Sign in to follow this  
General Duke

BAIDOA Parliment meeting : Good news so far..

Recommended Posts

Goobta fadhiga barlamanka lagu qabanayo oo la shaaciyay

 

Baydhabo:-Warar ka Ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Ayaa Sheegaya In dha indhayn dheer kadib in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya iyo Mas uuliyiin tii kale oo lasocday oo Kawada Tirsanaa dawlada Federaalka

 

Somaaliya Ay Go aamiyeen in EX-Dugsgii Sare 11 Janaayo uu Noqdo Halka Kulanka Baarlamaanka Uu Ka Dhacaayo bishaan Gudaheeda.

 

EX-Dugsgii Sare 11 Janaayo Ayaa La Sheegay in uu yahay Halka Ugu Haboon in Lagu qaban karo kulan ka Baarlamaanka madaama uu Yahay Iskuul

 

Aad ubalaaran Leeyahayna Qolol Iyo Hool Aad uwaaweyn Qaadana wafuud Aad utira badan .

 

 

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalaiya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si toos ah u iclaamiyay in kulanka uu ka dhaco dugsigaasi.Waxaa Lafilayaa

 

In Dugsigaan EX-Dugsgii Sare 11 Janaayo uu Noqon Doono Meel wada qaadi doonta Dhamaan Xildhibaanada Iyo Martida kale ee wehelisa Sida Warbaahinta Kormeerayaasha iyo waxii lamida.

 

Jamaal Mohamuud Ahmed

shuuriye

shuurye55@yahoo.com

Kenya Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiyo lagu dhisayo Baydhabo

 

Baydhaba - 15.February.2006 Kulan ay isugu yimaaddeen hoggaamiyayaasha RRA-da iyo xubnaha labada gole ee dawladda federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Shariif Xasan Shiikh

Aadan habeenkii xalay ayaa looga doodey sidii loo dhisi lahaa dhawr guddi oo ay kamid yihiin guddiga nabadgelyada iyo guddiga abaabulka kalfadhiga baarlamanka, guddiga soo dhoweynta iyo dejinta martida, guddiga dib u heshiisiinta beelaha digil iyo Mirifle, guddiga nadaafadda iyo guddiga kormeeridda guddiyada kale.

 

Guddiyadan ayaa waxaa magacaabaya afhayeenka baarlamanka federaalka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wasiirka beeraha dawladda Soomaaliya, Col. Shaati Guduud, iyo wasiirro kale.

 

Guddiyadan oo ay dhiman tahay magacaabistoodu ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo dhowaan.

 

Dhismaha guddiyadan ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada Baydhaba ku sii qulqulayaan dhammaan xubnaha ku jira dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Maryan Saylac

SBC Baydhaba

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaflad sagootin ah oo maanta loo sameeyay xildhibaannata Muqdisho ku sugan

Posted to the Web Feb 14, 16:57

 

 

Muqdisho (PP) - Xalad si heer sare ah loo soo agaasimay oo sagootin ah ayaa maanta loogu qabtay xidlhibaanadii inta sannadka ku dhow ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana xafladdaas soo qabanqaabiyay haweenka horumarinta nabadda iyo Nolosha ee HINA, waxayna si weyn ula dardaarmeen xubnaha ka ambabaxaya maalmaha soo socda Muqdisho.

 

Haweenka Horumarinta Nabadda iyo Nolosha ee HINA ayaa waxay xafladdaas si weyn ula dardaarmeen Xubnaha dowladda ee aadaya Baydhabo, iyagoo kula dardaarmay inay ka dhabeeyaan u saqeynta shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay u shaqeeyaan si nabad iyo niyadsami leh, waxayna sidoo kale kula dardaarmeen inay ka dhabeeyaan dhaartii ay u soo dhaarteen inay shacabka Soomaaliyeed ugu shaqeynayaan si niyadsami ah.

 

Xubnihii maanta ka soo qaybgalay xafladdaas oo hadallo kala duwan ka jeediyay Hotelka Naaso-hablood oo ay xafladdu ka dhacday ayaa sheegay in xafladdaan ay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana ay tahay mid ay aad ugu farxeen, waxaana ay sheegeen in dardaarka ay kula dardaarmeen xubnaha soo qabanqaabiyay xafladdaan ay aad u taageersan yihiin.

 

Waxaa xafaladdii sagootinta ahayd ee lagu qabtay Hotelka Naaso-hablood ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa: Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Cusmaan Xaaji Maxamuud (Dufle), Wasiirka Badda iyo Dekedaha Xirsi Aadan Rooble, Xildibaan Saleebaan Colaad Rooble iyo xubno kale oo aad u fara badan, waxaana ka muuqatay wajiyadooda inay si weyn ugu faraxsanaayeen xafladda ay soo Diyaariyeen haweenka HINA.

 

Xafladdaas ayaa ku soo gabagabowday galabta jawi wanaagsan, waxaana ka dhacay Hotelka ay ka dhacaysa isla dardaaran aad u xoog badan, balse ma aysan sheegin xubnihii halkaas isugu yimid inay dib ugu soo laabanayaan Muqdisho iyo in kale.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu - Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Duke....!Dofarey good ,cause it elected C/llahi Yusuf. Jowhar good cause it gave home to C/llahi. Maxamed dhere & Geedi good cause they hosted and sided with C/llahi Yusuf. Warlords and Sharif bad cause they are so anti Somali cause they dont support C/llahi. Yemen good cause it was where Sharif (now with the great vision) made peace with C/llahi. Qanyare and Atto very good men who are patriots cause they are leaning towards the side of C/llahi. baydhabo previously under the control of the stooge of Indhacadde and the ficious warlords is good now cause that is where C/llahi will go. I just wonder at times how far you would go for good, good, good.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Its wonderful you pay such attention to my posts I am touched.

Baidoa is wondrful because all the MP's will be going there to hold a metting with no strings attached. Its great now due to thefact that all the leaders of the town agree to such a plan including former stooges. Today its not about individuals and what they did yesterday but what they endevour to acheieve today.

 

So all in all its pretty great today if one happens to supports Somali nationalism and unity. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sareeye Guute, your "political" support ma dhankee foorida C/laahi Yuusuf Axmed kasoo yeerto u duushaa?

 

Whatever happened to your "the tool" label you constantly used to remind us about Shariifka? See, nothing substantial changed. Shariif still is allied to Qanyare [from you, his master] and others.

 

Will Geedi get an ominous name now, if he won't recognize whatever that comes out from Baydhabo meeting? What will it be, "the ignorant?"

 

"The confused?"

 

"The neophyte?"

 

"The unimportant?"

 

The unpredictible siyaada Soomaalida ha isku haleyn, duqa. It will eventually find a way to mock whatever chorus you constantly present public.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

^^^Loooool..! You have given im a multiple choice in there am sure he will not only choose one but also come up with one of his own.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA, It seems we have been here before. I never doubted or put into question my support for the President of Somalia. So why must you repeat the same infintite comments that we have addressed before? On the point of Baidoa the question should be put to Sharif Xasan and Xabsade, why they wasted a whole year and gave opportunity to the likes of Inda Cade and Co to derail the aspirations of the people of Bay & Bakool?

 

One has to look at the joy of the people of Bay and Bakool since they found out their city was hosting the government..

 

While Somalia as a whole lost a year to get its act together, the script is still with the play master Yusuf and those who wanted other wise have achieved only in vindicating his point. 1. That Mogadishu is still too volitile, 2. That the government must build its capabilities before it rushes into adventures.

 

In summary, I know what political agenda I support it was clear more than 2 years ago. What do you support? What can I deduce from your posts?

 

That you are pro RRA, Xabsade and the likes anti Inda Cade yet pro Abdiqasin[contradiction]

.............

You are pro Sharif Xasan but belived he was independent ignoring the influance of warlords such as Qaynyare . Hence the tool..

.............

You hate the insecurity of our capital but want the government to rush and move to Mogadishu. Ignoring the lessons of Abdiqasin/Mahid..

...................

You hate Geedi unless he turns on Ina Yey...........

 

Looking at it, even a child would deduce that you mean well for your country howver you are a novice, and as such all one can say is that the fisrt part of your name suits you sir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke....!Dofarey good ,cause it elected C/llahi Yusuf. Jowhar good cause it gave home to C/llahi. Maxamed dhere & Geedi good cause they hosted and sided with C/llahi Yusuf. Warlords and Sharif bad cause they are so anti Somali cause they dont support C/llahi. Yemen good cause it was where Sharif (now with the great vision) made peace with C/llahi. Qanyare and Atto very good men who are patriots cause they are leaning towards the side of C/llahi. baydhabo previously under the control of the stooge of Indhacadde and the ficious warlords is good now cause that is where C/llahi will go. I just wonder at times how far you would go for good, good, good.....

 

 

loooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool :D:D:D:D:D

 

Xarago this was by far your best piece.I love it.looooooooooooooooooooooooooooooooooooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dear boy dont take my word for it, here is anarticle on the Sharif today and the one yesterday.. ;)

 

Shariifkii Shalay & Shariifka Maanta!

 

(Kee Baydhaba u roon, keese Qaranka u darran?)

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii ugu horeysay ka degay magaalada Baydhaba ee Gobolka Bay, wuxuuna halkaas tegay isagoo ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka muddo sanad iyo bar ka badan.

 

Shariifka ma aha nin ku cusub Baydhaba iyo dadkeeda, wuxuuna ganacsade ka ahaa magaalada muddo badan isagoo hantina ku leh, laakiin markii uu xilka guddoonka Baarlamaanka oo ah kan ugu sareeya ee beelaha Digil & Mirifle kusoo gaaray 4.5 aad ayuu isu bedelay Shariifka.

 

Xilka uu Soomaali u qaaday wuxuu ka dhigay mas’uul ka duwan kuwa kale, wuxuuna isla markiiba la bah noqday wasiiro iyo xildhibaanno intooda badan ka soo jeeda Muqdisho oo loolan la galay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha fadhina u noqotay caasimadda.

 

Reer Baydhaba ama Digil & Mirifle waxay markaas Shariifka u arkeen nin dadkiisii iloobay oo kaliya ay madax martay dano siyaasadeed, waxaana soo noqnoqotay su’aasha ah; Muxuu Shariifku ugu ololeyn waayo inay dowladdu degto Baydhaba oo uu degaan ahaan ka soo jeedo, inta uu Muqdisho u doodayo?.

 

Wuxuu markaas Shariif Xasan isku difaaci jiray inuu mas’uul Qaran yahay isla markaana ilaalinayo Axdiga oo caasimadda ka dhigaya meesha ay qasabka tahay inay dowladdu ku shaqeyso. Laakiin dooda noocaas ah waxay ahayd mid aan la liqi karin.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu Muqdisho yimid iyadoo aanay dowladda Federaalka u soo guurin gudaha dalka, wuxuuna toos uga hor yimid mashruucii dowladda ee madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ku doonayeen inay ku sii shaqeeyaan Jowhar iyo Baydhaba.

 

Colaad ayay reer Baydhaba ka dhaxleen is jiidjiidkii siyaasadeed ee arrintan ka dhashay, waxayna siyaasiyiintoodii hubeysnaa kala raaceen dhinacyadii Muqdisho iyo Jowhar, mushkiladaas waxay noqotay mid ay niyad jab weyn ka muujiyeen dadka reer Baydhaba.

 

Muddo sanad ka badan markii xaalku sidaas ku socday Shariifku mar kale ayuu is wareejiyay wuxuuna heshiis la saxiixday madaxweynaha iyagoo keligood ah, heshiiskaas inay labada dhinac saxiixaan waxaa qasbay iyadoo labada dhinacba daaleen midkoodna guul gaari waayay, khilaafkii u dhaxeeyayna uu keenay inay dowladda Federaalka dhexdeedii is jilaafeyso.

 

Shariifku wuxuu maanta u muuqdaa nin wado toosan ku taagan mar haddii uu magaaladiisii u magacaabay inay marti geliso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isla markaana dadaal ugu jiro inuu mideeyo xubnaha Digil & Mirifle si ay dowladda Federaalka saldhig ugu noqdaan.

 

Shariifku wixii uu shalay sameeyay haba ka ahaato biseyl la’aan siyaasadeed ama faham darro ka heysatay xaaladda kooxaha siyaasadda ee beelaha ku taagan, laakiin mar haddii uu maanta dadkiisii afkooda kula hadlay, isla markaana u sheegay inay dowladda soo dhoweeyeen la shaqeeyaan, degaankoodana nabadeeyaan, waxay arrintani ka dhigan tahay guul weyn oo kaliya Reer Bay & Balkool maahee Soomaali u soo hoyatay.

 

Haddii ay Soomaalida kale gacan siiso kulanka Baarlamaanka oo sida Shariifku horeba uga digay aanay wax qashqashaad ah halkaas ku kordhin, dadka degaankaasina xil iska saaraan soo dhoweynta Baarlamaanka waxay u muuqataa inay dowladdu heli doono Gobollo ballaaran oo maamulkeeda ku fidiso kuna shaqeyso inta ay u soo jeesaneyso Muqdisho, maxaa yeelay Bay iyo Bakool aad iyo aad ayay ugu haboon yihiin inay dowladi ku shaqeyso.

 

Shariifkii shalay ee Muqdisho u doodayay wuxuu dowladii ku keenay khilaaf iyo waxqabad la’aan ay meel la tegi weysay, Muqdishadii uu madaxa

saartayna guul kama keenin, Baydhabadii uu ka soo jeeday haddana uu diidayna dagaal ayuu u horseeday.

 

Laakiin Shariifka maanta ee Baydhaba arrinteeda madaxa saartay wuxuu u dhow yahay inuu reer Baydhaba iyo guud ahaan Bay & Bakool mideeyo sida arrintu ku socoto, Soomaalida dowladii u dhalatayna badbaado u keeno, waana kaas Shariifka umadda Soomaaliyeed iyo Digil & Mirifle wax u tari kara ama xaaladda jirta wax ka bedeli kara.

 

W/Q: Sharif Moalim

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Ciidanka Booliska oo ku soo fooleh Baydhabo

E-MAIL THIS PRINT THIS

 

Maxamed Y. Culusow, myulusow48@hotmail.com

Taliyaha Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cali Max’ed Xasan Looyaan iyo Saraakiil kale oo Booliiska ka tirsan ayaa ka soo amababaxay Kismaayo, waxayna haatan ku sugan yihiin Baardheere iyagoo gaari doona maalmaha soo socda magaalada Baydhabo si ay halkaasi uga qayb qaataan hanaanka nabadsugida ee loo samaynayo shirka Baarlamaanka oo lagu ballansan yahay 26/02/06.

 

 

 

 

Ciidamada Booliiska ayaa ka mid ah burburkii ku yimid hay’adihii dowliga ahaa ee ka jiray dalka waxaana dib loo abaabulay xilligii dowladii Carta lagu soo dhisay haddana halkoodii ayay ku noqdeen balse haatan Taliyahan ayaa waxyaabo badan ka qabtay inkastoo ay ragaadiyeen khilaafka dowladda oo haatan u muuqanaya inuu soo dhamaanayo.

 

 

Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Booliiska ayaa tababar u aadeen magaalada Kampala ee xarunta wadanka Ugandha iyadoo sidoo kale laga furay Akadeemiyo ciidan booliis degaanka Carmo oo Puntland ka tirsan si loogu tababaro ciidamadda booliska oo aasas u ah amaanka iyo nabadsuguda guud ahaan dalka Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

In summary, I know what political agenda I support it was clear more than 2 years ago. What do you support? What can I deduce from your posts?

I don't support no body, least a merciless warlord. I criticize any wanna-be politician who I see cares more about himself than Soomaali people. My "support" lies where there is overall goodwill of Soomaali people and nation, not certain individuals blinded by how to accumulate power. This is the same reason I had supported C/qaasin's government; same reason I am supporting this government led by a man whose policies I don't agree.

 

And surely, had I supported someone, I would always stand on that ground, not turning meeshee foorida C/llaahi Yuusuf Axmed kasoo yeerto.

 

I asked you [and I will ask you again] a simple question: What made you stop referring to Shariifka "the tool" now?

 

Because he was before "influenced" by Qanyare, supposedly in your view the imagined "master." Again, I ask you, since they are both politically allied still, what made you stop using that disparaging term?

 

Or because he and C/llaahi Yuusuf had reconciled? Because he now accepted officially the baarlamaanka be held in Baydhabo?

 

Shaati badalasho ma fiicno. You should've kept referring him "the tool" now and ever.

 

And I don't know where you got that I "hate Geedi." Maba is naqaanee maxaa isku nacnaa? Do you really hate people because dad aad support gareysid ayee siyaada iskaga soo horjeedaan?

 

Also are Indhacadde and C/qaasin the same person? I am against Indhacadde because he is an occupier; I don't see C/qaasin occupying any unarmed people's land. Or you equate both because qabiilnimo?

 

Yes, I am too "maskiin" and "novice" [though I expected that word was reserved for Geedi in the future], I don't understand Soomaali politics, Mudane/Sheekh/Xaaji/Ditoore/Barfasoore/Injineer/Sareeye Guute. :D

 

PS, qoraalkaas too much qabiilo terms aa ka buuxo ka edit gareey, baliis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ I would not mind in your capacity as moderator to edit the clan terms that you highlighted many thanks.

 

As for your response it seems though again you are in a contradiction. You are not against anyone but againts every wanna be politician including Abdiqasin? Though I never come a cross you ever criicising his past years of sucking up to the old regime and then his USC clan and now his own sub-clans occupation of much of the fertile south. Though I have seen your many rants against Abdullahi Yusuf and those who support him. My point is simple and I am glad you admited you are a novice when it comes to Somali politics, which I hopewill mean you will refrain from making supposedly ironic comments. Since the task for a novice should be to fisrt understand what everyone else is discussing.

 

Now get to work dear lad and we shall all be better of for it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Miskiin is a volunteer moderator not someone under your employ. With all due respect, I think you owe the nomad a cyper apology because, from my point of view, he has not addressed you in any but a respectful manner. The times he criticised you, it was you for your actions not you for yourself.

 

Did his words get to you? Tough. Taas kuuma banaynayso inaad dadku ku xadgudubti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ With all due respect hero, I find your comments irrelevant. Me and Mr moderator are able within our capacity to converse with one another. A-add to the topic, or B. Speak for yourself, as I doubt Maskin asked you to intervene on his behalf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this