Sign in to follow this  
Meiji

Wadaado: Practice what you Preach

Recommended Posts

but whar Islamic factions are at war with each other.

is just the various factions use different aprroach to defeat what was the common enemy, right which is the AU.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

One of the most respected and knowledgable Somali wadaad has today called the war between the Islamist factions: FITNA and they should PRACTICE WHAT THEY PREACH and OBEY SHARECADA ISLAAMKA.

 

-------------------- -------------------- -------

Sh Cumar Faaruuq oo Dagaalada Muqdisho Fitno ku tilmaamey.

 

Sh Cumar Faaruuq oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuna sugan Dalka Sacuudiga ayaa isaga oo u waramayey Idaacada Hornafrik ee Muqdisho waxaa uu ka Hadley Dagaalada maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayey Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Dagaalada ayuu ku tilmaamey kuwo Fitno ah oo aan Shareecada Islaamka aan ku saleysneyn sida uu hadalka u dhigey isaga oo ugu baaqey dhinacyada is haya inay ilaahey ka baqaan oo wixii u dhaxeeyana ku dhameystaan wada hadal.

 

 

 

Sh Cumar waxa kale oo uu sheegay in Dagaalada noocan oo kale ah ay ka dhalanayaan dhibaatooyin ka sii waaweyn oo aan la daba qaban kain, una baahan inta ayna fogaan in la daba qabto.

 

 

 

Waxa uu sidoo kale ka Hadley is Rideynta oo uu sheegay inay ka dhalanayaan Islaamka oo la iska saaro iyo Dhiiga oo la xalaashado ay dhibaato weyn oo ah Gaalnimo inay ka dhalaneyso waxa uuna ku baaqey in laga fogaado ilaaheyna looga baqo.

 

 

 

Umadda Soomaaliyeed ayuu sheegay inuu labo arin xasuusinayo oo ah inay Ilaahey ka baqaan, dhexdoodana ka shaqeeyaan Dibu heshiisiin & dhex dhexaadin, dhanka kalase laga fogaado fal walba oo aan lagu mahadin dhibaatana ka dhalan karto.

 

 

 

Dhinacyada Dagaaladu u dhaxeeyaan ayuu sidoo kale baaq xabad joojineyd uu u direy, waxa kale oo uu ugu baaqey inay Shacabka u turaan, isaga oo xasuusiyay in Hal qof oo Muslim ah oo la dilo ilaahey agtii uga dhow dahey Aduunka oo dhan oo baaba’a.

 

 

 

Hadalka Sh Cumar ee ku aadan Dagaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah baaqyo nabadeed oo horey loogu direy dhinacyada is haya ee dirirtu u dhaxeyso, waxaanse la ogeyn go’aanka ku aadan ee ay ka qaadan doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Sh.Cumar Faaruuq Dagaalka u dhexeeya Dad muslin ah waa dagaal Fidno ah.(Dhagayso)

Posted to the Web May 11, 21:19

 

 

Jeddaha:-Sh.Cumar Faaruuq oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliya oo ay saxaafada Muqdisho qaar ahaan Honafrik waxaana ay wax ka weydiiyeen dagaalka ka socda magaalada Muqdisho Sh Cumar ku jawaabay in dagaalka ka dhex socda Xoogaggii Islaamiyiinta ama dad Muslin ah uu yahay dagaal aan banaanayn oo ah mid fidno ah.

 

Sheikh Cumar Faaruuq ayaa waxaa uu soo arooriyey Aayado quraan ah iyo axaadiis fara badan oo ka digaysa in la dilo qof muslin ah ama dad Islaam ah ay dhexdooda ka dagaalamaan.

 

Sh. Cumar Faaruuq ayaa baaq u jeediyey kooxaha ku dagaalamaya magaalada Muqdisho waxaan uu ku waaniyey in ay Alle u laabtaan dhex doodana ay islaaxi yaan.

 

Sh Cumar oo wax laga wiidiiyey Ridda qof lagu xukumo ama koox ayaa waxaa uu Sheikh Cumar ku jawaabay xukun Ridda waxaa fatwoon kara oo kaliya culimo cilmi dheerka u leh diinta Islaamka wuxuuna tusaale u soo qaatay Sh Shariif Cabdi Nuur.

 

Sh. Cumar Faaruuq ayaa aad ugu waaniyey xoogagga wadaadda in ay ka waan toobaan in ay sii wadaan dagaal dhexdooda ah oo dhiig badan oo muslin ah uu ku daato arinkaas oo Alle xagiisa ciqaab weyn lagu mudan doono.

 

Halkaan ka Dhagayso hadalkii Sheikh Cumar Faaruuq

 

Isha codka waraysiga Gargaar.com

 

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this