Sign in to follow this  
Gar-haye

20 somalis slaughtered by the ethiopians at mozque.

Recommended Posts

Gar-haye   

20 qof oo rayid ah oo ciidanka gumeysiga Itoobiya ku gowraceen agagaarka masjidka Al-Hidaaya.

Beerdhiga 20.04.2008 21:29

 

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa galabta waxay gudaha u galeen Masaajidka Weyn ee Al-Hidaaya ee ku yaalla Xaafadda Waxaracadde waxayna halkaas ka gaysteen tacadiyo aad u foolxun ayaga oo soo aruuriyay jamaacaddi ku jirtay gudaha masaajidka iyo dadka xaafadda kadibna gawrac uunuunka uga jaray dhamaan wixii rag ah oo ay soo aruuriyeen.

 

Gabadh ka mid ah dadka ku xaniban gudaha masjidka Al -Hidaaya, oo u warameysay idaacada Shabeele oo codkeeda laga dheehanayey murugo xoogan ayaa waxa ay sheegtay in ciidanka gumeysiga Itoobiya ay wixii rag ahaa ee ku jirey gudaha masjidka kana mid ahaa jamaacadii Talbiiqa ee halkaa ku jirtey iyo rag kale oo ka mid ah dadka deegaanka ay ugu dhaqaaqeen gowricitaan, ayna daadsan yihiin agagaarka masjidka, dadkaas oo tiro ahaan ay gabadhu ku sheegtey 20 qof, inta ay arkeen.

 

Waxa ay intaa ku dartey Gabadhu in ciidanka gumeysiga Itoobiya oo ay weheliyaan ciidamada soomaalida ah ee loo yaqaan copy-ga Itoobiya ay tuseen mindiyihii ay ku gowraceen dadka, uguna hanjabeen iyaga”Haweenka” in ay gowracayaan haddii la soo weeraro.

 

Dadkan maanta ciidanka gumeysiga Itoobiya ku gowraceen agagaarka masjidka Al-Hiyaada ayaa u badnaa macalimiinta jaamacada Daaru Al-Culuum oo ka tirsan masjidka iyo ardeydii halkaa wax ka baraneysay, iyo dadka degan nawaaxiga masjidka oo gabaad ahaan ugu soo cararey ka dib markii ciidanka gumeysiga Itoobiya halkaa ay ku garaaceen madaafiic aan loo meel dayin.

 

Ciidanka gumeysiga Itoobiya ayaa caawa dul saaran dhismaha jaamaca Daaru Al-Culuum oo ku dhex taala masjidka Al-Hidaaya, iyaga oo masjidka gudihiisana ay ku jiraan dad u badan Haween iyo Caruur kuwaas oo ay gabaad ka dhiganayaan si aan loo soo weerarin, iyada oo wararka qaarkood sheegayaan in masjidka hortiisa uu yaalo Taangi wax yeelo ka soo gaartay dagaalkii maanta.

 

Maaha markii ugu horeysay ee ciidanka gumeysiga Itoobiya sidan oo kale dad rayid ah u gowracaan iyaga oo caado ka dhigtey in ay falal ka dhan ah Bani Aadanimada u geystaan dadka rayidka ah ee ay guryahooda ugu galaan, marka ay soo gaaraan khasaarooyin badan oo naf iyo maalba leh xilliga dagaalada ay lagaan Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed.iyaga oo maanta fal noocan oo kale ah ka geystey xaafada Godey oo ka tirsan degmada Yaaqshiid.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

Ciidanka Itoobiya oo in ka badan 20 Qof ku goowracay Masjidka Al hidaaya ee Xaafada Waxara cade

Soomaalinews.com 20 Apr 08, 21:40

 

War hada nasoo gaaray ayaa Sheegaya in ka badan 20 Qof oo maanta Ciidamada Itoobiyaanku ku goowraceen Masjidka Hidaaya ee Xaafada Waxara cade. Ciidamadaan oo aad u fara badan ayaa gudaha u galay masjidka AL hidaaya waxaana la tilmaamay in si ka baxsan bina Aadnimada ay u gooraceen ku dhawaad 20 Ruux oo rayid ah tiro intaasi ka badana ay haystaan Ciidamada.

 

 

Falkaan Gowraca ah oo galabta ciidamada Ethiopia ay ugu geysteen inta u dhaxeysa Ex,contorol ilaa Xaafada SOS ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili Saakay ciidamada Ethiopia ay gowraceen 6 Qof oo u badan Odayaal da'ah tiro intaasi ka badan ay toogteen.

 

 

La soco Soomaalinews.com wixi kusoo kordha

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

Ciidamada Ethiopia oo galabta Masjidka Al,Hidaaya ku Gowracay ku dhawaad 20 Ruux oo rayid ah dad kalena ay haystaan Ciidamadasi.

Submitted by wararka on Sun, 04/20/2008 - 17:07.

Muqdisho. 20. April .2008. (Sh.M.Network)-Ciidamada Ethiopia ayaa galabta Masjidka Al hidaaya oo ku yaala Xaafada Waxaracadde ay ku goraceen ku dhwaad 20 Ruux oo Rayid ah tiro intaasi ka badana ay haystaan ciidamadaasi iyadoo la tilmaamay in ciidamadaan ay kaabayaan kuwa dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia.

 

Ciidamadaan oo aad u fara badan ayaa gudaha u galay masjidka AL hidaaya waxaana la tilmaamay in si ka baxsan bina Aadnimada ay u gooraceen ku dhawaad 20 Ruux oo rayid ah tiro intaasi ka badana ay haystaan Ciidamada.

 

Mid ka mid ah haweynka deegaanka Waxaracade gaar ahaan Masjidka Al hidaaya ayaa Shabelle u sheegtay in ciidamada Ethiopia ay ugu hanjabeen in hadii Bari la Soo Weeraro ay gooracayaan haweynka islamarkaana ay sheegtay in horteeda lagu gowracay 20 Ruux tiro intaasi ka badan waa ay haystaan,waxaana gabadhaasi ay aheyd mid ka naxsan falka Ciidamada Ethiopia ay kula dhaqaaqeen dadaaasi radidka ah

 

Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa kaabaya Ciidamada DFKM gaar ahaan kuwa lagu soo tababaray dalka Ethiopia waxaana jirin cid ka hadlaysa dilalka ay ciidamada Ethiopia u geysanayaan Shacabka Somaliyeed.

 

Falkaan Gowraca ah oo galabta ciidamada Ethiopia ay ugu geysteen inta u dhaxeysa Ex,contorol ilaa Xaafada SOS ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili Saakay ciidamada Ethiopia ay gowraceen 6 Qof oo u badan Odayaal da'ah tiro intaasi ka badan ay toogteen.

 

Somali

shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

(20-04-2008) Ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa caawa masjidka Al hidaaya waxa ay ku gowraceen dad rayid ah waxayna sidoo kale ka qafaasheen tiro dad ah iyadoo ciidamada tigreega ay kabaha la galeen masjidka Al hidaaya oo ah masjid ay isugu yimaadaan dhamaan jameecada Tabliiqa iyadoo tirada dadkaasi ay gaarayaan 20 Ruux oo rayid ah.

 

Ciidamadaan argagixisada oo ka caraysan jabka soo gaaray ayaa waxaa la xaqiijiyay in ciidamada gumaysiga maydadkooda ay daadsan yihiin agagaarka Shaneemo Cabdi waayeel ee degmada Hilwaa ee Magaalada Muqdisho.

 

Goob jooyaal ayaa waxa ay Shabkadda Wararka dalkanews.com u xaqiijiyeen in ciidamadaan ay gowraceen dad rayid ah oo ku sugnaa masjidka Al hidaaya dadkalena ay ku haystaan gudaha masjidkaasi.

 

Xaalada Xaafada Suuqa Xoolaha iyo WaxaraCadde ayaa caawa waxa ay tahay mid xaaladeedu tahay mid kacsan waxaana maydadka ciidamada tegreeda ay dad sanyihiin Xaafada SOS Wadada warshadaha Qabuuuraha Barakaat.

 

Goob joogayaal ayaa Xaqiijiyay in dagaalka shalay iyo maanta waxa ku geeriyooday aan la soo koobi karin dhaawacna uu ka sii badanyahay.

 

dhanka kale Dagaal culus ayaa goor dhaw waxa uu ka dhacay Wasaaradii hore ee gaashaandhiga iyo garooonka Istadiyo muqdisho iyadoo dagaalka la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

 

Dagaalkaan ayaa waxa uu dhaxmaray dagaalyahanada xureynta dalka hoyo iyo maleeshiyaadka Cadawga Tegreeda waxaana dagaalka uu bilaawday Salaadii maqrib ka hor.

 

 

Maleeshiyaadka Cadawga itoobiya ayaa ka yaaban qasaaraha ay gaarsiiyeen dagaalyahanada xureynta dalka hoyo maalintii labaad dagaal kula jira Ciidamada cadawga.

 

Dalkanews.com, Muqdisho.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

Gumeysiga Itoobiya oo ku gowracay dad rayid ah Masjidka Al-hidaya ee xaafada Waxar Cadde { 20 Apr 2008}

waxaa la daabacay Sun 20 Apr 2008 13: 05: 45

Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa caawa waxa ay ku gowraceen ugu yaraan dad gaaraya 20 ruux Masjidka Al hidaaya oo ku yaala Xaafada Waxaracadde,

dadkan ay gowraceen ciidamada gumeysiga ayaa ahaa rayid oo iyagu ku sugnaa gudaha Masjidka Al hidaaya.

 

 

Arintan ayaa ka danbeesay ka dib markii ciidamada gumeysiga Itoobiya ay gudaha u galeen Masjidka Alhidaaya ka dibna ay iskuu soo aruuriyeen jameecadii ku tukaneysay Masjidka iyo dad ay ka soo qab qabteen aaga ku teedsan Masjidka ka dibna ay surka ka gowraceen.

 

 

Dad iyagu ku sugnaa gudaha Masjidka oo u waramayey qaar ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa waxay xaqiijiyeen in ciidamada gumeysigu ay qudha middi uga jareen wax allaale iyo wixii rag ahaa ee ku sugnaa gudha Masjidka isla markaasna ay jiraan dad ay ka soo qab qabteen nawaaxiga Masjidka oo iyana ay ku gowraceen beynaada ay isicmaalaan ciidamadu.

 

 

Dad goob joogayaal ah oo ay la xiriirtay shabakada Warbaahina ee dailypunland ayaa sheegaya in dadka la gowracay ay daadsanyihiin Masjidka dhexdiisa iyo hareeraha Masjidka,sidoo kale waxaa ku weheliyey ciidamada gumeysiga Itoobiya gowraca ay u geeyseen dadkaasi, ciidamada Soomaalida ee loo yaqaano "kobiga Itoobiya "laguna soo tababaray gudaha Itoobiya.

 

 

dadkan la gowracay ayaa intooda badan waxa la sheegayaa in ay ahaayeen culumada Tabliiqa oo iyagu Masjidkaasi wax ku bari jiray dadka ay doonayan in ay ka qayb qaataan Dacwada Islaamka,Masjidkan ayaa waxaa caan ku ah Culumada Tabliiqa ee aadka looga yaqaano dalka Soomaaliya.

 

 

Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa hada waxa ay ku sugan yihiin xaruna loo yaqaano Daarul-Culuum oo iyadu ku dhex taala Masjidka isla markaasna waxa ay dusha ka saaran yihiin dhismaha darbiga Daarul-Culuum oo ay culimada tabliiqa wax ku bari jireen dadka.

 

 

Arintan ayaa ah fal ka baxsan bina Aadnimada waxaana ka muuqata colaad gaamurtay oo ay ciidamadu gumeysigu u qabaan shacabka Soomaaliyeed,waxaa la wada ogsoon yahay in ciidamada Macatab ku dirirka Itoobiya ay ku soo duuleen Dalka soomaaliya si ay ula dagaalamaan Shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed iyadoo aysan aheyn markii ugu horeysay oo xasuuq noocaan oo kale ah ay gaystaan Saliibiyiinta Itoobiya.

 

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqda ciidamada gumeysigu in ay ku jabeen dagaaladii ka dhacayey labadii bari ee ugu danbeeyey magaalada Muqdisho, taas oo keentay in ay ka aarsadaan dadka rayidka ah,dhanka kale Nuur Cadde ayaa sheegay in ay ciidamada gumeysigu yihiin kuwo naftooda difaacaya oo xaqa ku taagan.

 

 

Bile Rooble

 

 

 

 

Dailypuntland News Muqdisho

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

The whole casualty reported in this crackdown on the Islamists is 13-20 persons. Please spare us these wild propagandistic statements.

 

It is in the news from reliable sources that The TFG /ENDF troops have also engaged in expanded operation in places of the Islamists' strongly held areas.

 

The articles you referenced all make the absurd and contradictory statements that the ENDF-TFG troops have been completely routed with uncountable numbers of deaths laying on the streets.

 

How will then the routed government troops with their Ethiopian army unit break in to a mosque, grab as many people as they can, and indiscriminately slaughter on a grand-like show.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: 20 Killed As Insurgents Ambush Ethiopian Soldiers

 

April 19, 2008

 

 

At least 20 people were killed in Somalia on Saturday after suspected insurgents ambushed Ethiopian soldiers, local sources said.

 

The intense battle spread out across three districts in the northern quarter of the capital Mogadishu, with Ethiopian troops expanding into insurgent strongholds for the first time in weeks.

 

A witness near Mogadishu's livestock market, in Huriwa district, told Garowe Online that he saw the dead bodies of four Ethiopian soldiers lying on the ground.

 

Other witnesses in Daynile and Yaaqshiid districts reported high civilian casualties, including a shell that hit a crowded restaurant, killing several people.

 

The fighting, which lasted for more than an hour, ended after Ethiopian soldiers withdrew back to their bases at the ex-pasta factory and Stadium Mogadishu, witnesses said.

 

Locals in Huriwa and Yaaqshiid districts reported that heavily-armed insurgents remained on the streets long after the Ethiopian soldiers retreated to base.

 

A spokesman for the Islamic Courts confirmed that seven rebels were killed in the fighting, but claimed that a larger number of Ethiopian soldiers also died.

 

Ali Moallim Bile, an administrator at Mogadishu's Keysaney Hospital, said 20 men, women and children with various wounds were admitted today for treatment.

 

Overnight Friday, four people including a Somali soldier and an insurgent fighter were killed after rebels attacked a government checkpoint.

 

In a separate incident, a Somali intelligence agent was shot and killed by three men armed with pistols, relatives said.

 

Ali Wareto died after sustaining three gunshots to the head in front of his home in Kaaraan district. Relatives said it was the fifth time insurgents tried to assassinate him.

 

Somalia's rebels, led by remnants of the Islamic Courts movement, want to expel Ethiopian troops from the country and topple the weak interim government.

 

Upwards of 7,000 people have been killed since January 2007, when the Ethiopian army overthrew Mogadishu's Islamic Courts rulers.

 

 

Source: All-Africa/GaroweOnline

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xidigo   

Groowewadu horta ma Xabashiday la jiraan? Waa kuwan insurgent ka bixi waaye. Dadkii wadan ku dhashay ee wadani ahaa ayay Insurgents ugu yeerayaan. Xabashka qurunka waynle ayaa insurgen ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xidigo*:

Dadkii wadan ku dhashay ee wadani ahaa ayay Insurgents ugu yeerayaan. Xabashka qurunka waynle ayaa insurgen ah.

Xidigo, you probably misunderstood what the term means.

 

Ethiopians can't be called insurgents........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xidigo   

^What should we call the Xabash then? I think we should call them terrorist, since they came to our homeland and terrorized our women and children

 

Do you agree?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this