Sign in to follow this  
JUXAA

BBCda oo wareysatay gabar had iyo goor sidata calanka Soomaalida

Recommended Posts

JUXAA   

Isn't she so sweet?

 

Read on:

 

 

Sabti, 28.06.2003 - 13:00 Wakhtiga London

 

 

Asli Xassan Cabaade oo ah joogta medasha shirka Soomaalida ee Mbagathi

 

Cabdir***** Catoosh - BBCSomali.com

 

 

Catoosh

Asli Xassan Cabaade oo horay uga ka tirsanaan jirtay Ciidankii Cirka ee Soomaliyeed ayaa waxa ay ahayd gabadhii ugu horaysay ee Soomaliyeed ee Diyaarada duuliso. Asli Hada waxa ay degan tahay Magaalada Dalas ee Dalka Maraykanka.

 

Asli Xassan Cabaade oo BBC-da u warantay ayaa waxay sheegtay in ay horay uga qayb gashay shirkii lagu qabtay dalka Jabuuti Hadana ay Dalkan Kenya u timid in ay ka qayb gasho shirka hada ka socda magaalada Nairobi mar ay ka hadlaysay sababta ay mar walba ugu soo noqnoqoto shirarka soomalidana.

 

Asli waxa ay sheegtay in inkastoo ay dalka Maraykanka degan tahay hadana uu wax ka maqan yahay oo aysan u dhalan dalkaasi Maraykanka. Waxay Kaloo ay sheegtay in ay hada u ololaynayso sidii loo soo celin lahaa calankii soomaliya.

 

Waraysi dheer oo ay BBC-du la yeelatay ayaa waxay ku sharaxday sababta ay mar walba calanka Soomaliya ugu dhex wadato shirarka Soomalida iyo waliba rajada ay is leedahay waa ay ka soo bixi karaan shirarkan iyaga ah.

 

 

Asli Xassan

Asli waxay ku jawaabtay in ay aysan weli ka quusanaynin rajada, shirkii hore ee Jabuutina uu ahaa mid si wanaagsan u dhacay, waxyaabo badanna uu soo celiyay oo ay ka mid tahay dowlada ku meel gaar ah ee lagu soo dhisay.

 

Waxaa kaloo ay Asli u sheegtey BBCda in ay haddana diyaar u tahay, in ay dadka dhamaan isu soo jiido, hadday ahaayn lahaayeen hogaamiye kooxeedyada iyo dadka kaleba. Iyadoo intaasina ku dartay in loo baahan yahay in la isu tanaasulo oo la midoobo oo waliba la iska ilaawo wixii dhacay.

 

 

Waxaan doonayaa in sharraftii Soomaaliyeed in ay dib u soo noqoto

 

Asli Xassan Cabaade

Asli Mar wax laga weydiiyay Kaalinta ay shirkan Soomalida ku yeelan karto waxa ay ku jawaabtay, in aysan wax jago ah ka doonaynin shirkan, oo aysan u imanin, oo ay doonayso uun in sharaftii Soomaliya ay dib u soo noqoto, oo ay filayso in rajo fiican ay soo baxdo sidii markii ay timidba ay dad badan oo Soomali ah ay u sheegeen.

 

Asli Xassan Cabaade mar ay ka waramaysay reerkeeda waxa ay sheegtay in leedahay nin iyo afar caruur ah; sadax wiil iyo gabar curad u ah oo sideed iyo tobon jir ah.

 

Asli oo ninkeeda uu Maraykan yahay, ayaa waxa ay sheegtay in gabadheeda weyn ee curada ah ay mar walba u sheegto in ay Soomaliya gayso oo ay jeceshay in ay Jaamacada Moqdisho ka dhigato. Caruurteedana ay niyada ku hayaan in Soomaliya ay yimaadaan. Asli waxay xustay in nolol walba oo ay Maraykanka ku haysato ay haddana dalkeedii tabayso.

 

Mar Asli la weydiiyay maadaama ay wada joogaan nin shisheeye ah sida bal uu u arko howshan ay ku dhex jirto?

 

Asli waxay ku jawaabtay in saygeedu uu si wanaagsan u arko, uuna ku baraarujiyo mar walba howshan iyada ah Soomaliyana ilaa sideed jeer uu tagay, iyadoo dhoola cadeynaysa asli ayaa waxay tiri, "wuuna soo arkay sharaftii uu lahaa dalkeenii Soomaliya, isagaana ayaan mar walba ii soo fasaxa safaradan."

 

Waxayna intaasi raacisay, in mar walba ay caruurteeda soo wacaan oo ay weydiiyaan arimaha shirkan hadda socda. Waxayna ku soo gabagabeysay in reerkeeda ay rajaynayso in ay mar dhow u sheegto jawaab farxad leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this