Sign in to follow this  
xiinfaniin

Forced exodus?

Recommended Posts

Muqdisho: Dowladda Federaalka oo shacabka degan warshada Baastada ilaa Kuliyada Jaalle Siyaad ka codsatay iney isaga guuraan."Waa maxay sababta"

21. Mar 2007 - APL

 

 

 

Muqdisho(AllPuntland)-Ra'iisul Wasaaraha dowladda Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta wareegto uu soo saaray ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee degan agagaarka warshadda Baastada ilaa Kulliyada Jaalle Siyaad iney isaga guuraan sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in goobahaasi laga soo abaabulo weerarada loo geysanayo xarumaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna dowladda KMG ku amartay dadka degan goobahaasi iney sida ugu dhaqsiyaha badan ay isaga baxaan.

 

Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed "Gacma Dheere" ayaa caawa ka codsaday dadka degan laga bilaabo Warshadda Baastada ilaa Kulliyada Jaalle Siyaad in ay ka baxaan si la isaga qabto kooxo uu ku sheegay qas wadayaal oo deegaanadaasi ka soo abaabulo falalka dadka lagu xasuuqayo.

 

Baaqa kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayuu sheegay Gacma Dheere in ay tahay sidii loo badbaadin lahaa shacabka Soomaaliyeed si looga qabto kuwa dhibaatada ku haya dadka rayidka iyo dowladda, wuxuuna Gacma Dheere intaa raaciyay in dowladda ay mudo labo bilood ay u dul qaadaneysay dhibaatada lagu hayo shacabka iyo dowladda.

 

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in mudo Todobaad gudahood ay gacanta ku dhigi doonaan amniga guud ee magaalada Muqdisho, isla markaana Todobaadkaas gudahiisa ay la dagaalami doonaan kooxaha dowlad diidka oo uu sheegay iney ka hareen maxkamadihii Islaamiga.

 

Dhanka kale waxaa magaalada Muqdisho caawa iyo galabta soo buuxiyay ciidamo fara badan oo ka tirsan Milateriga dalka Soomaaliya kuwaasi oo loo diyaariyay iney gacanta ku dhigaan goobaha amni xumida ka taagan.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

I assure you, mine is not a professional jealousy :D of any sort . It just so happened that my post coincided with Duke’s. Differnt headlines for the same content!

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL@Cara &Che.

 

The difference in headlines is indeed telling of how Duke and I view this issue.

 

Duke, you’re absolutely right that my family was forced to leave. In fact some of my immediate family were killed or maimed.

 

I hate [very strong word i know] the amxaars more than I dislike some aspects of Somali politics that resulted in my exodus.

 

Waryaa daawadayda hayya?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Order is what an admin gives, this is for their own safety and unlike the other groups who never cared about the safety of the public, this is a responsable step.

 

Though you wont give them any credit as is your ways.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cara.   

Originally posted by Che-Guevara:

LooooL@Care you beat it to me.

 

So Cara...which one is more believable?

 

One gives a sense of order and the other sense of abusive choas.

Perhaps one reflects intention while the other reality.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I would like to think mine depicts neither the intent nor the reality, but represents a shrill of curiosity from my part as to the sheer consequences such a policy could have if it ever implemented.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Your intentions are well known thus dwelling on is is unimportant.

 

The TFG is taking responsability for the public safety and warning the public that drastic measure will be taken thus move out.

 

I note that we witnessed 4 months of fighting in which time Xasan Dahir & his group fought in heavily populated area without a care in the world.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dad kor u dhaafaya boqolaal kun oo dowladda federaalku ay digniin ku siisay iney ka baxaan deegaanada u dhexeeya Ex-xarumihii Warshada Baastada iyo kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad.

 

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra'iisul-wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Cali Max'ed Geeddi ayaa digniin culus loogu jeediyey laguna amray guud ahaan dadweynaha degan inta u dhaxeysa E-Kuliyaddii Jaalle Siyaad ilaa Warshada Baastada inay halkaasi ka guuraan.

Wareegtada ayaa lagu sheegay haddii ay dadka degan goobahaasi sida ugu dhaqsiyaha badan ugu guuri waayaan in talaabo adag laga qaadi doono isla markaana dowladda federaalku aysan mas’uul ka noqon doonin wixii dhibaato ah ee soo gaara, waxaana goobaha wareegtada lagu sheegay in laga guuro ee kala ah inta u dhexeysa warshadii Baastada ilaa Kuliyaddii Jaalle Siyaad ah ay ka mid yihiin halka ay degan yihiin dadka ugu tirada badan magaalada Muqdisho, waxaana goobahaasi ay yihiin, meelihii maalintii shalay meydadka ciidamada Dowladda wadooyinkeeda lagu jiidjiiday.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Ra'iisul-wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ku soo beegmeysa xilli dagaalo qaraar ay ka socdaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho kuwaasoo u dhaxeeya ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya oo dhinac iyo maleeshiyooyin hubeysan .

Dadka ku dhaqan deegaanada lagu sheegay wareegtadan qaarkood ayaa markii ay maqleen warkan walaac u fara badan ka muujiyey, iyagoo sheegay ineysan fahmi Karin waxa loo jeedo arintan, isla markaana aysan garaneynin meel ay guryahooda ka aadaan, iyagoo qaarkoodna saaka bilaabay iney ka baxaan deegaanada la tilmaamay in laga guuro, waana markii ugu horeyasay ee maamul ka jira dalka Soomaaliya uu soo saaro wareegto amreysa in in laga guuro deegaano baaxadoodu ay intaa la’egatahay oo dad u badan ay ku nool yihiin, lama garanayo sababta rasmiga ah ee arintan keentay hase ahaatee waxaa loo malaynayaa in dowladdu ay damacsan tahay iney qaado dagaal muddo dheer qaata oo ay la gasho kooxaha ka soo horjeeda ee kacdoonka wada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/llaahi Yuusuf: “Dadweynaha madaafiic ayaa lagu ridayaa qudhooda haddii ay iska qaban waayaan kooxaha hoobiyeyaasha ka soo dhex ridaya”

 

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjari doono dhibaatada kooxaha hubeysan ay ka wadaan magaalada Muqdisho, isagoo xusay in magaalada aysan wada joogeynin dowladda federaalka iyo wax uu ugu yeeray kooxaha fitno wadayaasha ah ee qaraxayda wada.

 

Madaxweynaha oo wareysi siiyey Iddaacadda VOA-da ayaa intaa ku daray in muddo badan ay sugayeen in wax laga qabto kooxahan oo laakiin ay hadda noqotay xiligii lala tacaali lahaa, wuxuuna xusay madaxweynuhu in dadka degan xaafadaha ay ku dhuumanayaan kooxahaasi lagu amray iney ka guuraan hase ahaatee haddii dadku ay iska saari waayaan iyaga laftooda la duqeyn doono iyaga qudhooda.

 

“Meeshii uu Madfac nooga soo dhaco madaafiic ka xoog badan ayaan ku rideynaa, waana in shacabku iska qabtaa kuwa madaafiicda ka soo dhex ridaya haddii kale iyaga qudhooda ayaa lagu garaaci doonaa” ayuu yiri madaxweyne Yuusuf oo dhinaca kale beeniyey in isagu uu bixiyey amarkii lagu weeraray guriga guddoomiyaha gudigga siyaasada beesha Ceyr Dr. Maxamed Max’uud Culusow, isagoo sheegay in Culusow uu taageersanaa maxkamadaha oo isla maarkaana la raacinayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Muqdisho..

 

Shalay waabarigii ayaa ciidamo isugu jira Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah waxay ku soo faafeen xeradii hore ee Oodweyne, Shiirkole iyo deegaano kale oo ku dhow dhow, waxaana markiiba halkaasi ka bilowday rasaas ka dhaceysay qoryahaha fudud iyo kuwa culus. Dagaalkaan oo socday mudo shan saacadood ayaa aakhirkii waxa uu keenay in ciidamadii Dowladda FKMG qaarna la qabto kuwana la dhaawaco, kadibna dib loogu celiyo xaruntii Wasaaraddii Gaashaandhiga.

 

Ciidamada Dowladda FKMG ayaa waxaa la dagaalamayey kooxo aad u hubeysan oo markii hore ka tirsanaa deegaanka, kadibna xoojin ka helay deegaano kale, waxaa kaloo dhacday in ciidamada Dowladda qaarkood lagu khasbay in ay dhigaan dareeskii ay wateen iyo waliba qoriyihii ay wateen.

 

Qaar ka mid ah ciidamadii Dowladda ee ku dhintay dagaalkaasi oo aan la garaneyn in ahaayeen kuwo Dowladda ka tirsan iyo kuwa Itoobiyaan ah ayaa wadooyinka waaweyn gaar ahaan jidka Sodonka iyo kan wadnaha lagu jiiday maydkooda qaarkoodna dab la qabadsiiyey.

 

Dagaal kale ayaa waxa uu ka bilowday agagaarka Hotel Ramadan iyo Ex-Shaneeco Puntland, waxaana la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, waxa uuna dagaalkasi socday mudo labo saacadood, kadibna galabnimadii ayaa dagaal xoogani ka bilowday Suuqa Xoolaha iyo agagaarka Darmooley, waxaana lagu waramay in dagaalkasai ahaa mid aad u kharaaraa, waxaana la sheegay in Ciidamada Itoobiya ay madaafiic la dhacayeen dadka rayidka ah.

 

Isku soo wada duuboo dagaalkii shalay waxaa ku dhintay ilaa iyo dad gaaraya sodon qofood oo labada dhinac ah. Dowladda Itoobiya ayaa beenisay in qaar ka mid ah ciidamadooda lagu jiiday wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay Dowladda Itoobiya in aysan ciidamadooda dagaalkaas ka qayb-qaadan, sidoo kale ciidamada Uganda ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Muqdisho aysan ka qayb-qaadan oo ay ku ekaayeen xeryahooda. Dowladda Federaalka ayaa lagu waramay in aysan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga waramin dagaalkii dhacay, hase yeeshee C/llaahi Yuusuf ayaa laga soo xigtey uuna sheegay in koox yar ay ka soo horjeedo Dowladdiisa, kuwaasna gacanta lagu soo dhigi doono.

 

 

Dowladda Federaalka oo ku kala qaybsan tahay..

Dowladda Federaalka ayaa ku kala qaybsan dagaalkii shalay ka dhacay qaybo ka mid ah Magaalada muqdisho.

 

Qaar ka mid ah wasiirada Dowladda ayaa waxa ay dagaalkaasi ku tilmaameen mid la doonayo in lagu baabi’iyo qabiil gaar ah, waxayna uga digeen Ciidamada Shisheeye in ay u kala hiiliyaan Dowladda lagu dhisay qaabka Qabiilka. Cali Max’ed Geedi iyo C/llaahi Yuusuf ayaa waxay sheegeen in ay dagaal xoog leh la gali doonaan wax uu ugu yeeray kooxo yar oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, iyagoo sheegay in maalmaha soo socda la soo afjari doono. Dhanka kale Xildhibaanada iyo Wasiirada ka soo jeeda Beelaha ****** ayaa waxay ku hanjabeen in ay xilalkooda ka tagi doonaan, haddii aan wax laga bedelin Mowqifka C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi ee ku wajahan Beelaha ******.

 

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay.

 

Safiirka Mareykanka u fadhiya Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay dagaalka ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya iyo kooxo ka soo horjeeda, waxaa uuna dagaalkaasi ku tilmaamay mid aan loo baahneyn waqtigaan, isagoo sheegay in dagaalada noocaan ah ay weligood ka dhici jireen dalka Soomaaliya.

 

Safiirku waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay diyaarineysay 60-Milyan oo Doolar oo uu sheegay in ay ugu talagashay shirka dib u heshiisiinta ee la filayo in la qabto April 16-keeda, balse safiirku waxa uu sheegay in lacagtaasi aysan Dowladda Mareykanka si toos ah uga soo bixin, ugu dambeyntii waxa uu sheegay in shirarka dib u heshiisiinta ah laga qayb-galsho shaqsiyaadkii qunyarusocodka ahaa ee ka tirsanaa Maxaakiimta Islaamiga ah.

 

Sheekh Xasan Daahir oo markii ugu horeysay ka

 

Guddoomiyahii Golaha Shuurada Maxaakiimta Sheekh Xasan Daahir Aweys oo tan iyo intii Maxaakiimta laga awood roonaaday aan wax hadalin ah bixin ayaa xalay ka hadlay xaaladda Soomaaliya, waxa uuna sheegay Sheekhu in aad ugu xun yahay waxa ku habsaday ummadda Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay dagaalada Muqdisho ka socda kuwo Bulshada Soomaaliyeed ay ku dooneyso in ay isku xoreeyaan, Xasan Daahir Aweys waxa uu Beesha Caalamka ku eedeeyey inay ka hiilisay, isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dagaalamaan inta ay nool yihiin isaga iyo dhamaan Mas’uuliyiintii Maxaakiimta, Sheekh Xasan waxa uu carabka ku dhiftay in ay nabad qabaan isaga iyo mas’uuliyiintii Maxaakiimta ayna joogaan meel ka mid ah dalka Soomaaliya. Ugu dambeyntii Xasan Daahir Aweys waxa uu tilmaamay in ay Soomaalida dhexdeeda heshiin karto, haddii laga daayo faragelinta lagu hayo, isla markaana ay dalka isaga baxaan ciidamada shisheeye.

 

Axmed Diiriye oo ku tilmaamay dagaalkii.

 

Afhayeenka Beelaha ****** Nabadoon Axmed Diiriye ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay qaybo ka mid ah Muqdisho uu u dhexeeyey Dowladda Federaalka oo sida uu tilmaamay horkaceysa wax uu ku tilmaamay ciidamo dalka ku soo duulay iyo Beesha ******.

 

Axmed Diiriye waxa uu hoosta ka xariiqay in C/llaahi Yuusuf uu doonayo in uu dagaal cad la galo Beelaha ******, isla markaana uu duulaan ku yahay Beelaha ******, waxa uuna taa ku tilmaamay mid riyo ah, Beesha Hawiyana ay is difaaci doonto.

 

“Horey ayaan u ogeyn in C/llaahi uu qorsheynayo in uu duulaan ku soo qaadayo Beesha ******, iyadoo Beesha caalamka aan ku bandhignay, balse ay ka aamustay, haddana dagaalku waxa uu ku bilowday sidii uu C/llaahi doonayey” ayuu yiri Axmed Diiriye oo sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in wadajir ah looga hadlayo arinta Soomaaliya, isla markaana ay laga maarmaan tahay in la qabto shirweyne ay ka qaybgalaan dhamaan qaybaha Soomaalida.

 

 

Amiin Yuusuf Khasaaro

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this