Sign in to follow this  
Kamalu Diin

What a leader Galaal!

Recommended Posts

Jen. Galaal “Itoobiyaanku wey sii socdaan ee dadka aan waxba ka tari karin ee daan daansaya waxaan leeyahay daaya”

 

Jen. Max’ed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii sar sare ee ciidankii xooga

dalka Soomaaliya ayaa talo u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka

Banaadir, isagoo kula taliyay kooxaha wax weerara inay joojiyaan weerarada ay ku

hayaan ciidamada Itoobiyaanka oo uu sheegay in seemberi iyadoon wax qasaare ah la

gaarsiinin ciidankaasi ay shacabka Soomaaliyeed u geysanayaan qasaare xoogan oo naf

iyo maalba leh.

Sidoo kale, Jen. Galaal ayaa xusay in uusan la yaabaneyn sababta ciidamada

Itoobiyaanku ay madaafiicda ugu ridaan shacabka Soomaaliyeed marka weerar yar loo

geysto, isagoo sheegay in tabaha qofka ciidanka ah la baro ay ka mid tahay in haddii

wax lagu rido aysan la baqin waxa ay hayaan ee ay iyaguna ka bixiyaan jawaabo aad u

kulul “Waxaan kula talin lahaa kooxaha aan dantooda garaneyn iyo danta shacabka ee

wax ku tuuraya goobaha ciidanka Itoobiya, waxaad leyneysaan caruurt iyo dadka

waayeelka ah ee iska daaya, nimankaani waxay noo sheegeen inay baxayaan mar ee ha

laga daayo taa taabashada aan waxba looga qaadeyn” ayuu si kulul u yiri Jen. Galaal

oo si weyn u dhaliilay kooxaha wax weerara.

 

Dhinaca kale, Jen. Max’ed Nuur Galaal ayaa talooyin u soo jeediyay dowladda

federaalka KMG Soomaaliya isagoo sheegay in loo baahan yahay in dowladdu ay ka

dhabeyso balan qaadyadeeda ah inay dib u heshiisiin qabaneyso inay dadka

Soomaaliyeed wax u qabaneyso, isagoo sidoo kalena kula taliyay in hub ka dhigista

dalka ay u marto dad qabiiro ah iyo System toosan.

 

Garaad Salaad Xirsi

garaadcadde@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by General Duke:

^^^All talk and no action these folks.

Yeah, like you do over here as well. Seriously Galaal awalba khayr ma lahayn. Inuu ummadda dhiigeeda ka macaasho ayuu u soo lebistey, wuxuu is leeyahay taliska Amxaaradu shaqo haku siiyeen. Odayaashaan goormay horta shaqada ka fariisanayaan waa yaabe oo dhallinyaraduna iska deyneysaa inay ka daba nacamleeyaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Muhaahidoow xaal qaado. Galaal wuxuu ahaa dadkii ugu horreeyey ee ka masuul ahaa dagaalka sokeeye ee Soomaali aafeeyey, marka haddii C/laaho loogu abaalguday in laga dhaadhiciyo inuu madaxweyne yahay maxaa loola yaabayaa odaygaan kelana. Haddii Soomaali xal loo rabo labadaba xabsi ayaa lala tiigsan lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mujaahidoow xaal qaado. Galaal wuxuu ahaa dadkii ugu horreeyey ee ka masuul ahaa dagaalka sokeeye ee Soomaali aafeeyey, marka haddii C/laaho loogu abaalguday in laga dhaadhiciyo inuu madaxweyne yahay maxaa loola yaabayaa odaygaan kelana. Haddii Soomaali xal loo rabo labadaba xabsi ayaa lala tiigsan lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galaal wax kale ku eedeey, Abwaanka, laakiin haku eedeyn dagaaladdii fooshaxumaa ee sokeeye uu ka qeyb qaatay. Waligiis ma galin.

 

Ciidamadda militariga Iskoolbuluusiyo loogu tagay Xamar ayuu maamulaaye tan iyo wixii ka dambeeye dowlad la'aanta, oo asaga ayaa shilimaanta uu ugu soo helo dibadaha ku quudin jiray.

 

Xataa Caydiid damcay in uu la safto, oo dhankiisa ula jiro markee Cali Mahdi hilfaha isku qaadeyeen, Xamarna dhulka dhigeen, Galaal ka diiday.

 

Ani Galaal oo dagaal sokeeye ka qeybqaadanaayo meelna maku arkin. Haddaa heysid wax cadeyn eh, noo sheeg.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Galaal wax kale ku eedeey, Abwaanka, laakiin haku eedeyn dagaaladdii fooshaxumaa ee sokeeye uu ka qeyb qaatay. Waligiis ma galin.

 

Ciidamadda militariga Iskoolbuluusiyo loogu tagay Xamar ayuu maamulaaye tan iyo wixii ka dambeeye dowlad la'aanta, oo asaga ayaa shilimaanta uu ugu soo helo dibadaha ku quudin jiray.

 

 

Xataa Caydiid damcay in uu la safto, oo dhankiisa ula jiro markee Cali Mahdi hilfaha isku qaadeyeen, Xamarna dhulka dhigeen, Galaal ka diiday.

 

Ani Galaal oo dagaal sokeeye ka qeybqaadanaayo meelna maku arkin. Haddaa heysid wax cadeyn eh, noo sheeg.

Miskiin sxb wax aan ka helayo ma leh inaan qof Soomaaliyeed iska eedeeyo aakhirana qof walba wuxuu sheego waa la weydiin. Anigu runtii hadda ma joogno meel la leeyahay Soomaali nin walba dembigiisa halla soo sheego oo taas wakhtigeeda ayaan u deynayaa, balse sidaan anigu indhahayga ku arkay dhawr goor arrintu sidaad u sheegtay way ka bedelen tahay. Walaaloow waxaan kugu waaninaa weligiis kama qayb-gelin ha dhihin, haddii aadan adigu ogeyn macnuhu ma aha inaysan dhicin, laakiin waxaan hortaada ka sheegayaa inuu ka qayb qaatay weliba uu qayb libaax ka ciyaaray. Dagaallada Soomaaliyana marxalado kala duwan bay soo mareen, macnuhu ma ahan inuu kulli ku lug lahaa laakiin waxaa jira wakhtiyo uu ka mid ahaa ragga wax hor ordaya.

 

Arrinta isaga iyo Caydiidna anigu sidaan u fahansanahay waxay ahayd challenge u dhexeeyey ee ma ahayn fikrad la isku khilaafay, waxaana tusaale u ahaa waraysiy uu Galaal siiyey BBC Soomaali bishii Diseember 1990 isagoo sheegay inuu hogaaminayey xoogagii USC ee la dagaalamayey Xukuumaddii Siyaad Barre.

 

Waxaan ku soo gunaanadayaa Galaal qayb weyn ayuu ku lahaa jahawareerka maanta Soomaali haysa arrintaas ka hadliddeedana kolleey wakhtigeeda ayaan u deyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this