Sign in to follow this  
Suldaanka

Weriye Cabdulahi Kolombo and his opinion towards Somaliland

Recommended Posts

kolombo.gif

 

Weriye Cabdulahi Kolombo

 

Weriye Cabdulahi Kolombo oo ka mida Weriyaasha Soomaaliyeed ragga ugu caansan ee ku nool qurbaha gaar ahaan Carrigga Mareykanka ayaa markii ugu horeysay si qiireeysay isu garab taagay qadiyada ay Shacabka reer Somaliland ku doonayaan inay Beesha Caalamka ka helaan aqoonsi dowlad madaxbanaan oo dalkooda ka hana qaada.

 

Weriye Cabdulahi Kolombo wuxuu taageerada cusub ee Xukumadda Washington siineyso shacabka reer Somaliland ku tilmaamay mid cadaaladeed oo lagala daahay.

 

“Dadka reer Somailand waxey dhawaan ku naaloon doonaan dawladooda oo caalamka aqoonsi buxa u fidiyo waxaana hubaala in cadowga Somaliland ciil iyo calool yow la hulaabteen” sidaas waxaa si laab furnaan ka muuqata ugu celceliyay Weriye Cabdulahi Nuur Kolombo oo ka mida rug cadaayadda Saxaafadda Somaliya oo Waagacusub u waramay.

 

 

“Inkastoo mudo dheer ay dawlada iyo dadka reer somaliland la hardamayeen iney ka soo kabtaan bur burkii xooga lahaa ee ka soo gaarey dagaaladii ay la galeen dawladii siyad bare misna waxey si karti iyo dadaal ay dunida oo dhami ay la ashqaraartey ugu guureen nabad iyo deganaansho ku ladhan in dalku uu gaadho horumar dhinacyo badan taabanaya oo sidii qoraxda u cad” ayuu yiri Saxaafiga weyn ee Somaliyeed Mudane Cabdulahi Kolombo.

 

Weriye Cabdulahi Kolombo waxaa uu noqonayaa Weriyahii 4-aad ee ka soo jeeda goboladda Koofurta Soomaaliya si cadna u taageeray qadiyada madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland waloow uu hadalkiisa yahay mid sawir guud ka bixinayo sida shacabka koofurta Somaliya uga raali yihiin inay beesha Caalamka dowlad madaxbanaan u aqoonsato Somaliland.

 

 

 

hadii aad dooneysid inaad warka Kolombo ka waydiisid su-aalo kala xiriir Email Abdulahi63@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Che -Guevara:

^Check the map behind him, one big happy purple Somalia.

:D:D:D

spoil sport

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this