Sign in to follow this  
Shaakirullaah

A resounding victory for the mujahideen after heavy fighting in Shibis this morning

Recommended Posts

Ciidamada Al Shabaab oo Dagaal kula wareegay xarunta degmada Shibis kadib dagaal culus oo ay saaka lagaleen Dowladda KMG Somaliya

 

Dagaallo aad uculus ayaa saaka ka dhacay xaafado dhaca waqooyiga magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeyay xoogaga Islaamiyiinta iyo ciidanka dowladda oo kaashanaya AMISOM waxaana jira khasaara dhinacyada soo kala gaaray.

Daryanka madaafiicda iyo rasaas aad u xoogan ayaa saaka laga maqlayay xaafado katirsan degmada Shibis oo ay ku dagaalamayeen Al Shabaab iyo ciidan dowladda KMG katirsan oo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku sugnaa.

Dagaalada oo ahaa kuwa aad uculus ayay xarakada Al Shabaab guulo ka sheegatay, saraakiil katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo lasoo xariiray warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ay lawareegeen gacan ku haynta degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogaga Islaamiyiinta oo la wareegay degmada Shibis kadib dagaal culus oo saakay halkaasi ka dhacay

 

Kadib dagaal culus oo waabarigii hore saakay ka dhacay qeybo katirsan degmooyinka kuyaala waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Xoogaga islaamiyiinta ah usuuro gashay inay la wareegaan gacan ku haynta degmada Shibis oo kamid ah degmooyinka ay iska hor fadhiyaan Ciidamada dowladda kmg ah iyo Xoogaga islaamiyiinta ah ee kulaalaya Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Dagaalka saakay ka dhacay degmada Shibis oo ahaa mid culus islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa lagu qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda kmg ah oo difaacyo ugu jiray hareeraha saldhiga degmada iyo Xarunta maamulka, iyadoona ciidamadii dowladda kmg taabacsanaa ee difaacyada kaga jiray xarumaasi ay halkaasi ka baxeen.

Lama oga khasaaraha uu sababay dagaalkii saakay ka dhacay degmada shibis,balse waxaa jiri kara khasaare dadka rayidka ah kasoo gaaray rasaastii iyo madaafiicdii la is waydaarsanayay intii uu dagaalka uu socday.

Xaalad degenaasho oo aan cago adag ku taaganayn ayaa laga dareemayaa goobihii ay dagaaladu saakay ka dhaceen,iyadoona la filan karo in xili walba uu dagaal markale qaraxo maadaama dhinacydii dagaalamay ay weli isku hor fadhiyaan hareeraha aagagii saakay lagu dagaalamay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Dagaal ka dhacay Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

By Somalimirror on 31 Mar, 2010 9:38 AM in Main, Wararka

 

Dagaal aad u Xoogan oo leysku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Saaka Aroortii ka dhacay qeybo kamida Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho wuxuuna u dhexeeyey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa DKMG oo dhawaanahanba isku horfadhiyey aagagaas.

Dagaalka oo bilowday Salaadii subax ee saaka ayaa waxa weerarka qaaday Ciidamada Al-Shabaab sida uu shabakada Warbaahinta Somalimirror u Xaqiijiyey mid kamida Saraakiisha shabaabul Mujaahidiin.

 

Sarkaalka la hadlay Somalimirror ayaa sheegay inay Ciidamadoodu Dagaalka guulo ka gaareen isla markaana kula wareegeen Fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada DKMG gaar ahaan Xarnta Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

 

Wuxuu intaa kudaray Sarkaalkaasi inay haatan Xaaladu Degen tahay Ciidankooduna joogaan Goobihii ay saaka dagaalka ku qabsadeen wuxuuna carabaabay inay Xarunta Degmada ugu tageen meydadka qaar kamida Askartii Dowlada ee halkaa horey ugu sugnaa.

 

Dhanka kale Sarkaal isna u hadlay Dhanka DKMG ayaa sheegay in dhakooda la soo weeraray laakiin ay iska difaaceen weerarkaas ayna ku sugan yihiin Fariisimadoodii caadiga ahaa, wuxuuna intaa raaciyey inay dib isaga caabiyeen dhinacee kale ee soo weeraray qasaarana gaarsiiyeen.

 

Rasaas iyo Madaafiic goos goos ah ayaa wali laga maqlayaa Goobihii Saaka lagu dagaalamay kuwaas oo ay isku ridayaan mararka qaar dhinacyada Dirirtu u dhexeysay oo aan aad u kala fogeyn.

 

Lama garanayo qasaaraha rasmiga ah ee Dagaalka iyo Madaafiicda ka soo garay dadka Rayidka ah waxaase la sheegayaa inay jiraan dhaawacyada tiro dad rayid ah iyo dhimashada ugu yaraan halruux oo ay Haleeshay Rasaas Wiifto ah iyo Madaafiic habow ah.

 

Majiro war dhinacyada kamadax banaan oo laga helayo goobaha dagaalada maadaama ay Dadku ka Barakaceen inta badan Goobaha Dagaaladu ka dhaceen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I hate to agree with Duke but xaafado la,isku dhax ceyrsanaayo means nothing. The stinky thing about Somali civil war no one party can overwhelm the rest. This is even more difficult when so many foreigners are involved.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cabdow   

Markaad shibis qabsaneeseen imisa masaakiin oo innocent shacaba yaad cagta sii mariseen ama awgiin u dhintay? Ileen sheekadiina oo dhan baa waxay kusoo biya shubatay mid aad dhaawacdaan, mid aad gacanta iyo lugta goysaan iyo mid aad dishaanee...Inna lillahi wa ina illeyhi rajicuun :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this