Sign in to follow this  
General Duke

16 year old shot by Police in Hargaysa + Who runs SOMALILAND?

Recommended Posts

Ka Maqnaashaha Dalka Ee Madaxweyne Reyaale+Baaqa Ina Xaashi ee ah Sameeya Sidii Ukraine +Dilka Ilamaha Yar ee 16 jirka Ah ee Kaga Cadhaysiisyay Dadweynaha Ma Sababi Kartaa in Sidii Ukraine Xukumaddu Qiiro Qiiro Gasho ?

 

Hadlaka Ka Soo Yeedhay Maxamed Xaashi Cilmi ayaa Ah Mid Ku Soo Beegmay Xilli la Dilay Wiil yar oo 16 jir ah oo Maamulka Dawladda Hoose ku Tilmaameen Mid ay ku Dhacday Xabadda Marin Habowsan Halka Qaarna Sheegayaan In Si Caadiya Loo Toogtay,

 

Wiilka Yar ee la Toogtay oo ay isku Raas Yihiin kuwii hore Ee Boolisku Ku Toogteen Afka Hore Ee Xeradda Birjeex Ayaa Keentay Cadho Dadweyne oo Magaaladda Hargeysa Si weyn looga Falan qoonayo

 

Oday aad u cadhaysan oo Aan la Kulmay Saaka Ayaa ii Sheegay In uu ka Cadhaysan Yahay Dilalka ay Boolisku Gaysanayaan Sanadkii hore Aakhirkiisii wiil Yar ayaa lagu Dhaawacay oo lugi ku Go'day Garoonka Kubadda Cagta Ee Hargeysa oo Boolisku Dhaawaceen Bishan Horanteeddii ayey Boolisku Dileen laba Nin Imika Ayey Dileen Kan Yar waar Sidan ku Jiri maynee Ina Reyaale Wax ha ka Qabo Ama Kursigiisa Ayuu Seegi Doonaa,

 

Hadladdaasi iyo kuwa Kale ayaa Ka Soo Burqanaya Dadweynaha Caasiamdda Hargeysa oo Cadho Xoogle Laga Muujiyay Talaabooyinka Ay Baryahani Boolisku qaadayaan,

 

Shalay Shir Jaraa"id oo uu qabtay Maxamed Haashi ayuu ku weraray Xukumadda Madaxweyne Reyaale oo uu Sheegay In Sidii Ukraine Lagu Mudaharaaddo Si Talaabo Looga qaado Xukumadda"

 

 

Booliska Oo Toogtay Wiil 16 jir ah Nin Maxbuusana Rasaas Ku Dhaawacay" i hour Ago 31 Jan 2005

 

Booliska Caasimadda Hargeysa Ee la Shaqeeya Dawladda Hoose Ee Hargeysa

Ayaa Shalay Toogasho ku Dilay Wiil Yar oo Ciyaal School ah Oo Xilligaa Ka Soo Rawaxay School-kiisa Magaaladda Hargeysa Ka Dib Markii Booliska Ay iska Horyimaadeen Dad Shiitamaya

 

warku intaasi waxa uu ku darayaa In Booliska Oo Xilligaasi Amar ku Qabay In ay Baneeyaan Meel Wado ah oo xidhantay oo ku Taal Xaafadda Daloodho Ee Waaxda 26 june ee Magaaladda Hargeysa Ay ka Horyimaadeen Dad Cadhaysan Afhayeen u Hadlay Dawladda Hoose Ee Hargeysa Ayaa ku Tilmaamay Dhimashadda Wiil ka Yar ee 16 jirka Ah Mi ay Haleeshay Xabadd Marin Habowsani

 

Hase ahaatee Dadweyne Joogay Goobtaasi oo aan la Kulmay Ayaa ii Sheegay In Wiilka Yari uu ahaa Mid Shiitamyay oo ay lahaayen Dhul Seesan oo Ku yaalay Aagsi Daloodho oo Markaasi Boolisku Cagaf Galinayeen

waxaana ay Dadkaasi Sheegen in Rasaastii Boolisku Dadkaasi Shiidayey iskak waabinayeen ay Dhafoorka ka qabsatay Wiil-ka Yar

 

Dadweynaha Caasimadda Hargeysa Ayaa ka bixiyay Cadhow weyn oo ku saabsan Dilkan La Dilay wiilka Yar

 

Dhinaca Kale Booliska Ayaa Rasaas Ku furay Nin la keenay Maxakamadda Oo Isku dayey In Uu baxsado Taas Oo Boolisku Kaga Jawaabeen Rasaas Ay ku Dhaawaceen ninkaasi Maxbuuska Ahaa oo la Sheegay in aan loo haysan Danbi wayn laakiin uu ahaa Nin meelahaasi laga Soo qabtay Sida uu Sheegay Nin Boolis ah oo la waydiiyay Dnabiga Intaas Leeg ee Rasaasta Loogu furay In ay ahaydd nin dil geystay" Ninkan ayaa La lagu Hor Tuuray Hospitaal-ka Guud ee Hargeysa Isagoo Dhiig badani Ka Daadanayaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Eng Maxamed Xaashi:-Saddexda Nin Ee Aan Taariikhdda Ku lahayn Somaliland iyo laba Baaniyaal ah Inta ay ku Xeeran Yihiin Madaxweyne Reyaale Meel Gaadhi Mayno, Mana Aha In Dalku Inagu Dul BurBuro Ee waa In aynu Samayno Sidii Reer Ukraine.

 

Hogaamiyaha Mucaarid-ka Madaxbanaan Ee Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa Soo Dhaweeyay xeerka Doorashada Baarlamaanka ee Golaha Wakiiladu Ansixiyeen

 

 

Shir-jaraaid oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Ayuu ku Dhaliilay Xukumadda Madaxweyne Reyaale Kuna Taageeray Xeer-ka ay Nasxiyeen Golaha wakiiladda Somaliland

 

waxaanu hadaladdisa Ka Mid ahaa Sidan:_ “Waa, Ayo dadka kala taliya dalkan [somaliland], saddexda nin ee u waaweyn waxa weeye, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Qaybe, Wasiirka Maaliyadda Cawil iyo Wasiirka Daakhiliga Ismaaciil yare, midna Somaliland daacad uma aha, midna Taariikh Somaliland ah oo fiican malaha, qaar weliba waxa u dheer, waa kuwii sirtii Soomaaliya ka iibiyay Itoobiya 1977. dadkaas baa maanta ku xeeran Madaxweynaha, kolka aad taariikhdooda iyo waxay yihiin raacdo, kolka lagu daro

 

Labada Baaniyaal oo iyana waxa Allaale wixii dawladdu tidhaahdo nacam yidhaahda, waa guddoomiyaha koowaad ee Golaha Wakilada Cabdiqaadir Jirde iyo yarkan Information-ka wasiirka Warfaafinta waa laba Baaniyaal oo had iyo jeer u jajaban dawladda. Kolka aad isu gayso shantaa qof, taladii ummadda dad lagu halayn karo ma aha, sida runta ah waa in dadweynuhu Sameeyaan Sidii Ukraine Si Talaabo looga qaado Kuwa ka Seexday Qaranka

 

 

Sidaa darteed, dalkan haddii la doonayo in la xoreeyo guddiga arrimaha gudaha ee Wakiilada yaan daalac loo raacin, Guurtiduna yaanay waxba ka beddelin waxa [Xeerka doorashada ee ay soo sareen] sidii loogu ciqaabi lahaa nimankaa wixii ay gaysteen waa in lagalaa sidaa awgeed, waxa aan tallo ku soo jeedinayaa qodobada kala ah sidan:

In Diiwaangelinta dadka laga bilaabo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

 

 

In Maamulka Dawliga ah deg deg loogu fidiyo gobolada Bariga Somaliland.

In la sameeyo guddi qaran oo Axsaabta mucaaradka ahi ka mid yihiin oo maamul fidinta iyo hawlaha kala bilowda, ‘waayo’ ayuu yidhi, “Laguma halayn karo dalka ina Rayaale Madaxweyne Rayaale iyo kudladiisan aan weligeedba Somaliland daacadda u noqon.â€

 

 

Mar uu ka hadlayay dhinaca Dawladda Jabuuti, Inj.Maxamed Xaashi waxa uu yidhi, “Marka la leeyahay Ina Cumar Geelle[Madaaxweynahah Jabuuti] ayaa inoo dhisaya dariiqa Lawyacado ilaa Saylac, horta xillima ayaynu heshiinay ina Cumar Geelle, geed dheer iyo mid gaabanba u koray sidii aanay Somaliland u taagnaateen.â€

 

 

Isaga oo u duur xulaya Wasiirka Arrimaha Gudha, Ismaacil Aadan Cismaan waxa uu yidhi, “Waasiirka leh ina Cumar Geelle ayaa yidhi ‘haddii aad caddaabta ku dhacaysaan waanu idinkula dhacaynaa, horta innagu[somaliland] caddaabta ku dhici mayno, ilaahayna innaguma rido, laakiin isagu haddii uu ku dhacayo isagay jirtaa, hadalkaasina ma yahay hadalkii uu odhan lahaa Wasiirka, Bisayl yari baa ka muuqata Wasiirka Daakhiliga in aanu nin bisil hayn oo xilka intaa le’eg loo dhiibi karin, waayo, wixii ay Madaxweyne is yidhaahdeen shirjaraa’id kama sheeg sheegeen.â€

 

 

Kolka arrinta qaran ee intaa le’eg xilkeedii laga soo bixi waayay, ciddii ka soo bixi weyday in dembiga la saaro ayay ahayd oo dembi lagu qaado. Wasiiradii ku shaqada lahaa in hawsha lagaga Eryo ayay ahayd, intii oo dhan baa laga booday, xataa Komishanka doorashooyinku markii uu soo qaaday eeddii cidna ma saarin inay intaasi dhammaan weyday buu sheegay Komishankulaakiin ma uu odhan hebel iyo hebel baa xilkoodii ka soo bixi waayay, asalkaba wixii xukuumaddu ka soo bixi weydo afkaba laguma dhufto, waa laga war-wareegaa oo waxaad moodaa in asturaad iyo wuxuun la galo.

Guddigii Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladu xeerka ay soo saareen waa sharciga ugu wanaagsan ee dalka taabanaya, waa sharciga odhanaya waa in dalka la xoreeyaa, waa in diiwaangelintii la sameeyaa, sasbaa laga qaaday iyagii [Guddigii] baa daalac loo raacay. Adduunyada waxa aad moodaa ninka toosan had iyo jeer in la eryanayo, ma waxay odhan lahaayeen dalku yuu xoroobin, diiwaangelin yaan la samaynin, haddii Sool iyo Sanaag Bari meelaha qaarkood doorashadu ka dhici weydo yaa dadka metelaya dabadeed markaa waxa weeye, Saskaa laga qaaday ma aha mid meeshiisa haysta. Distoorku wuxuu odhanayaa, ‘Dhulka qaranku waa muqadas waana laguma xad gudbaan, sida uu dhigayo qodobkiisua 2aad, faqraddiisa 3aad. Qodobka 34aad faqraddiisa 1aad waxa uu odhanayaa muwaadin kastaa waxa waajib ku aha adkaynta nidaamka ummadda, ilaalinta jiritaanka qaranka iyo difaaca dalka iyo Diintiisa si waafaqsan xeerka.

 

 

Qodobka 38aad, faqraddiisa 4aad(B) guddiga Nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxbannaanida, maamulka, dhulkeeda, Badda iyo hawadaba. Intaas oo qodob oo Distoori ah ayaa la jebiyay sida runta ah, markaa ma waxa loo daynayaa dalku inuu iska ahaado sidaas intay Soomaaliya wax ka imanayaan. Nin Wasiir ah ayaa igu yidhi, Haddii aynu nidhaahno aynu Maamulka Somaliland fidino waxa loo qaadanayaa in aynu shirkii Imbigaati carqaladaynayno, waxayse ahayd in aynu carqaladayno, haddii aan u soo noqdo arrinta Gobalada Sool iyo Sanaag Bari, cid goboladaas 12-kii sannadood ee maamulku dhismay oo hagaagsani ma jirin, waxa loo magacaabaa Ciidamo Qaran oo aan Milatariga Somaliland hoos iman oo aan Bilayskii iyo Wasaaradda Daakhiliga shaqo ku lahayn, mushahar uun baa la diri jiray, dabadeedna hebel baa la siiyaa, hebelkaas ayaa sannadka dambe la yidhaahdaa Puntland buu u wareegay, haddana wuu soo wareegay baa la yidhaahdaa oo maxaad kal hore u wareegtay lama yidhaahdo, sidaas uun bay isu daba socotay oo Hebelka sii socda marna soo socdaa mushaharka iyo lacagta la sii sido ayay xaaladu ahayd. Wixii oo dhan waxa isku soo wada fuuqsaday socodkii Madaxweyne Rayaale uu ku tagay Laascaanood [2002] ee uu ka soo qaaday ciidamdii iyo maamulkii Somaliland ee markaa joogay oo Calanka Somaliland oo meelo meelo sudhnaa sida runta ah, intiiba wuu soo gelalafay Waa kii Caynabo iskugu keenay, taasi waxay soo gebogebaysay in Gobolka Sool wax raad ah oo Somaliland ku leedahay aanu jirin oo nasiib darro wayn oo dhacday ayay ahayd. Dabadeedna waxay Weerarkii ay soo qaadeen sannadkii hore Ciidamada Puntland ee Laascaanood ay ku yimaadeen ciidankii Ina Afguduud.

 

 

Waa tii Dawladda Somaliland ciidanka dirtay, Barnaamij baa dawladdu samaysay, waxay yidhaahdeen Ciidamo aan xaggaa Laascaanood u dirno, Madaxweyne ku-xigeenka iyo xayn Wasiirada Somaliland ah ayay ahayd inay markaa tagaan oo Burco degaan, ka dibna halkaa laga fidiyo maamulka, ma ay dhicin ilaa maantana way soo socotaa.

 

Arrinta intaa le’eg ee Sool iyo Sanaag Bari, weli Goleyaashu si hagaagsan uma ay doodin. Golaha Xukuumadda ayaan lagaga doodin, waa nasiib darrooyinka waaweyn ee yaala. Mar baanu soo qaadnay[Xilligii uu Wasiirka ahaa] annaga oo dhawr iyo toban Wasiir ah laba Wasiir baa naga duwanaaday, Madaxweynuhu waxa uu yidhi aniga iyo Madaxweyne ku-xigeenkaa soo dhammaynayna, dabadeedna idinku soo war-celinayna, weli way soo socotaa.

Xisbiyada mucaaradka ahi waxay yidhaahdeen, arrinta Sool iyo Sanaag Bari heer qaran halaga dhigo oo talada hala idinla lahaado oo heer qaran aan arrinta ku dhammayno, iyana waxba lagama dhagaysan, markaa waxay noqotay meel aan cidna wax ugu maqnayn, Sool iyo Sanaag Bari, kolkaa xaaladdii waxay ku dambaysay inay sidii iskaga jiitanto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

After a few days of closure, our nomad "cheap propaganda" merchant is back in business.

 

Mate, land disputes is not something new in Somaliland. In fact, it is the source of over 90% of the problems in today's Somaliland. It is the last major domestic hurdle that reer Somaliland need to overcome. There were a time when the police clashed with people almost every second month for illegal buildings or trying to calm a dispute between two families. But now that has exponentially decreased, it is something like once or twice a year.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faheema.   

Originally posted by
HornAfrique

 

Is all this negative press on "Somaliland" really needed?

I Have been wondering that myself for some time, but it seems this constant negativity and dirty dig on Somaliland gets some people out bed in the morning and actually makes their life “worthy†of living. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol, Suldanka did I make up the story?. Its funny how no one attacked me when I posted the story regarding the murder of the Somali officer in Mogadishu, why was this?

 

What about Toolstoys ? attacking "Southerners" is ok right, yet we cant handle the truth from Hargaysa?

 

Grow people folks this an open forum. And both stories are relevent.

 

PS. Thanks for the explanation Suldanka. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not at all bro, but for the sake of your business, get something profitable. Something like Zamzam's; I know you made quite a fortune out of that. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duka sxb horaa waxaa loo yiri runta dadka waay kanaxisaa :D

 

 

the truth hurts ;)

 

 

thanks for the news

 

 

Not at all bro, but for the sake of your business, get something profitable. Something like Zamzam's; I know you made quite a fortune out of that.

 

 

 

freedom of speach :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke!

You indeed got some loyal customers around here, who don't care between "badhi" or "qandho". Whatever you serve them, a big "THANK YOU". ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Suldaanka:

After a few days of closure, our nomad "cheap propaganda" merchant is back in business.

'closure'? sxb wasnt it a period of protest or mourning. I cant make out but it was either of the two or may be a combination of the two...

36_2_15.gif

 

Duke :

Its funny how no one attacked me when I posted the story regarding the murder of the Somali officer in Mogadishu, why was this?

Why does it have to be either of the two sxb(mogadishu & S/land) and not anywhere else? :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
India   

Duke

 

What are you tryig to proof by bringing this story to SoL?

Its a sad incident. If anything, the report highlight how Somaliland is tough on peace and security...hence why there is an uproar to this incident from both the Somaliland media and public alike.

 

My question to you is:

 

Is there such a thing a freedom of the press in Puntland?

 

And if so how come we have never ever seen "negative" reports from that end? Are we to believe, everything is honky dory? PLEASE!

 

I dont think the media in Puntland even bothered to highlight the Tsunami effect that touched that side of Somalia as much as they should/could have.

 

HUno hoos isu eeg marka hore.

 

Dusty

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dusty dear..

 

What are you tryig to proof by bringing this story to SoL?

Nothing sis, just a sad story that should be in this section. The other story is from a die hard Somalilander opinion on who runs the phantom state. Care to explain why such a story should not be on this forum?

 

Is there such a thing a freedom of the press in Puntland?

I would say its the same as Somaliland and Xamar, for example website. Horseednet, Sbconline and Kaha-Bari newspaper and other have always been critical of the former administration while Allpuntland and others were staunch supporters.

 

 

And if so how come we have never ever seen "negative" reports from that end? Are we to believe, everything is honky dory? PLEASE!

Who said everything was ok in Puntland?

Sister we have come along way. A little while ago you didnt even know Puntland and look at you now. :D

 

Juma, how you forget posting silly Dayniile.com opinions regarding those who you dont seem to like. :rolleyes:

 

Suldanka, brother get a grip of yourself, you keep going around in circles. You are one sick dude making jokes out of Poor Zam-Zam after all what your clan-land authority has done to the girl :mad:

 

Wiil-Duco, it does seem like these folks dont like the truth :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this