Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Cabinet members first day in office Pics

Recommended Posts

Wasiirka cusub ee Wasaarada Arrimaha dibada iyo Ku Xigeenka Cusub ee Somaliland Oo Maanta Si Rasmi Ah Xilka Ugala Wareegay Wasiirkii Hore

 

 

Hargeysa (SDWO 29/07/2010) Wasiirka cusub ee Wasaarada Arrimaha dibada Md. Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo madaxda kale ee Wasaaradaasi.

 

 

Xafladdii xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta Wasaarada Arrimaha dibada waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirul Dawlihii hore ee Wasaaradaasi Md. C/Raxmaan Cismaan Aadan (C/Raxmaan Sagal), Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaasi Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse), Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxaha iyo shaqaalaha Wasaarada Arrimaha dibada. waxa kale oo madashaasi lagu soo marti qaaday marti sharaf badan oo u badnaa qurbo jooga Somaliland ee taageera xisbiga tallada dalka ku guulaystay ee KULMIYE iyo xubno ka mid ah Wakiilada Somaliland ee dalalka dibada.

 

 

Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha dibada Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa hadal dheer oo uu xafladaasi ka jeediyay ka xogwaramay waxqabadkii Wasaaradaasi mudadii uu Wasiirka ka ahaa waxaanu u mahad celiyay Madaxdii la soo shaqeysay, Wakiilada Somaliland ee dalalka dibada iyo qurbo jooga Somaliland oo uu xusay inay kaalin ku lahaayeen dedaaladii loogu jiro qadiyada ictiraaf raadinta.

 

 

Wasiirku wuxuu sheegay inay qadiyada Somaliland gaadhsiiyeen beesha caalamka oo dhan isla markaana ay Somaliland kasbatay saaxiibo badan oo qadiyadeeda ka gacan siiya waxaanu tilmaamay in dalalka adduunku ay hab- macaamil wanaagsan la leeyihiin.

 

 

Md. Ducaale waxa uu u mahad celiyay wadamada Jaarka ah ee ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya waxaanu xusay in dalalkaasi uu ka dhaxeeyo xidhiidh iyo cilaaqaad aad u wanaagsan waxaanu xukuumada cusub u soo jeediyay inay halkaasi ka sii ambo qaadno.

 

 

“Qaramada Midoobay xidhiidhkeenu wuxuu ahaa markii hore bisad iyo jeer hase yeeshee dhawaan ayay xaqiiqdii arkeen waanu wada hadalnay waxaanu isla garanay aakhirkii in la wada shaqeeyo oo ay Hargeysa ka furtaan xafiis siyaasadeed. Waxaynu ka rabnayna waxay ahayd inay warbixinada Somaliland ay u sheegaan si sax ah,”ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

 

 

Wasiirkii hore wuxuu sharaad dheer ka bixiyay waxqabadkii iyo socdaalo heerkoodu iskugu jiray mid heer Madaxweyne, Madaxweyne Ku Xigeen iyo Wasiiro oo ay ku tageen dalal badan oo ku yaala Afrika, Yurub, Carabta iyo Maraykanka waxaanu sheegay inay Somaliland marayso heer wanaagsan oo u baahan in halkii uun laga sii ambo qaado midhihii xukuumadii hore ee uu ka tirsanaa.

 

 

Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, wuxuu sheegay inuu si niyadsami ah ugu wareejinayo xilka Wasaarada Wasiirka iyo Wasiir Ku Xigeenka cusub waxaanu isagoo Wasiirka la kaftamayay uu yidhi “Qoladayadan barigana waxa lagu xantaa deg dega oo waxaan is idhi salaada Jimcaha ee barri aniga iyo colkaygu, ha salaatu sahwiyina oo ha is odhanina qoladiina (KULMIYE) ma idin sugaysaa inaad xilkii ku wareejisaan, markaa aad iyo aad ayay farxad weyn iigu tahay inaan xilka qaran si kalsami ah kuugu wareejiyo adiga iyo Wasiir Ku Xigeenkaaga. Shaqaalaha aad halkan ugu imanaysaana waa shaqaale wanaagsan oo hawsha muddo dheer ku soo gudo jiray.”

 

Sidoo kale, waxa xafladaasi warbixin ku saabsan qaab dhismeedka iyo waajibaadka Wasaarada khaarajiga si qoto dheer uga warbixiyay Wasiirul Dawlihii hore ee Wasaaradaasi Md. C/Raxmaan Cismaan Aadan (C/Raxmaan Sagal), Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaasi Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse).

 

Wasiir Ku Xigeenka cusub ee Wasaarada Arrimaha dibada Md. Maxamed Yoonis Cawaale, oo ka hadlay xafladaasi ayaa Wasiirada xilka ku wareejiyay iyo shaqaalaha Wasaarada Arrimaha dibada uga mahad celiyay sida ay u soo dhaweeyeen iyo niyad samida xilka loogu wareejiyay.

 

“Waxaan rajaynayaa halkan aad soo gaadhsiiseen Wasaarada Arrimaha dibada inaanu Anaguna sedan si ka sii fiican aanu ka sii ambo qaadno isaga oo uu nagu hoggaaminayo Wasiirka cusub oo aqoon badan u leh siyaasada dibada oo runtii mudadii uu xisbiga KULMIYE ahaana aan u shaqaynayn xisbiga oo qudhee danaha dalka u shaqeynayay,”ayuu yidhi Wasiir Ku Xigeenka cusub ee Arrimaha dibadu waxaanu xusay inay wada shaqayn wanaagsan la yeelan doonaan Shaqaalaha Wasaarada Arrimaha dibada.

 

Wasiir Ku Xigeenku wuxuu ilaahay ka baryay in mudada ay xafiiskan joogaan ay Somaliland hesho ictiraafka caalamiga ah ee ay beesha caalamka ka doonayso.

 

Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay Wasiiradii xilka uu ka wareegay ee Wasaarada Arrimaha dibada, waxaanu sheegay inay xukuumadani culayska saarayso sidii Somaliland ugu xidhmi lahayd beesha caalamka.

 

Wasiirku wuxuu sheegay inay awooda saarayaan sidii ay cilaaqaad wanaagsan Somaliland ula yeelan lahaayeen dalalka Carabta oo uu tilmaamay inuu dhaqan iyo diiniba ka dhaxayso. Waxa kale oo Wasiirku intaasi ku daray in xukuumada cusubi ay qaabayn doonto isla markaana xoojin doonto xidhiidhka ay la leedahay dalalka dariska ah.

 

Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji, adeero shaqadii arimaha dibeda ayuu bilooway. Reer Djiboutigi ayuu shalay geeyay Gebiley. Tolow maalinta dambena ma Xabashi ayuu geeniyaa arabisyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kagan la baxay chief caaqil the ministers that came from Djibouti are Ethnic Somalilanders From gabiley and arabsiyo they have every right to visit gabiley university

Share this post


Link to post
Share on other sites

He visited the gabiley hospital before he was made foreign minister even though the hospital was build by diaspora members who live in the west .

Adigu your not even a somalilander why do you care

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Kaluumaysiga, Khayraadka Badda & Maamulka Dekedaha Oo Xilkii Kala Wareegay Wasiirkii Hore + Weedhaha Wasiirada + SAWIRO

 

 

e658o3.jpg

 

(Oodweynenews)- Wasiirka Cusub ee Wasaarada Kaluumaysiga, Khayraadka Badda & Maamulka Dekedaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, ayaa maanta xilkii kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaas Cali Qoorseef.

Xaflada xil-wareejinta oo lagu qabtay xafiiska Wasaarada ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa goob ka ahaa Labada Wasiirka ee xilka la kala wareegay, Agaasimaha guud ee wasaarada, agaasimayaasha waaxaha, madax-dhaqameed iyo shaqaalaha Wasaarada.

 

Ugu horayn Wasiirkii hore ee Wasaarada Kaluumaysiga, Khayraadka Badda & Maamulka Dekedaha Cali Qoorseef oo halkaas hadalay ayaa aad ugu dheeray maraaxilkii kala duwanaa ee Wasaaradu soo martay, wixii u qabsoomay, qabyada jirta iyo halka ay wax u marayaan.

Waxa kale oo uu Wasiirku tibaaxay inuu ka faraxsan yahay inuu xilka wasiirnimo ku wareejiyo wasiirka cusub ee Wasaarada loo soo magacaabay, isaga oo ilaahay uga beryay inuu u fududeeyo xilka Wasaarada ee Madaxweynaha cusubi u soo magacaabay.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in loo fiiro yeesho bad-boodka hadda socda sida Kenya qayb u goosatay badda Somaliya, “Waxa muhiim ah loo fiiro yeesho in xuduudii badda Somaliland lagu soo durkay oo wixii macluumaad ah ama codsiya waxa lagala soconayaa Hay’adda qaramamidoobi u qaabilsan Baddaha.” Ayuu yidhi Cali Qoorsheel.

Waxa uu xusay in laga soo bilaabo 2004 ilaa 2008-dii in la dhoofiyey 6000 oo tan oo Kaluun ah, isaga oo sheegay in dakhliga afartaas sannadood ka soo xarooday uu u kala baxayay sidan: sannadka 2004 waxa soo xaroodaya ayuu tilmaamay $412,000 oo doolar, 2005; $180,000; 2006; 168000 iyo sannadka ugu dambeeya ee 2007 oo ay soo xaroodeen 2007-ka oo soo xadoodeen$65000.

Waxa uu sheegay in 200 ilaa 2010 aanay wax dakhli ahi ka soo xaroon badda Somaliland, isla markaana ay sabab u tahay ayuu sheegay budhcad-badeeda ka qadhaabsata xeebaha Somaliya oo ay ka baqdeen maraakiibtii Kuulamaysan jirtay.

29d7nv4.jpg

 

 

Wasiirkau cusub ee xilka la wareegay Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadceliyey mahadax Wasaarada ee xilka ku wareejisay ee uu ugu horeeyo Wasiirkii hore, isaga oo ka coday inay u soo duceeyaan in ilaahay u fududeeyo xilka culus ee uu ku wareejiyeen.

Waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka uu u magacaabay Madaxweyne Silaanyo, “Aniga asalkayga waxa aan ka soo jeeda magaalada Berbera, aad bay sharaf iigu tahay oo aan uga mahadnaqayaa madaxweynaha iyo cidda imagacawday, siiba Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo aad buu ugu mahadsan yahay inuu ii magacaabo Wasaarad khusaysa magaaladaydii ilaahay waan ugu mahadnaqayaa.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed Yaasiin Xasan.

 

 

rtffqs.jpg

 

Waxa uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Anigu waxbarashadaydii hoose/dhexe, sare ilaa Jaamacadeed waxa aan ku soo qaatay Koonfurta Soomaaliya. Waxa aan ku takhasusay culuumta diblamaasiyadda. Waxa aan ka shaqeeyey Wasaaradii hore ee Arrimaha dibada ee Somaliya. Meelihii aan ka shaqeeyey waxaa ka mid ahayd dalka Kuweyd oo aan mar Qunsul ka ahaa mar-na Safaarada aan madax ka ahaa. Waxa kale oo aan waxbarasho sare u tegay dalka Faransiiska, halkaas oo aan Master-degree-daydii culuumta diblamaasiyada ku sameeyey. Phd-daydiina waxa aan ka qaatay Paris. Waxa kale oo aan la shaqeeyay African development Bank oo aan ka mid noqday xubnaha maamula oo aan weliba ahaa qofka keliya ee Soomaali ah eek u jira. Dee shaqadaydii iyo Waxbarashadaydii waa sidaan. Marna SNM ayaan ka mid ahaa oo xidhiidhkii Maraykanka iyo meelahaas ayaan u qaabilsanaa.”

 

 

2hqqqlt.jpg

 

Waxa uu tilmaamay inuu ku kalsoon yahay xilka uu Madaxweynuhu u magacaabay, isla markaana uu sidiisa u gudan doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tiro ka mid ah Wasiirrada Cusub ee Madaxweyne Siilaanyo magacaabay oo Wasaarado kala duwan la wareegay iyo weedhihii lays dhaafsaday Daawo Sawiro

posted by: mursal

 

Hargeysa(Togaherer.com):- Tiro ka mid ah Wasiirrada cusub ee uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo u magacaabay Wasaaradaha Arrimaha gudaha, Gaashaandhiga, Hawlaha guud, Macdanta, Biyaha iyo Tamarta, Ciyaaraha, dhallinyarada iyo dhaqanka, Duulista hawada, Shaqada iyo arrimaha bulshada iyo Xannaanada Xoolaha, deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, ayaa maanta si rasmiya xilalka Wasaaradahaas ugala wareegay Wasiirradii hore ee Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, isla markaana Masuuliyiinta qaarkood xafiiltan siyaasadeed hore uga dhexeeyey, ayaa weedho duurxul iyo is dareensiin ah ka jeediyey xarumihii ay kala tirsanayeen.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha xilkeeda wareejinayey Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-Cirro), ayaa hadal uu ka jeediyey Xafladdii uu xilka ku wareejiyey, waxa uu ugu horreyn ugu mahadnaqay shaqaalaha Wasaaradda guud ahaanba, isla markaana waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka maanta ku wareejiyo Wasiirka cusub ee Siilaanyo u soo magacaabay Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, oo uu sheegay inuu si qalbi furan ugu soo dhawaynayo Wasaaradda.

 

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdillaahi-Cirro, waxa uu sheegay in xafiiltan siyaasadeed oo hore soo kala maray Gobboose iyo isaga (Cirro), hase ahaatee, wax xumaan ah oo ka dhexeeyaa jirin, waxaa horena ahaa arrimo siyaasadeed oo wakhtigoodii laga soo gudbay. “Qoladiinan Saxaafaddu waxaad qori doontaan laba nin oo col ah ayaa xilka la kala wareegay, taa ciwaan haka dhigannina. aniga iyo Gabboose col maannaan ahayn ee siyaasadda ayuunbaannu isku haynay, maantana waannagaa xilka kala tirsanaynaa, cadaawad noo dhaxaysaana ma jirto….”

 

Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu sheegay in sida Cabdillaahi-Cirro sheegay ay tahay oo aanay jirin wax cadaawad ah oo ka dhexeeya labadooda, isla markaana waxa laysku hayey kaliya ahaa arrimo siyaasadeed oo midba dhinac ka taagnaa, hase ahaatee, aanay iyagu shaqsiyan isku haynin. Waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi Dr. Gabboose; “Wax cadaawad ahi nagama dhaxayso aniga iyo walaalkay Cabdillaahi, waxa aannu iskaga soo horjeeday aragtida siyaasadda, taasina wakhtigii ololaha ayay ku dhammaatay, maantana wax ka nooli ma jiraan.”

 

Wasiir Gabboose, waxa uu sheegay inaanay Wasaaradda arrimaha gudaha ee uu maanta la wareegay noqon doonin mid dadka laga jaajuuso ama laga basaaso, oo dadka laga soo xidho, hase ahaatee, ay Wasaaraddu fulin doonto siyaasadda guud ee arrimaha gudaha, arrimahaasna loo dhaafayo hay’adaha Qaranka ugu xilsaaran.

 

“Ma dhici doonto in halkan Wasaaradda dadka laga soo xidho, in qof C.I.D.-du isaga yeedho, ma jiri doonto cid dambe oo bilaa sharci la iska xidhi doono oo Guddiga nabadgalyadu dadkii ay iska xukumaysay ma jirayaan, Guddigaasna waa la baabiiyey..” sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Gabboose, waxaanu u mahadceliyey warbaahinta iyo qaybaha kale ee bulshada.

 

Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad, oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay si fiican isu yaqaannaan Taliye ahaan iyo Wasiirka cusub ee wasaaraddaas maanta la wareegay Dr. Gabboose, oo uu sheegay inuu si fiican u soo dhawaynayo.

 

Wasaaradaha kale ee iyagana maanta lala kala wareegay, ayaa Masuuliyiintii la kala wareegay weedho kaftan, soo dhawayn iyo dardaaran ah isaga jeediyeen, si cad ayaanu mid waliba midka kale uga tirsaday xilalka, qalabka, gaadiidka, hantida iyo shaqaalaha Wasaaradahaas.

 

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka oo markii hore maanta loo ballansanaa in lala kala wareego ayaa ka baaqday in maanta la kala tirsado, hase ahaatee, maalinta berri ah ayaa kuwaas iyo kuwo kaleba la filayaa in lala kala wareegi doono.

 

Togaherer.com

 

Hargeysa-Somaliland.

xilwareejin.jpg

 

 

xilwareejin1.jpg

 

xilwareejin2.jpg

 

xilwareejin4.jpg

 

xilwareejin3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirkii Hore ee Qoyska oo Si Hufan Xilkii u Wareejisay

Hargeysa(OWN)-Waxaa maanta oo isniina xilkii ay haysay wareejisay Wasiirkii Hore ee Qoyska iyo Horumarinta Bulshada Marwo Faadumo Suudi Xasan. Xafalddan oo ay Goog joog ahayd wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee la wareegayey xilka Marwo Ilhaan Maxamed Jama. Waxaa kaloo madasha xilka wareejinta ay Marwo Faadumo Suudi ku martiqaaday Wasiirka cusub ee Tacliinta iyo Hiddaha Sare Marwo Samsam Cabdi Adan, iyo Wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda caafimaadka Nimco Xuseen Qowdhan.

 

Waxaa wasiirka xilka wareejinayey Marwo Fadumo Suudi Xasan ay mahadnaq balaadhan u soo jeedisay dhamaan dadkii ka soo qaybgalay xilwareejinta, gaar ahaana Wasiiradda iyo wasiirku ku-xigeenka cusub. Waxay wasiirku halkaa ka carabaabtay sharafta weyn ee ay maanta leedahay madashani oo ay ku kulmeen saddex wasiir, iyo wasiir ku xigeen wada dumar ah. Iyadoo taa ka hadlaysa waxay tidhi “ Waa markii ugu horreeysay ee ay dhacdo in dumarku ku yeesho dawladda Somaliland saami intaa leg, waxaana guushaa mahaddeeda leh oo aan ku hambalyeynayaa dawladda cusub”. Iyadoo sii wadda waxay tidhi “haddaanu dumar nahay yeynaan is dhigan , waa in saamigeennu intan ka badnaada mustaqbalka”.

 

 

Waxay Wasiirkii hore ay si tafatiran usoo bandhigtay marxaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee ay wasaaradin soo martay. Waxaa xusid mudan bay tidhi wasiirku in maanta ay wasaaraddu leedahay dhisme xarumeed oo qalabaysan, shaqaale hawl kar ah, iyo iyadoo ka hawlgasha dhamaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan. Iyadoo hadalkii sii wadda waxay marwo Fadumo Suudi tidh “ wasaaraddan Qoyska iyo Horumarinta Bulshada waxay ahay wasaaradda keliya ee la timi barnaamij shan sannadood ah oo lagu haggaayo wasaaradda, kaas oo noqonaya mid aannu ku wareejin doono wasiirkan cusub si ay halkaa uga sii wadaan fulinta barnaamijkan”. Waxay sidoo kale wasiir ka xilka wareejinayey usoo bandhigtay waxqabadkii wasaaradda, iyadoo ku soo koobtay buug u gaar ah oo ay guddoonsiisay wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo A. Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jama. Waxaa buuggan ku dhan bay tidhi Marwo Faadumo Suudi Hassan wax walloo ay wasaaraddu ku dhex jirto qabashadeeda, miisaaniyadda wasaaradda wixii baxay iyo wixii hadhay, shaqaalaha wasaaradda iyo wax kala qabadkooda, iyo hantida maguurtada ee ay wasaaraddu gaarka u leeday.

 

 

Ugu dambeeysatii waxaa Marwo Faadumo Suudi ay u ballanqaaday wasiirka cusub, iyo dhamaan wasiirada kale ee goobtan ku sugnaa iyo lagarab taagantay wixii caawimmo ah ee ay uga baahdaan maadaama ay xilkan soo haysay muddo toddoba sanadood ah, una leeday khibrad weyn taas oo ay ka faaiidaysan karaan cidii u baahata gaar ahaan wasiiradda cusub.

 

Waxaa halkaa ay ku goddoontay wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo H. Bulshada buuggi ay wasiirku u diyaarisay, iyagoo labadooduba ay ku saxiixeen kala guddoonkaa.

 

Kadib waxaa wasiirkii hore ee qoyska Marwo Fadumo Suudi ay guddo gashay warbixin dheer oo ay ka bixisay heerkii biloow iyo halka ay maanta wasaaraddan qoyska ay joogto.

 

 

Wasiirkii Hore, iyo wasiirada Cusub.

 

Waxaa halkaa ay Marwo ku soo dhaweeysay wasiirka cusub oo hadal kooban ku tidhi “ waxaan aad iyo aad ugu faraxsanay inaan dhaxlay wasaarad ay gabadhi maamulaysay, isla markaan ah wasaaradda aad looga shaqeeyey”. Waxay marwo Ilhaan mahad ballaadhan u soo jeedisay wasiirkii hore marwo Faadumo Suudi, iyadoo tidhi aad iyo aad yaan u faraxsanay in wasaarad dhisan oo sharafteedu muuqato ay la wareegto.

 

Ugu dambayntii waxaa wasiir Marwo Faadumo Suudi halka uga mahadnaqday dhamaan dadkii madasha joogay, sida wasiirrada cusub, marti sharaftii, shaqaalaha wasaaradda, iyo saxaafadda. Waxaa Wasiirkan xilka wareejinayey ay islamarkaa ku wareejisay wasiirka cusub iyagoo socod ku kala bixiyey xaruntii wasaaradda, qalabkii, gawaadhidii, iyo diiwaankii ay ku qornaayeen xilwareejintii.

 

 

Waxaa xusid mudan rayn raynta ka muuqatay wasiirka cusub Marwo Ilhaan Maxamed Jama oo halkaa ka caddaysay sida ay ula dhacsantay hanaanka iyo sharafta ka muuqata wasaaraddan ay la wareegayso, iyadoo mahad balaadhan u jeedisay wasiirkii hore Marwo Faadumo Suudi Xasan

 

 

sam salah <samantersal@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madashii Xafladaha Xilwareejinta Wasiirada Isbeddelay iyo Hadaladii isugu Jiray Kaftanka iyo Duur-xulka ee la isdhaafsaday

 

 

“Waxa oo jira in qoladiinan saxaafadu aad tidhaahdaan Cabdillaahi Cirro iyo Dr. Gaboose col ayey ahaayeen, waan idinka hordhacayaaye xaga hore ha ku soo qorine col maanu ahaan jirin”

 

 

Wasiirkii hore ee Daakhiliga

 

 

“Wasaarada daakhiligu noqon mayso awood lagu cabudhiyo muwaadin fikirkiisa dhiibtay”

 

 

Wasiirka cusub ee Daakhiliga

 

 

Hargeysa (Jam)-Xaflado ay xilka kula kala wareegeen qaar ka mid ah wasiirada cusub ee madaxweyne Siilaanyo magacaabay iyo wasiirada xukuumadii hore ee madaxweyne Rayaale, ayaa shalay ka dhacay xarumaha wasaarada masuuliyiintoodu xilka la kala wareegeen ee caasimada Hargeysa.

 

 

Toddoba wasaaradood oo kala ah; arrimaha gudaha, gaashaandhigga, arrimaha bulshada, macdanta iyo biyaha, xanaannada xoolaha, hawlaha guud ayey wasiiradoodu shalay la kala wareegeen xilalkii.

 

 

Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha gudaha Cabdillaahi Ismaaciil Cali Cirro, ayaa shalay si rasmi ah xilka ugu wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradaas Maxamed Cabdi Gaboose.

 

 

Munaasibadan xilwariijinta oo ka dhacday hoolka Waasarada Daakhiliga, ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah badhasaabada gobolada qaarkood, Taliyaha ciidanka bilayska, taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, salaadiin iyo shaqaalaha arrimaha gudaha.

 

 

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Cabdillaahi Ismaaciil Cali Cirro oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa wasiirka cusub si qalbi furan u soo dhaweeyey, isla markaana sheegay in ay wasaaradu dakhiligu ka nasiib badan tahay wasaaradaha kale, maadama oo loo soo magacaabay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo hore xil uga soo qabtay wasaarada arrimaha gudaha, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Nasiib ayey u yeelatay wasaarada daakhiligu Dr. Gaboose, mar haddaanu ku soo biirin, nin cusub oo aan hore aqoon wasaarada ugu lahayn aanu iman, ee adigoo hore uga soo shaqeeyey, shaaqalaha badidoodana garanaaya aad ku soo biirtay, aad baad nasiib ugu leedahay, waasaradu nasiib ugu leedahay, waayo wasiir cusub oo ay wakhti qaadan lahayd in wax la kala baro, markaa sidaas ayey kaga nasiib badan tahay wasaaradaha kale, anaguna waxba ka hagran mayno wixi itaalkayaga ah, hawshu halkay maraysayna waanu ka sii taabsiinaynaa siduu uga sii wado.

 

 

Waxa kale oo jira in qoladiinan saxaafadu aad tidhaahdaan Cabdillaahi Cirro iyo Dr. Gaboose col ayey ahaayeen, waan idinka hordhacayaaye xaga hore ha ku soo qorine col maanu ahaan jirin, siyaasadbaanu isku haynee laba nin oo saaxiiba ayaanu ahayn, iskuulkii Xalane ayaanu ka soo wada baxnoo isku kursibaanu nahay, aqoon hore oo badanbaanu isku lahayn, markaa siyaasada yar iyo xangaruufada ha u qaadanina, maantana saaxiibkaynbaan ku soo dhawaynayaa.”

 

 

Waxa kale oo uu wasiirku si weyn u amaanay ciidanka Bilayska iyo ilaalada Xeebaha, Maayirada iyo Badhasaabada oo uu sheegay in ay door weyn ka soo qaateen muddadii uu xilka hawlaha qaranka.

 

 

Waxa kale oo munaasibadaas ka hadlay wasiirka cusub ee wasaarada Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo isagu ku ballan qaaday in aanu wasaarada daakhiligu noqon doonin awood lagu cabudhiyo shacabka, isla markaana ay si weyn u ilaalin doonaan xoriyatul qawlka, waxa uu wasiirku si weyn u amaanay warbaahinta Somaliland oo uu sheegay in ay door mihiima ka soo qaateen xasiloonida dalka, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “ Waxa hubaal ah laba tiir oo ay ku soo caan baxday Somaliland muddadii ay jirtey oo ay wasaaradani laf-dhabar ka ahayd, cid kasta oo kursigan fadhiisata, iyadoo Somaliland ku guulaysatay inay dalkeeda xasiliso iyadoo Illaahayna la qabtay, hareeraheedana dab ka holcaayo.

 

 

Nabadaa waad arki kartaan in laf-dhabkeedu tahay shacabka Somaliland, tiirka labaad ee Somaliland ku caanbaxday waxa uu ahaa in ay maamulka isku diyaariso siday khilaafka uga baxdo oo ay ku timaado tan maanta timid, in si nabadgalya oo milgo leh loola kala wareego, markaa wasiirkii iga horreeyey ee Cabdillaahi oo aanu ahayn niman isla soo koray, dimuqraadiyada ayaa leh wakhtiga tartanku jiro in xurgufo yar yar ay dhacaan, laakiin marka tartanku dhammaado ummada waxa u qoran inay mid tahay, wax alle wixi turxaan ah ee ka dhashay weerarka tartanka laga dhigo wax shalay tagay, amaantii Cabdillaahi loo soo jeediyey iyo kooxdiisa, waa sida uu u sheegay ee waxay ahayd waajibaadkiisa, anagana waajibaadkaa qaran uunbaa na dulyaal ee noogu duceeya inuu Illaahay noo fududeeyo.

 

 

Waxaad ogtihiin wasaaradan in ay hoos yimaadan haya’do qaran oo awood waaweyn waxaan idiin balanqaadaya in xisbiga adkaada uu leeyahay hagida, balse shaqaalahu aanu kala lahayn UCID iyo UDUB, waxaanan Illaahay ka baryayaa in uu naxliga qabiilka inaga fogeeyo.

 

 

Dareenka Madaxweyne Axmed Silaanyo oo aan ilaa jabhadii lasoo joogay oo ah nin Bilaa-aadanka khilaafaadkooda ku xaliya wada hadalka, anoo ka duulaya waxaan idiin balanqaadaya afkaarka siyaasadeed ee dalka ka iman karta, wasaarada daakhiligu noqon mayso awood lagu cabudhiyo muwaadin fikirkiisa dhiibtay, in aan muwaadin danbe CID loogu yeedhin, wixi danbi ummada ka galay ee dil ah annagu shaqo kuma lahine haya’da u qaabilsana, waxaan idiin sheegaya afkaarta kala duwan walow ay tahay mid aanan anagu jeclayn xukuumadayada cusubi, waxa dhici karta in nalagaga saxsan yahay, waxaanan ku diifaaci doona muwaadinku inuu afkaartiisa dhiibto, qofka naga soo horjeeda uu dhiibto, anagoo aminsan in aanan ka xigin nabadgalyada iyo dalka, mucaarikuna maaha ka wax khariba, mucaariku maaha qaran dumis.

 

 

Dimuqraadiyada iyo caalamka dal inuu jiro waxa laf-dhabar u ah inuu mucaaridka xilkasi jiro, waxaannu balan qaadaynaa inaanu dhisno mucaarid xilkasa, maadama oo aan la kala lahayn dalka iyo ummada, balse lagagu kala duwan yahay afkaar maamul, saxaafaduna waa xor waana tiirarka qaran ku joogo nabadgalyadiisa, doorashadaasi inay timaadana waad ogtihiin milgaha iyo dadaalka ay ka qaateen inay muujiyaan, markaa hadday isku keen dirayaan oo ay anshaxeena burburinayaan waxa dhici lahayd sida dawladaha qaarbaynu madaxa isla gali lahayn, waxaan saxaafada ka codsan lahaa iyaga oo xor ah, sida dhakhtarkaba looga doonaayo khibrad, inay ilaaliyaan damiirkooda ee aanay shakhsi nacayb iyo wax ku raadsasho gaara iyo awooda ay haystaan aanay u isticmaalin inay wax ku burburiyaan.”

 

 

Sidoo kale wasiirku mar uu ka hadlaayey arrimaha nabadgalyada waxa uu ku kordhin doono waxa uu yidhi “Dalkeenu waxa uu leeyahay saddex tiir, saddex tiir ayaanu doonaynaa in aanu wax ka qabano oo Illaahay nagu sii gacan qabto, saddexdaa tiir waxaannu doonaynaa inaanu kobcino nabadgalyada caalamka oo dhan shacabkaa u diyaara inuu ilaasho, shacabka Somaliland waxaannu u sheegayna waxaan ku dhex nool nahay mandaqad aad iyo aad xasaasi u ah, waxaan idinka codsanayaa sidaad horreba nabdgalayada u ilaalin jirteen idinkoon laydin dirin, oo uu maamulkayagan cusubi idinka codsanayaa xaaladu iminka way ka culustee ilaaliya.

 

 

Ta labadna waxa weeye haya’do sirdoon oo dadku markay maqlaan NNS iyo waxbay u qaataan, balse kuwaan ka hadlaaya maaha haya’do muwaadinka cabudhiya oo wax ka wariya maaha, balse waa haya’do sirdoona oo dabagali kara falalka qaranka lala maagan yahay inta aanay dhicin qaban kara.

 

 

Mashaakiilka maanta caalamka yaala ee wada gilgilaaya maaha mid Somaliland kaligeed u taala ee waa mid caalamka dhammaantiis u taala, waxaannu u baahanahay inay tobobar noo siiyaan ciidanka, wax alle wixii nabadgalyada wax lagaga qabanayaana naga taageeraan.

 

 

Cabdillaahina iyo xukuumadiisi hore amaanbay leeyihiin mar haddii Somaliland oo nabad ah midaysana si nabadgalya oo dimuqraadiyada uga tageen hambalyo baan leeyahay.”

 

 

Dhinaca kale; wasiirka cusub ee wasaaradda kalluumaysiga, khayraadka badda iyo maamulka dekeddaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, ayaa isna xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee wasaarada Md. Cali Maxamed Qoorseef.

 

 

Md. Qoorseef oo ka warbixiyey waxqabadkii wasaarada mudadii uu xilka hayey, waxa uu sheegay in laga soo bilaabo 2004 ilaa 2008- in dibeda loo dhoofiyey la dhoofiyey 6000 oo tan oo kalluun ah, isaga oo sheegay in dakhliga afartaas sannadood ka soo xarooday uu u kala baxayay sidan: sannadka 2004 waxa soo xaroodaya ayuu tilmaamay $412,000 oo doolar, sannadkii 2005 waxa soo xerooday dakhli dhan $180,000; 2006 waxa soo xerooday $168000 iyo sannadka ugu dambeeyay oo ay soo xeroodeen $65000.

 

 

Wasiirkau cusub ee xilka la wareegay Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadceliyey mahadax Wasaarada ee xilka ku wareejisay ee uu ugu horeeyo Wasiirkii hore, isaga oo ka coday inay u soo duceeyaan in Illaahay u fududeeyo xilka culus ee uu ku wareejiyeen.

 

 

Waxaanu wasiika cusub ee wasaaradu ka xogwaramay sooyaalkiisii waxbarasho iyo shaqo, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Aniga asalkayga waxa aan ka soo jeeda magaalada Berbera, aad bay sharaf iigu tahay oo aan uga mahadnaqayaa madaxweynaha iyo cidda imagacawday, siiba Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo aad buu ugu mahadsan yahay inuu ii magacaabo wasaarad khusaysa magaaladaydii Illaahay waan ugu mahadnaqayaa,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Yaasiin Xasan.

 

 

Waxa uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Anigu waxbarashadaydii hoose/dhexe, sare ilaa Jaamacadeed waxa aan ku soo qaatay Koonfurta Soomaaliya. Waxa aan ku takhasusay culuumta diblamaasiyadda. Waxa aan ka shaqeeyey Wasaaradii hore ee Arrimaha dibada ee Somaliya. Meelihii aan ka shaqeeyey waxaa ka mid ahayd dalka Kuweyd oo aan mar Qunsul ka ahaa mar-na Safaarada aan madax ka ahaa. Waxa kale oo aan waxbarasho sare u tegay dalka Faransiiska, halkaas oo aan Master-degree-daydii culuumta diblamaasiyada ku sameeyey. Phd-daydiina waxa aan ka qaatay Paris. Waxa kale oo aan la shaqeeyay African development Bank oo aan ka mid noqday xubnaha maamula oo aan weliba ahaa qofka keliya ee Soomaali ah eek u jira. Dee shaqadaydii iyo Waxbarashadaydii waa sidaan. Marna SNM ayaan ka mid ahaa oo xidhiidhkii Maraykanka iyo meelahaas ayaan u qaabilsanaa.”

 

 

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday, ayaa xilka loo magacaabay kala wareegay Wasiirkii hore ee wasaaradda Dr. Idiris Ibraahim Cabdi.

 

 

Munaasibad shalay lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay ka qaybgaleen masuuliyiintii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, shaqaalihii wasaaradda, masuuliyiinta hay’adaha caalamiga ah ee wasaaradda kala shaqeeya caafimaadka xoolaha, mudanayaal badan oo Golaha Wakiillada ka tirsan iyo marti sharaf kale.

 

 

Wasiirka cusub ee xilka la wareegay Dr. Axmed Xaashi iyo wasiirkii hore Dr. Idiris Ibraahim ayaa si weji furan iyo saaxiibtinimo ah isugu wareejiyey xilka wasaaradda, iyagoo labadooduba sheegay in aanay ahayn rag isku cusub, balse muddo badan iyagoo isku xirfad ah ka soo wadashaqaynayeen isla wasaaradda ay la kala wareegeen.

 

 

Wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibaahim Cabdi oo ka hadlay halkaasi, ayaa sharraxaad dheer ka bixiyey heerarkii kala duwanaa ee wasaaraddu soo martay, waxqabadyadii ugu waaweynaa ee u hirgalay iyo arrimaha qorshaha ugu jiray.

 

 

Wasiirku waxa uu sheegay in wasaaraddiisu ka mid tahay kuwa ugu horreeya ee horumar la taaban karo dalka ka samaysay, isagoo tilmaamay in waxqabadka ugu wayn ee u hirgalay yahay inay ku guulaysteen dhoofka xoolaha Somaliland oo muddo badan xidhnaa iyo weliba dhismaha maxjarka lagu baadho caafimaadka xoolaha marka ay dhoofayaan oo ay aqoonsan yihiin ilaa lix wadan oo ka mid ah kuwa Khaliijka.

 

 

“Hawsha ugu way nee aan qabtay ee Ilaahay ii suurtogaliyey, masuuliyiinta kale ee wasaaradda iyo dhakhaatiirta hay’adaha ka shaqeeyaaba igala shaqeeyeen waxay ahayd furintaankii dhoofka xoolaha oo wax wayn inoo soo kordhiyey, dadkii reer Somaliland dib ugu celiyey xoolihii,” ayuu yidhi Dr. Idiris.

 

 

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in waxqabadka wasaaraddiisii ku faanayso uu ka mid yahay maxjarka lagu baadho xoolaha Somaliland ee ka dhoofaya dekadda Berbera, kaas oo uu tilmaamay in markii ganacsatada wadaniga ahi ka dhego-adaygeen inay maalgashadaan ay markii dambe dhistay shirkadda Al-jabiri. Waxaannu sheegay in maxjarkaasi oo ay aqoonsan yihiin lix waddan oo ku yaala Khaliijka Carabtu wax weyn u soo kordhiyey Somaliland.

 

 

Wasiirka cusub ee wasaaraddaasi Dr. Axmed Xaashi Oday, ayaa isagu ballanqaaday inuu halkaas ka sii wadi doono horurmarka iyo waxqabadka wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

 

 

“Anigu ma ihi nin wasaarad kale yimi ee meeshii aan joogay ayuun baa magacii aan ku joogay la beddelay, waayo waxaan ahaa La-taliye, mar waxaan ka shaqaynayey hay’ad xidhiidh la leh wasaaradda, marna waxaan ahaan nin la shaqaynayey saaxiibkii oo caawinayey. Markaa xilalkaas ayuun baa la beddelay oo wuxuun baa la igu yidhi wasiirkii baad tahay ee wax cusub oo igu soo kordhay ma jirto,” ayuu yidhi Wasiirka cusub, waxaannu intaa ku daray, “Waxaan ballanqaadayaa in halka uu soo gaadhsiiyey Wasiir Idiris ee horumar ah iyo halka uu soo gaadhsiiyey aan halkaa ka sii qaado.”

 

 

Waxa kale oo xilalkii la kala wareegay wasiirada cusub ee gaashaandhigga, arrimaha bulshada, macdanta iyo biyaha, iyo hawlaha guud oo xilkii kala wareegay wasiiradii hore ee Rayaale.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this