Sign in to follow this  
Maaddeey

MAY NALA GARAACAAN KUFRIGA!

Recommended Posts

Maaddeey   

Xaalka Dunida Islaamka ah & Shisheeyaha duullaanka guud ahaan & gaar ahaan waddankeenna waxay ku soo xusuusuneysaa waagii Sayidka, horay waxaan is bar-bardhig ku sameeyay Halgankii daraawiishta uu Sayidku hogaaminaayey & xarakada Al Shabaab al Mujaahidiin ka fiiri halkan. gabayga soo socda ayaad ka dareemi kartaa dadkii waqtigiisa sida ay u hagradeen oo halgankii uu ku jiray u dheyelsadeen, gabayga micnaha uu tusayo waxa ku calaacala inta badan hogaamiyayaasha dagaalka kula jira gumeysiga cusub ee geyigeenna.

 

Waxaan gabaygan ka soo guuriyey bogga doollo.com oo inta badan gabayada Sayidka & Halyeeyo/Abwaanno badanba aad ka heli karto, ila akhri fadlan, una ducee in Sayidka & Daraawiishtiiba Alle dambigooda dhaafo:

 

Xalay gelin dhexaadkii miyaan, gudub usoo booday

 

Sida nimanka gaadhka ah miyaan, gabay ku soojeeday

 

Garaad laawe aadmiga miyaan, gees walba u eegay

 

Goonyaha miyaan dayey kufriga, ina gabraaraaya

 

Gaalkaan gudnayn ee cirradu, guudka ka caddaaday

 

Asaad gudaha geedaha ka baxay, guri cidla’a moodo

 

Oo uu gasiinkiisu yahay neef, aan biri gaadhin

 

Oo guuldarraystow khamriga, gacan togleynaaya

 

Gini-gini haddaad qaadataan, naari garab taalo

 

Guushiyo hadday doonayaan, geelal iyo xoolo

 

Garaadkood ba’yow may tagaan, goonyihii Xarunta

 

May nala garaacaan kufriga, gocorka laalaadshay

 

May goobtan joogaan jannaa, loo gembiyayaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this