Sign in to follow this  
Qudhac

SOMALILANDS RELIGOUS LEADERS UNITE TO ROOT OUT EXTREMIST

Recommended Posts

Qudhac   

hadhwanaag 2008-11-01 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Culimada Somaliland ayaa Saladii Jimcaha si weyn ugaga hadlay weeraradii ismiidaaminta ahaa 29-kii October ka dhacay Magaaladdda Hargeysa ka dhacay,isla markaana waxa ay cambaareeyeen falkaas iyo sidii uu u dhacay.

 

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey [Aadan Siiro] oo ka mid ah Culimada waaweyn ee reer Somaliland ayaa oo ka khudbadeeyey Masaajidka Xawaadle ee Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in ay xaaraan tahay in qof Muslim ah dhigiisa la daadiyo sabab la’aan, isla markaana waxa uu shaaca ka qaaday in uu dadka iyo dawladad Somaliland hore ugaga digay dhacdadan natiijadeedu is qarxinta noqotay.

 

“Khudbadaydan waxaan ugu jawaabayaa nimanka labada nafood leh, ee yidhi Ilaahay Waxaan kula balanay inaan mar labaad soo noolaanayno, ee doonaaya umad muslimiin ah oo heshiis nabadgelyo kuwada jira, oo umadooda doonaya inay nabadgelyo isugu keenaan, iyaga oo runtii adeegsanaya waxyaabo Diinta aan waafaqsanayn oo way daarsan, wax taariikhda ku cusubna ahayn oo in badan soo noq-noqday inay dumiyaan Jamhuuriyadan Somaliland, iyaga oo diin iyo Uni-form islaamiya. “ ayuu yidhi Aadan-siiro.

 

Sheekh adan Siiro waxa uu sheegay inuu marar badan ka hadlay tibaaxaha dhacdooyinkan dhacay, “In badan ayaan ka hadlay oo mujtamaca Somaliland kala hadlay waxa soo socda, in badan ayaan Xukuumada maanta dalka u arimisa kala hadlay, intaas oo goor ayaan Madaxtooyada u galay khatarta badan ee ka soo socota nimankaasi islaamka ku lumay [Al-shaab], may iqiimayn, may raacin taladii aan in badan u jeediyey,dhibaatada maanta ina soo gaadhay waad arkaysaan,”

 

Sheekh Aadan Siiro waxa uu ku dooday inuu Islaamku barri ka yahay weerada noocan [ismiidaamin] oo kale ah ee lagu qaaday Madaxtooyada Somaliland, Xarunta hay’ada UNDP iyo safaarada Ethiopia ee Hargeysa. Isaga oo arrinta aka ahadlayana waxa uu yidhi “Islaamku bari ayuu ka yahay gadh aan dhaqan lahayn, Islaamku barri ayuu ka yahay khamiis cad oo aan dhaqankiisa lahayn, islaamku berri ayuu ka yahay. Wax kasta oo uu qofku ku kaco ama wadaad ha sheegto ama waranle ha sheegto, oo runtii aan waafaqsanayn waxa ilaahay Kitaabkiisa iyo sunihiisa ku sugan”

 

Sheekhu Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey “Odhanmaayo sidii ay culumada qaar yidhaahdeen waxay doonayaan garanmayno, waxay doonayaan waanu garanaynaa ! waxay doonayaan inay dalkan dumiyaan, inay acyaantiisa laayaan, waay doonayaan inay dalkan fowdo ka dhigaan oo aynu is-dilno, dabadeeto iyagu ay noqdaan kuwo ka arrimiya, mana aha wax aynu aqbali karno waa wax aanu dil ka xigno intaan nolosha ku suganahay. Waxaanu af-buuxa ku leenahay mayeelayno , waanu ka dagaalmaynaa.”

 

Mar uu Aadan Siiyo la hadlayey Culimo-awdiinta reer Somaliland ee dalka ku dhaqan waxa uu yidhi “Maanta culimada ayey arrintu taagan tahay, iyagaa ugu horeeya, waynu garanaynaa ka Hargeysa jooga ee duminayaa, waanu garanaynaa kuwa falalka wada, waynu garanayna kuwa ku xidhan, waynu garanaynaa kuwii innaga tagay, waynu garanayanaa kuwa ay cajaladaha u soo diraan, yeynaan odhan ma garanayno, waa hawl inoo taala-weeyaan”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Haddii aad is-leedahay hargeysa marka ay dunto adigaa hadhi doona, marka ay ay Burco ay duntee, Boorame ay duntee oo gaadhi cad, laba gabdhood iyo meherado iyo kumaan kun dolar oo bishii soo baxa taasi waa manhaj aanaan haysan oo malaha aan ku oolin kitaabka iyo sunaha rasuulka”

 

Sheekh Aadan Siiro waxa uu carabka ku adkeeyey sidii looga hawlgelihaa difaaca dalka iyo Diinta Islaamanka ah.

 

“Maaha wax cusub qof inta uu is-qarxiyey jano raadinaya 1928-dii dhaqdhaqaaqi Islaamiga ahaa ee Muslimiintu, inta badan dhaqdhaqaaqyad Ismaaliga ahi ka farcameen Sheekh Xasan Al-mana raxima humulaahu” ayuu yidhi Aadan Siiro.

 

Aadan Siiro waxa uu sheegay inaanay is-bedel Islaamiya keeni Karin in qori la qaato, “Waxaan leeyahay waa in lala dagaalamo, yeynaan odhanin ma garanayo”

 

Kuma koobna khudbadaha lagaga hadlay arrintan ee Culimadu jeedisan tan Sheekh Aadan Siiro oo kale, hase ahaatee, Masaajidada Magaalooyinka waawayn ee ay Hargeysi ugu horeyso ayaa si weyn looga cambaareeyay falkaa argagixisanimo ee lagu qarxiyay goobaha muhiimka ah ee Magaaladda Hargeysa. Sidoo kale dhawr iyo toban wadaad oo reer Hargeysa ah ayaa soo saaray bayaan ay ku cambaaraynayaan dhacdadaas iyo cidii ka dambaysayba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

I think somaliland religious leaders wey gabeen shaqadoodii, i mean how they let this cult get into our mainstream religious education is crazy, people who believe if you kill yourself and kill as much innocent muslims as possible then you will go to heaven.

 

this deviant cult who brain wash kids and cowardly send them to die while they drink alcohol in some far away hotels.

 

our cullimo must show more leadership and stand up for our beatifull religion, which is their responsibility and protect it from such twisted cult groups who are trying everything to hijack it and trn into tool to power.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Culimadu, ma s/land bey gaar u yihiin mise umadey ka wada dhaxeeyaan.

 

Kuwa bosaso joogana intooday ka hadli, kuwa s/land wixii ka dhacay hargeysa un bey soo hadal qaadi, kumanaanka la wada barakiciyey wax hadal ama fatwa ka sheegayana maqli maysid.

 

 

Culimad markasta xaqqa ha racdo, Yeeysan hadlin un markey dadkooda un wax soo gaaraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this