Sign in to follow this  
Fiqikhayre

New Governor for SOOL region of Puntland

Recommended Posts

Puntland oo Guddoomiye cusub u magacowday Gobalka SOOL

 

Last Updated::2008-01-22 11:31:14

 

map_of_Puntland1.jpg

 

Garowe(HRNet):-Wareegto Xalay kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa Guddoomiye cusub loogu magacaabay gobalka ay xiisadaha ka taagan yihiin ee SOOL.

 

Wareegtadan uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in xilkii laga wareejiyey Guddoomiyihii hore ee gobalka Sool, Ibraahim Jaamac Daad.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa wareegtadan nambarkeedu ahaa LR08 Jan21-2008 ku magacaabay Cumar Jaamac Saleebaan inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee gobalka Sool.

 

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid kadib markii uu Madaxweynaha Puntland arkay baahida loo qabo magacaabida guddoomiye cusub iyo waliba aqoonta iyo waayo aragnimadiisa Guddoomiyaha cusub uu Madaxweynaha kaashaday dastuurka isla markaana magacaabay Mas'uulkan cusub.

 

Magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Sool ee maamulka Puntland ayaa kusoo beegmaysa xili uu maamulka wado dhaq dhaqaaq uu ku doonayo inuu dib gacanta ugu dhigo magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool oo ay hada ku sugan yihiin ciidamada iyo maleeshiyooyinka taageersan maamulka la baxay Soomaliland.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

When a mad man laughes at another mad man ,,,,,, here is widhwidh boys laughing at this issue:

 

(Faalo}22.01-8Waxaa la yaab ah in maanta uu cade muuse Gudoomiye u soo magacaabo gobolka Sool ayada oo aysan gacanta waxba ugu jirin. Tani waxay cadaynsaa inuu waalanyahay oo uusan miyir qabin.

 

Beesha dagta gobolada Sool, Sanaag, Iyo Cayn ayaa ah kugu aan aayahooda ka tashan balse iska dhaadhiciyay in maamulka Puntland inuu wax u soo celinayo ayaga oo iska sugay Puntland ayaa soo socota. Halka Cade muuse iyo Af-qudhac ay heshiis hoose la galeen maamulka somaliland.

 

Cade Muuse iyo Af-qudhac iyo maamulka somaliland ayaa waxay qaxiyeen in kabadan 90 kun oo qoys oo ka qaxay Gobolka sool ee magaaalada lascanood taasi ay isla ogaayeen, halka ay been u sheegeen garaadad iyo cuqaasha ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Cade muuse iyo af-qudhacow ma la socdaan in gudoomiyahii Gobolka Sool uu dhex mushaaxayo Hawdka isga oo Habeen iyo Maalin u soo jeeda sidii uu dib ugu noqon lahaa Magaalada Lascaanood, waxaad fur-furtaan uun baad dooneysaan iyo si loo qabsado Gobolka Cayn.

 

Cadde Muuse iyo ku xigeenkiis Af-qudhac waxba dadka beenta ah ugu sheekaynina waa soo dhamaatay waqtigii beenta la isugu sheekeyn jiray, ee waxaad sameysaan iskaga taga meesha, hadii kale Puntland waa dumaysaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Hahahahaha,

 

Ill tell you these guys are good for one thing if anything, and that is comedy value.

 

If they show me a picture of this guy in SOOl i will acknowledge him as the governor of the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this