Sign in to follow this  
Xudeedi

Haylaan Champions Receive massive Welcoming in Bosaso (Pics)

Recommended Posts

Xudeedi   

IMG_0008.jpg

 

Tartameyaasha Gobolka Haylaan oo sanadkaan ku guuleystay Barnaamijka Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan ay sanad weliba qabato warbaahinta Horseed Media ayna maalgeliso Shirkadda Isgaarsiinta TELCOM ayaa maanta gelinkii danbe si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Bosaaso.

 

 

Dadweyne badan oo isugu jirey taageerayaasha gobolka Haylaan iyo gobolka Bari oo ay kuwada tartameen wareega kama danbeysta Barnaamijka ayay tartameyaasha gobolka Haylaan uga hortageen Kontroolka ku yaalla duleedka magaalada Bosaaso.

 

Tartameyaasha gobolka Haylaan ayaa waxaa ay saaka kasoo ambabaxeen degmada Dhahar,waxaana si weyn loogu soo dhoweeyey kontroolka Bosaaso oo ay ku sugayeen Tartameyaasha gobolka Bari iyo taageerayaashooda oo watay gawaari fara badan.

 

Soo dhowaynta ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaatay Maamulka Warbaahinta Horseed Media iyo Shirkadda Isgaarsiinta Telcom.

 

Kadib markii ay soo gaareen kontroolka gobolka Haylaan,ayaa waxaa loo soo galbiyey magaalada iyadoo gawaari fara badan ay gelbinta siweyn uga qayb qaateen oo lagu suray halku dhigyo kala duwan.

 

Agaasimaha guud ee Horseed Media Jaamac Ciise Huurun ayaa khudbad kooban ka jeediyey goobta lagu soo dhoweynaayay tartameyaasha gobolka Haylaan,waxaana uu mahadcelin balaaran ujeediyey dhamaan dadkii ka qayb qaatay soo dhoweynta.

 

Wadada dheer ee laamiga iyo gudaha magaalada Bosaaso ayaa si weyn looga dareemay soo dhoweynta gobolka Haylaan,waxaana jirey dad taagnaa wadada dhinaceeda oo ku dhawaaqayay ‘Soo dhowaada Haylaan’.

 

Ugu danbeyntii waxaa lagu soo afmeeray soo dhoweynta garoonka kubadda Cagta ee magaalada Bosaaso,waxaana habeen danbe haduu Alle iidmo la qaban doona xaflad lagu gudoonsiinayo gobolka Haylaan Abaalmarino iyaga iyo gobolka Bari oo galay kaalinta labaad.

 

Barnaamijka Tartan Aqooneedka ay warbaahinta Horseed Media u qabato qaar kamid ah gobolada Soomaaliya ayaa sanadkaan ahaa kii saddexaad ay qabatay.

 

Xusuusin Kal Horena Hayland ayaa qaaday Koobta Aqoonta ee Ramadaanka ay qabtaan Horseed Media iyo Shirkada Telecom.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Gobolka Haylaan oo la Gudoonsiiyey Abaalmarinta Barnaamijka Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan(Sawiro)

 

Xaflad balaaran oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Shirkadda Isgaarsiinta TELCOM iyo maamulka warbaahinta Horseed Media ayaa habeenimadii xalay lagu qabtay hotelka Panorama ee magaalada Bosaaso,kaas oo abaalmarino lagu gudoonsiiyey labada gobol ee kala galay kaalmaha kowaad iyo labaad intuu socday Barnaamijka Tartan Aqooneedka Bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

Waxaa xaflada kasoo qaybgalay dad kala duwan sida masuuliyin ka tirsan Dawladda Puntland oo uu kamid yahay Agaasimaha Wasaarada Amniga Puntland Cali Hayaan,Guddoomiye kuxigeenka gobolka Bari Yuusuf Muumin Mbidde,Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim,Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Bari Maxamuud Caynab,Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Nabadoon C/qaadir Xarago,Culima’udin,Ururada Bulshada rayidka,Haweenka,Dhalinyaro,Ganacsato maamulada Shirkada TELCOM iyo warbaahinta Horseed Media.

 

Ugu horeyn waxaa lagu furey aayadaha qur’aanka kariimka,waxaana lagu soo dhoweeyey mikrafoonka Agaasimaha guud ee Horseed Media Jaamac Ciise kaas oo sharaxaad ka bixiyey barnaamijka intuu socday.wuxuu sheegay in sanadkaan ay ahayd sanadkii saddexaad ay idaacada u qabato qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya tartankaan ayna ugu talagashay in kor loogu qaado aqoonta bulshada.waxaana xaflad xirririnaayay Cabdiqani Cabdulaahi Cabdi oo kamid ah Suxufiyinta ka howlgasha warbaahinta Horseed Media

 

Agaasimaha guud ee Horseed Media ayaa xusey in ay sii wadi doonaan tartankaan,isagoo mahadcelin balaaran ujeediyey dhamaan gobolada ka qaybgashay.dhanka kale wuxuu ka hadlay xariga Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo mudo ka badan hal bil xilligaan ku jira xabsiga weyn ee Bosaaso.

 

Wuxuu sheegay in ay socdaan dadaalo lagu sii deynaayo Cabdifataax isagoo tilmaamay in ay lagu rajo weynyahay in uu xorriyadiisa dib u helo.

 

Madaxa Suuqgeynta Shirkadda TELCOM Xassan Cumar Axmed oo ku xigey hadalka ayaa isna ka hadlay fa’idada u leeyahay Barnaamijkaan oo u tilmaamay in shirkada ugu talagashey in ay u faa’ideyso bulshadeeda,wuxuuna sidoo kale sheegay in Shirkada Telcom ay mar weliba ku dadaalayso in ay qanciso macaamiisheeda iyo bulshada.

 

Agaasimaha Wasaarada Amniga Dawladda Puntland Cali Hayaan ayaa isna halkaas ka sheegay inuu mahadcelin ujeedinaayo Shirkada Telcom iyo warbaahinta Horseed Media kana mahadceliyey barnaamijkaan baaxada leh ay isaga kaashadeen.wuxuu kula dardaarmay dhalinyarada ka kala socotay gobolada Haylaan iyo Bari oo goobta ku sugnayd in ay ku dadaalan aqoonta.

 

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Bari Yuusuf Muumin Mbidde ayaa isna xusey in Barnaamijyada noocaan oo kale loo baahanyahay in la badiyo si buu yiri la helo bulsho aqoon ku dhisan isla markaana wax ka bedela xaalada dalka.

 

Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Bari Maxamuud Caynab ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay barnaamijkaan oo u sheegay in ay qayb ka tahay horumarka bulshada maadama aqoontu ay tahay arin muhiim ah.

 

Afhayeenada gobolka Haylaan iyo Bari oo iyaguna goobta gaba gabadii ka hadlay ayaa ugu baaqay Dawladda Puntland iyo masuuliyintii ka socotay Dawladda ku sugnayd goobta in ay si shuruud la’aan kusoo daayan Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire.

 

 

Gaba gabadii xaflada ayaa bilado la gudoonsiiyey labada gobol,waxaana gobolka Haylaan oo gashey kaalinta kowaad la siiyey koob iyo lacag shilin Soomaali ah oo gaaraysa 20-milyan,gobolka Bari waxaa la siiyey koob iyo lacag shilin Soomaali ah oo gaaraysa 10-milyan.

 

Guddiga Barnaamijka mudada u socday oo Guddoomiye ka ahaa Ustaad Cabdiqani Cartan iyo kuxigeenkiisa Saadaq ayaa la gudoonsiiyey abaalmarino.Weriyaha Barnaamijka daadihinaayay Cismaan Axmed Ciise(Gaddasaar) ayaa isna goobta lagu gudoonsiinayay bilad sharaf ah.

 

Waa sanadkii labaad dhalinyaradii ka socotay gobolka Haylaan ay ku guuleystaan barnaamijkaan,sanadkii hore ayay ahayd markii ay ku guuleysteen iyadoo ay ku tartamayeen gobolka Sanaag.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this