Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Gang leader Abu Mansuur injured in battle with police

Recommended Posts

Abuu Mansuur oo dagaalkii Asbuuc ka Hor Huriwaa ku dhaawacmay laguna daaweynayo Suuqa-Bakaaraha.

 

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali “Abuu Mansuur” ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

 

Abuu Mansuur ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay goobo halis ah isla markaana rasaasta ay ka haleeshay dhabarka dambe iyo agagaarka wadnaha, waxaana la xaqiijiyay inuu aad u liito caafimaadkiisa.

 

Mid kamid ah dhalinyarada Al-Shabaab oo aan warkaan kasoo xigtay ayaa sidoo kale ii sheegay in Abuu Mansuur iminka lagu daaweynayo guri ku yaala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho halkaaso ay ammaankiisa sugayaan ciidamada Al-Shabaab oo ku jira guriga agagaarkiisa oo dhan, waxuuna sheegay inuu aad u liito caafimaadkiisa oo uusan kala garaneynin waxuu sheegayo kadib markii uu koomo saddex maalmood oo xiriir ahaa ku jiray.

 

Ilo-wareedkaan ayaa sidoo kale ii sheegay in dhaqaatiirka Muqdisho ugu caansan ee ka howl-gala isbitaalada magaalada la iskugu keenay gurigaasi kuwaasoo si dhuumaaleysi ah u dabiibaya Abuu Mansuur, waxaana jira warar sheegaya hadii wax loogu qaban waayo gudaha dalka in la gaarsiin doono magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

 

Abuu Mansuur ayaa ku dhaawacmay dagaal toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee Muqdisho, halkaasoo sidoo kale la sheegay in lagu dilay rag ay isku dhawaayeen Abuu Mansuur gaar ahaan nin walaashiis qaba oo la yiraahdo Abuu Cadnaan Al-Faarisi.

 

Waxaa sidoo kale la sheegay inay jiraan tiro dhalinyaro Al-Shabaab ka tirsan oo iyagana dhaawacyadooda lagu daaweynayo qeybo kamid ah Muqdisho gaar ahaan suuqa weyn ee Bakaaraha oo inta badan ciidamada DF gudaha usoo gali karin maadaama ganacsi xoogani halkaasi ka socda cid walibana ay ku gamban karto.

 

Abuu Mansuur ayaa muddooyinkaan la hadlin Saxaafada ka howl-gasha magaalada Muqdisho isagoo inta badan Saxaafada la hadli jiray maalmihii lasoo dhaafay, waxaana taasi ka dambeysay kadib markii dhaawacaan culus uu soo gaaray oo keentay inuu Saxaafada la hadli waayo iyadoo Telefoonkiisana qabanayaan rag kale oo la shaqeeya isaga kuuna sheegayaan inuu howlo ku jiro.

 

Afhayeenka Al-Shabaab ee dhaawaca ah Abuu Mansuur ayaa kamid ah raga dowladaha caalamka ay baadi goobayaan ee la shaqeysta Argagaxisada Caalamiga ah, isagoo ku jira liiska kooxaha Argagaxisada ee laga baadi goobayo caalamka gaar ahaan Geeska Afrika.

 

Abuu Mansuur ayaa sidoo kale ah nin aad u mayal adag oo aan marnaba qoslin waxuuna inta badan diidaa nabad kusoo celinta Soomaaliya iyo inay sii joogaan ciidamo shisheeye, waxuuna dhawaan gaashaanka u daruuray heshiiskii Djibouti ku yeesheen Isbaheysiga dib u xorenta Somalia iyo Dowlada Federaalka isagoo xubnaha Isbaheysigana ku tilmaamay calooshood u shaqeystayaal aan cidna matalin waxuuna sheegay inaysan dagaalka joojin doonin ayna ogolaan doonin ciidamo la keeno Soomaaliya.

 

Wariye

Cabdicasiis Xasan Xuseen “Duceysane”

 

Email: duco8muq@live.com

Mobile: +25215903888 Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lool. The curses of the clowns who studied the religion under Moulana Yusuf IndacADE will not get no one down. :D

 

As for Roobow and his gang they will get no where.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. Adeer its all bogus, you guys are fighting for loot and if you aint you just confused..Anyhow stop bombing the old cleaning ladies and children saxib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Of course it was adeer,Mr Dheere bombed the cleaning ladies working for him and this is told by those who send mortars to a peace conference which killed children playing a scoccer game.

 

You aint even clever

Share this post


Link to post
Share on other sites

isla markaana rasaasta ay ka haleeshay dhabarka dambe iyo agagaarka wadnaha

in Abuu Mansuur iminka lagu daaweynayo guri ku yaala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho halkaaso ay ammaankiisa sugayaan ciidamada Al-Shabaab oo ku jira guriga agagaarkiisa oo dhan,

in dhaqaatiirka Muqdisho ugu caansan ee ka howl-gala isbitaalada magaalada la iskugu keenay gurigaasi kuwaasoo si dhuumaaleysi ah u dabiibaya Abuu Mansuur

waxaana jira warar sheegaya hadii wax loogu qaban waayo gudaha dalka in la gaarsiin doono magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

:D

 

Abuu Mansuur ayaa sidoo kale ah nin aad u mayal adag oo aan marnaba qoslin

:D:D

 

 

Now you can see what is wrong with this news.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by unknown1:

they have never issued fatwas, and the names you keep referring got fired long time ago.

unknown1: you are conscientious, well-mannered, and WRONG .Now try again!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this