Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Xasan ready for talks...??

Recommended Posts

Shariif Xasan Sh.Aadan oo kubaaqay inay udiyaar yihiin inay Wadahadalo dhexdhaxaadin ah layeeshaan Xubnaha Dowlada ee Jowhar.

Posted to the Web Jul 30, 18:25

Muqdisho:-Gudoomiyaha baarlamanka ee Dowladda FKMG-ka ee Soomaaliyeed Mudane Shariif xasan Sh.Aadan ayaa maanta sheegay in ay xubnaahooda ku sugan magaalada Muqdisho ay diyaar u yihiin in ay wadahadalo kula yeeshaan goob walba xubnaha kale ee ku sugan magaalada Jowhar ee gobalka Sh/dhexe ee ay xagga fikirka si aad ah ugu kala duwan yihiin.

Gudoomiyaha ayaa hadalkani sheegay mar uu maanta saxaafadda kula hadlayey Hotelka Saxafi oo ay maanta kulan ay albaabada u xiran yihiin ay ku yeesheen dhammaanba xubnaha labada gole ee Dowladda ee Muqdisho joogta.

Shariifka waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin xubnahooda Xamar ku sugan in ay wadahadalo fool ka fool ah ay kula yeeshaan goob waliba kuwaasi oo lagu xalinayo khilaafka baahsan ee dabadheeraaday ee u dhexeeya xubnaha labada gole, si buu yiri loo badbaadiyo mirihii ka dhashay shirkii dib u heshiisiinta ee Soomaalida loogu qabtay dalka Kenya,islamarkaana loo taageero dadaalka ay iminka waddo Qaramada Midoobey ee lagu dhaxdhaxaadinayo xubnaha Dowladda ee is khilaafsan.

Gudoomiyaha baarlamanka ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayey arrimaha Isbaaro qaadista waxaa uu xusay in ay iminka mareyso heer gabagabo ah oo la qaaday intii badneyd Isbaarooyinka ee muhiimka ahaa.

Kulankii ay maanta xubnaha labada gole ay ku yeesheen Hotelka Saxafi, ayaa waxaa kaloo la iskula soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen:

Sidii amniga Magaalada Muqdisho wax looga qaban lahaa,sida laga yeelayo Arrimaha Isbaaro qaadista iyo waxyaabaha ka haray,Khudbadihii ay dhawaan jeediyeen Madaxweynaha iyo R/wasaaraha,iska hor imaadkii dhawaan ka dhacay halka loo yaqaano Ceelgaal ee ka tirsan Gobalka Hiiraan iyo qodobo kale oo muhiim ah,iyadoo kulanku intii uu socdayna uu kusoo biiray Wafti dowladda FMKG-ka ka tirsan oo kasoo kicitimay dalka kenya oo uu hogaaminayey R/wasaare ku xigeenka kowaad Maxamuud C/laahi Jamac Sifir iyo xubno kale.

ugu dambeyntiina kulankan ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyey dilkii naxdinta lahaa ee xalay loo geystay Aalaha u Naxariistee Marxuum Sheekh Maxamed Muumin Haaruun oo kooxo dablay ahi ay dileen.

C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhajaceyl)

Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post

Link to post
Share on other sites

“It is said that no-one truly knows a nation until one has been inside its jails. A nation should not be judged by how it treats its highest citizens, but its lowest ones,†Mr Mandela has said."

We can easily forgive a child who is afraid of the dark; the real tragedy of life is when men are afraid of the light."

Shariif Xasan is ready to talk good very good I listen to him on the bbc Two day's ago and this Quote came to mind."Wise men speak because they have something to say; Fools because they have to say something."

Share this post

Link to post
Share on other sites

Kulan aan Caadi ahayn oo Muqdisho kadhacay iyo Xubnihii Xamar joogay oo Jowhar u

{Mogadisho}Axad, July 31, 2005

Waxaa Hotel Saxafi -ee Magaalaada - Muqdisho ka dhacay Kulan aan Caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Xubnaha B.lamaanka ee Kusugan Halkaas, Waxaana Guddooominayey Shirka Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya Mudane: Shariif Xasan Sh. Aada..........

Kulankaan oo sida lasheegayo ayan kasoo qaybgalin Xubno saas usiibadan ayaan lagu qaban Xarunta Xisbiga oo ahayd Halkii Fadhiga u ahayd Baarlamaanka Muqdisho kusugan, Waxaana loosababaynayaa Inta badan Baarlamaankii Halkaas kusugnaa oo Udusay Dhankaas iyo Magaalada Jowhar oo ah Fariisinka Rasmigaa ee Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Prf: Cali Maxammed Geeddi.

Inkastoo uu shirkaani ahaa Mid Albaabadu uxiran yihiin ayaa Haddana wuxuu Guddoomiye:Shariif Xasan sheegay inay Guud ahaan Baarlamaanku soodhaweeyeen Wadahadalladii iyo Dadaal walba oo lagu dhexdhexaadinayo, Labada Garab ee DKMG-kaa waa Siduu Hadalka udhigaye.

Kulankaan ayaa intii uusocday waxaa Shirka kusoo biiray Xubno uu horkacayo Maxamud C/llaahi Jaamac "Sifir" oo ah Ra'iisalwasaare Kuxigeenkii hore ee Soomaaliya, waxaa kaloo Wafdiga yimid kamid ahaa Zakariye Maxamuud Xaaji iyagu kawar bixiyey Safar ay uga yimaadeen Magaalada Nayroobi ee Carriga Waddanka Kenya.

Isku sooduuduuboo Majirin Natiijo wayn oo kasoobaxday Kulankii Sabtilaha ahaa ee Xubnaha Baarlamaanka ee Xamar kusugan Marka laga reebo Soodhawaynta Dhexdhexaadineed ee Labada Garab ee DKMG.

Bishaar C/risaaq bishaar100@hotmail.com

Share this post

Link to post
Share on other sites

Jowhar:Isu soo dhawaasho ka dhex muuqda madaxda sar sare ee DFKGS ee khilaafku udhexeeyay

- Sunday, July 31, 2005 at 16:17

Jowhar(AllPuntland)- Magaalada Jowhar ee ah fariisinka kumeel gaarka ah ee Dawladda Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya hawlo isu soo dhawaansho ah ayadoo ay dheceen xiriir xagga taleefonka ah oo dhex maray madaxdii khilaafaadku ka dhexeeyay.

Raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxmed Geeddi iyo madaxwaynaha Soomaaliya ayaa wada qorshayaal ay ku doonayaan inay wada hadallo diblomaasiyadeed layeeshaan madaxda kusugan Muqdisho ee uu kamid yahay Guddoomiyaha baalramaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xiriir xagga taleefonka ah ayaa dhex maray madaxwaynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha baarlamaanka iyo sidoo kale raysulwasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha baarlamaanka .

Inakastoo masuuliyiinta xiriirka sameeyay aysan saxaafadda u caddayn xiriirkaasi ayaa hadana sida ay AllPuntland soo gaarsiinayaan xog ogaal Jowhar kusugan , waxaa muuqda dabacsanaan labada dhinac ah oo ay kasoo dabceen mawqifyadii ay horay u taagnaayeen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa naf ahaantiisu Muqdisho ka sheegay inay muhiim tahay in lala shaqeeyo dawladda Soomaaliya laguna gudo jiro xallinta khilaafaadka u dhexeeya garabyada dawladda.

Wada hadalladaasi waxaa bar bar socda kulan dhex maraya madaxwaynaha , rasulwasaaraha iyo qabaa'ilka Soomaaliyeed oo looga falan qoonayo xasilinta dalka .

Waxaa maalmihii tagay hoos u dhacay xawligii ay ku socon jirtay doodaha madaxda Soomaaliyeed ay isku dhaafsanayaan saxaafadda ayagoo midba midka kale dhaliilayo , waxaana dadka siyaasadda ka faallooda ay sheegayaan in isu soo dhawaanshaha ka dhex muuqda madaxda DFKGS uu noqon karo mid heshiis dhab ah ka danbeeyo.

CCC Farayaamo

AllPuntalnd

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this