Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Historical day 26 june talleex is captured under the Somaliland rule

Recommended Posts

aciidannk.jpg

 

 

Col. Cali Baale iyo Mayarkii Degmada Taleex( ina fuje) oo isu soo dhiibay Mamulka Soomaaliland ee de

Warkii 26-Jun-2008 iyo Qormadii: afnugaal01@gmail.com

Col.Cali Baale oo ahaa Col.ka haystay Ciidanka (Dooxada Kacayo) ee Degmada Taleex aaya Maanta lagu soo dhaweyey Degmada laascaanood ee Gobalka Sool,Col. aaya waxa weheliyey 6 Sarkaal oo Ciidankiisa ka tirsan iyo Maayarkii Degmada Taleex.

 

 

 

 

Col. Cali Baale iyo Masuuliyiinta kale ee ka tirsan Degmada Taleex aaya dhamaantood lagu Soo dhaweeyey Saldhiga Gudoomiyaha Gobalka Sool waxana halka Qudbad soo dhaweyn ah ka akhriyey Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Sool ahna siihaya xilka Gudoomiyenimada Gobolka Maxamed Faaraxa (Indho buur)

 

 

Qudbada Gudoomiye ku Xigeenka ka dib aaya waxa hadalka Qaatay Col. Cali Baale, oo u mahad Celiyey saraakiisha Ciidamada Soomaaliland iyo Maamulka Gobalka Sool,Col.Cali Baale aaya sheegay in uu ka soo kacay isla maanta Degmada Taleex ee gobalka Sool halkaas oo uu kaga Yimi Ciidan kor uu dhaafaya 260 askari oo dhamaantood maanta ka tirsan Maamulka Soomaaliland oo dhamaantood ka soo jeeda Degmada Taleex

 

 

 

Col.Cali Baale wuxuu intaa ku daray in uu wada tashi uu yimi Degmada Laascaanood sidii looga Tashan la haa ciidamada ka soo jeeda Gobalada SSC in aay ka sii mid ahaadan ciidamada maamul Goboleedka Puntland iyo sidii go,aan loga gaadhi lahaa dhulduruugsiga aay wadaan Gobalada Mudug iyo Nugaal

 

Ugu danbayntii waxa halkaasi hadal kasoo jeediyay Col. Mahad Canbaashe oo ah Taliyaha Saldhiga 7 ee Gobalka Sool waxa uuna yiri ‘ hadda waxaad kamid tihiin ciidamada Somaliland iyo Maamulka Soomaaliland waxadna ku soo dhawaatan dhuliina Hooyo

 

Col. Mahad Canbaashe wuxuu sidoo kale sheegay Ciidanka fadhigoodu yahay Dooxada Kacayo ee Degmada Taleex in halkooda lagu Qaramayndoono oo aay ka mid yihiin Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliland....

 

 

 

 

 

wixii ka soo kordha ha ka fogaan afnugaal.com

 

 

afnugaal01@gmail.com

 

AfnugaalNew Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

· Min dalaysan doocaan irmaan, deero labankeeda

 

· Darmo iyo furaash la isu dhigay, daalan iyo googgo’

 

· Anigoo waxaan doono iyo, darajaday haysta

 

 

 

· Dingaraaradii nagu dhacdiyo, diiftii nala taartay

 

· Dayuurado gaawan iyo wixii, nala dul gawriirshay

 

· Waagii dillaacaba wixii, naga dul meeraayey

 

 

 

· Inkastoonu qaar daadinoo, deli ka tuuryeynay

 

· War deexdii baddii Daalo iyo, dalalyadii xeebta

 

· Dulkii aanu joognaba wixii, nagu duqaynaayey

 

 

 

· Dumbuq summuca degalkaan ka kacay, dahab wixii jiifay

 

· Dallaadii bannaanayd wixii, dad iyo maal joogay

 

· Dagal jabay wixii daar burburay, ama bakaar duugmay

 

 

 

· Duurka iyo hawdkii wixii, duunyo lagu dhaafay

 

· Lo durdura wixii nalaga dhacay, dalawidii geela

 

· Adhi daad masaalkii ah wixii, nalaga sii daayey

 

 

 

· Nin dooriyo wixii sheikh la dilay, culumadii diinka

 

· Wixii duubcaddii ay wadhnayd, Bixin duleedkeeda

 

· Dooxada Garoowe ah wuxuu haadku, dul u faagay

 

 

 

· Dirirtii Nugaaleed wixii, nalagu dooxaayey

 

· Wixii diricyadaydii kufrigu, daabaca u qaaday

 

· Duqow iyo dhallaan iyo waxaan, dumar na loo reebin

 

 

 

· Maxajabad ****ollayd wuxuu, gaal dukhuulaayey

 

· War caadhkii dahaadhnaa wuxuu, dubuq ku siinaayey[1]

 

· Gabdhahay dillaacsheen wuxuu, dhiigu dibiq leeyey

 

 

 

· Dan la’aan waxay nagu faleen, darab nijaaskeedku

 

· Dubuhii ikhwaankii ku dhacay, dacatigii gaadhay

 

· Dariiqii Rasuulkiyo wixii, diinta laga jiitay

 

 

 

· Dabradii waraabe iyo furuq waxa, dadkii xaaqay

 

· Iimey degteedii waxay, duumo nagu laysay

 

· U duuflaalideedii waxaan, Doollo uga guuray

 

 

 

· Daltabyeysigii nagu dhecee, duufka na cunsiiyey

 

· Dacluulka iyo ciilkii waxaan, dibinta ruugaayey

 

· Dulinkii kaneecada waxaan, duudka ka cadhownay

 

 

 

· Dusha Go’ane waxa awgayow, nala dubaaqyeeyey

 

· Daandaansigii nagu qabsaday, webiga diishiisa

 

· Durqunkii Warneefkii qabsaday, dibidii noo joogtay

 

 

 

· Diihaal wixii uu na baday, daafi cunidiisa

 

· Dabaley Caruusaad waxaan, deris xigaal moodnay

 

· Durufley Amxaaraad waxay, nagu dinaahyeysay

 

 

 

· Dullihii shareeraa wixii, daal na caga gooyey

 

· Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero

 

· Dul-ku-neefle kaan soo ag maro, duullaan ka hor geyska

 

 

 

· Dubbayaal wixii nagu dhacee, na lagu daaduunshay

 

· Annagu diidi maynoo wadkaa, Daayin noo qoraye

 

· Ninkii dunida loo deynayaa, haygu diirsado e

 

 

 

· In kastoo daleel nala dhigoo, docna nagu cayman

 

· Mar haddaan cid laga daynahayn, mowdka damaqdiisa

 

· Ragga haatan soo diganhayow, dan iyo xeeshaada

 

 

 

· Dacwaddaasi waa midaan niyada, samir ku diimeeyey

 

· Waa mid damisay cadhaduu qalbigu, ila dikaamaayey

 

· Dabuub kalena waa hadal yaroon, diirka ka caddeeyey

 

 

 

· War ******* Ismaaciil ma oga, dooxa loo qodiye

 

· Waa niman dufooboon arkayn, deyr in loo dhigiye

 

· Waa wada damiin aan kasayn, daalinka hoosyaale

 

 

 

· Waa niman Illaahay dadoo, doorshay oo hodoye

 

· Waa niman ****olmoo qalbiga, daabac kaga yaale

 

· Dib wixii u dhici waa waxaan, dooc ka garanayne

 

 

 

· Doqonimo darteed waa wixii, iigu diirsadaye

 

· Waa wixii dabaaldegay anuu, gaal isoo dilaye

 

· Waa wixii durbaansanahayeen ii, dub nixi hayne

 

 

 

· Xadhkaheer u daadsane misana, ciidda lagu duugay

 

· Oo doora weynow kufrigu, dul uga saynsaabay

 

· Markaan dunida dhaafaa walee, lagu dabaayaaye

 

 

 

· Igu diima aa ama dafarid, igula doodaaba

 

· Wuxuu gaalku daayaaba waa, dayrtan maanta ahe

 

· Maxay igaga digan saadambuu, siin lasoo degiye

 

 

 

· Afartaa intaan deel ku dhigay, dow ma qabadsiiyey

 

· War deelqaafku waa ba’anyahee, daacad ma u sheegay

 

· Dacwad kalena Soomaali waa, hal aan dareensiiyey

 

 

 

· Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

 

· Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe

 

· Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e

 

 

 

· Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne

 

· Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale

 

· Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye

 

 

 

· Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye

 

· Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye

 

· Anaan labada ******* tan hore, darajo moodaynin

 

 

 

· Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye

 

· Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine

 

· Sida doxorka ****** anaan, duud xamaal noqone

 

 

 

· Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine

 

· Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane

 

· Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine

 

 

 

· Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye

 

· Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede

 

· Anaan labada ******* tan hore, darajo moodayne

 

 

 

· Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine

 

· Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane

 

· Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan

 

 

 

· Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene

 

· Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye

 

· War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e

 

 

 

· Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene

 

· Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene

 

· Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene

 

 

 

· Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele

 

· Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe

 

· Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene

 

 

 

· Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey

 

· Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane

 

· Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene

 

 

 

· Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene

 

· Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene

 

· Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye

 

 

 

· Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey

 

· Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene

 

· Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene

 

 

 

· Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye

 

· Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye

 

· Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e

 

 

 

· Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene

 

· Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene

 

· Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene

 

 

 

· Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye

 

· Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene

 

· Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e

 

 

 

· Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane

 

· Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye

 

· Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane

 

 

 

· Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey

 

· Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye

 

· Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne

 

 

 

· Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge

 

· Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane

 

· Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye

 

 

 

· Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e

 

· Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e

 

· Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine

 

 

 

· Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye

 

· Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e

 

· Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene

 

 

 

· Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye

 

· Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye

 

· Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye

 

 

 

· Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye

 

· Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey

 

· Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo

Share this post


Link to post
Share on other sites

war nimanki dantoodii bay garteen anigu imika waxaan sugaya intu kii ina afqalooc eeh madaxweyne kuxigeeka puntiland isna isii soo dhiibayo , dadka reer ssc way garteen. Puntland waxay noqday xerro clanish state maffia burcad badeed dadka afduuba iyo dad lacag been beena sameyee.SOMALILAND IYAKA WA UU DAN

WADDA JIIR IYO NOLLAL FIICAN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this