Sign in to follow this  
Juje

Madaxweynaha Midowga Yurub....PICS

Recommended Posts

Juje   

Madaxweynaha Midowga Yurub oo si rasmi ah Warqadaha aqoonsiga Danjirenimo uga guddoomay Danjire Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde"

 

nur-belfrage1.jpg

 

Isniin, September 14, 2009(HOL): Waxaa galabta si rasmi ah warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ugu gudbiyay Midowga Yurub Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Midowga Yurub Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ay horay Dowladda Soomaaliya ugu magacawday Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga.

Danjire Nuur Cadde ayaa wuxuu warqadaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha kaltanka ah ee Midowga Yurub, kaasi oo uu haatan hayo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Sweden Mr. Frank Belfrage.

Danjiraha Soomaaliya u fadhin Doona Midowga Yurub Nuur Cadde ayaa markii laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo wuxuu Madaxweynaha xiligan ee Midowga Yurub u gudbiyay farriin uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, taasi oo ku saabsaneyd in Dowladda Soomaaliya ay midowga Yurub ka rajeyneyso ballanqaadkii uu horay ugu sameeyay ee kala ahaa in Dowladda la siiyo dhaqaalihii loogu yaboohay shirkii caalamiga ahaa iyo weliba kaalmo dheeraad ah oo shaqooyin loogu abuuro dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada.

Madaxweynaha Midowga Yurub Mr. Frank Belfrage ayaa markaasi kaddib wuxuu weydiiyay danjire Nuur Cadde suurtagalnimada in la gaaray waqtigii ay Dowladda Soomaaliya la hadli lahayd Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Dowladda Soomaaliya si weyn uga soo horjeeda.

Danjire Nuur Cadde oo ka jawaabayay weydiintaas uga timid Madaxweynaha Midowga Yurub Mr. Frank Belfrage ayaa ku jawaabay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweysay markii uu Shiikh Xasan Daahir dib ugu soo noqday Soomaaliya dhamaadkii April 2009, iyadoo xiligaasna la filayay in Shiikh Aweys uu ka qeyb qaadan doono dib u heshiisiinta laakin wuxuu yiri Danjire Nuur Cadde waxay ahayd nasiib darro in Shiikh Aweys uu qaatay mowqif mucaaradnimo ah.

Ugu dambeyntiina, Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu hadda safiir uga noqonayaa dowladda Soomaaliya Midowga Yurub iyo Dalka Talyaaniga, waxaana dhawaan warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano, iyadoo si heer sare ahna loogu soo dhaweeyay qasriga madaxtooyada Talyaaniga.

nur-belfrage.jpg

 

nur-belfrage2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by nuune:

Saaxiibkiis, Nur Cadde ayey kaaga dhagtey
:D

Looooool....! Meshan saxibo waxa la hurgufayo maliin walba ma arkiino, ana kan aa jebka igu jira. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

:D:D halkaa ka wad sxb kuwa badan buu dhaamaa including yarka la magac baxey Shariif,

 

talaw yaan aniguna jeebka kala soo baxaa, Mwai Kibaki or Paul Kigame

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Juje:

quote:Originally posted by nuune:

Saaxiibkiis, Nur Cadde ayey kaaga dhagtey
:D

Looooool....! Meshan saxibo waxa la hurgufayo maliin walba ma arkiino, ana kan aa jebka igu jira.
:D:D
'

 

Maalin dhow uun yaan la maqlin adigoo leh waa TRAITOR ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Jacaylbaro:

Maalin dhow uun yaan la maqlin adigoo leh waa TRAITOR ,,,
:D

looool...... :D:D

duf ku bax JB..... :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Halyeey Nuur cadde should get he’s own monument in

Xamar.

 

How about Renaming Xamar port to Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” Port

 

It suits whit Aadan Cabdulle Cusmaan "Aadan Cadde" airport

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this