Sign in to follow this  
who-me

War dadkan maxaa ka khaldan?

Recommended Posts

who-me   

GAALKACYO: Kooxo hubeysan oo xalay dhowr qof oo rayid ah ku dilay kuwo kalena ku dhaacay Gobolka Mudug

Posted to the Web Jun 05, 07:28

 

 Gaalkacyo (PP) − Ugu yaraan laba qof ayaa la dilay oo midi ay ahayd haweeney habeenkii xalay ahaa, kaddib markii kooxo hubeysan ay weerarro kala duwan qaadeen, waxaana la sheegay inay dhaawaceen kooxahaas saddex qof oo kale.

Nin hubeysan oo weerar ku qaaday goob shaaha lagu cabo oo ku taalla xaafadda Garsoor ee degmada Gaalkacyo ayaa dilay haweeney, halka uu dhaawacyo u geystay laba qof oo kale, kuwaasoo ku sugnaa goobta uu rasaasta ku furay.

Ninkan hubeysan ayaa la sheegay inuu ka baxsaday halkaas markii ay soo gaareen ciidamo ka tirsan Booliiska Puntland, sidoo kalena lama oga sababta keentay inuu ninkaas weerarka ku qaado goobtaas shaaha lagu cabo.

Sidoo kale kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday gaari marayay inta u dhexeysa Degmada Gaalkacyo iyo Deegaanka Dagaari ayaa dhaawacay hal, iyadoo kooxahaas la sheegay inay dhac u geysteen gaarigii ay la galeen koonfurta Gaalkacyo.

Kooxo kale oo iyaguna hubeysan ayaa waxay dileen qof markii ay weerar ku qaadeen gaari kale oo ka tagay Gaalkacyo kuna socday degmada Baladweyne, iyadoo weerarkaas uu ka dhacay meel ku dhow deegaanka Gallinsoor ee Gobolka Mudug.

Mas'uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa sheegay inay baaritaanno ku wadaan weerarrada lagu qaaday gaadiidkaas kala duwan, waxayna sheegeen inay qabteen qaar ka mid ah kooxdii weeraray gaarigii u socday Baladweyne.

Share this post


Link to post
Share on other sites
who-me   

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Taliska Qeybta Booliska ee Gobolka Mudug ayaa ka hadlay Xaalada Amaan ee Saacadihii udanbeeyey ay kusugnayd magaaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,waxaana ay Saraakiisha usaraysa Amaanka gobolka Mudug shaaca ka qaadeen in falal kaladuwan oo Gaalkacyo ka dhacay ay ku raadjoogaan.

 

Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Mudug G/llesare,Muuse Axmed Cabdiraxmaan (Xasaasi) oo maanta APL warkooban siiyey ayaa sheegey inay kawarhayaan falalkii u danbeeyey ee kadhacay magaalada gaalkacyo & Nawaaxigeeda,wuxuuna sheegey in Falkii xalay lagu weeraray gaari marayey inta u dhaxaysa deegaanka Godod & Gaalkacyo uu fuliyey gaari laga leeyahay Koonfurta Gaalkacyo.

 

"Amaanka Gobolka Mudug waa uu wanaagsanyahay,mararka qaar wax waa dhacaan,hada xalay falkii ka dhacay Miyaha dhanka Bari ee magaalada ee lagu weeraray shacabka waxaa ka danbeeyey Gaari LG ah (Markad 2),waxaana uu ka yimid Koonfurta magaalada,Ciidanku waa ay ceyrsadeen oo cagaarweyne ayaanu isku xabadaynay,markii danbena guri kuyaala koonfurta magaalada ayuu galay,Sirdoonkuna gurigaas waa ay yaqaanaan oo xalay ayaa naloo calamadiyey"Ayuu yiri Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Mudug.

 

Muuse Xasaasi wuxuu sheegey in gawaari Taarikadooda Dhooqo lamariyo si aan loogaran oo laga leeyahay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ay habeen kasta magaalada soo galiyaan waxyaabo sharcidaro ah,wuxuuna sheegey in gawaaridaas ay u calaamadaysanyihiin islamarkaasna ay dhawaan shacabka horkeeni doonaan kuwa Mas'uulka ka ah oo ka taajira Amnidarada magaalada.

 

"Gawaarida lagaleeyahay Koonfurta ee habeenkasta dhankeena yimaada,waanu lasoconaa Taarikada ayaa Dhooqo lasoo mariyaa si aanan loogaran,marka taasi mardanbe ma dhici doono inay falal geystaan,waxaanu u sheegaynaa in aanu isarki doono dadka ka ganacsida oo ku taajira Amnidarada gobolka Mudug"Ayuu yiri Muuse Xasaasi.

 

Muuse Axmed Cabdiraxmaan wuxuu sheegey in Ciidamada Amaanka ee gobolka Mudug ay heegan buuxa kujiraan,wuxuuna sheegey in Saraakiisha Amaanka ee Galmudug oo ay xiriir laleeyihiin inay fariin u direen oo ay codsadeen in uguyaraan gacanta loosoogeliyo dad uu ku eedeeyey inay amnidarada magaalada ka shaqeeyaan oo kasoo jeeda koonfurta magaalada Gaalkacyo,wuxuuna sheegey in falkii u danbeeyey xalay ay geysteen oo ay uguyaraan 2-Ruux ku dhaawacmeen halka kudhawaad 2-kalena ay ku dhinteen xili la weeraray gaari usocday deegaanka Garacad oo loogalay jidka isku xira Godod & Gaalkacyo.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
who-me   

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Gudiga Amniga ee gobolka Mudug ayaa maanta shir deg deg ah oo looga hadlayo Xaalka Amaan ee magaalada gaalkacyo isugu yimid,waxayna shirkoodan oo saacado badan socday uga hadleen falalkii ugu danbeeyey ee magaalada Gaalkacyo ka dhacay oo ay sheegeen in ay si deg deg ah wax uga qabanayaan islamarkaasna ay xaalada ka badalayaan sida ay imika tahay.

 

Shirkan oo ahaa mid deg deg ah aya markii uu dhamaaday waxaa warbaahinta lahadlay qaarkamid ah saraakiisha ugu saraysa ciidamada kaladuwan ee gobolka Mudug & Gudoonka sare ee gobolka Mudug,waxayna islaqireen in amaanku uu sidii hore kasoo darayo islamarkaasna waxay codsadeen in shacabka magaalada gaalkacyo ay lashaqeeyaan ciidamada gobolka si ay ugu tilaabsadaan tilaabooyinka ay hiigsanayaan oo ay ku doonayaan inay wax uga qabtaan amaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dawlada Puntland Col,Axmed Cali Salaad oo shirkan shirgudoominayey ayaa markii uu soodhamaaday warbaahinta u sheegey in amaanka Gaalkacyo ay carqaladaynayaan Malayshiyaad kasoo jeeda koonfurta magaalada Gaalkacyo,wuxuuna gudoomiyuhu sheegey inaysan ku eegan doonin dadkaas,isagoo sheegey inay falkii u danbeeyey xalay ku keceen,islamarkaasna todobaadkii hore weerar gaadmo ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo taasina aysan u xaglinayn dhanka wanaagsan.

 

"Magaalada Amaankeeda maahan in aanu uga haybaysano dad qashin ah oo markasta Koonfurta kayimaada,waxaanu u sheegaynaa Maamulkooda in aanu warcad ka rabno talaabooyinkii u danbeeyey ee ay ku dhaqaaqeen,gaar ahaan garoonka oo ay todobaadkii hore rasaas waaweyn kusoo rideen & Falkii u danbeeyey ee xalay dhacay oo ahaa mid Burcadnimo ah,dadkaas warkooda waa inaad nasiisaan hadii kale wada degenaanshaha ayaa khalkhal ku imaan karaa"Ayuu yiri Axmed Cali Salaad oo hadal kulul oo dheer warbaahinta ka jeedinayey.

 

Col,Axmed Cali Salaad wuxuu baaq u diray dadweynaha ku nool 14-ka Xaafadood ee magaalada Gaalkacyo oo uu sheegey inay isdhigteen markii ay amaan badan magaaladooda ku heleen,wuxuuna shacabka ugu baaqay inay mas'uuliyiinta kala duwan ee xaafada magaalada Gaalkacyo isugu yimaadaan shir deg deg ah oo looga hadlayo xaalka Amaan ee magaalada,wuxuuna baaq u diray dadka kasoo jeeda koonfurta Gaalkacyo oo degen miyiga fog ee dadka reer Puntland oo uu ugu baaqay inay si deg deh ah uguuraan maadaama wada degenaantii ay waxbadan ka xumaadeen roobab badana de'een.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
who-me   

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Maamul xaafadeedka kajira koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigayaan Malayshiyo beeleed kasoo jeeda koonfurta magaalada Gaalkacyo oo maalin kahor hubka ka dhaca Qoriga Suuga ku weerartay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Gaalkacyo.

 

Gudoomiyaha Maamulka Galmudug ee u qaabilsan arimaha deegaanada ay ka taliyaan Xassan Faarax Barre oo maanta Warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegey in falkaasi uusan ka turjumayn aragtida Shucuubta Galmudug,wuxuuna sheegey in ciidamadooda lagu amray inay gacanta kusoo dhigaan Malayshiyaadkaas.

 

"Waanu kaxunahay Duqayntii ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo,waxaa ka danbeeyey kooxo wax magarato ah,kuwaasina kama turjumayaan aragtida fiyow ee shacabkeena waana koox yar oo caadaysatay inay falal anshaxumo ah ku dhaqaaqaan,Ciidamadayada oo dhanna amar baanu kusiinay inay gacanta kusoo dhigaan"Ayuu yiri Xasan Faarax Barre.

 

Gudoomiye Xassan wuxuu sheegey in ay raali gelintan mid lamid ah u direen maamulka Puntland saraakiishooda gobolka Mudug isla markaasna ay Shucuubta gobolka Mudug oo dhan ka raali gelinayaan falkaas,waxaana intaas ku daray in labada maamul ay isku raaceen in cadaalada la horkeeno cidi falkaas ka danbaysay.

 

Hadalka Ninka ugu sareeya Saraakiisha Galmudug ee gobolka ayaa imaanaya xili maalin kahor ay Malayshiyaad kasoo jeeda koonfurta Gaalkacyo weerar ku qaadeen garoonka Gaalkacyo isla markaasna ciidamada ilaalada garoonku ay ku jawaabeen hub aad u Culus.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
who-me   

Tani dulqaad ma maleh dadkani ma aha dad fahansan qimaha nabada ama u bisil in ay bartaan waxa ay nabad tahay.

 

In muda ah ayaa maamulka puntland ee Galkacyo isku mashquuliyen in xal ay ka garaan dhibaatoyinka soo noqnoqda lakiin wax haba yaratee ka suurto galay ma jirin. In ay suurta geliwaydo dadadaladan waxaa sal u ah in Maamulka Sheegta Galmudug ay ka soo bixiwaayen waajibaadkoda.

 

 

Waxay ila tahay xalka keli ah oo lagu kalsoonan karo in galkcayo ay degto waa iyada oo maamulka Puntland uu gabi ahaan la wareego gacan ku haynta magalaada oo cidii doonta in ay degto magalaada loo ogalaado lakiin sharuud loga dhigo in ay dhowrto nabada hadii kale sharci lala tiigsado.

 

 

Kuwa sheegta mamulka Galmudug ma aha dad wax fara ku haya waa dad un magac qaawan meel surtay kuna hoos nool maamul kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
who-me   

Gaalkacyo(AllPuntland)- Gudoomiyaha gobalka Mudug ee Puntland Col, Axmad Cali Salaad oo maanta la hadlayay Warfidiyeenada ayaa shaaca ka qaaday in uu go'ay xiriirkii wada shaqeynta ahaa ee ka dhaxeeyey Maamulada Puntland & Galmudug oo kala maamula magaalada Gaalkacyo.

 

Gudoomiyaha gobalka Mudug wuxuu sheegay in ay marar badan dhaceen falal kala gedisan, kuwaas oo ay ku jireen dilal ay geystaan dad ka soo jeeda Koonfurta Mudug, duqeymihii garoonka Gaalkacyo, dhaca gaadiidka iyo isku qabsiga dhulka oo faro batay.

 

Axmed wuxuu ku eedeeyey Galmudug in ay ka talin waayeen arrimahaasi, markaasna ay waxba ka qaban waayeen dhalinyarada ka soo jeeda deegaankooda ee dhibaatada ka geystay deegaano ka mid ah Puntland.

 

" In uu go'ay xiriirkii wada shaqeyn ee labada dhinac ayaan cadeyn, waayo Galmudug waxa ay waxba ka qaban waayeen howlo badan oo ay geysteen dhalinyar ka soo jeeda deegaankooda, waxaa ka mid ah falalka wax laga qaban waayay, dhacdadii jidka garoonka, duqeyntii garoonka, dagaalkii hubka waa weyn loo isticmaalay ee dhulka ku saabsanaa, dhaca gaadiid laga leeyahay Puntland" Ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Mudug Col. Axmad Cali Salaad.

 

Galmudug kama aysan hadlin warka ka soo yeeray Puntland, waxaana jiray xiisado udhaxeeyey labada Maamul wixii ka dambeeyey horaantii sannadkan, waxaana jiray dagaalo iyo hadalo kulul oo ay saxaafada isku marinayeen labada dhinac.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
who-me   

Puntland should take over that one messy district and if people want to live there peacefully they should allow them to do so but if not they should kick em out. You can only give people the freedom and the courtesy to govern them selves if they understand the value of peace if not they ought to be thought and governed.

 

Puntland spent considerable time to give this people the chance to put things in order in that small district they reside but nothing fruitful came out from there. It became breeding ground for anarchists and misfits of society.

 

Enough is enough

Share this post


Link to post
Share on other sites
who-me   

Maamul loo dhanyahay waa la isku dayey lakiin dadkani ma aha dad raba in ay wax la qaybsadaan ummadaha la dega magalaada mana aha dad awooda in ay gooni wax u samaystaan.

 

Maamul ku sheega Galmudug iskaba dhaaf dhulka kale ay sheegtan xaafadaa yar bay xal u la'yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
who-me   

Dhowr jeer o hore baa galmudug xiligii chemiko jogaay la damcay in lagu booriyo in puntland wax ku darsadaan lakiin waa ka biya diideen. Taas kaba sokow hada ka hor ayaa mashruuc biyo galin ah yimid magaalada galkacyo. kadibna biyo galin ku sameeyey magalaada oo idil markii la soo gaaray xaafada ay ka degaan baa la yiri war biyo ma la idiin geliyaa xaafada dabadeedna waana diiden. Waxay noqatay arin dhag kafaar ku noqatay bulshada galkacyo. Dad xitaa diiday in loo horamariyo degaankoda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

who-me,

 

In laga hadlaa xaalad kaa fog horta waa iska hadal un, laakiin haddaba waa iska hadlyanaa. Marka, sida soo socotta bay Galkacyo u baahantahay:

 

1- In la fahmo waxa xidid u ah khilaafka iyo amni darrada

 

Markii taa la fahmo, xal baa loo raadin karaa.

 

Aniga sida ay ila tahay, khilaafka Galkacyo waa khilaaf qabali ah oo siyaasad ku labisan. Dharka ha laga dhigo, oo inta meel la goglo, hoggaanka rasmiga ee beelaha dega gobolka ha laysku keeno.

 

Ka dibna, markii bil ay murmaan oo garramaaan, waa is cafinayaan.

 

Intaa dabadeed.

 

2- Hogaan siyaasadeed oo loo dhanyahay magaalada halloo sameeyo.

 

^^Intaa fahan macnaheeda: waa qaybsi la qaybsado magaalada habka loo maamulayo. Xaafad hebla maaha.

 

Haddey wax kasoo noqdaan dib halloo tashado

Share this post


Link to post
Share on other sites
who-me   

Gaalkacyo (RBC Radio):- Hal ruux ayaa geeriyoodey laba kalena waxaa soo gaarey dhaawac kadib markii koox dabley hubeysani ay rasaas ooda uga qaadeen gaari rakaab ah oo marayey duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Gaariga rakaabka ah ee la rasaaseeyay ayaa marayey deegaanka Godod oo aan sidaa uga fogeyn magaalada Gaalkacyo, waxaana wararku intaasi ku darayaan in dableyda gaarigaasi jidka u gashay ay yihiin kuwa heyb ahaan ka soo jeeda koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Qofka dhintey iyo labada dhaawaca ah ayaa la keenay Isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu dabiibayo labadii ruux ee dhaawacu soo gaarey oo ah nin iyo qof dumar ah, iyadoo marxuumka shilkaasi ku dhinteyna uu ahaa nin ka mid ahaa dadkii rakaabka gaariga saarnaa.

Maalmo ka hor ayaa sidan oo kale dabley hubeysan oo ka tagtey koonfurta magaalada Gaalkacyo ay gaari rakaab ah ku rasaaseeyeen jidka u dhaxeeya Godod iyo Gaalkacyo, halkaasina uu ku dhintey hal qof saddex kalena uu dhaawac ka soo gaarey, waxana laamaha amaanka iyo maamulka gobolka Mudug ay sheegeen in aysan u dulqaadan doonin dhacdadan oo kale mar dambe, la ma oga haatan talaabada ay ka qaadan doonaan arintani mar labaad soo cusboonaatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this