Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

Seeing A Chance of Unity in The Deployment of Ethiopian Troops!

Recommended Posts

Xalkii Kama Danbeysta Ahaa: Ethiopia Waa Mideyn Kartaa Soomaaliya!

 

Dhibaatada Soomaaliya heysata waa mid aad ugu kooban arimaha gudaha. Qabyaalada iyo qabiilka ayaa ah siyaasad ay qabqablayaasha marwalba uga faa’iideystaan umada Soomaaliyeed, isla markaasna dib u dhac weyn ku keentay bulshada siyaasad ahaan iyo fakar ahaan. Waxaa jahwareer culus ku yimid shacabkii Soomaaliyeed ilaa uu kala garan waayay cadowgiisa dhabta ah iyo kan beenta ah. Waxaa luntay siyaasadii arimaha dibada oo loogu tala galay in ay midnimada bulshada marwalba ilaaliso. Bulsho walba waxay leedahay cadow shisheeye oo ka ilaaliya inay dhexdooda isku soo laabtaan, ama midnimadooda burburto. Hadaba su’aasha aan weeydiinayo dad badan waxay tahay, Ethiopia masoo celin kartaa midnimadii Qaranka Soomaaliyeed?

 

Waxaan u arkaa fursad qaali ah keenista ciidamo shisheeye oo wadankeena cagta soo dhiga, gaar ahaan, ciidamada Ethiopia ama Kenya ka socda. Waxay shacabka siyaasad ahaan u sahli kartaa inay xinka, colaada iyo cadaawada ka dhexeysa u wareejiyaan dhanka Ethiopia. Waxaa arintan lagu gaari karaa iyadoo dagaal dhexmaro qeybo ka tirsan shacabka Soomaaliyeed iyo Ethiopian-ka. Dowlada Ethiopia waa cadow bulshada Soomaaliyeed ay aad u hilmaamtay iskajirideeda, waliba mudadii 14-ka sano ee dagaaladii sokeeye. Waxaa daraasaad iyo baaritaan farabadan kadib la'ogaaday qubarada qiimeeya “iskudhaca bulshada waxyaabaha lagu xaliyo†in iskuxirnaanta iyo midnimada umada ay ku xiran tahay hadba intuu le’eg yahay dareenka bulshada ee ku aadan qatarta kaga imaan karta cadowgeeda shisheeye. Baqdinta shacabka ee cadowga shisheeye waxay keentaa dareen aad u mideysan oo u suurta galiya in waxyaabo madan laga midoobo.

 

Hadaba shacabka Soomaaliyeed maanta wuxuu u baahan yahay cid dibada weerar kaga soo qaada si ay u helaan midnimo oo ah shayga kaliyah ee ka maqan siyaasadooda Qarannimo. Hadaad eegtid xiliyadii dagaalada Sokeeye, waxaad aad u dareemi kartaa inay aad u hooseysay dareenka ah in Soomaaliya ay cadow shisheeye leedahay iyo in kale. Waxaa taas ugu wacan waa jahwareerka laga dhaxlay qabyaalada. Qabyaaladu waxay afduub ku sameysay cadaawadii loogu talagalay in loo jiheeye dhanka dibada.

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf inkastoo uu qalad siyaasadeed sameeyay, isagoo niyada ku haya in wadanka ay Ethiopia u qabato, hadana waxa nasiib wanaag ah in qaladkaas si fiican looga faa’iideysan karo hadii la keeno asbaabo dhalin kara dagaal dhexmara guud ahaan shacabka iyo Ethiopia ama Kenya. Muhiimadu waxay tahay in lasoo celiyo midnimadii shacabka si qaranimo loo gaaro. Waxaa laga yaabaa dad badan inay is yiraahdaan qoraaga maxaa ka qaldan oo uu dagaal kale inoogu saadinayaa. Dabcan markii loo laabto culuumta bulshada, gaar ahaan arimaha quseeya midnimada, waxaa aad usoo laalaabta ahmiyada gaarka ah ee uu leeyahay in cadow shisheeye la helo. Laakiin aan is weydiino marka hore shacabka Soomaaliyeed cadow ma leeyahay?

 

Taariikhda casriga iyo midii horeba waxaa ku cad in Soomaaliya cadowgeeda kowaad uu yahay laba wadan ee dhulka iyo dadka inaga heysta. Aqoon yahano iyo waxgarad Soomaaliyeed ayaa aad u xanuujineysa faragalinta joogtada ah ay dowlada Ethiopia iyo Kenya ku heyso shacabka Soomaaliyeed. Hub iyo taageero kala duwan ayaa arxan-laawayaasha ku caan baxay xasuuqa ummada uga furan dalka Ethiopia. Ujeedada ay marwalba leeyihiin waa marqaati madoonto: kalaqeybinta Soomaalida iyo hurinta cadaawada qabiil ee dhextaala. Hadii ay Ethiopia iyo Kenya xal u arkeen in aan dhexdeena is gumaadno, anagana waxaa waajib nagu ah inaan xal u aragno la dagaalanka Ethiopia iyo Kenya si aan u helno midnimo iyo isku duubni.

 

Siyaasiyiinta aalaaba waxay bulshada ay madaxda u yihiin ku cabsigaliyaan jiritaanka cadow, iyadoo qasadku yahay xoojinta midnimada iyo sidii ay iskugu soo dhawaan lahaayeen. Laakiin suuragal maahan inuu yahay cadowgaas mid dhab ah, sababtoo ah waxaa dhici karta wadankaas inuusan laheyn daris ama wax xuduud la wadaaga. Waxaa la ogaaday in cadowga dhabta ah iyo kan qiyaaliga ahiba ay isku si ugu adeegi karaan ilaalinta midnimada bulshada. Hadaba shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay isku si u dareemaan qatarta kaga imaan karta ciidamadaas shisheeye ee kusoo wajahan Soomaaliya. Lagama maarnaan waxaa ah in cadow shisheeye la helo si loo helo iskuduubni dhexmarta Soomaaliya, laakiin muhiim maahan in natiijo laga gaaro colaada loo qabo Ethiopia iyo Kenya, waa inay ahaataa qadiyad looga taxadarayo inaan dhexdeena isku soo laabano, (valve safety).

 

Dhacdooyinka siyaasadaha waxay leeyihiin inta badan arimo ka weeciya ujeedooyinkii loogu tala galay inay gaaraan. Siyaasada Ethiopia kuma jirto tuhun ama shaki ay ka qabto midnimo soomaaliyeed oo dib u soo laabata. Waxaa taas laga dhadhansan karaa qaabka ay Ethiopia iyo Kenya ula dhaqmaan Soomaalida. Inta ay taas jirto waxaan aaminsanahay in laba arimoodba guul weyn laga gaari karo, (1) waa marka horee in la isku dayo helitaanka midnimo wadada u xaarta kalsoonidii lagu yaqiinay Soomaaliya, iyadoo la tixgalinayo ol’ole balaaran oo saxaafada iyo siyaasiyiinta daacada ahi ku wacyi galinayaan shacabka, (2) in mudada dagaalka iyo kadiba la joogteeyo sidii looga hortagi lahaa wax walba oo soo celin kara siyaasadii qalafsaneyd ee qabyaalada iyo qabiilka.

 

Hadaba Madaxweyne C/laahi Yuusuf haduu keeno Ethiopian waa suuragal in midnimo la helo, hadii uusan keenina waxaa laga yaabaa in xalna uu yimaado iyo heshiisiin beelaha Soomaaliyeed, ama ay dowladaas burburto oo qabyaaladii iyo qabiilkii uu hoos inoo celiyo. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay u baahan tahay in cadaawada dhexdeeda ka taagan loo jiheeyo meesha ay ku haboon tahay oo ah wadamada afuufayo colaada qabiilka iyo qabqablayaasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

May be this time they can find unity because it is Amxaaro coming, but back in the days when the US troops were the ones being fought against, there was no Unity and some somalis had the American flag flying on their houses.

 

Soomalida isku halleyn ma leh oo waa dad isu calool adag dhexdooda cadowgoodana u nugul saxib. I naturally don't trust anyone and Somalis are at the bottom of my list. You could see some warlord after taking a bribe saying ethiopian troops are Okey to be here. Soo arag lee adiga maal maha soo socda.

 

Kolley wax rabsho kiciyo la weyn maayo, the ragtags who put the boots in American behinds are still there. Unless they listen to their respective warlords who change their minds after some secret handshaking, Amxaaro has slim chance to be there. Already some foreign voices has spoken against careless missions to Xamar. As usual, sida suuqa la wareejiyo, bahal galeen waaye magaalada, marka laguma dhiirran karo lol. At least such aura given to the city and the alleged notoriety of its inhabitans serve a good purpose this time. Ninkii U Qeyla dhaaminaaya Amxaaro ha u qeyla dhaansado, mahaa loo fadhaa miney kusoo dhiirrahaayaan lol. I will be very disappointed if Amxaaro somehow finds its way there. What a tragedy! Somali nasabadii waa ka tagtey markaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku soo fool leh gudaha Soomaaliya & ciidamadda milateriga oo sheegay in ay ka hortegayaan

 

Muqdisho

 

 

Warar aanu ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in 3000 oo ka mid ah ciidamadda Itoobiya in ay ku soo fool leeyihiin gudaha Soomaaliya, waxaana la sheegay ciidamadaasi in ay qeyb ka noqonayaan ciidamadda dalalka IGAD ee la sheegay in ay Soomaaliya ka sameynayaan howlgalo lagu sugayo ammaanka, isla markaana lagu uruurinayo hubka.

 

Ciidamadii horee xoogga dalka kuwooda Muqdisho ku sugan oo shalay shir ku yeeshay Ex. Xaruntii XHKS ayaa afhayeen u hadlay wuxuu sheegay in ay ka hortegi doonaan wax uu afhayeenku ku sheegay faragelinta ciidamadda Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, isagoo xusay in faragelintaasi ay bilow u tahay gumeysi cusub oo la doonayo in Soomaaliya la geliyo.

 

Ciidamadda milaterigu waxey sheegeen in ay kaalintoodii qaadanayaan, ayna difaacayaan dalkooda.

 

Sidoo kale, ciidamadii ku naafoobay dagaaladii dhexmaray Itoobiya & Soomaaliya 1977, kuna xareysan isbitaalka Mertiini ee degmada X/weyne ayaa sheegay in ay ka horimaanayaan ciidamadda Itoobiya haddii ay gudaha Soomaaliya u soo galaan.

 

“Waxaan u sheegeynaa dowladda Itoobiya haddii ay ciidamadeeda soo geliso gudaha dalka in ay qaraxyo is-miidaanmin ah la beegsan doonaan†ayuu yiri afhayeenka ciidamadda naafadafa ee ku xareysan Mertiina Cabdi Mahad.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

Qaraxyo is-miidaanmin = Suicide Bombers

Share this post


Link to post
Share on other sites

anagana waxaa waajib nagu ah inaan xal u aragno la dagaalanka Ethiopia iyo Kenya si aan u helno midnimo iyo isku duubni

Is this a desperate stun by Duke's camp? lol :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

I cant help myself but to say something about this thread or topic,,,,

 

ARAGTIDAYDA:

 

Runtii aniga waxaan arintaan u arkaa inay tahay arin aan ina qabankarin haddii aynu nahay Somali. Ethopia iyo dhulkeenii HOOYO, run ahaantii waxaa la oran karaa waa disaster in the making haddii ay yimaadaan Ciidamo Ethopian ah dalka.

 

Si haddii loo eego Ethopia waxa ay raadinaysay amaba ay u dabaaldagaysay intaa oo sano waxay ahayd in ay Somaliya ku hesho fursad isla markaana ay ka faa'iidaysato ciilkii iyo xumaantii ay u qabtayna ay markaa ka gudato ummadda Soomaaliyeed.

 

Waxaa la oran karaa ragii ka dambeeyay arintaan inay yihiin rag ka shaqaynaya dhibaatada ummadda Soomaaliyeed isla markaana ay yihiin rag calooshood u shaqaystayaal ah rabana inay dhibaato hor leh abuuraan, balse ay tahay in lagu diido arintan in any way we can.

 

Ragaan markoodii horeba ahaan ragii dalka iyo dadkaba dhibaatadan u soo hoyay haddana doonaya inay dhibaato hor leh soo hoyaal (by inviting Ehtopia into the country) inaysan dad iyo dalba dan ka lahayn. Waa in laga hortagaa si buuxdana looga hor yimaadaa arintan ay soo cooked up gareeyeen raga isku sheegaya inay yihiin madaxdii dalka.

 

Aniga gabi ahaanba waan ka soo hor jeedaa arintaan iyada ah waxayna ila tahay dhibaata cusub oo hadda dhalanaysa una baahan ummadda Soomaaliyeed inteeda wax garadka ah ay wax ka yiraahdaan kuwii awoodi u lehna ay awood ahaan ku diidaan arintan ah keenidda ciidamo Ethopian dalka.

 

Nomads Sidee u aragtaan arintan,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

wiilo, fikraddaada waan kula waafaqsanahay. dadku waa in ay marka hore fahmaan in ciidamo itoobiyaan dhul soomaaliyeed jooga ay la mid tahay maleeshiyo qabiil hebel jooga dhul qabiil kale. laakiin somalia is in an extraordinary situation and thats why it takes extraordinary measures.

 

its planned that the ethiopian troops (oromo, somali, tigray, amhara, afar, gambella etc) long with eventual other nations will be deployed in primarily our capital city muqdisho and also key points in the rest of the south, like baydhabo, beledweyn, kismaayo, marka, baraawe etc. their mission is to defend maxamed cali geedi's government, protect government institutions, key infrastructure, disarm the ragtag clan militias and train the new national defense forces of the somali federal republic.

 

runtii if you look at this fact, its not that bad really. one thing is for sure, those that scream our ears off of itoobiyaan ayaa noo gumeysanaaya are either acting silly or have a secret agenda, a darker agenda. they contradict themselves by saying one time that they are against amxaar and the next time they say they dont want any foreign troops what so ever. pretty weird innit? do they actually expect that the president and prime minister are so dumb to trust the very same gangsters that robbed and maimed our country blind. its clear for all to see that they reject foreign troops, because foreign troops means showtime for the warlords! real change and not just another controversial faction to spice up somali politics discussions. they betray themselves with the lies, muqdisho is safe! but the atrocities we hear almost every day says otherwise.

 

i for one am against ethiopian troops, the xabasha or rawmeat eaters are our sworn enemies. we can do business but we are not friends. also ethiopian troops only angers ummadda soomaaliyeed, while ironically the government is for these same people, they tend to forget to listen to their own people. i hope there are alternatives, but im afraid there is non. no kenyati, lets not talk about djibouti -muqdisho alone is 2 times larger than djibouti state lol- no other africans, excet maybe ugaandees and certainly no arabs, taas iska iloow. as much we would like it, let face reality, the international community is allready reluctant to send any troops, so basically theyre saying we should be satisied with whatever comes our way.

 

so in that case, ill say bring it on!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thank you guys for responding to this horrific plan to invading our country. I believe we can bring out good results out of this vicious attempts by the Ethiopians. Let them first settle their foots in Mogadishu, and then we can see the reaction of Somalis. those whou kicked out the Americans are still there, only Aideed is dead.

 

We need a war that can unite us. A war that will bring the unity among the somalis and create an environment of peace for all somalis. This is possible if you look at the situation of many countries, when an outside enemy arrives, the competing forces in our house should unite, so as to confront the enemy. That should be the aim for this upcoming war.

 

Here I have an informative article by the Hobyonet.com, check out please:

 

ETHIOPIA INTEREST IN SOMALIA EXPOSED

 

February 13, 2005

 

The O-g-a-d-e-n basin is the area of Ethiopia's largest condensed gas deposit, namely the Caluba and Hilala gas fields.

 

Caluba gas field is located in the region some 24-Km west of Shilabo town. According to various world energy reports, Caluba stores over 76 billion cubic meter natural gas and related non-renewable minerals, that can be exploited for both local and international markets. Shilabo town is about 330 kms distance from the port town of Hobyo – South Mudug.

 

Presently, Hunt Oil an international Oil Company has concession for petroleum exploration in Ethiopia, although an increasing number of countries are involved in the exploration and survey of petroleum prospects. Also in the ****** Basin, Hunt Oil Company acquired the rights to the Genale River concession, which borders Somalia and Kenya

 

The Caluba Natural Gas Project, a joint public-private enterprise for which financing has been approved for $130.8 million in which $74.3 million comes form the International Development Association (IDA), with co-financing from African Development Bank ($27 million) and the Netherlands ($4 million).

http://www.seen.org/db/Dispatch?action-ProjectWidget:28-detail=1

 

The revenues form the Gas project will be controlled by the Ethiopian government with no benefits foreseen for the social development of the people of O-g-a-d-e-n. It is well documented that the Ethiopian government has not invested in providing major public services (hospitals, schools and university) in the O-g-a-d-e-n region. People in this region don’t even have access to acquire licenses for commerce.

 

The main problem faced by Ethiopia in realizing the commercialization of this project is to find the most viable route to construct a pipeline toward several seaports for export purposes. Ethiopia’s intention to deploy troops to our country is to seize control of the port towns of Somalia, the closest to the gas field being Hobyo. This is also one of the reasons why the Ethiopian-backed Salebaan clan from Cadaado land-locked region of Galgaduud were fighting to take control of Hobyo port, one of the oldest ports in East Africa. The port is now in the hands of Sa’ad clan the natives of the town.

 

The military and arm supply relationship between Mr. Yusuf, Ethiopia and Yemen is connected to the Hunt Oil’s common interest in the 3 countries. Hunt Oil’s has currently acquired rights to explore the Marib Al Jawf gas fields in Yemen.

 

The Hunt Oil Co. is one of the most influential companies in the US. Mr. Ray Lee Hunt, the owner of this company has an estimated net worth of $2.3 billion and he ranked No. 92 on the 2004 “Forbes 400 Richest Americans†list. H recently made contribution to Bush’s campaign and he served as his Foreign Intelligence Advisory Board in 2001. Mr. Hunt also serves as board member of Halliburton, the world's largest providers of products and services to the entire oil and gas industries. Moreover, on November 2003, President Bush nominated Hunt Oil Co. executive Jim Oberwetter as ambassador to Saudi Arabia.

http://www.saudi-american-forum.org/Newsletters/SAF_Item_Of_Interest_2003_11_18.htm

 

It is evident that a US intelligence team will back Ethiopian troops when they invade Somalia in order to ensure the planned works of the Caluba oil pipeline project toward Somali ports.

 

The interest of Ethiopia is purely economic and has nothing to do with IGAD’s so-called plan to disarm the militia. The fight for the control of energy sources is the heart of the present war against Islamic people. It is up to the Somali people to negotiate contracts and seek profit sharing from the Ethiopia’s gas export revenues instead of being occupied and assimilated into the greater (Ethiopian) neo-colonialization policies.

 

Donnasomala@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Sky.African, Welcome to the party, You did nothing but contradict your first sentence in your entire post and yet you accuse some of contradiction :D You forgot to review before you posted may be I think lol.

 

 

Besides, the mistrust goes both ways. It is not only Abdullahi and his government that mistrust others, but others mistrust him/them too. I think you might know that the people of Xamar in their majority don't see this government as a geedi government. It is customary that Somalis see things differently and according to tribal lines. It is that simple. This is part of why they(warlords, business people who fear government, common folks who are loyal to their tribes) don't want any troops who can change the power equation in case they decide to render this government useless. And that is putting aside the Amxaaro issue. This is a fight(the troops) that if Abdullahi wins he won for LOSING, and if he loses, he just lost as hoped for the way I see it.

 

Anyway, different groups of people can share a passionate hate for a common party they both disdain, in this case, with consideration of history, Amxaaro are not a welcome party. It makes no difference if they are part of a larger group or not. They are still Amxaaro. Somalis who hate them are blind to the other ethnic make-up in the ethiopian army you mentioned. They don't take it lightly as you do. They don't care who is who in an army representative of Amxaaro/ethiopian.

 

 

The problem is Mistrust, and Foreign troops represent a disenfranchisement to some. Along the confusion, many other Somalis share the disdain for the Amxaro troops going there or to any somali town, hence their support.

 

 

P.S. Those who are calling for and are in supportive of these troops coming, are of two groups, and I mean in SOL, group One: Honest loyal tribalists who want to see Abdullahi survive, Group Two: dishonest loyal tribalists who take others for fools. There is the third group: Their description can be found in the top part of my post. They are afraid to be undermined in case they want to revolt. And in between these opposing groups, we have Honest passionate Somalis who are true to their Somalinimo and Islanimo and don't like Amxaaro for the long standing aggression of Ethiopia towards Somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
OG_Girl   

Xoogsade,You are forgetting a 3rd group here!

 

This group are those who are against Ethiopians but not cause of Somalinimo but pure envy of A/Y since they wanted Ethiopia for themselves only. The best example of these groups here in SOL are Qurac, Gediid, Sultaanka, etc. :D:D

 

Salam :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogsade,

 

Saaxiib only the views of the real somalis are counted now. The Ethiopian supporters among us are like the colonial supporters who used to insist the continuation of the colonizations. So, I think its wise to ignore the ignorance they are trying to spread. Let's focus our efforts to maintain a good sense of Somalinimo where we defend our national integrity by all costs. I am here to speak in defense of my future somali generations. Ethiopians are the jewish in East Africa, once they occupy our homeland, it will be so difficult to cast them away. They occupied O-g-a-d-e-n and yet thinking about expanding and expanding into the mainland Somalia. Since the independance, our past two generations were resting under the victories shades of our heroic predecessors who strived to bring about today's Somalia. Now its us whether to pass that freedom to the next generations or render them to the stinking and AIDS-infected Ethiopians.

 

The struggle is On, saaxiib...........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogsade, I think I'm a fan of your political assessments and analysis. smile.gif

 

Xoogsade,You are forgetting a 3rd group here!

 

This group are those who are against Ethiopians but not cause of Somalinimo but pure envy of A/Y since they wanted Ethiopia for themselves only. The best example of these groups here in SOL are Qurac, Gediid, Sultaanka, etc.
:D:D

1st of all, there is hardly anything to envy. 2ndly, slurring Somaliland and these gentlemen constantly, is uncalled for. I dont think you're in a position to do so MISS OG.

 

Every topic in the politics section is marred by snide remarks and people trying to get back at each other. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Hey OG, Did you wed yet? If you get a Son, name him "Xoogsade".

 

Alla-U-Baahne.

 

Waa runtaa bro. Sorry if my post was a diversion. I personally don't like ethiopians.

 

 

Guardian-n-protector.

 

Politics aren't your thing ee meesha ka carar :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by OG_Girl:

I love when I get some nerves.
icon_razz.gif

Is that your aim here? :rolleyes:

 

I would really like it if all the qabilists, the ones with hidden agenda's and the nuisance ones disappeared. That way, I can actually read facts and strong opinions supported by facts.

 

p.s. Thanks for the welcome.

 

X. True. Specially Somali politics. Maybe thats why I read about the politics of other countries and hardly ever Somalia/land (unless Dad insists on informing me). Laakin, if I were to partiticipate here, I'm sure, I would be develop some sort of blood pressure. Lets just say that I've connections in high places. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
OG_Girl   

^^ Xoogsade, you got it, I will name him after you ;)

 

GnP... yeah that is my aim dear. and I am glad that I made you moan icon_razz.gif

 

 

You most welcome!

 

Salam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this