, the following people will participate in the bilateral talks and discussions between the two governments of Puntland State and the UAE:

 

1. Siciid Maxamed Raage Wasiirka kalluumaysiga, Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

2. Maxamed Cali Yusuuf Wasiirka Maaliyada

3. C/risaaq Siciid Cali Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha

4. Sciid Jaamac Cali Wasiirka xannaanada xoolaha ,beeraha iyo degaanka.

5. Idiris Shire Xuseen Agaasimaha Arrimaha Federaalka

6. Faarax X. Mire la taliye.

 

The delegation of the UAE will stay for three days inshallah and they're here on the invitation of the President of Puntland State of Somalia, H.E. General Adde Muuse Hirsi.

 

 

wafdi_emaaraadka_170307_2.jpg

 

wafdi_emaaraadka_170307_1.jpg

 

wafdi_emaaraadka_170307_3.jpg

 

wafdi_emaaraadka_170307_4.jpg

 

wafdi_emaaraadka_170307_5.jpg

 

wafdi_emaaraadka_170307_6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

763.jpg

 

Wafti balaaran oo ka socda Wadanka imaaraadka carabta oo soo gaaray Boosaaso.

 

Waxaa maanta soo gaaray Magaalada Bosaso wafti uu hogaaminayo Agaasimaha Degedaha Imaarada Raasal khayma ee isu taga imaaradaha midoobay iyagoo kulamo la qaatay madax ka tirsan Xukuumada Puntland, Labada dhinac ayaa siwayn isula soo qaaday arimo horay madax ka socota Puntland ay kala soo hadleen Imaarada Raasal khayma kulamo horay ay ula soo yeesheen.

 

Waftigan oo ka koobnaa 6 xubnood ayaa siwayn loogu soo dhaweeyay bosaso iyagoo kulamadii ay wada yeesheen Xukuumada kadib uu war kooban saxaafada siiyay Wasiirka Dekadaha iyo Kheyraadka Badda Puntland Siciid Maxamed raage isagoo sheegay in Labada dhinac siwayn isula afgarteen waxyaabihii ay kawada hadleen.

 

Warar hoose ayaa sheegaya in waftigani ay ubalan qaadeen Xukuumada Puntland qodobo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanayd iibgaynta xoolaha nool ee Puntland iyo sidoo kale in Puntland ay ka saacidaan dhinacyada Dekedaha iyo Airporada si kor loogu qaado xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dhinac.

 

 

Allmudug.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice developments if all goes well. The UAE has a lot of expertise especially in port management and hopefully they help is with the cattle situation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I'm telling you Duke these 'public' news seem only to be the tip of the iceberg. I wonder how many deals have been brokered behind closed doors under disadvantageous conditions?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this