Sign in to follow this  
General Duke

Egyptian envoy arrive in Puntland

Recommended Posts

Wafdi ka socda Dowlada Masar oo soo gaaray Puntland

Last Updated::2007-03-12 15:13:58

 

safiirka_masar_somaliya.JPG

 

Basaso:- Waxaa maanta oo Isniin ah kasoo degay Airporka Bander Qasim ee magaalada Bosaaso wafdi ka socda Dowlada Masar.

 

Wafdigan ayuu horkacayaa Safiirka Dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya Amb.Siciid Maxamed Mursal.

 

Wafdigan ayaa dalka Soomaaliya ku mari doono safaro kormeer ah ayagoo booqashadooda ugu horeysay ku yimid Dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Wafdigan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaaso, ayagoo usii gudbi doona xarunta Puntland ee magaalada Garowe.

 

Wafdigan ayaa kulamo la leh Madaxweynaha, Golaha Wasiirada iyo Wakiilada ee Dowlad Gobaleedka Puntland.

 

Marka laga yimaado xiriirka Dowlada Soomaaliya iyo Masar, ayaa waxaa sidoo kale jira xiriir wanaagsan oo u dhaxeeya gobalada Puntland iyo Maamulka Masar.

 

Waxaana la filayaa in kulamada ay wada yeelan doonaan Wafdigan iyo madaxda Puntland looga munaaqashoon doono iskaashiga labada dhinac.

 

Illaa iyo hada lama shaacin halka uu wafdigan u dhoofi doono marka uu soo afjaro safarka Puntland State ee dalka Somaliya.

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafti ka socda Masar oo gaarey PL

12 Mar 12, 2007 - 6:10:57 AM

 

Safiirka dalka Masar ee Somalia iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa abaarihii 11:55 duhurnimo ee maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari

 

Safiirka iyo waftiga la socday ayaa si weyn waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ugu soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

 

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cadde Muuse oo kasoo baxay magaalada Qardho markii ay waftigaasi imaanayeen magaalada Boosaaso ayaa soo gaaray labo saac kadib Boosaaso.

 

Cadde Muuse ayaa kulan albaabada u xiran la yeeshay waftiga uu hogaamiyay Sariika dowlada Masar ee dalka Somalia, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan siyaasada Somalia.

 

Waftigaan ayaa la sheegay ujeedada socdaalkoosa inay ugu waa weyn yihiin sidii ay Puntland kala saxiixan lahaayeen sida la xaqiijiyay ganacsi kua adan xoolaha nool oo ay Puntand u dhoofin doonto dalka Masar.

 

Si kastaba, waa markii ugu horeysay oo wafti ka socda Safaarada Masar ee dalka Somalia ay soo gaaraan maamul goboleedka Puntland.

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: Safiirka xukuumadda Masar ee dalka Soomaaliya oo soo gaaray magaalada Boosaaso.

 

12. Mar, 2007

 

Boosaaso (AllPuntland)- Safiirka xukuumadda Masar ee dalka Somaaliya ayaa waxaa booqasho ku yimid magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Safiirka xukuumadda Masar ee dalka Soomaaliya Siciid Maxamed Muxsin ayaa waxa la filayaa in uu soo gaaro magaalada Garoowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland.

 

Safiirkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu u yimid maamul goboleedka Puntland arrimo kala duwan oo uu ka mid yahay sidii xiriir ganacsi ay u wada samaysan lahaayeen xukuumadda Puntland iyo dawladda Masar.

 

Waxaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda dalwad goboleedka Puntland oo uu ka mid yahay madaxwayne Cadde Muuse Xirsi.

 

Warar aannu ka helnay madaxtooyada Puntland ayaa waxa ay inoo sheegeen in Ambasadoorkaasi magaalada Boosaso ay ku qaabileen saraakiil ka tirsan madaxda dawlad goboleedka Puntland.

 

Waa markii ugu horaysay oo sarkaal heerkaasi gaarsiisan oo ka socda wadamada Carabta uu yimaado maamul goboleedka Puntland.

 

Illaa iyo hadda lama sheegin inta ay qaadanayso booqashada mas`uulkaasi.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ LOOOOL. I am a simple man from a simple household.

 

But Egypt wants something specific from Somalia and from Puntland specific. Can't really see what we can offer them and what we would benefit from them in return.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's only good that they come and honor PL with a visit. We need break from xabashis raoming aroung PL adeer.

 

In a more serious note, Egypt took Somalia for granted for a long time without making the kind of efforts it takes to have considerable influence. I hope it represents a departure from that attitude.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ When did anybody roam around Puntland? Anywho, Egypt just wants a friendly relationship with Somalia. They want a Somalia which if, push comes to shove and the Nile war that many predict between Al-Masar Vs E-Habesha, has a second front.

 

Somalia however should focus on building a stable country and avoid all these international problems of Egypt and Africa. We are in position to be involved in their tit for tat game with Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin, as you can see with stability comes the world to help us get out of this predicament of our own creation.

 

Egypt, Kuwait, Yemen, Algeria and the list goes on and on..But of course our neighbours Kenya and Ethiopia must never be forgotten for the support they have given us.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Safiirka Masar ee waddanka Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyey Qardho

 

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey safiirka waddanka Masar ee Soomaaliya, Siciid Mursi.

 

Safiirka ay la socdaan wafdi Masaari ah ayaa waxaa si diirran u soo dhoweeyey maamulka degmada iyo gobolka Karkaar iyo dadweyne, waxana socdaalkooda ku weheliyey mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawlad goboleedka Puntland.

 

Danjiraha dalka Masar u fadhiya Soomaaliya oo maalintii shalay ka soo degey magaalada Boosaaso ayaa socdaal shan casho qaadan doona ku maraya magaalooyinka Boosaaso, Qardho iyo Garoowe, waxana uu maanta booqday goobo gaar ah sida dugsiga Al-Azhar al-Shariif oo ay 27 macallin oo u dhacay dalka Masar ay wax ka dhigaan kuwaas oo soo dhoweynta dhinacooda kaga jirey, cusbataalka guud ee magaalada Qardho iyo goobo kale oo muhiim ah.

 

Wafdiga uu hoggaaminayo safiirku ayaa lagu wadaa in ay u gudbaan magaalada Garoowe si ay halkaas ugula kulmaan madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi.

 

Maxamed Axmed Maxamed (Ilkacase)

 

SBC Qardho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

Originally posted by General Duke:

Xiin, as you can see with stability comes the world to help us get out of this predicament of our own creation.

 

Egypt, Kuwait, Yemen, Algeria and the list goes on and on..But of course our neighbours Kenya and Ethiopia must never be forgotten for the support they have given us.

never be forgotten kulaha you disgust me and change your location you ain't welcome anymore go to your masters and take that Bangladeshi president with you!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^It aint your resturent dear lad, thus think before you write such nonsence..

As for the fake patriotisam and religious fervour, one has come accustomed to it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

Originally posted by General Duke:

^^^It aint your resturent dear lad, thus think before you write such nonsence..

As for the fake patriotisam and religious fervour, one has come accustomed to it.

''restaurant''

 

''nonsense''

 

''patriotism''

 

your sisters are being raped and your telling me i have to thank these b-astards your bangladeshi hero invited, man ****** you and stay clear from Ta Netjer

 

[ March 14, 2007, 01:36 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

DL, duqa maxaa ku helay. Calm down nooh.

 

Taako Man: Why you so skeptical about Egypt when you so proudly invite Habash to kill your countrymen whom they deem a threat? Do you even know Somali history? Was it Egypt or Ethiopia that had strong relations with Somalia?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this