Sign in to follow this  
Gabbal

The Speaker of Parliament has said he will not be going to Kismaayo.

Recommended Posts

Gabbal   

Sh.Xasan:xildhibaanada Ayagaa Laga Rabaa In ay Go'aan Qaataan Meel Walba Ha Joogaane, Haddana Iima Qorshaysna In Aan Maro Kismayo Muqdisho Ayaan Toos Ugu Socdaa

 

Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo weli ku sugan magaalada Nairobi ayaa Gedonet la yeelatay waraysi dhinacyo badan taabanaya ayaa waxa uu uu u dhacay sida tan.

 

Gedonet:Gudoomiye ku soo dhawoow Gedonet:

 

Shariif Xasan:Mahadsanidin,waxaan idin leeyahay ciid wanaagsan.

 

Gedonet:-Gudoomiye ugu horayn waxaan jeclaan lahayn in aad nooga war bixiso socdaalkii aad ku martay wadamo badan oo caalamkaa.?

 

Shariif Xasan:Waxaan socdaalku maray wadamo badan waxana hadafkaygu ahaa arimaha dawlada iyo sidii ay u guulaysan lahayeen,waxaana filayaa in aad la socoteen in aan kulamo la yeeshay jaaliyadaha dibada ee somalida iyo qaar kamid ah masuuliyiinta wadamada aan tagay waxaana aad uga murugooday in inta badan jaaliyadaha ay wax iga waydiinayaan sababta dhalisay qilaafka dawlada iyo waxa loo xalin la'yahay taas oo aan in badan isku dayay in aan ka dhaadhiciyo sida runta ah ee ay wax u jiraan,waxaana filayaa in uu ahaa socdal aan ku soo guulaysanay,somalida wadamada aan tagnayna waa somali u xiso qabta in ay mar ku soo laabtaan dalkooda oo nabadda waxayna naga codsadeen in aan wax ka qabano howlaha dawlada iyo sidii ay ku hirgali lahayeen.

 

Gedonet:-mudane gudoomiye waxaa waayadan sii xoogaysanaya qilaafka u dhexeeya labada dhinac ee dawlada arimhaas malagayaabaa in aad wax ka badasho maadaama aad lafdhabar u tahay dawlada, aadna muujinayso in aad marwalba wanaaga ka shaqynayso?.

 

Shariif Xasan:kkkkkkkkkkk walahay mar walba waxaan ku howlanahay sidii wax loo hagaajin lahaa lakin waxaa muuqanay in ay jiraan dad wax qaldaya oo si kale wax ugu muuqanayaan,mar walbana xalka iyo wanaaga waan u taaganahay waana ka shaqynayaa.

 

Gedonet:- gudoomiye waxaa jira xildhibaano iyo wasiiro wada dadaalo ay ku doonayaan in ay idinku dhex dhexaadiyaan qaarna waaba u istaageen hadana miro dhal ma muuqdaan arintaas maxaad ku diiday in aad taageerto?.

 

Shariif Xasan:walaal aniga ma diidin dhex dhexedain waana soo dhawaynayaa qof walba oo wada dhex dhexaadin iyo waxa dan ugu jirto shacabka in aan wax walba oo dana u dhago nuglaanana waa waxa naloo doortay.

 

Gedonet:- aan kuugu celiyo xildhibaano iyo wasiiro muqdisho ka waday wada hadal iyo dhex dhexaadin ayaa garabkaaga ku eedaynaya in ay diidanyihiin wada hadalka iyo dhex dhexaadinta?.

 

Shariif Xasan:Qilaafku waa wax jira waana midka haatan idiin muuqanaya waxaan jecelahay in aan wax badan ka badalo arimaha marka aan somaliya ku laabano hadii aan caqabad naga xoogani na hor istaagin,xildhibaanada dowladana ayagaa xal laga rabaa ee mahan in ayaga la dhex dhexadiyo xiligan,xalka somaliyana waa mid gacmahooda ku jira xiligan.

 

Gedonet:,dhawaan waxa ay wasaarada arimaha dibada ee kenya mamnuucday diyaaradaha keenya e ka daga garoomada muqdisho arinkaas wax hadal ah makal yeelatay keenya?.

 

Shariif Xasan:Dowlada kenya waa dal aan saaxibo nahay waxana filayaa in arinkaasi uu yahay mid lagu dhaliyay balse waxbay kabadalysaa arinkii ay sheegtay waana la kulmay qaarkamid ah xubnaha ugu sareya dawlada.

 

Gedonet:-maxaad ula jeedaa waa arin lagu dhaliyay?

 

Shariif Xasan:Amaandaro aan jirin ayaa loo sheegay,waxaana filayaa in arinku sidiisii ku noqdo.

 

Gedonet:- malagayaabaa in arinkaasi uu caqabad ku noqdo socdalkaaga Muqdisho?

 

Shariif Xasan:Ma filayo,lakin waxaanu ka dagaynaa meel walba oo diyaaradi ka dagto dalka guduhiisa.

 

Gedonet: gudoomiye waxaa jira warar sheegaya in aad socdaal ku tagi rabto magaalada Kismayo ee xarunta jubbada hoose arinkaasi majiraa/

 

Shariif Xasan:Hadda iima qorshaysna in aan maro kismayo Muqdisho ayaan toos ugu socdaa lakin hadii laga maarmi waayo kismayo waa magaalo aan si nabad ah ku tagi karno kana mid ah magaalooyinka ay maamulaan madaxda dawlada K.M.G.ah

 

Gedonet: goormaad muqdisho ku laabanysaa?

 

Shariif Xasan:Ilaa iyo talaado waan baxaynaa.

 

Gedonet:-mahadsanid gudoomiye.

Shariif Xasan:Gugdoomiyaha adinkaa mudan

 

D Y S (DONNA)

Gedonet:

nairobi-kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: Maamulka dooxada Jubba oo ka sharqamiyay inay qaban qaabinayaan shir ay yeeshaan Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha baarlamaanka oo ka dhacaya Kismaayo.

- Friday, November 04, 2005 at 14:34

 

Kismaayo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in la qaban qaabinayo shir ka dhacaya magaalada Kismaayo kaasi oo ay ku wada hadlayaan madaxwaynah Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Af-hayeenka maamulka dooxada Jubba Bile Cabdille Cabdi ayaa saxaafadda u sheegay in kulan muhiim ah la filayo inuu magaalada Kismaayo ku dhex marayo madaxwaynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka .

 

Bile Cabdille Cabdi wuxuu tilmaamay in arinkaasi uu u caddeeyay wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Aadan Shire Hiiraale oo tilmaamay in kulanka labadaasi masuul uu dhow yahay.

 

Mar wax laga waydiiyay afhayeenka xilliga rasmiga ah ee kulankaasi dhacayo ayuu tilmaamay inaan wali si rasmi ah saxaafadda loogu caddayn karin .

 

Kulankan ayaa waxaa agaasinkiisa iska kaashanaya madaxda maamulka dooxada Jubba ee ka taliya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Hadal haynta kulankan ayaa muddo aan sidaa ubadnayn ka hor ka jirtay magaalada Kismaayo hase ahaatee afhayeenka dooxada Jubba wuxuu ku tilmaamay inay tahay xaqiiqo in kulankaasi uu dhacayo.

 

Madaxwaynaha Soomaaliya wuxuu ka dhawaajiyay inuusan ogolayn kulan ay soo qaban qaabiyaan dad aan Soomaali ahayn hase ahaatee wuxuu soo dhaweeyay inuu meel walba tagayo asagoo ammaanka dalka ka shaqaynaya.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

 

 

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shirwac   

I think the trip to Kismayu is feasible. Now that Qeybdiid is not watching the sharif, and Qanyare and company's airports are closed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this