Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar looted by Inda Cade where are the ICU, is this ISLAMIC?

Recommended Posts

Slogans are wonderful, but here is the bittera taste of reality. Reports indicate that there is huge looting of private and public property being carried out by the ICU troops under the command of Inda Cade' men..

 

This man who looted Dhoobley, this man who stil occupied the lower Shabbele. Are we to take these clan courts seriously? NO, NO NO. This is an insult to my faith they should rename themselves as soon as possible.

 

Maleeshiyo taabacan Yuusuf Indho-cadde oo bililiqeystay Galabta gebi ahaan Qalab yaallay Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Jowhar

Posted to the Web Jun 16, 20:22

 

 

Jowhar (PP) - Wararka puntlnadpost ka soo gaaraya magaalada Jowhar ee Gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegaya in la bililiqeystay garoonka diyaardaha ee Magaalada Jowhar, halkaasoo ay yaalleen qalab kala duwan oo ay lahayd dowladda Federaalka.

 

Qalabkaan oo ka koobnaa Matooro, Gawaari waaweyn iyo guryo nooca isku xirxirma ah oo ay dowladda tayaaniga ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay bililiqeyteen Maleeshiyo taabacan Yuusuf Indho-cadde oo qayb ka ahaa dagaalladii dorraad lagu qabaday magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

 

Arrintaan ayaa sheegay inay dhacday galabta, waxaana wararka ka imaanaya Degmada Jowhar ay sheegayaan in sidoo kale ay bililiqeysteen kooxdaan qalabkii kala duwanaa ee garoonka looga shaaqeynayya sida Radio Active-yadii lagu hagi jiray diyaaradaha soo daga garoonka, waxaana tani ay ku tilmaameen dadweynaha Magaalada Jowhar arrin khalad ah oo lagu sameeyay gobolkooda.

 

Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in kooxdaan wax biliilqeystay oo ka tirsanaa Isbahaysiga maxkamadaha ay dib ugu soo laabteen gudaha magaalada Jowhar ayna dhammaan qalabkii garoonka qaateen, waxaana la sheegay in loo weeciyay dhanka Gobolka Shabeellada Hoose.

 

Arrintaan ayaa la sheegay inay caawa ka dhex abuurtay xiisad weyn ciidammo taageersan Yuusuf Indho-cadde iyo kuwo kale oo taageersan Sheekh Shariif oo ah guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah iyadoo laga yaabo inay dagaal dhaliso arrintaas.

 

Dadka Soomaaliyeed badankood ayaa aaminsan in ciidamada uu horkacayo Yuusuf Indhocade ee bililiqaystay qalabkan ay yihiin kuwo aan sal iyo raad aan ku lahayn wax lagu tilmaami karo u adeegayaasha dadka Islaamka ama ciidamo u adeega maslaxada Maxaakiimta Islaamka ah.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jawhar: Amaanka Jowhar oo khatar ku jira, dhac loo gaystay dadweyne

Friday, June 16, 2006

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

Jawhar( AllPuntland)- Magaalada Jawhar oo ay gacanta ku hayaan ciidammo ka amar qaata maaakimta islaamiga ah ayaa waxaa ka bilowday gabod fal yo iyo dhac loo gaystay qaar ka mid ah canacsatada magaalada Jawhar.

 

Xalay ayaa kooxo burcad ah waxay dhac u geysteen suuqa Xaafadda Howl-wadaag ee degmada Jowhar, waxaana la sheegay in xalay laga dhacay lacago iyo ganacsigooda qaar ka mid, iyadoo ay la wareegeen gacan ku haynta degmadaas maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho.

 

Ganacsigii Suuqaas ayaa la sheegay inuu gabi ahaan istaagay, kaddib markii dhaca loo geystay uu saameyn ku yeeshay ganacsatadaas, waxaana ay ganacsatadu kaga tuureen dusha eedda dhacaas loo geystay Maxkamadaha Islaamiga ah ee magaalada Jowhar oo aan hanan amaanka magaalada oo markii hore nabdoonayd.

 

Arrintaan ayaa waxay ka muujiyeen dadweynaha Degmada Jowhar cabsi xooggan, iyagoo ku tilmamaay inay dhabaha u xaarayso dhibaatooyin la soo gudboonada ammaanka magaalada Jowhar iyo degmooyinka kale ee Gobolka.

 

M J. Koronto.

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warkaloo hadda nasoo gaaray

 

Jowhar: Warar hadda naga soo gaaray Jowhar ayaa sheegaya in xaafadaha magaalada qaarkood ay ka jiraan boob lo geysanayo guryaha degaanka, taasoo ay sameynayaan Maleeshiyaad iyagu aanay jirin hadaf ay hiigsanayaan, kuwaasi oo la sheegay in ay doonayaan in dhac ay la beegsadaan guryaha dadka aanan laheyn awood beeleed isla markaana loogu mar-marsiyoonayo waxbaan ka baareynaa Guryahaasi.

 

Dhacdadii u dambeysay waxey aheyd markii maanta Koox maleeshioyo ah oo la sheegay in ay ka amar qaataan Yuusuf Indha Cadde ay si bareere ah Guri ku yaal Xaafada Hanti wadaag ka soo qaateen Laba qori oo noocoodu ahaa AK.47. taaso qeylo dhaan ka daba timid ay sababi gaartay isku dhac ka dhex dhasha Maleeshiyaadkaasi iyo kuwa Shiikh Abuukar Cumar Caddaan.

 

Gudoomiyaha Midowga Maxkamadaha Shareecada Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Magaalada Jowhar kaga dhawaaqay in Aminiga guud Magaalada Jowhar gacan bir ah lagu qaban doono.

 

Sheekh Shariif ayaa sheegay in la sameeyay Ciidamo madani oo deegaanka ah isla markaana ay gacan siin doonaan Ciidamada Midowga Maxkamadaha Shareecada oo gacanta ku heysa Magaalada Jowhar.

 

Sheekh Shariif waxa uu tibaaxay in wixii ka bilowda hadda ay wada shaqeyn karabaan dadweynaha Jowhar, isla markaana ay gacan ku siyaan aminiga Magaalada oo faraha ka sii baxay maalin kadib markii Maxaakimta ay la wareegeen Jowhar.

 

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

When it comes to somali news it must be masstransmitted by different independent websites to be accepted as true, is there other websites reporting this? There is big propaganda about shekh Indha Cadde now a days every one accuse him of something slavery, drugs, lootings, genocide and etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites

So all these websites are wrong? I guess its the same as when people would defend the warlords because of clan...Disgraceful, these people should be punished. Here is Somaliweyn.com

 

Falal boob iyo bililiqo isugu jira ayaa ka bilowday Magaalada Jowhar, Xili ay la wareegeen Jowhar Maleeshiyooyinka Maxaakiimta

Somaliweyn - Muqdisho -Somalia 16/06/06

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Gobalka shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay iyo shalay ay si weyn u soo bateen kooxo hubeysan oo dhac iyo bililiqo doon ah kuwaas oo aan la ogeyn heybtooda iyo cida ay hoostagaan.

Wararku waxa ay sheegayaan in la bilaabay in la qaato Matooradii iyo Guryihii la isku xerayey ee Magaalada Jowhar horay u yiilay iyo qalab kale, taas oo la sheegay in ka dambeeyeen kooxo ka faa’iideysanaya Nidaam darida.

 

Xubin ka mid ah haweenka ku nool Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegtay in Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jowhar laga qaatay qalab isugu jiray Matooro iyo Guryaha la isku xero ah, iyada oo intaasi raacisay xitaa in gacanta lagu qaatay wax walba oo halkaasi yiilay oo la qaadan karayey.

 

Gabadhaasi oo ka gaabsatay in Magaceeda la shaaciyo hase yeeshee Cod u duubtay Idaacada Banaadir ayaa waxa ay ku nuuxnuuxsatay sababaha loo bililiqeystay Garoonka in ay ka dambeyso ka dib kolkii ay halkaasi isaga soo baxeeen Ciidamadii la wareegay Garoonkaasi isla markaana soo aaday gudaha Magaalada Jowhar.

Dhinaca kale Wariyaha Idaacada Banaadir ee Gobalka Sh/Dhexe C/kariin cumar Macalin ayaa waxa uu soo sheegayaa in xalay falal dhac ah laguala dhaqaaqay qoysas ku noolaa Xaafada Hantiwadaag ee Magaalada Jowhar iyada oo halkaasina lagu qaatay Lacago io qalab kale.

 

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in ay jiraan kooxo ka faa’iideysanaya ka wareega Nidaamka Magaalada Jowhar kuwaas oo dhac u geysanaya dadka Rayadka ah, waxaana haatan ugu daran falalka lagu qaadanayo Telfoonada gacanta.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in uu Muran soo kala dhexgalay Hogaanka Maleeshiyooyinka Maxaakiimta iyo Kuwa Gobalka shabeelaha Hoose , Murankaas oo ka dhashay sida laga yeelayo Hub iyo qalab kale oo laga furtay Maleeshiyooyinkii maxamed Dheere iyo Hanti kale oo horay u tiilay halkasi.

 

Xigasho Radio Banaadir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bililiqo xoogan ayaa loo geystay Garoonka diyaradaha magaalada Jowhar ee gobolka...

 

Sh/Dhexe, halkaas oo Midowga Maxaakiimta ay kala wareegeen maamulkii horay ugu talin jiray ee Maxamed Dheere.

 

Qalab kala duwan oo garoonka yiilay ayaa Malishiyaad iyo dadweynaha tuulooyinka ku dhow garoonka ay ku dhaqaaqeen bililiqaysigiisa qalabkan ayaa waxa ka mid ahaa Matooro, Shidaalka kala duwan iyo qalab kale oo garoonka yaalay, iyadoo qalab kale oo dowladda Federaalka oo xiligii ay deganeyd la dhigay garoonka iyana la bililiqeystay.

 

Guud ahaan kala danbeyntii iyo nidaamkii ay Jowhar ku caan aheyd ayaa luntay, waxaana xalay degmada Jowhar ka dhacay falal burcadnimo ah oo lagu jabsanayey Dukamada ganacsi ee halkaasi ku yiilay, sidoo kale dadweynaha ayaa baarasho lakula kacayey iyadoo Talleefanada gacanta iyo wixii kale ay wataan laga qaadanayey.

 

Gudomiyaha Midowga Maxakiimta Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa shir jara’id uu galabta ku qabtay magalada Jowhar waxaa uu kaga hadlay amni xumida iyo boobka kusoo kordhay degmada Jowhar, wuxuna sheegay in gacan bir ah ay ku qaban doonaan amniga magaalada, isagoo sheegay in nabadgelyo ay ka jirtay Jowhar.

 

Sh. Shariif ayaa sidoo kale intaa raaciyay in kooxo burcad ah ay ku kaceen falal tuugonimo isla markaana ay sharciga horkeeni doonaan kooxahaasi, wuxuu kaloo Sheekhu uu ka hadlay nadaafad xumada kusoo korortay magaalada Jowhar markii talada ay la wareegeen oo magalada lagu arkayey bacaha iyo wasaqda kale oo horay maamulkii Maxamed Dheere mamnuucay in lagu daadiyo gudaha magaalada taasoo uu Shariifka uu sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan cidii lagu qabto.

 

Nalalkii ifinayey wadooyinka magalada Jowhar iyo Buntada ayaa bililiqo xoogan loo geystay iyadoo habenadan laga dareemayey mugdi taasoo keentay in falal isbaaro ah lagula kaco shacabka degmada jowhar.

 

Dhinaca kale khilaaf ayaa soo kala dhexgalay Maleshiyaadka gacanta ku dhigay Jowhar kadib markii Malishiyaad la sheegay iney ka mid yihiin Midowga Maxaakiimta kana soo jeeda beel ahaan beesha Ceyr ay damceen in ay la waregaan tikniko laga qabsaday Maxamed Dheere taasoo ay kasoo horjeesteen maliishiyo heyb la ah Maxamed Dheere oo taageersan Midowga Maxaakiimta ay ka biyo diideen in lala wareego tiknikadaas, iyagoo ku doodaya in hadii lala wareegayo tiknikada ay iyagu xaq u leeyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Hold your horses mate, these are the same websites that were publishing a baseles propoganda during the war between Maxkamadaha and Warlords.

 

bring some other source from likes Somalitalk, Shabelle, Hiiraan, Hornafrik etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol. Horn Afrik, Shabbele are woned by Inda Cade kinsmen so they do not publish anything negetive about him. Keep cool.

 

As for Somalitalk, they usually do not publish dialy news, more like articles and opinions.

 

Sorry mate, the news seems to be credible, even if one looks back at Dhoobley, Kismayu, Marka, Galgalato battles every where Inda Cade goes you will find pilliging and looting, it is his trade mark.

Share this post


Link to post
Share on other sites

And that is your tribalistic stamp on Indha-Cadde, a man I don't know or care, but I know your evil-spirited tribalism that dismisses everybody except Cabdullaahi Yuusuf.

 

What else did you get today? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke,

 

 

It appears these purported Jowhar lootings are grossly exaggerated if not outright fabricated. Mainly due to lack of corroborating confirmations.

 

Take anything reported by a Somali media outlet with grain of salt. The fools all had objectivity lobe lobotomy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

It is all exaggeration, there was an incident where some private properties were looted by criminals not IndhaCade's militia. Shk Shariif talked about it today where he vowed to bring them to justice. (source bbc Somalia). So all these you are quoting is baseless sxb.

 

Nin cajiibleh ayaad tahay, yesterday you and your websites (puntland allpuntland ..etc) were supporting Maxkamadaha and now all over sudden you are starting a campaign against them…….which I think if you lot continue this way will loose it big time.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

it is more likely true. The court do not have it is own army with one command center. SHirkada Banaadir melisia + Number of tribal courts joined toghether + Indhacade melesia + indepedent tribal melisia. All these group were united against moqdisho warlods. Now all these groups are in Jowhar. It is very difficult to control the tribal melisia, same tribal melisia who was looting southern somalia for last 16 years. The court is streched and do not have control it's melisia, plus the finacial problem . they will not able to maintain this level of military activity, the downfall of court is about to start unless they change their course to build up the political structure. This is not happening now because the group do not have same political and economic intrest.

 

An attack on Baydhabo is must likely to expect the court and their supporters, the moqdisho demostrations are the beggening to build up the support.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this