Sign in to follow this  
Wisdom_Seeker

by Mohamoud A. Gaildon

Recommended Posts

Castro   

^ Allah yicizak, atheer. No wonder you're a lot calmer than many of us. You must have a stash of these gems you could return to whenever the world around you spins counterclockwise.

 

One of these days you'll have to share your library. Dad badan ayaa ka faaiidaysan lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin walaal

Xigmad lagu qoray luuqad aad fahmayn dhibkeeday leedahay. Marka anagaan afsoomaali iyo afcarabi ku dhiban noo naxaariiso oo af ingiriis inoogu turrjun waayo waan kula danqanaynaaye.

 

Gabaygaan waa la ii turjumay aad baan ugu bogay waana soomaali!

 

SHAN GEESLE

Cali Xuseen Xirsi

 

Calanyahow shanta gees lihi

Ilaahay guul ha ku siiya oo

Cadowgaagu ha guura oo

Gurigaa lagu saaray,

Weligaa ku gabow!

 

Galabtii lagu taagay,

Guddidii soconaysay,

Qaar baa gowska qaniinayoo

Gadaal kuu dhugan waayayoo

Gardarray ku socdaanoo

Daday meel ku garaacdiyo

Gumeysi bay baratee,

Haddii laysku gadoodo,

Quruun guudka madow iyo

Gaalay kaama rogto!

 

Maraakiibtan gudeysiyo

Dayuuraadka ka guuxiyo

Geeshash kuu diriraayiyo

Gaadh naftaada ilaashiyo

Aamminka rag gunaaxayoo

Goobtii laysku dileystiyo

Goofafaa ka samaysa,

Guullaan kuu baryayaaye,

Geesahaaga ka buuxi!

 

Intaasi wayga gargaare,

Waxa aan gocanaaya oo

Gebigaaga ku fiican

Haddaan laguu geli haynnin,

Anigu kuu gabyimaayoo

Soomaali baan ged aqaan oo

Guubaabo iiga dhammatay oo

Geesi kuu diriraaya iyo

Gacal baanad lahayn.

 

Gafuurtaagga qabiilkiyo

Iyadoo is gubeysiyo

Geel ay qaaddo ha joogto'e,

Iney kuu garbo yeesho

Ay giijiyaan xadhiggaaga

Marna taa garanmayso.

 

Sacabkaa la garaaciyo

Orodkaa la gucleeyiyo

Feestadaa gudaheenniyo

Farxadda lagu guuley,

Gamba kuuguma taallo

Garaadkaa ka hallaabayoo

Labadooda gacmood bay

Midba geed ku xidheen,

Gabgabtooda ha eegin!

 

Intey kuu guntanayso,

Shisheeye isku gudbeyso

Baarkii laysku guraayay,

Yaa gabdhaa ula dheeli?

 

Fatuuraadka guduudan

Qaar go'aa ka caddaadiyo

Kuwa aad goray mooddiyo

Qaar gadaasha u dhuubanoo

Ka dheereeya gamuunka oo

Aan la gaadhi karaynnin,

Yey ku gaardiyayaane,

Gobey hay lala eego,

Ayaa kuu gurmanaaya?

 

Doqon looma gargaaro oo

Ra'yigaan geli haynninoo

Wax badan baan gogoshayda

Ciilkoodii gam'i waayaye,

Ilaahay baa ku gargaariye

Gurboodka haatan kacaayiyo,

Nasriga Guulle ka sug!

 

 

DALKAN

Cali Xuseen Xirsi

 

Dalkan Reer Hargeysa iyo Xamar, labada daawaysay

Dulligii rag baa uga guntaday, oo dagaallamaye

Dadaal baannu haynnaa hadduu, Eebbe nala doono

Wixii dibadda jira saaddambaa, laysu soo dumiye.

 

Ma dubaaxsho doqonkii xunoo, dumarku dhaamaaye

Wankoo cadaawuhu dubtee, xaqa u diidaayo

Dulmigey qabaan kii maqlaa, wuu danqanayaaye

 

Xaggayaga daruurtiyo markay, Dayrtu ka hillaacday

Hiil baa damcayseen cadow, aannu diriraaye

Daahniinka waxa noogu wacan, idinka diimoone

Daa'imo ninkii dhalay beryuu, daalandaliyaaye

 

Weli daamankaa noo adkayn, gows dambeeddada'e

Cirku waa daruurado'e ma shubin, dhibici daadkiiye

Miinaa la duugaye intey, kala dillaacayso

Dayuurado lalaayiyo intaan, aarmi dirranaynno

Dabbaabado wax laayiyo intaan, Denishki keeneyno

Militari dagaal badan intaannu, isula dooneynno

Idinkoo dacwiga Uunada u, diraya mooyaane

Ha daalinna dugaagtaa mar waa, kala durkaysaane!

 

Afartaa intaan "Deel" ka deyey, ma idin deeqsiiyey

Meesheydin doonteen sidii, daabac ma u saaray

Ma dawaarshay weligeyba waa, kaan dalayn jiraye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Originally posted by xiinfaniin:

^^I have one for Zenawi:

 

Ninkii ey rabbeeyaa fadaro aano waw yahaye’e

Shaydaan ixsaan lagama helo eray xun mooyaane’e

Xiinow, are you sure you didn't drop a "y" from these verses?

 

Ninkii Yey rabbeeyaa fadaro aano waw yahaye’e

Shaydaan ixsaan lagama helo eray xun mooyaane’e

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this