Sign in to follow this  
Liibaan

Siilaanyo “(Ethiopia) xaq u leeyihiin inay nabadgelyadooda dhawraan”

Recommended Posts

Liibaan   

Axmed Siilaanyo Oo Warqad Canaan Ah Ka Helay Dowlada Itoobiya

 

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay u dirtay warqad cannaan ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). ...........................

 

Sida warku sheegayo Itoobiya ayaa ku cannaanatay Mr. Siilaanyo ka soo horjeedkiisa uu ka soo horjeestay faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya.

 

Axmed Siilaanyo oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in isaga iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya ay kawada hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay arrinta faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya, wuxuuse dafiray in warqad digniin ah la soo gaadhsiiyey ee arrinku ahaa mid wadahadal toos ah.

 

Isagoo ka hadlaya sida uu isagu faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya u arko waxa uu yidhi

 

“Waxaa jira arrimo dhowr ah oo siyaasiyan anaga ah iyo Itoobiya ku kala duwan yihiin, tusaale ahaan ciidamo gaynta Xamar iyo taageerada Itoobiya ee Cabdullaahi Yuusuf waynu ku kala aragti duwanahay, Xisbiyada Mucaaradka oo qura ma aha ee xitaa Somaliland way ka dhawaajisay arrinkaas”.

 

“Annaga in aanu Itoobiya isku dhacno oo iska hornimaadno dooni mayno, in aanu daba dhilif u noqonana dooni mayno oo faragelinta iyo waxa Koonfur lagu samaynayo ma barakayn karno. Laakiin taasi naga joojin mayso inaanu u aragno inay xaq u leeyihiin inay nabadgelyadooda dhawraan danaha inaga dhexeeyana la dhawro"

 

laakiin inaanu waxa ay geeska afrika ka sameeyaanba iyo Cabdillaahi Yuusuf isku garab taagno xaq nooguma laha Itoobiya” ayuu yidhi Siilaanyo oo tibaaxay in aanu isagu ku faraxsanayn waxa Soomaliya ka dhacaya xilligan.

 

Widhwidh online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo sheegay in aanay jirin warqad Itoobiya u soo qortay iyo xidhiidh xun oo dhexmaray midna

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 11 July, 2007

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in aanay jirin wax warqad ah oo dowladda Itoobiya u soo qortay Xisbiga KULMIYE iyo wax xumaan ah oo dhexmartay ama u dhexaysa.

 

Axmed Siilaanyo waxa uu ka jawaabayey warar lagu faafiyey Internetka oo sheegaya in dowladda Itoobiya u soo qortay xisbiga KULMIYE warqad ay kaga jawaabayso mawqifka xisbigaa mucaaridka ahi ka taagan yahay arrimaha Soomaaliya iyo dagaalkii ay la gashay Maxaakiimtii ka talineysey Muqdisho.

 

"Ma jiro wax xidhiidh ah oo xumaan ah oo annaga iyo Itoobiya na dhexmaray iyo wax ay noo soo qoreen midna ma jiro, " ayuu yidhi Axmed Siilaanyo oo aan caawa telefoon ku weydiiyey waxa ka jira warqadda la sheegay in Itoobiya u soo qortay xisbiga KULMIYE, ayna ku dhalliilayso mawqifka uu ka taagan yahay arrimaha Soomaaliya iyo lugta ay ku leedahay dowladda Itoobiya.

 

Waxana uu sheegay in xisbiga KULMIYE uu in badan caddeeyey, kuna celceliyey mawqifka iyo aaraa'da uu ka qabo arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay markasta Itoobiya u tilmaamayeen dareenka Shacbiga Somaliland iyo ka xisbi ahaan ay ka qabaan dagaalada Muqdisho, faragelinta ciidan iyo dhibaatada gaadhey dadka rayidka ah ee reer Muqdisho; kuwaas oo uu sheegay inay ka soo horjeedeen.

 

Waxa uu sheegay in mabda'iyan ay markasta aqoonsan yihiin dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin danaha iyo maslaxadda ka dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya iyo in waddan kasta oo gobolka Geeska Afrika ka mid ahi uu xaq u leeyahay xuduuddiisa, xasiloonidiisa iyo daafacaadda. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in xisbiyada Qaranka iyo xukuumadduba ay isku mawqif ka taagnaayeen arrimaha Soomaaliya ka socda, isla markaana ay dhawr jeer caddeeyeen in aanay u arkay ciidamo shisheeye ama ha noqoto Itoobiya ama dal kale'e inay xal u noqonayaan arrintaa Soomaaliya ka taagan.

 

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda iyo xisbiyaduba ay markasta isku mawqif ka yihiin taageerada Itoobiya siiso Cabdillaahi Yuusuf.

 

"Itoobiya wax aanu ka midaysan nahayna way jiraan, wax aanu ku kala duwan nahayna way jiraan. Taa iyana way ogyihiin, annaguna waanu ognahay, " ayuu yidhi.

 

"Laakiin, wax kale oo meesha yaallaa ma jiraan. Wax ay noo soo qoreen iyo wax xumaan ah oo aanu ku wadahadalayna ma jiraan, " ayuu raaciyey Axmed Siilaanyo.

 

War la sheegay in laga soo xigtey BBC-da, qaybteeda soo ururisa wararka Warbaahinta kala duwani faafiso [bBC Monitoring Service) oo lagu daabacay bogagga Internetka qaarkood ayaa sheegay in Itoobiya warqad jawaab ah u soo qortay Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, taas oo ay ku dhalliilayso mawqifka ay ka taagan yihiin faragelinta ciidan ee Itoobiya ku samaysay Muqdisho.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

 

E-mail: dubad@Somaliland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

KULMIYE IYO UCID MA MOWQIFKOODA FARAGELINTA SOMALILAND AYEY ETHIOPIA KU QOONSATAY?

 

 

hadhwanaag 2007-07-12 (Hadhwanaagnews) War ay faafisay shabakada wararka Intarnetka ee Somalilandfure oo ay sheegtay in ay ka soo xigatay BBC Monitaring, ayaa sheegay dawlada Itoobiya in ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland (KULMIYE iyo Ucid) ay si weyn ugu dhaliishay mawqifkii ay iska taageen, hawlgalkii ay dawlada Itoobiya ku gashay gudaha Somaliya, islamarkaana ay ku taageeraysay dawlada ku meel gaadhka ah ee Cabdilaahi Yuusuf hogaamiyo.

 

Warkaa ay faafisay Somaliland-fure, waxa uu u dhignaa sidan: "Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa la sheegay in uu helay waraaq jawaab ah oo kaga timi dawlada Itoobiya, taasoo si weyn loogu dhaleecaynayo, halkii uu xisbigu iska taagay arrimaha la xidhiidhay Koonfurta Somaliya iyo dagaalkii ay Itoobiya kala horjeeday golihii maxaakiimta oo wakhtigaa xukumayay Muqdisho. Sida wararku sheegeen, xisbiga KULMIYE waxa la gaadhsiiyay qoraal sideed bog ka kooban. Lama kala oga sida jawaabtaas lagu gaadhsiiyay xisbiga KULMIYE. Hase yeeshee jawaabta ka timi Itoobiyaanku waxay tilmaamaysaa, islamarkaana ay ku soo beegantay ka dib markii saraakiil ka tirsan xisbiga KULMIYE, ay ku baaqeen kulan ay la yeeshaan masuuliyiin Itoobiyaan ah.

 

Waraaqdaa qoraalka ah waxa lagu sheegay oo loogu soo jeediyay in xisbiga KULMIYE la xidhiidho, safaarada Itoobiya ee Hargaysa ku taal. Itoobiya waxay u cadaysay xisbiga KULMIYE, in ay jeclayd inay aragto nabad-galyada iyo xasiloonida Somaliland. halka ay ka taagantahayna (Somaliland) waxa xanbaarsanayd warqada qoraalka ah ee jawaabta ah.

 

Xisbiyada KULMIYE iyo Ucid waxay dhamaadkii sanadkii hore si wada jir ah uga qayb-qaateen dood furan, taasoo kulmisay dhamaanba qaybaha bulshada, si ay u faaqidaan, saamaynta suurtagalka ah ee ay ku yeelan karaan (Somaliland) wixii ka dhacayay xiligaas Koonfurta Somaliya. Labada xisbi lama ay iman wakhtigaas taageero cadaan ahayd oo ay u hayeen golihii maxaakiimta, balse dareenkii uu xiligaa qaatay abmasatorka Itobiyanka ah Mr, Wibshet Dimise kaasoo lagu soo casuumay golahaas, hanaan tarjumis ahna kula socday muu jeclaysanin qaar ka mid ah hadaladii madashaas laga yidhi.

 

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa wakhtiyadii la soo dhaafay ku sheegay faragelinta Itoobiya ee koonfurta Somaliya in ay sababi karto xasilooni darro ka dhacda gobolka geeska Afrika, in kasta oo uu dib u saxay booskiisaa uu hore uga taagnaa wakhtiyadan danbe sida ay muujinayaan hadaladiisii ugu danbeeyay; sida mararkii uu lahaa "Somaliland waxyaabo farabadan ayay la wadaagtaa Itoobiya iyo dadkeedaba"

 

Jawaabta Xisbiyadda.

 

In kasta oo nuxurka warka shabakadu faafisay uu sidaas yahay, hadana waxaanu xalay wax ka weydiinay xisbiyada KULMIYE iyo Ucid, bal inay jiraan waxyaabo la xidhiidha amuurtaas oo dhinaca Itoobiya ka soo gaadhay. Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo aanu wax ka weydiinay, bal inuu jiro qoraal sideed bog ka kooban oo dhinaca Itoobiya ka soo gaadhay iyo in kale, wuxuu ku jawaabay. "Maya, haba-yaraatee ma jiro qoraal naga soo gaadhay Itoobiya. Laakiin, way jirtay inaanu wada sheekaysi iyo wada hadalo yeelanay anaga oo Addis abab joogna iyo anaga oo halkan joognaba. Mar kastaba waxaynu lahayn, oo dhamaanteen aynu lahayn, Maxkamadihii iyo Cabdilaahi Yuusuf midna anaga Somaliland ahaan maslaxad nooma soo wado, balse marna maanu odhan cidaas ayaanu taageersanahay. Laakiin, arrimaha Somaliya marka laga hadlayo hore iyo hadaba ciidan shisheeye oo la keenaa inaanu xal soo wadin oon lagu dawayn karrin mushkiladaa, dawlad iyo axsaaba waynu taagnayn oo sheegaynay. Taasina Itoobiya oo kaliya maahayn ee ciidan shisheeye oo dhan ayay ahayd. Fargelin shisheeye iyo ciidan shisheeye oo Somaliya la geeyaa, Itoobiya ha noqdo ama Ertaia ha noqdo ama dalal kale ha noqdee, anagu marna amaanu arkayn umana arkayno, faragelin shisheeye inay Somaliya barako u soo wado. Taana dawlad iyo axsaaba waa sheegaynay oo may qarsoonayn."

 

Axmed Siilaanyo waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi. "Mida kale, caalamku wuu ka wada qaylinayay duqayntii iyo dagaalkii dhacay, anaguna sidaas oo kale ayaanu u diidanayn dhibaatadii dadka shicibka ah loo gaysanayay. Markaa, mar kasta oo aanu wada hadalayba, waxyaabo aanu isku aragti ka nahay iyo waxyaabo aanu ku kala duwanahay Itoobiya way jiraan. Matalan, Itoobiya Cabdilaahi Yuusuf oo qadiyadayada cadow ku ah ayay taageeraysaa, dee danteeda ayay ka aragtay oo kuma haysano. Markaa, anaguna danta Somaliland sida ay ku jirto ayaanu ka eegaynaa wax kastaba, taasina wax la isku dhaliilo iyo wax la iskula yaabo midna maaha. Markaa, arragtiyaha daneed waa lagu kala duwanaan karaa, sidaas aaweed waxyaabo sidaas oo kale ah oo aanu ku kala duwanahay oo la isla ogyahay waa jiraan, qaar isku mid laga yahayna waa jiraan. Tusaale ahaan, xidhiidhka sokeeye, wax wada qabsi, ganacsi, iskaashiga sugida amniga iyo danaha guud ee wada noolaanshaha labada shacbi kuma kala duwanin oo isku mid ayaanu ka nahay"

 

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ucid, Aadan Maxamed Mire Waqaf oo aanu isagana wax ka waydiinay bal inuu jiro wax xidhiidh ah oo dhinaca Itoobiya ka soo gaadhay, wuxu sheegay inaanu jirin haba yaraatee. "Ma jiro af iyo qoraal midna wax naga soo gaadhay dhinaca Itoobiya, cidna iskamaanu arrag haba yaraatee." Ayuu yidhi.

 

Wargeyska Ogaal

 

 

 

 

Submited By hadhwanaag : 2007-07-12

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Annaga in aanu Itoobiya isku dhacno oo iska hornimaadno dooni mayno, in aanu daba dhilif u noqonana dooni mayno oo faragelinta iyo waxa Koonfur lagu samaynayo ma barakayn karno. Laakiin taasi naga joojin mayso inaanu u aragno inay xaq u leeyihiin inay nabadgelyadooda dhawraan danaha inaga dhexeeyana la dhawro"

Nicely put.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Annaga in aanu Itoobiya isku dhacno oo iska hornimaadno dooni mayno, in aanu daba dhilif u noqonana dooni mayno oo faragelinta iyo waxa Koonfur lagu samaynayo ma barakayn karno. Laakiin taasi naga joojin mayso inaanu u aragno inay xaq u leeyihiin inay nabadgelyadooda dhawraan danaha inaga dhexeeyana la dhawro"

QUOTE OF THE YEAR ............. THIS IS WHAT I CAN CALL THE GOLDEN PHRASE.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayid   

When your master behaves badly- therefore the above tongue twister statement -- He is in awkward position for or against the occupation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bal dadkan sidee looga amaan helaa ,,,, if you keep silent then you are an ethiopian puppet ,, if you say you are not and proof it ,, then it is twisted.

 

 

SOMALISSSSSSSSSSSSSSSSS

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this