Sign in to follow this  
Juje

Dagaalada Magaalada Muqdisho kasocda waa waajib Sheekh Hassan Yacquub

Recommended Posts

Juje   

Sheekh Hassan Yacquub"Dagaalada Magaalada Muqdisho kasocda waa waajib sida Salaada Cishaha ee aan hada tukaday ay u tahay Faral ayuu dagaalkaasna u yahay Faral.

 

 

Afhayeenka Maamulka ka arimiya Kismaayo Sheekh xasan Yacquub oo ku guda jira socdaal uu malmahan ku marayay Gobalada dalka qaarkood ayaa haatan socdaal ku jooga Magaalada Muqdisho.

 

Sheekh Yacquub oo soo maray gobalo ay ka mid yihii Jubooyinka Gedo, Bay iyo Bakool haaatana kusugan magaalada muqdisho waxuuna sheekhu ku sheegay socdaalkiisa in uu wado abaabul dagaal uu ku kicinayo dadka dagan Gobalada uu soo maray una sheegayo in ay ka qeyb qaataan olalaha uu ku sheegay Jihaad iyo ashahaado la dirir waa sida uu hadalka u dhigay asagoo caawa u waramayay Idaacada Hornafrik Barnaamij Dhacdooyinka Maanta.

 

Waxoo sidoo kale sheegay in uu Magaalada Muqdisho u yimid si uu u dhiira galiyo Mujaahidiinta una sheegay in ay yihiin kuwa xaqa ku taagan isla markaana kuwa ay ladagaalayaan ay yihiin Gaalo mudana in lala diriro laguna jana tagayo dagaalkooda.

 

Mar la weydiiyay dagaalada ka socday Magaalada Muqdisho sida uu u arko waxuu ku jawaabay Sheekha In uu yahay waajib muqadas ah sida salaada Cishaha uu markaas tukaday oo kale isagoo raaciyay sida uy faral u tahay salaadu ayuu dagaalkaana faral uyahay.

 

Waxuu hada ka hor ku yiri Sheekh yacquub mar sidaan oo kale wareeysi looga qaaday isagoo ku sugan Gedo in ayaga iyo waxii raacsan iyo waxii ku mowqif ah waayeel caruur haween iyo rag in ay yihiin Muminiin inta kasoo hartay oo Soomaali ahna ay ka baxeen diinta in lala dirirana ay banaan tahay.

 

Sheekh Yacquub mar wax laga weydiiyay Dowlada Kenya in ay u hanjabeeyn Maamulkooda ayuu waxuu yiri waa sax hadana waan ku celineynaa hadii ay mar dambe xaduuda aanu wadaagno Ciidan keenaan waan la dagaalami doonaa kamana yeeleyno marmarsiiyo iyo amaan aanu ilaalineyna waxuuna Sheegay in ay ku duuli doonaan daaraha ay ku leeyihiin Caasimada Nairobi oo ah buu yiri halka ay isugu yimaadaan cadawga geeska afrika.

 

Si kastaba ha ahaatee hadalkaan kasoo yeeray sh.xasan yacquub ayaan la ogeyn waxuu kusoo kordhin karo masraxa siyaasada Somalia oo haatan cakiran waloow Sheekh Hassan Yacquub oo ka yimid Gobal nabad ah asal ahaana kasoo jeedo magalada muqdishana hada u joogo in uu sii laba jibaaro dagaalada sida uu ku sheegay wareeysigiisa waxaana la arki doona halka uu hadalkiisa ku dambeeyo sheekha iyagoo mas'uliyiin horay u hadlay ay sheegeyn in aynan aqbali doonin dad ka yimid gobalo kale in ay fidno ka abuuraan magaalada muqdisho.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

kuwa ay ladagaalayaan ay yihiin Gaalo mudana in lala diriro laguna jana tagayo dagaalkooda.

Interesting to see how far it is gone ..... already.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this