Sign in to follow this  
Jacpher

Maxkamad Isbaaro back in Buulo Xaawo

Recommended Posts

Jacpher   

Gacan Ku Dhiigle Lagu Qisaasay Magaalada B/Xaawo

 

Bishan 20keedii ayaa dil iyo dhaawac loo gaystay dad rakaab ah oo saarnaa baabuur u socday magaalada Garbahaareey oo ay ku geeriyoodeen laba marxuum oo mid ka mid ah marxuumadaas uu isla goobtii lagu rasaaseeyay baabuurka ku dhintay. Marxuumkaas ayaa waxaa la oran jiray Cabdinur Cabdullaahi Barre.

 

Waxaana 8 saac kadibna isbitaalka magaalda Beled Xaawo ku geeriyooday marxuunka labaad oo la oran jiray Maxamed Maxamuud Biixi iyadoo dhaawacna uu ka soo gaaray rasaasayntaa dhibanayaal kale ah Cabdullaahi Qoorleex oo ah marxuumka hore ee dhintay aabihii iyo Maxamed Cmar Barqadle (Afyare).

 

Waxaana isla maalintii labaadba la soo qabtay gacan ku dhiiglihii dadkaas laayay iyo laba nin oo kale oo isbaarada babuurka lagu xabadeeyay xiligaas kula sugnaa. Subaxnimadii talaadada oo ay taariiqdu ahayd bishan 22keedii ayaa waxaa nimankii dhibka loo haystay la soo taagay maxkamada degmada Beled Xaawo, ayadoo uu halkaas ka aqriyey dacwo lagu soo eedeeyey eedaysanayaasha taliyaha saldhiga B/xaawo Jamaal Xassan Sareey.

 

Waxaa dabadeed ay maxkamadu suaalo waydiisay ninkii loo haystay inuu ka dambeeyey falkii dilka ahaa, qirtayna inuu asagu ka dambeeyey dilkaasi oo uu xabado la beegsaday gaarigii ay saarnaayeen oo markaasi doonayay damcay inuu xoog ku maro isbaaradii, isaga uu doonayey inuu taayarada ka toogto baabuurka, dadkii ayayna xabadahii ay sidaa ugu dhaceen. Waxay kaloo ay maxkamadu suaalo waydiisay laba eedaysano oo lagu soo eedeeyay inay isbaarada sharci darro ah ay la joogaan ninkaan gacan ku dhiiglaha ahaa xilligii uu dilay dadkii ku dhintay goobtaasi.

 

Isku soo duudooboo maxkamadu markay la tashatay culimo meelo kala duwan joogta ayaa waxaa saaka laga aqriyay xukunkii maxkamada oo ay dadwayno fara badan ka soo qayb galeen dhagaysigeeda ka hor aqriyey xukunkii maxkamadda kaaliyaha maxkamada Farxaan Maxamed Diiriye oo noqday in la qissaaso gacan ku dhiigle CABDI XASAN GURXAN.
Gacan ku dhiiglaha ayaa isla markiiba waxaa xukunka ku fuliyey marxuumkii dhintay walaalkii, jifadii uu ka soo jeedayey gacan ku dhiiglahana ay sheegeen inay ku qanacsan yihiin goaankii maxkamadda.

 

Maxkamadda ayaa sidoo kale sii daysay eedaysanayaashii goobta isbaarada ah la joogay gacan ku dhiiglaha, iyada oo lagu waayey wax dambi ah. Gudoomiyaha degmada Beled Xaawo, Axmed Burkuus ayaa ku ammaanay jifada uu ka soo jeeday gacan ku dhiiglaha sida ula shaqeeyeen maxkamadda iyo ciidanka booliska oo ku tilmaamay kuwa tusaale u noqdo beelaha kale.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Jimcaale, Islamic Courts exist and have existed beyond the call for political power.

 

Gedo is to be praised for the peace and security it has secured for two years now, ever since the successful ending of the Garbaharey Conference that ended all inter-clan hostilities and laid down necessary protocols intended to prevent a recurrence of former activities.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

That's good news Horn. Let's hope they'll be a model for other cities.

 

Faarax, I think the emphasis is to minimize and for deterrence purposes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this