Sign in to follow this  
Saalax

Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeedka Candlelight

Recommended Posts

Saalax   

Ceerigaabo(Oodweynenews)- Munaasibad ballaadhan oo maalintii khamiista (maanta) lagu qabtay isla dhismaha labada dabaq ee iskuulkan cusub ayna kazoo qayb galeen maammulka heer-gobol iyo degmo ee Ceerigaabo. Mas’uuliyiin ka socota hay’adaha Candlelight iyo ISF Shirkadaha Isgadhsiinta. Boqorro iyo Salaadiin iyo Marti-sharaf kale oo badan ayaa waxa halkaas xadhigga laga jaray Dugsiga Tababbarrada iyo Xirfadaha dhallinyarada ee Candlelight/Erigavo.

 

sce7owgocpvcb75hyjca.jpg

 

 

Madaxa hay’adda waddaniga ah Candlelight(CLHE) ee gobolka Sanaag Mr-Xasan Diiriye oo ugu horrayn halkaas ka hadlay ayaa wuxu ka xog warramay xaaladda waxqabadka hay’addan iyo muddadii 2004—2010 ay gobolka Sanaag ka hawl gelaysey oo uu sheegay in ay fuliyeen mashaariic tiradoodu ka badan tahay siddeed mashruuc oo isugu jira mashaariicda horumarinta bulshada iyo faya-dhawrka deegaanka ee kala duwan iyo gargaarka degdegga ah oo ay ka mid tahay lcag mararka qaarkood loo qaybiyey bulshada danyarta ah iyo weliba gudniinka fircooniga ah. (Livelyhood projects, Emergency, and FGM projects), kuwaas oo sida uu sheegay ay kala qayb qaateen hay’adaha Caalammiga ah ee ay kamid yihiin CARE NOFIP WFP SCF hay’adda Waddaniga ee PENHA iyo hay’adda caalammiga maalgelisey mashruucan ugu danbeeyey ee dugsigan barashada xirfaduhu ka mid yahay ee ISF.

 

 

k3f2jj9b7qwnndvhrdv.jpg

 

Madaxa hay’adda CLHE Somaliland Mrs-Shukri Bandare oo iyaduna munaasibaddan ka hadashay ayaa iyadoo guud ahaan mahadnaq usoo jeedisey madaxda maammulka iyo bulshada Ceerigaabo iyo hay’adaha gacanta ka siiyey fulinta mashaariicdaas intaba, sidoo kalena hawl-wadeennada iyo shaqaalaha CLHE ku ammaantay gudashada hawlaha hay’addan, sidoo kalena ay sheegtay in hay’addan oo 1995 laga abuuray degmada Oodweyne ay maanta ka hawlgasho guud ahaan gobollada Somaliland. Waxa kaloo hadalladeedii soo jeedinta ahaa ka mid ahaa “Maanta oo dawlad cusubi innoo dhalatay oo weliba aan filayo gobollada bariga in ay wax weyn innoo qaban doonto waxan ku talinayaa in diiradda la saaro saddex arrimood oo ah Biyo ku filan miyi iyo magaaloba gobolka Sanaag sidii loo heli lahaa waayo baahida manta ugu darani waa biyaha, Caafimaad bulshada Sanaag hesho iyo weliba Tacliin socota”.

 

 

c77knysk943ihyy7bfw.jpg

 

Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxan si weyn uga mahadnaqayaa hay’adaha CLHE iyo ISF waxqabadkan aynu aragno ee ay muujiyeen. Hay’ad kastaana haddii ay intan oo kale innoo qabato horumar la taaban karo ayay noqon lahayd. Innakana waxan leeyahay waa in aynu ka faa’iidaysanno horumarkaas oo dhibaatooyinka shaqo la’aaneed ee jira aan lagu cajisin waayo mustaqbalka fursadda shaqo ee dadka xirfadaha kala duwan bartay wuu iman doonaa”.

 

c3p95ji6i1c55g9hzq7.jpg

 

 

Madaxa shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL Axmed Ibraahin oo ka mid ahaa madaxdii munaasibaddan kazoo qayb gashay ayaa wuxu isaguna dugsigan cusub ugu deeqay Telefoon (Wireless) wacitaankiisu lacag la’aan yahay sidoo kalena madaxdii iyo bulshadii munaasibaddan kazoo qayb galay oo tiro badan dhammaan guddoonsiiyey kaadhadhka ku-hadalka shirkaddiisa SOMTEL.

 

 

rffaf8jx0c5vfaoaru.jpg

 

 

Madaxa hay’adda ISF Finland iyo Somaliland ee maalgelisey mashruuca iskuulkan manta xadhigga laga jaray oo haweeney caddaan ah runtiina xusid mudan hadalkeedii qaybta hore oo Af-Soomaali ahaa ayaa waxay si weyn ugu mahad celisey guud ahaan maammulka dawladda iyo hay’adda mashruucan fulisey kazoo qayb galayasha iyo guud ahaanba bulshada reer Sanaag.

 

 

ttdp30i2mcog17l0y.jpg

 

Waxana munaasibaddan soo gebagebeeyey Kuxigeenka Badhasaabka gobnolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid oo isaguna dhiniciisa hay’addan Candlelight iyo hay’adaha mashaariicdan horumarineed kala qayb qaatayba halkaas uga mahad celiyey sidoo kalena bulshada Sanaag iyo dadka xirfdahan fursadda u helay iee bartay ku boorriyey in ay ka faa’iidaystaan, bulshadoodana ugu adeegaan aqoontan ay barteen.

Kaddibna Maayorka Ceerigabo ayaa Iskuulkaas cusub halkaas xadhigga kaga jaray.

Madax-dhaqameedyadii iyo xubnihii kale ee munaasibaddan ka hadlay ayaa iyaguna dhinacooda.usoo jeediyey maammulka iyo hay’adaha iska kaashaday mashruucan iyo guud ahaanba horumarinta gobolka Sanag, sidoo kalena bulshada iyo dadka xirfadahan la barayo usoo jeediyey talooyin kala duwan.

 

 

Dhinaca kalena Kulan Xarunta Waxbarashada Ceerigabo ay isugu yimaaddeen Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre Guddoonka Waxbarashada Waalidiinta iyo Macallimiinta dugsiga sare (Haji Aden Secondary School) ayaa laysla qaatay dugsiga sare (Haji Aden) ee Ceerigaabo oo saxitaan dartiis laba casho xidhnaa in Sabtida soo socota dib loo furo oo lasoo gebagebeeyey arrimihii dhaliyey hakadka muddada kooban dugsigaas ku yimid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

X.Xanjuf & Xudeedi, indeed, mashallah sanaag region is developing day by day , all that is left is a reliable road network connecting most of the regions important districts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this