Sign in to follow this  
Suldaanka

Warlords cash in while Somalis face a bleak Future

Recommended Posts

Markab sida 400,000 oo kiish oo dhuxul oo ka shiraacday Baraawe

 

Muqdishu, Feb 23, 2006 ( WDN) - Dekeda magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose, ayaa maanta waxaa ka shiraacday markab weyn oo laga leeyahay wadanka Imaaraadka carabta oo sida afar boqol oo kun (400,000) oo kiish oo dhuxul ah.

 

 

Markabkan oo lagu magacaabo Rin Dubay ayaa dhuxushan u iib gey naya magaalada Dubay ee xarunta ganacsiga Imaaraadka carabta, ayadoo dhuxusha markabkan uu qaadayna ay muddo sanad ah ku xayirnayd magaalada Baraawe oo uu gacanta ku hayo Sh. Yusuf Indho Cade.

 

 

Dhuxushan maanta laga dhoofiyey magaalada Baraawe ayaa qeyb ka ah dhuxul baaxad weyn oo laga soo xaalufiyey keymaha waa weyn ee ku yaalla gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha hoose oo haatan ay ka taagan tahay abaaro ba'ani.

 

 

Dhoofinta dhuxushan oo si xad dhaaf ah uga socota qeybo fara badan oo dalka ka tirsan, ayaa kusoo aaday xili qeylo dhaan ay kasoo yeereyso ururada ka shaqeeya ilaalinta deegaanka.

 

 

Ayadoo markabkan maanta uu ka shiraacday magaalada Baraawe ayaa hadana waxaa kuso xirtay markab kale oo agab ganacsi kusoo dejiyey magaalada Kismayo, kaasi oo doonaya in dhuxul uu ka qaado degekaasi Baraawe.

 

 

Inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ee dibada wax u dhoofisa ayaa si weyn uga macaasha dhuxusha laga soo xaalufiyo keymaha dalka, taasi oo haddii aan loo istaagin wax ka qabasheeda aynu keerto dhibaato deegaaneed.

Maxamed Cumar Aden

WardheerNews, Muqdishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Noo, it is impossible "Sheekh" Yuusuf Indhacadde ka suurowdo waxaas. He is halyeey, oo jihaad ku jiro oo waa wadaad, dalkiis gaalada ka haayo. Waxaan waa iska dacaayad micno daro iska ah, oo haduu dhuxul dhoofiyana waa ganacsi caalamka dhan ka jiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

sw-bu3_010306.jpg

 

sw-bu4_010306.jpg

 

Dekedda Baraawe Oo Noqotay Meesha Ugu Badan Ee Dhuxusha Dibadda Looga Saaro

 

Maarso 1, 2006

 

Dekedda degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa iyadu ah midda ugu mashquulsan ee sida ba`an iminka looga saaro dibadda dhuxusha ama geedaha dhirta la jaro ee la dhigto xaabada , Xeebta dekadda Baraawe ayaa waxa aad ku arkaysaa dhuxul aad u tiro badan oo Jawaano ku raseesan oo kumanaan kun gaaraaya kuwaas oo u diyaarsan in la saaro markab badda yaalay oo ka diiwaan gashan sida somaliweyn loo sheegay dalka Korea magaciisana yahay Chong Chong Game .

 

Dhallinyaro aad u tiro badan oo ka xamaashta dekadda ayaa aad u buux dhaafiya aroortii hore dekadda si ay u daabulaan dhuxul loo raraayo dalka dibaddiisa , waxaan u guuragalay sida ay u socdaan howlaha daabulidda dhuxusha, run ahaantii waxaan la yaabay sida ay tiro badan dhuxusha la raraayo iyadoo saacadba saacaddii ka danbaysa ay soo kordhayso gawaari soo galaaya dekedda oo wada dhuxul aad u tiro badan , waxaan wax ka weydiiyay mid ka mid ah howl wadeenada meeshaasi joogay oo iga codsaday in aan magaciisa xusin isagoo somaliweyn u sheegay meelaha dhuxushaasi laga soo guray oo uu yiri waa dhul hood ah u dhaxaysaa Baraawe Guntuwaareey iyo Jilib balaciisuna yahay 180km, wuxuu noo sheegay in la adeegsado qalab fududeeya jaridda geedaha oo Machine- ah isla markaana jari kara saacadiiba dhowr geedo.

 

Wuxuu intaasi raaciyay in dhulkaasi ay ka dhaceen markii dhir faro badan laga jaray nabaadguur soo jiidatay abaar iyadoo xoolo dhaqatadiina ay halkaasi isaga soo hayaameen .

 

Ma'aha oo kaliya dekadda Baraawe meelaha laga dhoofiyo dhirta geedaha laga jaro ee dhuxusha laga dhigay, balse waxaa lagu tilmaamaa dekadda Baraawe in ay tahay midda ugu badan ee laga dhoofiyo dhuxusha inkastoo ay jiraan dekedo ay ka mid yahiin dakadda Kismaayo iyo tan dekadda dabiiciga ee Ceel Cadde oo iyaguna laga dhoofiyo dhuxusha .

 

Si kasta ha ahaatee dadka daabulaaya dhuxushaasi ayaa kuu sheegaaya in aysan jeclayn in dhirta la jaro isla markaana la dhoofiyo , balse waxay sheegayaan inay ku kaliftay daruufo la xiriira dhinaca nolosha .

 

Dhirta oo la jaro ayaa waxay dhibaato ku tahay dhinaca degaanka oo noqda mid nabaadguur ku dhaca isla markaana ay soo jiidato abaar ba`an iyo roob la`aan ka dhacda meelaha la nabaadguuriyay ee dhirta laga jaray iyadoo sidaas si la mid ah xoolaha ay ka mid yahiin Geela ay halkaasi dhibaato ka soo gaarto ka dib markii la waayo wax uu daaqo.

 

Ma jiraan cid u taagan xiligan inay wax ka qabato xaalufinta lagu haayo dhirta iyadoo ganacsatada ku howlan daabulidda dhuxusha ay u jeedaan oo kaliya xoogaaga yar ee lacagta doolarka ah iyagoo aan eegayn dhibaatada ka imaan karta xaalufin loo gaysto geedaha dhirta.

 

Xigasho: Soomaaliweyn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

laa xaawla walaa quwah... this is truely sad. :mad:

 

Axmaqsanaa oo arxandaranaa

 

Even the Amazon jungle doesn't get logged like that.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Originally posted by Suldaaanka:

Axmaqsanaa oo arxandaranaa

Indeed..! Where are those who were saying he is better than the warlords cause he fighting for the Islamic courts in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Originally posted by Suldaaanka:

Waa godob jiilka soo socda laga galaayo.

I dont think they are concerned with the coming generation they are busy massacring the present ones..Illah aa kuwan naga korshey..Alxamdullilah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Waa bilaa damiir, bilaa dhaqan, oo bilaa diin... bilaa...

 

Dad ka taajiray:

 

1. Isbaaro (The most visible one)

2. Dhuxusha (chopping trees)

3. Weapons trade

4. Humantrafficking

5. Toxic industrial/nuke waste

6. Drugs

7. Wild-life

8. Piracy

9. Bogus Peace[read War] Conferences (thanks to the international community for bankrolling these thugs)

10. Wadaado oo la dhoofiyo (newest)

 

U malahyn maayo inay waligood heshiinayan ayagoo mid mid isaga takhalusa mooye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^You two, cut it out. This is not a political statement.

 

MISKIIN-

 

Ilaahay ha na caawiye, Soomaaliya cadowgeeda waa in laga qabto. Acuudi bilaah, naxdinta igashay uma malaynikaraysi markaan masawiradaa eegay. How can you do such a thing? Markastaad aragti Indhacade Makuu u dhoofi siduu usoo xajiye alahu tacaalaana dadkiisa iyo dalkiisuubha sidaa u xaqtirayaa. ILAAHAYOW UMAMADA KA QABO, ILAHOW KA QABO.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Aqiyaarta, Soomaali jaahilnimada waa ka wada siman yihiin oo waa isma dhaanto iyo dhasheed. Aqri hoos.

_________________

 

img440f5224aecfa.jpg

 

img440f520b1ca73.jpg

 

Jigjiga, Somalitribune (8/3/06) - Meelaha ugu siidaran ee sida xoogga leh loo xaalufiyay waxaa ka mid ah goobihii ay degganaayeen qaxootigii Soomaaliya ha ugu sii daraadeen Degmada Q/bayax, gaar ahaan magaalooyinka Q/bayax iyo H/Sheekha iyo Degmada Awbarre oo kayn ahaan jiray haddana lama degaan isu baddalay.

 

Meelaha kale waxaa ka mid ah degmada Gaashaamo, Rabaso iyo Daroor gobolka Godey iyo agaarkeeda iyo Qalaafo.

 

Aagaggaa oo muddo dheer oo ay ku sugnaayeen sida Q/bayax oo kumaankun oo qaxooti ahi degganaayeen dhirtii kaynta ahayd waxay ka yeeleen waxay shitaan, waxay xaabo iyo dhuxul ay magaalooyinka u iib geeyaan ka dhigtaan iyo waxay buulal ka dhistaan.

 

Haddaba aagaggaa qaarkood dadaalo yar-yar oo ay dib u dhirayn ku sameyeen meelaha qaarkood hayado aan dawli ahayn oo ka damqamaya sida ba'an ee dhirta loo xaalufiyay loone dabarjaray, haya'daha aan dawliga ahayn ee dadaalka dib loogu dhiraynayo dhulka ay qaxootigu xoolifiyeen mudadi ay degganaayeen waxaa ka mid ah hayadda aan dawliga ahayn (NGOga) lagu magacaabo HOPE FOR THE HORN oo ah hayad waddani ah oo degaanka Soomaalida ka jirta kana hawlgasha. hayadda HFH waxaa u suurta gashay inay sannadihi la soo dhaafay dhirayso qoobihi qaxootiga Soomaaliya xaalufiyeen oo Degmooyinka Q/bayax, Awaare iyo Gaashamo ka kala tirsanaa, sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2005kii waxay ku beertay dhir gaadhaysa 250,000 oo geed degmooyinka Q/bayax, H/Sheekha balliyalay, Dulcad, Aboko, Rabaso, Daroor & Agagaarka Degmada Gaashaamo. sannadkan 2006 kana waxaa u qorshaysan inay goobahaa qaxootigu xaalufiyeen ka beerto dhir gaadhaysa illaa 350,000 oo geed oo lagu diyaariyay xarunta dhir diyaarinta ee Q/bayax.

 

Waxaa kale oo dhir xaalufintaa barbar socotay shan iyo tobankii sano ee la soo dhaaqayna lagu hawlanaa olole kale oo dhirta qoyan dhuxul ahaan loo shidamayo taasoo si laxaad leh oo aan xad lahay loo dabar jaray dhirtii kaymaha ahayd, waxaa xusid mudan degmooyinka Q/bayax iyo Dhagaxbuur kayntii jiqda ahayd ee u dhaxaysay oo aad loo jaro, maalintii in ka badan toban baabuur oo waaweyn oo dhuxula laga raro, dhuxushaas waxaa loo kala iib-geeyaa Soomaali land oo la sheegay in la sii dhaafiyo dalalka carabtana looga sii dhaafiyo.

 

Magaalada Jigjiga ee xaruunta Degaanka Soomaalidana waxaa saddexdii maalmoodba la soo galiyaa shan illaa toban baabuur oo dhuxushii oo aan jawaan ku jirin oo rasaysan ka buuxdo dhuxushaas oo la dhigo xaafada dhan oo suuq u noqday, dhuxushaa dhawrkii maalmoodna lagu soo dajiyo boqolaal kintaal oo oo dhuxul (eeg sawirrada la socda qoraalkan).

 

 

Haddaba, dhirtaa sida sharci darrada loo jarayo xilligii Xukumaddii Dhargiga mamnuuc ayay ka ahayd, waana la dabagali jiray cid kastoo isku dayda inay dhirta jirto oo xaabo iyo dhuxul ay ka ganacsato ka

dhigto sharciga ayaa lala tigsan jiray xafiiska beeraha ayaana arrintaa u xilsaarraa.

 

 

Hasayeeshee, mudada 15 sannadooda ee ay dalka soo maamulayeen Xukumadaha Dimuqraadiga ah cid arrintaa qaabilsan oo ilaalisa dabagalna ku sameysaa ma jiro, dhul baallaadhan oo kaymo Jiq ah ahaa ayaana la xaalu fiyay, arrintaa dhir xaalufinta iyo dhuxusha xad dhaafka ah ee dalka iyo dibaddaba loo dhoofiyo ee degaanada Araarso ee Degmada Dhagax buur aad ugu badan, sababta loo eeganayo waxna looga qaban la'ayahay mar wax laga waydiiyay Madaxa Xafiiska Horumarinta Xoolaha iyo Kh/Dabiciga C/laahi Cabdi Aadan, Wuxuu sheegay inay arrintan hordhigi doonaan hayadda sharci dajinta oo ah Golaha Baarlamaanka Dawlada Deegaanka Soomaalida si sharci lagaga hortagayo xaalufinta dhirta laguna xaddidayo dhuxusha looga soo saaro. Arrintaas oo xasaasi ah dhibaato ba'anna ku haysa degaanka una horseeday dhulka la xaalufiyay carro guur dillaac iyo waraarro dhulkoodhan si deg-degsiiyo leh ugu fidaya dhul beereed badanna xanibay sidoo kale qorrax kulul, dabaylo aan kala joogsi lahayn, nabaadguur, dhaxan habeenkii ah iyo roobyaraan aanay lahaan jirin ayay xaalufinta dhirtu horseedday arrintaas oo la odhan karo waxay qayb ka tahay abaaraha joogtada ah ee degaankan la soo darsay sonnooyinkan dambe, waxaana lagaga gudbi karaa sidii xal deg-dega loogu heli lahaa xaalufinta dhurta muwaadin kasta oo degaanka u dhashay ku dalka gudihiisa ku sugan iyo ku dibadaha joogaba xil ayaa ka saran sidii uu uga dhiidhiyi lahaa ugana hortagi laha arintaa.

 

Xigasho: Soomaalitribune.com

__________________

 

Jaahiliintaan Eebe ha naga qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ururka Garyaqaanada Somaaliyeed oo walaac ka muujiyay xaalufinta lagu hayo dhirta Soomaaliyeed.

 

Ururka Khareenada Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay Xaalufka naxariista darada ah ee ka socda Wadanka, taasoo ay sheegeen in ay keeneyso dhibaato weyn oo si xun u taabaneysa shacbiga Soomaaliyeed guud haan, gaar ahaanna Nimcooleyda iyo xoolaha duur joogta ah haddii aan laga hortagin.

 

“Dhirta oo la baabi’iyo waxay keeneysaa Dhibaato aan la qaadi karin, sida roobka oo yaraada, dhulka oo noqda mid lama dagaan ah, nolosha dadka iyo duunyada oo culeys soo wajaho†ayuu yiri Prof. Maxamuud Cali Daahir (Guure) oo ah Guddoomiyaha Garyaqaanada Soomaaliyeed (SLS) wuxuuna intaa ku daray “maadaama aysan jirin dowlad shaqeysa, waxaa waajib ka saaran yahay joojinta Xaalufkaa lagula kacayo dhirta wadanka shacbiga Soomaaliyeed oo ay wax ka qabtaan kuwa ku dhaqaaqaya falkaa naxariista darada ah ee aan damiir iyo wadanimo lahaynâ€, waxa kalloo uu sheegay in Dowladaha dhiirigelinaya Xaalufka lagu hayo wadanka in ay maxkamad la tiigsan doonaan, wuxuuna ugu baaqay Dowladahaasi in si deg deg ah u joojiyaan Dhuxusha sida sharci darada ah looga keenayo dhulka Soomaaliyeed.

 

Ugu dambeyntii wuxuu uga digay kuwa guraya iyo kuwa fududeenayaba in ay gacanta kula jiraan fal dambiyeed oo ku xusan sharciga Soomaaliyeed.

 

Xigasho: Soomaalitalk.com [13 Maarso, 2006]

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Iyadoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo dabkii qabsaday markabka MV Maryama3 oo laga dajinayo dhuxul uu ka soo qaaday degmada Baraawe ayaa shaqaalaha howshaasi wada rajo ka muujiyay guul ay ka gaaraan daminta dabkaasi." [shabeellenews.com, Abriil 16, '06]

 

markab2.jpg

 

Gubo waliba dhac oo bada gal.

 

markab5.jpg

 

Eebboow gub, wixii saarana naxariis dadkooda iyo dalkooda haba yaraatee u lahayn wada gub.

 

Gubta waligiina gubta. Hadeeba iyagii dalkooda ka damqan yaa u damqanaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

" Ra'isal Wasaaraha ayaa hadal uu ka jeediyay xuska munaasabadan wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay dhawridda bii'ada asagoo xusay in tan iyo intii ay dalka Soomaaliya ka dhaceen dagaalada sokeeye ay nabaadguur iyo xaalufin ku hayaan degaanka Soomaaliya kooxo gooya dhirta, kana ganacsada dhuxusha oo u dhoofiya dibbadda oo baabi'iyay kaymo aad u baaxad wayn iyo dhul daaqsiinka ku haboon." [baydhabo.com]

 

We don't need hadal, we need action. How come, Mudane Geedi, your so-called government doesn't lobby Khaliij governments to stop themselves and their citizens trading charcoal with warlords and merciless so-called ganacsato. Do you know, in Dubai for example, the fine for hitting or uprooting a tree is higher than hitting a car or other things? Yes! Even imprisonment.

 

IMAG0464.JPG

 

Waxba hal geed ha habuurin, do take some action against those warlords intee dalka dhan wada noqon nabaadguur.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this