Sign in to follow this  
Che -Guevara

Six foreigners killed in Somalia's Puntland

Recommended Posts

May be Juje is right. Horseednet reports differently than Halgan

 

Axmed Khaliif Geedi

Horseed Media

Gaalkacyo.

 

Madaxwayneha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamed Faroole oo maanta war ka soo saaray xaafiiska uu ka degan yahay Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxa uu kaga hadlay dilkii xalay loogu gaystay Magaaladaasi shan ruux oo ahaa wadaado Tabqiil ah oo u dhashay wadanka Bakistan.

 

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in Ka Maamul ahaan ay si wayn uga xun yihiin dilkaasi Islamarkaana ay cambaareynayaan, wuxuuna ku eedeeyay dilkaasi in laga soo abaabulay dhinaca koofureed oo ay ka taliyaan Maamulka Gal-mudug.

 

“waxaan aad iyo aad uga xumahay in Magaalada Gaalkacyo oo kala qabysan uusan amaankeedu lahayn isla shaqayn fiican, waxaana fal dambiyeedkaasi gaystay oo Masaajidka galay dad ku baxsaday markii ay dilka gaysteen dhanka Koofureed ee Magaalada”. ayuu yiri Madaxwaynuhu.

 

Madaxwayne Faroole ayaa sheegay in maanta ay xukuumaddiisu diyaarin doonto qoraal Afka Ingiriiska ku qoran oo ay dowladda Bakistan kaga tacsiyaynayaan dilka waxuushnimada ah ee saaka salaadii subax loo gaystay 5 nin oo ah culumaa’udiin Tabliiq ah oo u dhashay wadanka Bakistan.

 

Hadalka Madaxwayneha Dowladda Puntland ayaa yimid kadib markii rag hubeysan ay saaka saaladii subax ku toogteen Masjid ku yaala Bartamaha Magaalada Gaalkacyo wadaado Tabliiq oo gaaraya 5 kuwaas oo wararku sheegayaan in dhamaan ay u dhasheen wadanka Bakistan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawladda Puntland oo si kulul uga hadalashay weerarkii lagu laayey 5 nin oo Bakistaaniyiin Tabliiq ah ahaa, oo saakay lagu laayey Galkacyo.

[Akhris ...]

 

Galkacyo, Aug 12- Dawladda Puntland ayaa si kulul uga hadashay dhacdo weerar oo saakay waabarigii lagu laayey wadaado Tabliiq ah oo u dhashay dalka Pakistan, weerarkaasi oo ka dhacay Masaajid ku yaalla Xaafadda Wadajir ee magaalada Galkacyo.

 

Wadaadada la laayey ayaa tiradoodu gaarayso illaa 5 nin Pakistaaniyiin ah, halka saddex kale oo mid Soomaali yahayna la dhaawacay waxaana dawladda Puntland arrintaasi ku tilmaantay in ay tahay fal naxdin leh oo si weyn looga xumaado.

 

War qoraal ah oo isla saakay ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa si kulul loogu canbaareeyey dhacdadaasi, waxaana madaxda dawladda Puntland ay tacsi tiiraanyo huwan u direen dawladda Pakistan iyo shacabkeeda oo ay uga tacsiyeeyeen weerarka foosha xumaa ee lagu laayey wadaadada Tabliiqa ah ee u dhashay wadankaas.

 

Qoraalka dawladda Puntland ay maanta ka soo saartay dhacdadaasi waxaa lagu xusay halka falkaasi ka dhacay in ay tahay meel uusan xukun maamulka Puntland.

 

M/weynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud ’Faroole’ oo qoraalkaasi kadib ka hadlay xaflad xarigga looga jarayey dhisme cusub oo ay yeelanayso wasaaradda haweenka iyo arrimaha qooyska ee Puntland, ayaa sheegay dhacdadaani in ay ka carraysiisay dhammaan dadka muslimka ah iyana ay la qabaan murugadaasi.

 

M/weynuhu waxaa uu sheegay falkaani in uu ka dhacay meel ka baxsan meelaha maamulka Puntland uu ka arrimiyo, oo ay meeshu tahay dhanka maamulka Gal-Mudug, laakiin wuxuu tilmaamay in ay lagama maar-maantahay in la iska kaashado sidii caddaalada loo hor keeni lahaa raggii falkaasi gaystay.

 

M/weynuhu waxaa mas’uuliyiinta maamulka Gal-Mudug ka codsaday in ay awoodda saaran soo qabashada raggaasi falka gaystay, wuxuuna sheegay ciidanka ammanka Puntland in ay arrintaasi gacan ku siinayaan.

 

Md. Faroole, wuxuu sheegay wadaadada la laayey ee Tabliiqa ahi in ay ahaayeen kuwo masaakiin ah oo markasta u taagan fidinta Dacwada islaamka, laguna yaqaano in ay ka madax-bannaanaayeen is qab-qabsiga diineed ee dunida ka jira.

 

Dhanka kale m/weynuhu waxaa oo shacabka magaalada Galkacyo ka codsaday in ay si dhab ah ammaanka uga shaqeeyaan gacan buuxdana ay siiyaan ciidanka ammaanka si looga hor tago falkasta oo liddi ku ah nabad-galyada gobolka.

 

Hadalka dawladda Puntland ayaa yimid kadib markii waabarigii hore ee saakay masaajid ku yaalla xaafadda Wadajir lagu laayey wadaado Tabliiq ah oo tiradoodu gaarayso 5 nin halka isla dhacadaasna lagu dhaawacay 3 kale oo mid ahaa Soomaali Masajidka ku tukanayey, waxaana isla weerarkaasi ka bad-baadi saddex Pakistaaniyiin ah oo xilligii weerarku bilowday ku maqnaa Xamaam lagu qubaysto.

 

Wadaadada ayaa lagala soo baxay Masajidka waxaana lagu laayey meel bannaankiisa ah, waxaana isl markiiba baxsaday raggii weerarkaasi gaystay iyagoo u jahaystay dhanka koonfureed ee magaalada, waxaana dad goob joogayaal ahi Daljir u sheegeen tiradoodu in ay gaaraysay illaa 10 nin kuwaasi oo aad u hubaysnaa.

 

Wadaadada la laayey ayaa magaalada Galkacyo soo gaaray maalintii shalay ahayd waxayna u socdeen fidinta Dacwada islaamka sida ay idaacadda Daljir u sheegeen saraakiisha garoonka diyaaraha ee magaalada Galkacyo oo baaritaan iyo hubin ku samaayey xilligii ay soo dagayeen.

 

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya halka uu ka dhici doono aaska wadaadada la laayey, waxaana wararka qaar sheegayaan in lagu xabaali doono Qabuuraha magaalada Galkacyo, halka warar kalana ay tilmaamayaan in Maydkooda loo dhoofin doona dalka Paksitan.

 

Waa markii ugu horraysay oo dhacdo noocaan oo kale ah ay ka dhaco masaajid ku yaalla Soomaaliya, waxaana arrintaasi ay naxdin iyo walwal badan ku abuurtay dhammaan bulashada qaybaheeda kala duwan.

 

C/fitaax Cumar Geeddi’

Idaacadda Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo, Aug 12 - M/weyne Faroole ayaa war saxaafadeed uu ku dhaleecaynayo ka soo saaray dilkii 5 nin oo Pakistan u dhalatay.

 

5-ta nin, ee ahaa wadaado tabliiq ah, ayaa lagu dilay masjid ku yaal xaafada Wadajir ee koonfurta magaalada Galkacyo.

 

M/weyne Faroole ayaa ka codsaday shacabka xaafada Wadajir in ay xil iska saaraan qabashada cidii fal dambiyeedkaas ka

audio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by xiinfaniin:

Where is Juje? Is that not correct awoowe?

Nope sxb......!

Suufis will never kill Tabliiq and they have never before.

Look in the underlying picture here -who was sacked by Farole yesterday . This is either of the two Xiin to undermine and prove the lack of authority of Farole in Galkacyo or to create a diversion from the political stalemate in the north of the city.

And the Mosque is situated in what is termed as the green lane of the city - none of both authorities have control in there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Juje, adeer you are not making sense, killing Pakistani in South Galkacyu would not undermine Faroole, if it was the man who was sacked he could kill a few individuals from any sub clan that would provoke.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

South Galkacyu

How many times do I have to tell you , mise maxkax adeega wa hiido - the mosque is not in the south..cappish?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tuhunku waa meeshiis awoowe. For now i am interested in the location of the mosque. Now you say it's on the border green zone, as I am ignorant about Gaalkacyo current layout i will have to wait if there is a block of land uncontroled by both.

 

Anyways this is another nasiib darro in the ongoing somali saga. I doubt if it will divert attention from the other issue though.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by NinBrown:

innocent tableeqs killed and juje is out there tryibg to score cheap political points. xishood sxb.

nin yahow bal adi xisshodo hadalku mesha uu marayo la qabso.

Cajiib ayago turyo ah ayey kuso galayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Wadajir is South Galkacyu district under Galmudug, the Mosque is there adeer.

 

Anyhow, how does it benefit anyone opposed to Faroole to kill 6 Pakistanis', it would just make him focus on the security issue and blow their cover. If they attacked locals then it would be more effective,

 

Who is at war with "foreign Kharajites" ? And who are armed in control of South Galkacyu, never have the Sufi's controled a town either Juje.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. Thus they [PIS] let them in at the airport to shoot them in a Mosque in South Galkacyu?

 

Adeer you sound desperate now.

 

No Juje the same Sufi' militia that took a resident of South galkacyu who hailed from Dayniile, and shot him without trail because of mere suspecion are closer to this madness.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

Ahlu-Sunnah is behind this.

 

Tableeqis are harmless crusaders and the criminals who committed this act of savagery will pay for their deed in another day.

Indeed...and those who falsely accuse others of crimes they did not commit will pay for it on that same day.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this