Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Pm Cumar buur Addresses Somaliland at chatham house

Recommended Posts

Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Ka Haldey Somaliland.

 

 

Hargeysa (TVSLE)- Raysalwasaaraha dawladda Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegay inay layaab noqotay in labada nin ee u sareeya kooxda Al-Shabaab ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Jamhuuriyadda Somaliland oo Somaliya xorriyadeeda kala soo noqotay sannadkii 1991-kii.

 

Cumar, oo toddobaadkan hadal dheer ka jeediyay xarunta daraasadda siyaasadda ee Chatham House, oo ku taala magaalada London, waxa markii uu hadalkiisa dhammeeyay la weydiiyay su’aalo kala duwan, waxaana su’aalahaas ka mid ahayd su’aal uu weydiiyay nin ajaanib ahi, oo ah qorshaha dawladooda uga meel yaala Jamhuuriyadda Somaliland. “Somaliland sidaynu ognahayba waxay ku soo dhex jirtay dhibatooyin, taas oo ka dhalatay dib u dhigistii doorashooyinka.” Ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid, waxaanu intaas raaciyay inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Somaliland, “Waxaanu rajaynaynaa in aanu la fadhiisano, marka ay doorashooyinkaa ka baxaan ee ay dhamaystiraan, si aanu u eegno sida Soomaliya ay uga talin lahayd masiirkeeda, markaa waxaan filayaa in xaalada nololeed, amaan iyo siyaasadeed ee Soomaliya ay hoos u sii dhacayso.” Ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid.

 

Waxa uu ka qayb galayaashii kulankaas, u sheegay inay la yaabi doonaan, marka uu u sheego in labada nin ee u sareeya kooxda Al-Shabaab ay ka soo jeedaan Somaliland, “Waxa layaab noqotay in labada nin ee ugu sareeya ururka Al-shabaab ay ka soo jeedaan Somaliland.” Ayuu yidhi Raysalwasaaraha dawladda Sheekh Shariif.

 

Dhinaca kale, khudbadda uu jeediyay su’aalaha ka hor, oo uu kaga hadlay xaaladaha kala duwan ee Somaliya, waxa uu ku soo hadal qaaday Somaliland. Waxaanu sheegay in dawladiisu diyaarisay qorshe ay ku dejinayso Somaliya oo ay ku jirto Somaliland, “Sida aan dhawaan u qoray Raysalwasaarihiina Mr. Gorden Brown, dawladda ku meelgaadhka ahi waxay diyaarisay qorshe ku bilaabmi doona hab dib loogu soo celinayo nabadii Somaliya oo ay ku jiraan Somaliland iyo Puntland, taas oo ay taageerayaan bulshada caalamku.” Ayuu yidhi Raysalwasaaraha Sheekh Shariif.

 

 

 

published on Sunday, 1 November 2009

Source: tvsle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa uu ka qayb galayaashii kulankaas, u sheegay inay la yaabi doonaan, marka uu u sheego in labada nin ee u sareeya kooxda Al-Shabaab ay ka soo jeedaan Somaliland, “Waxa layaab noqotay in labada nin ee ugu sareeya ururka Al-shabaab ay ka soo jeedaan Somaliland.” Ayuu yidhi Raysalwasaaraha dawladda Sheekh Shariif.

Wuxu Raisal wasaare Cumar buur Leeyahay Nimanka Alshabaab u madax ah Waxay ka soo jeedaan Somaliland. yacni Ingreesow Somaliland argagixisada Somalia ka socotta waxa sababbay dad ka yimi SOmaliland. Ingreesku inugu Diraya Raisal wasaaruhu , darraad na daahir riyaale kahin wuxu yidhi Alshabaab anagu Qorii caaradii ayaanu ku qabbanayna,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Waryaa Xaaji Xeyraan stop commenting on the Prime Minister's looks. Cumar Buur kulahaa, allow yaa ku arko adi sidaa u cayyiloon tahay : )

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this