Sign in to follow this  
Jacaylbaro

QARAX KA DHACAY XARUNTA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND

Recommended Posts

Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha xaruunta golaha guurtida Somaliland, oo ka soo horjeeda xaruunta madaxtooyada.

 

Qaraxa oo dhacay abaarihii 12-kii duhurnimo ayaa cid wax ku noqon, inkastoo uu burburiyay qeybo ka mid ah dhismaha iyo qalabkii yaalay xafiisyada.

 

Taliyaha booliiska Somaliland oo BBC wax ka weydiisay qaraxan ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo.

 

Xilliga qaraxu dhacay ayaa waxa ay ahayd mar shaqaalaha xaruunta Golaha Guurtida Somaliland ay ka rawaxeen halkaasi.

 

Waa markii sadexaad oo todobaad gudihiis uu qarax ka dhaco Hargeysa.

 

 

BBC Somali

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa ka dhacay xarunta golaha guurtida ee magaalada Hargeysa qarax weyn oo gigilay xaruntaas,waxaana ilaa iyo hada aan la hubim cida wax ku noqotay iyo sida qaraxu u dhacay.Qaraxan oo ah kii sadexaad ee todobaad gudihiis ka dhaca magaalada Hargeysa ayaan la garan karin cida ka danbaysa.

 

 

 

 

Xarunta Golaha guurtida ayaa aad ugu dhow xarunta madaaxtooyada,iyadoo ku taala badanaa meelaha ay ku yaalaan xafiisyada dawlada Somaliland,waxaana hada baadhitaan halkaas ka wada ciidamada booliiska iyo qaybta miinobaadhista.

 

Qaraxan ayaa dadka qaar waxay la xidhiidhinayaan doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Somaliland,iyadoo golaha guurtida beryahan lagaga doodayey qaabka ay doorashooyinku u dhici lahaayeen.

 

Waa qaraxii 3-aad ee mudo todobaad ah ka dhaca Hargeysa,iyadoo badanaa lala beegsanayo masuuliyiinta doorashooyinka,iyadoo xukuumada Riyaale ay wado hawlo dib loogu riixayo wakhtiga doorashada,arintaas oo ay ka biyo diideen xisbiyada mucaaradku.

 

Gudiga doorashada Somaliland ayaa iyaguna sheegay inaanay suurto gal ahayn inay dhacdo doorasho wakhtigii loogu talo galay,oo ugu horeyn ay doorsho dhici karto bisha Oktoobar ee sanadkan.

 

Xisbiyada mucaaradka ayaa ka digay in dib loo dhigo doorashada,taasina ay keeni karto nabada oo faraha ka baxda.Waxaa sidoo kale is casilay dhowaan gudoomiyihii doorashooyinka Somaliland,isagoo sheegay in faragelin lagu hayo xubnaha doorashada iyo habka ay u dejiyeen doorasahdu inay u dhacdo.

 

Qaraxyadan ayaan hore looga aqoon Somaliland,ayaa waxa welwel ka muujiyey dadka reer Hargeysa.

 

 

Afnugaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa-(Qaran)-Qarax wayn ayaa maanta duhurkii ka dhacay Dhismaha Gudaha Golaha Guurtida magaalada Hargeysa.

 

Qaraxan oo dhacay abaaro 12:30 duhurnimo xili ay badi ka rawaxeen Xildhibaanada Golahaasi iyo Shaqaalahooduba,waxana qaraxaasi waxyeeleeyey Daaqadaha iyo qalabkii yaalay qaar ka mid ah Xafiisyada Golaha.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md.C/laahi Ismaaciil Cali(Cirro) iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Gen.Maxamed Saqadhi Dubbad ayaa labaduba tagay isla goobta waxyar ka dib markii qaraxu dhacay ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiir ah ka bixiyaan Qaraxaasi.

 

Badhasaabka G/Hargeysa Cali Xasan Maxamuud(Cali Asad) oo ay saxaafadu wax ka waydiisay Qaraxaasi ayaa sheegay in lagu guddo jiro Baadhista sabobihii dhalisay qaraxaasi waxana uu tilmaamay cid loo qaban dhacdadan .

 

Badhasaabka Gobolku wuu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo arrintan hase yeeshee Ciidanka Booliiska u qaabilsan Miinada iyo Walxaha qarxa ayaa howlgal balaadhan ka wada dhismaha golaha oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wa ayaan daro Somali qarax baratay. Mr. Bugland what ss happening to the peace in Hargaysa? Sorry I could not resist nabsigaas? Who is behind it and why?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this