Sign in to follow this  
me

Israsaaseyn xoogan oo ka bilaabatay Muqdisho.

Recommended Posts

me   

Israsaaseyn xoogan oo ka bilaabatay Muqdisho.

 

 

Mogadishu 13, April.07 ( Sh.M.Network) Dagaal xoogan ayaa salaadii maqrib ka dib waxa uu ka qarxay aagga wasaaradii hore ee G/dhigga iyo deegaano kale oo ku dhow dhow sida ay nagu soo gaarayaan wararka.

 

Ilaa iyo haatan lama helin wax qasaaro ah oo ka dhashay dagaalkaan oo u dhaxeeya ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka dalka Somalia ciidamada shisheeye.

 

Laakiin Wariye madax banaan oo la yiraahdo Wariiri Cali gaaboow ( is this a joke? ) ayaa sheegay in meel u dhaxeysa Shirkole iyo Wasaaradda G/dhigga ay gubaneyso, iyadoo loo maleynayo in Madfac ku dhacay halkaasi uu ka dhashay dabkaasi oo si weyn looga arkayo magaalada Muqdisho.

 

Daryanka madaafiicda iyo rasaas xoogan ayaa si weyn looga maqlay qeybo ka mid ah koonfurta magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkaan oo yara qaboobay abaarihii 8:00 Am ayaa wixii ku soo kordha waxa aad ku maqli doontaan wararkeena dambe.

 

Dagaalkaan ka qarxay halkaasi ayaa ku soo beegmay xilli maanta Odayaasha Beelaha ****** iyo saraakiisha Ethiopia kulan ay yeesheen ay ka soo saareen guddi labada dhinac ah oo kala qaada ciidamada ishorfadhiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Dagaal xoogan oo caawa ka dhacay agagaarka Gaashaandhiga iyo Shiirkole.

13. April 2007 - APL

 

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa caawa maqribnimadii ka dhacay agagaarka wasaaradii hore ee Gaashaandhiga iyo Shiirkole, kaasoo dhex maray ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo maliishiyo ka soo horjeeda dowladda KMG iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya.

 

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan oo madaafiicda kala duwan ay isweydaarsadeen labada dhinac ayaan la ogeyn khasaaraha uu geystay hase ahaatee wararka aan ka heleyno deegaankaasi ayaa sheegaya in haatan ay holceyso xeradii hore ee Guul Wadayaasha oo buushash ay deganaayeen dadweyne, halkaasi oo uu ku dhacay Madfac.

 

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay rasaas iyo madaafiic goos goos ah ku tuureen ciidamada Itoobiya oo fariisin ku lahaa Wasaaradda Gaashaandhiga kadibna ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay jawaab culus ka bixiyeen iyadoo haatan ay dhaceyso rasaas goos goos ah.

 

Dhanka kale agagaarka Garoonka ciyaaraha iyo Isgoyska Towfiiq ayaa laga maqlayaa rasaasta lidka diyaaradaha, waxaana halkaasi ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay gacan ku heynta garoonka iyo xarunta Xisbiga.

 

Dagaalkan oo ku soo beegmay kadib markii galabta heshiis ay wada gaareen saraakiisha ciidamada dalka Itoobiya iyo qaar ka tirsan beelaha ******.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this