Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Seminar Held In Sweden

Recommended Posts

Cowke   

somali.jpg?w=438&h=251

 

Waxaa Shir looga hadlaayeey Horumarinta Iyo Caawinta Degaanada Puntland ayaa maanta ka dhacay xarunta Santerka ay ku midoobaan dhowr xisbi oo haya talada dalka Sweden ee magaalada Stockholm

 

Shirkaan waxaa ka soo Qeyb galay madaxa sare oo ka socota Wasaraadadaha kala duwan ee Sweden, Baarlamaanka Iyo Weliba Aqoonyahano Reer Puntland ah

 

Shirka ayaa waxa loga wada hadlay Sidii Loo horumarin laha Puntland iyo Weliba Sidii loo caawin laha Arrimaha Waxbarashada, Caawinta dadka Dhibaateysan iyo arrimo kale

 

Dadkii Shirkan ka qeyb galay ayaa waxa ka mid aha Xubin ka tirsan Baarlamaanka Sweden Abir Alsahlani, Khabiir arrimaha Somaliya ah oo u dhashay dalka Sudan Seef Omar, Maxamud Sheekh Xaamuud Madaxa Jaamacada PSU ee magaalada Garoowe, Dr Cabdullaahi Xaaji Daayib oo muddo dheer madax ka soo aha Ururada Bulshada Rayidka ah ee Dalka Somaliya, Sidoo kale waxa Xaaflada joogay Gudoomiyaha Ururka Suxuufiyiinta Qaranka Somaliyeed Cabdirisaaq SheekhAduun, Cabdirashiid Ciid Cismaan oo Isna leh Urur Samafal oo ka jira Degaanka Rinkaby ee Dalka Sweden

 

Abir Alsahlani oo ah Gabadha u Qaabilsan Baarlamaanka Sweden Arrimaha Dibada, oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in loo bahan yahay in laga qeyb qaato sidii loga shaqeyn laha nabada iyo Horumarka dalka Somaliya, Gaar ahan Degaanka Puntland, Iyo weliba Sidii loo caawin laha dadka Dhibaateysan ee halkaasi ku sugan

 

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Khabiir ku xeel dheer arrimaha dalka Somaliya oo u dhashay dalka Sudan oo lagu magacaabo Seef Omar, isaga oo sheegay in Dowlada Sweden wax badan u qabato Shacabka Somaliyeed, Sidaa Horumarinta Xurumaha Waxbarasho ee ku yaala Gaalkacayo iyo Garoowe kuwas oo hay’ada Dikonia iyo weliba Ururo Swedish ah aay kalmeeyan, Waxan u sheegay in sidoo kale loo bahan yahay in la taageero Curyaaminta iyo dadka Naafada ah

 

Ugu Dambeyntii waxa halkaasi Sawiro Ka turjumaya Ardayda Degaanada Puntland kusoo bandhigay Maxamud Sheekh Xaamud

 

Shirkan oo aay soo qaban Qaabisay Xurunta Center Part International Foundation, oo Shaqadeedu tahay Kor u qadida Nabada, Dimqaaradiyada, Iyo weliba Caawinta, Waxana Hay’adan ku midoobay Ururo kala duwan, Hay’adan ayaa xooga saarta la dagaalanka Faqriga, Nabad xumada, Xaquuqda Insaanka iyo weliba Wacyi gelinta Wararka ku Sabsan Arrimaha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

I'm starting to admire the Puntlanders they always look normal and civilized not like Somalianders who go out wearing shameful clothes and act like animals in London.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Peacenow LOL.You haven't see how organised Somalilanders are sxb have you?

 

They beat every other group in organising and being civil blv you me sxb. Even a staunch anti-somalilander is moved by the songs, the dance, the barfuun/uunsi and the speeches.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this