Sign in to follow this  
Juje

Shameless Gits : The President and the PM

Recommended Posts

Juje   

Somalia president, Premier arrive for talks in Addis

TFG.jpg

War waxani xishoodki xita wa ka tageen - sidi carrur ayey uu kala cararayaan Zenawi, duliyaal.

 

Mogadishu, Somalia (APA) - President Abdullahi Yusuf and Premier Nur Adde Hassan Hussein of the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia arrived on Thursday afternoon in Addis Ababa for consultation with Ethiopian officials, including Ethiopian PM Meles Zenawi.

 

The two Somali officials travelled to Ethiopia despite Islamists’ advances in capturing many cities in the country. On Wednesday, Islamic insurgents seized a strategic port city in Somalia.

 

President Yusuf and PM Hussein have so far held talks with the Ethiopian Foreign minister Seyum Mesfin.

 

They are also expected to discuss the current situation in Somalia with Ethiopian PM Meles Zenawi.

 

In December 2006, Ethiopia sent thousands of troops to back the TFG in toppling the Union of Islamic Courts (UIC) which ruled the country for six months.

 

Sources in the Ethiopian capital told APA the two officials are here to consult with PM Meles Zenawi on the country’s political affairs, which is becoming “worrisome” for TFG officials.

 

In the past few months, Ethiopia mediated between these two Somali officials who have differences on handling the country’s political affairs.

 

This is the second visit the two officials are making together to Ethiopia.

 

Source: APA, Nov 13, 2008

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Madaxweyne Yuusuf iyo RW Nuur cadde oo mar kale lagu dhex-dhexaadinayo magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta ay gaaraan magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) oo iminka ku kala sugan magaalooyinka Nairobi iyo London ee wadamada Kenya iyo Britan.

 

Socdaalka labada mas’uul ay ku tegayaan magaalada Addis ababa ayaa yimid ka gadaal markii mas’uuliyiinta Itoobiya ay halkaasi uga yeereen sababo la xiriira sidoo loo dhameyn lahaa khilaaf hor leh oo mar kale soo kala dhex galay labaad mas’uul, kaasoo salka ku haya dhismaha xubnaha cusub ee golaha wasiirada gaar ahaan kuwii lagu bedeli lahaa xubno iska casilay xilalkooda oo baarlamanka Somaliya iyo IGAD ay diideen in in mar kale dib loo soo celiyo.

Madaxweyne Yuusuf ayaa ku adkeysnaya in dib loo soo celiyo ilaa 13 xubnood oo ka tirsanaa golaha wasiirada kuwaaasoo xilalkooda iska casilay markii kala hore uu khilaaf soo galay isaga iyo RW Nuur cadde oo iscasiladooda la rumeysan yahay inuu ka damnbeyey madaxweynaha, iyadoo ra’isul wasaare Nuur caddena u ku adkeystay in xubnahaasi aan la soo celin karin sababo la xiriira baarlamanka Somalia oo codkii u diiday iyo urur goboleedka IGAD oo taageeray go’aankii baarlamanka u codka kalsoonida ugu diiday xubnaahaasi.

Ra’isul wasaare Nuur cadde oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobo ee dalka Kenya ayaa ku eedeeyey madaxweynaha Somalia inuu ka caga jiidayo ogolaanshaha liiska xubnaha lagu bedeli lahaa kuwii iscasilay oo uu xusay inuu u gudbiyey todobaad ka hor illaa haddana uusan wax jawaab ah ka heynin, iyadoo xiligii 15-ka cisho aheyd ee IGAD ay u qabatay in howshaasi lagu soo dhameeyana ay ku ekeyd maalinti shalay, waana markii labaad ee RW Nuur cadde iyo madaxweyne Yuusuf ay dhexdhexaaadin u aadayaan magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’isul wasaare Nuur Cadde oo wada gaaray magaalada Adiss Ababa ee dalka Ethiopia.

Shabelle: ADISS ABABA

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxaa ay shalay galinkii danbe iyo Xalay waqatiyo kala duwan gaareen magaalada Adiss ababa ee dalka Ethiopia iyagoo ka kala kicitimay magaalooyinka London iyo Nairobi ee wadanada Ingariiska iyo Kenya.

 

 

 

Socdaalka ee labada masuul ee magaalada Adiss Ababa ayaa waxaa idaacada Shabelle u xaqiijiyay Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Ethiopia Siciid Cilmi.

 

 

 

Warar ka agdhow labada masuul ayaa sheegaya in labadaba looga yeeray magaalada Adiss Ababa ee dalka Ethiopia kadib markii uu soo ifbaxay qilaafka u dhexeeya labada masuul ee salka ku haya dhismaha xukuumada Cusub ee laga sugayo.

 

 

 

Madaxweynaha ayaa waxaa uu diidanyahay in uu saxiixo magacyada xubnaha wasiirada ee uu u gudbiyay Ra’isul wasaare Nuur Cadde kuwaasi oo loogu talagalay in ay badalaan wasiiradii horay isku casilay ee kadibna baarlamaanka KMG Soomaaliya kalasoonida uu kala laabtay.

 

 

 

In kastoo aan si rasmi ah loo shaacin cida labada masuul ku casuuntay magaalada Adiss Ababa ayaa hadana waxaa ay wararka sheegayaan in uu u yeeray Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia oo si weyn uga carooday qilaafka Soo noq noqday ee u dhexeeya Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’isul wasaare Nuur Cadde.

 

 

 

Arinta ugu weyn ee uu doonayo madaxweynaha ayaa ah in la wada Casilo dhamaan xubnaha xukuumada Ra’isul wasaaraha lana soo dhiso Xukuumada dhamaanteed wada Cusub hadii kale xubnaha Cusub ee la soo magacaabayo lagu soo daro wasiiradii horay isku casilay ee madaxweynaha ku fikirka ahaa maadaama wasiirada aan iscasilin ee xilalkooda loo daayay ay la safan yihiin dhanka Ra’isul wasaaraha.

 

 

 

Waa markii 2-aad ee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul wasaare Nuur Cadde Looga yeero magaalada Adiss Ababa si loo dhameeyo qilaafkooda iyadoo dadka naqdiya siyaasada labada masuul ay qabaan in ay sharaf dhac ku tahay dowlada Federaalka ah u yeerida nuucan ah waxana tani ay si cad meesha uga saareeysaa sheegashadii aheeyd in shirkii Kenya lagu soo afmeeray qilafkii dowlada Federal-ka ah oo markale soo ifbaxay hada in kasta oo madaxda dowlada ay afka ka sheeganayaan in ay raali iska yihiin hadana uurka ay ku kala tagsan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Che -Guevara:

^LooooooooooooooooL...I guess you are not fan of Cadde anymore. Kuwaan kii wax kasugaya ka waalin.

War waxani wa cawan, labaduba. It is no secret that they have been installed and are under control - but at least they , even themselves, should have a limit.

After they were abused, insulted and downgraded by their peers and others in the recent Somali summit in Nairobi - one would have assumed that they will as a result get a grip of themselves and embark on a drastic and fundemental changes - they are still on a leash.

Somalida waxay ku maahmaahda hadi aad dhimanayso dhareerka wa la iska dua...or something like that.

Labadani hada wax cimri ah uma dhimana - why ay saan ugu dhaqmayaan, dulliyaal waxiid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Indeed Juje, I have being warning you not to give your support to Cade or waste any energy, awalba faaiida ma aysan soo wadin labadan ninba.

 

Waxaan u maleenayaa vitamiin-A ayaa lagu soo siiyaa Addis Ababa, cudur "A" la dhaho ayaa galay labaduba!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by nuune:

Indeed
Juje
, I have being warning you not to give your support to
Cade
or waste any energy, awalba faaiida ma aysan soo wadin labadan ninba.

 

Waxaan u maleenayaa vitamiin-A ayaa lagu soo siiyaa Addis Ababa, cudur "A" la dhaho ayaa galay labaduba!

Indeed Duuliye I did not heed your warning - however there are strong rumors emerging now stating that Sheikh Sharif is attending that meeting also as a third party.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Madaxda dowladda oo ku sugan Ethiopia

Madaxweynaha KMG ah ee Somalia Cabdulahi Yusuf Ahmed iyo Ra'iisul Wasaaraha Nuur Xasan Xuseen ayaa iminka labaduba waxay joogaan magaalada Addis Ababa ee xaruunta waddanka Ethiopia.Wararka ka imaanaya gobolka ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf ku saabsan qaab dhiskeedka golaha xukuumadda.

Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxa Addis Ababa ayaa sheegaya in labada mas'uul ay is arkeen.

Safiirka Somalia u fadhiya Addis Ababa Saciid Yusuf Nuur oo BBC wareysi siiyay ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay maanta Addis Abab isku arkeen oo ay weliba isku hotel degan yihiin.

Safiirku waxa uu sheegay in labada mas'uul ay martiqaad ka heleen dowladda Ethiopia, isla markaana khilaafka dhexyaala Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha meesha lagu dhameeynayo.

Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa toddobaadkii hore wada joogay kuna wada shiray labo jeer magaaladan London.

QODOBADA WARKA UGU HOREEYA

Ciidamada Britain oo dilay burcad badeed

Madaxda dowladda oo ku sugan Ethiopia

Nuur Cade oo ka hadlay Xukuumadiisa

Xabsiga Garowe oo laga fakaday.

 

Audio

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Dulinimo caado ku noqoto si luuga soo kabsado. TfG was done the way Tigrays starting leveling from grounds of Villa Somalia. Nin taa fiirsade wax kasta waa kasuur toobaan. But symptoms seem deeper not in these men, but the in larger Somali society. Something is off!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqorkooda nool ayee soo siyaaranoyaan. I see nothing new, only shumiska gacantiisa ku kala tartarmoyaan qofkii ugu dhunkasho badan gacantiisa.

 

Su'aal ma xumee, yaa da' weyn iyaga iyo their master Sanaawi? Koley waa ka yaryahay labadoodaba, siiba kaas ilaa iyo '78 lagu shaqeysanaaye. Ceeb, nin kaa yar u jilba jabso. Waa double ceeb iyo yaxyax.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

duliyaalad0.jpg

 

According to latest reports they have been kicked out of Addis and have both arrived in Nairobi on different planes today - are now embarking on skirmishes to buy out the members of the TFG parliament.

The circus has just started, someone should tell this punch of loosers that a third of the country is under control of Al-Shabaab. And soon, very soon indeed, they will loose their enclaves in Mogadishu and Baydhabo.

Duuliyaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this